Home » Warar »

Fanaanad oydey markey tagtay xeryaha muqdisho lana hadashay caalamka

Fanaanad caan ah oo lagu magacaabo Mama Soul dhalashadeeduna tahay Mareykan ayaa maanta booqasho ku timid magaalada Muqdisho waxayna kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali iyadoo sidoo kalena booqatay xero qaxooti oo ku taala gudaha magaalada Muqdisho.

Fanaanadan ayaa horay u soo martay xerooyinka qaxootiga dalka Kenya sida Dhadhaab waxayna sidoo kale rajeyneysaa inay marto kuwa ku yaala dalka Itoobiya ee ay ku jiraan kumanaanka kun ee Soomaalida ah ee ka cararay gobolo ka tirsan dalka oo ay ka dilaaceen gaajo iyo macluul aad u daran.

Fanaanadan ayaa markii ay maanta booqatay xero qaxooti oo ku taala magaalada Muqdisho waxay indhaheeda ku aragtay xaaladda adag ee ay ku noolyihiin barakacayaasha Soomaaliyeed waxayna iyada oo ilmeyneysa baaq u jeedisay caalamka, gaar ahaana dowladda Mareykanka iyo Q/midoobay iyadoo tiri “Maxaad indhaha uga daawaneysaan shacabka Soomaaliyeed, waa inaad gargaar la soo gaartaan”.

Fanaanadu waxay sheegtay in muuqaalada laga daawado TV-yada caalamka iyo nolosha dhabta ah ee ka jirta xeryaha barakacayaasha Soomaaliya ay aad u kala duwan tahay “Waxaad noloshada dhabta ah ogaan kartaan marka aad timaadaan Soomaaliya oo aad aragtaan dhibaatada ka muuqata shacabka, maalin kasta gaajo iyo oon ayay u dhintaan caruur aad u yar yar iyo weliba hooyooyin” ayay mar kale tiri Mama Soul intii ay booqaneysay xeradan qaxootiga.

Halkan kadaawo sawiro dheeraad ah

“Waxaa la joogaa waqtigii aanu toosi laheyn oo dadka Mareykanka iyo dowladduba ay hormuud ka noqon lahaayeen taakuleynta dadkan Soomaaliyeed ee dhibaatadu ku habsatay”.

Arrintan ayaa laga yaabaa inay soo jiidato indhaha caalamka iyo maadaama ay dalalka Yurub iyo Mareykanku aad u qiimeeyan baaqyada dadka fanaaniinta ah.


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.