Home » Warar »

Salaam Puntland Bank Oo Soo Bandhigay Adeeg loogu Magac Daray Kaaftoon

Salaam Puntland Bank ayaa maanta oo bishu tahay 30/7/2011. ku soo bandhigay magaalo madaxda ganacsiga ee puntland Adeeg cusub oo loogu magac-daray (KAAFTOON) oo isku xiri doona salaam puntland bank iyo adeegga SAHAL SERVICE oo ah adeeg  ka mid ah adeegyada shirkadda Golis Telecom Somalia ay ku soo kordhisay deegaamada puntland taarikhdu markay ahayd 07/11/2009.

Xafladii daah-furka adeegaas cusub oo lagu qabtey hotelka caanka ah ee JUBA ayaa waxaa ka soo qayb galay ganacsato,siyaasiyiin,aqoonyahanno,culimo, iyo odayaal dhaqameed fara badan.

Madashaas lagu soo bandhigay adeegga KAAFTOON ayaa waxaa ka hadlay  maareeyaha salaam puntland bank mudane/maxamed xaashi jaamac. Xaashi ayaa soo dhaweeyay ka soo qayb galayaasha asagoo sheegey in uu ku faraxsanyahay in salaam puntland bank uu maanta soo kordhiyo adeegga KAAFTOON oo ah adeeg faa’iidooyinkaan soo socda leh:

1)    Waa adeeg aad uga  kaaftoomeeyso inaad bankiga timaado adoo doonaya inaad lacag dhigato,ama ka qaadato.

2)    Kaaftoon waa adeeg aad isticmaali kartid xiligada aan bangugu furnayn sida: jimcayaasha,ciidaha,duhurkii, iyo habeenkii.

3)    Kaaftoon waxaad ku isticmaali kartaa meelkasta oo ay gaarto anteenada shirkadda Golis.

4)    Kaaftoon wuxuu ganacsatadu u sahlayaa xisaab xiridda maalinkasta; waayo ganacsaduhu wixii maalinta oo dhan uu ku aruurinaayey sahalka ayuu marka uu shaqada dhameeyo hal mar ku shubayaa acoun-kiisa salaam .

Halkan kadaawo sawiradii oo dhaaystiran

Waxaa sidoo kale asagana goobta ka hadlay mid ka mid ah ganacsatada ka hawl gasha puntland  mudane/ maxamed faarax Bile. Oo muujiyey in uu adeegaan faa’iido farabadan u leeyahay ganacsiga oo uu ka caawinaayo ganacsadaha in si hawl yar uu had iyo jeer ugu shubi karo oo uu kala soo bixi karo account-kiisa lacagaha.

Sidoo kale waxaa asagana goobtaas ka hadlay cumar ciise maxamed (faaruuq) Hogaanka Ganacsiga ee shirkadda Golis Telecom Somalia.

 Cumar faaruuq ayaa sheegay in adeegga KAAFTOON uu yahay mid aad muhiim u ah oo uu ku soo beegmay waqti bulshadu aad ugu baahantahay adeegsiga KAAFTOON .

Wuxuu sidoo kale ka hadlay in adeegga KAAFTOON loo adeegsan karo mushahar –ku- bixinta shaqaalaha shirkadaha,iyo sidoo kale adeegga oo ah mid had iyo jeer  meeshad rabtid ka joog puntland uu kuu fududeenaayo la socoshada xisaabtaada iyo wax kala bixidda Accoun-yada.

Sidoo kale waxaa kalmado la mid ah ka soo jeediyey madashaa lagu soo bandhigay adeegga KAAFTOON mudanayaal  ay ka mid yihiin: siyaasi Cali Cabdi Awaare,sh.Daahir Aw Cabdi,Dr.Axmed xaaji Cabdirixmaan,Ugaas xasan Ugaas Yaasiin.

salaam puntland bank waa bangigii ugu horeeyey ee noociisa oo kala ah oo laga furo deegaanada puntland.bangigaas ayaa wuxuu yahay bank ku dhaqma dhaqaalaha waafaqsan aragtida islaamka. Xarunta dhaxe ee salaam puntland bank waxay ku taal magaalada Bosaaso.

Xigasho:

Xafiiska Xiriirka Dadweeynaha Ee shirkadda Golis Telecom Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.