Home » Faallo »

MAANSO: U hubsada wadaaddow

W.T Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)

07/01/2011

Dhammaan waxan salaamaynaa shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan. Waxan halka idiin ku soo gudbinaynaa maanso la magac baxday U hubsada wadaaddow oo uu tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine), maansadan oo waano ah ku socota wadaaddada dagaallada ka wada geyiga Soomaaliya.

Afeef: Maansadan cid goonniya oo lagu aflagaadeeyey ma jirto, waxay si hufan uga hadlaysaa wadcyiga dalkeennu ku sugan yahay. Maansadu waa nasteexayn iyada ayaa is fasiraysa, akhris wanaagsan.

Wuxu yiri:

  1. U hubsada wadaaddoow
  2. Inta aan halaag dhicin
  3. Dadweynaha hanuunshoo
  4. Tawxiidka hodanka ah
  5. Ku hagaaja khayrkoo
  6. Idinkoo u hawl galay
  7. Himilada u daaddega
  8. Heeryada gumaystaha
  9. Hinjin maayo qoriguye
  10. Haasaase gobannimo
  11. Jihaad waxad ku hanataa
  12. Kolka ay habboontee
  13. U hubsada waddaadoow
  14. Inta aan halaag dhicin
  15. Hayalkiyo maslaxaddiyo
  16. Hilow iyo walaalnimo
  17. Ma huraan dadkeeniyo
  18. Soomaali waa hayb
  19. Waa hilib ku wada yaal
  20. Lafta dhabarka haysee
  21. U hubsada wadaaddoow
  22. Inta aan halaag dhicin
  23. Culumada horseedka ah
  24. Haaraanka lagu falay
  25. Hadimada qarsoon iyo
  26. Hebelkaasi waa gaal
  27. Murtad weeye halis wada
  28. Hal karaanle maahee
  29. U hubsada wadaaddoow
  30. Inta aan halaag dhicin
  31. Heemaalka calankiyo
  32. Hillaaciisa midabkiyo
  33. Xiddigtaa ku hoos taal
  34. Waa haybaddeennee
  35. Geesiyaa huqdoodiyo
  36. Haniyaha bar loo jaray
  37. Axmed Guray u hoyayoo
  38. Sayid Maxamed kama harin
  39. Xalanaa ku haan togay
  40. Faarax baa hog ugu dhacay
  41. Kumanbow naf hurayoo
  42. Halgan weyn u soo galay
  43. Abwaannow hibeeyoo
  44. Maanso ugu hadaaqoo
  45. Kanna siib kan hoo saar
  46. Murti hodana uga tegey
  47. Aniguna higgaad gabay
  48. Ha’da kuma bakhaylee
  49. U hubsada wadaaddoow
  50. Inta aan halaag dhicin
  51. Hungadii qabiilkiyo
  52. Colaaddii hulaaqdee
  53. Ku hab tiri dalkeennaa
  54. Wuxu haad halyey cunay
  55. Maatada la heeree
  56. Hambo aan la reebayn
  57. Hoog kaloo kasii daran
  58. Mad-hab lagu huf beeliyo
  59. Islaam loogu habar waco
  60. Daafad uma heleynee
  61. U hubsada wadaaddoow
  62. Inta aan halaag dhicin
  63. Hoolifle Afrikaaniyo
  64. Haanraawe dhidar iyo
  65. Cadow kuu hamuun qaba
  66. Hoygeenna waxa tuban
  67. Waxa gaal harjadayee
  68. U harraadan dhiigoo
  69. Raqda soo hawaawiray
  70. Hiyigiisu dumi yahay
  71. Quwad lagu horjoogsado
  72. Soomaali uma harin
  73. Hor ilaahna taa ogin
  74. U hubsada wadaaddoow
  75. Inta aan halaag dhicin
  76. Hana qaadka diintiyo
  77. Hammigii Rasuulkii (CSW)
  78. Halkankii illaa SHAAM
  79. MASAR lagu hareer maray
  80. TURKI lagu haleeloo
  81. Andaluus hoyaatimay
  82. Hilin loo yagleeliyo
  83. Caqli lagu hagaa jiray
  84. Rag helaad leh baa waday
  85. Hoobaaqda qaarkeed
  86. Nafta oo la halakayn
  87. Hindisaha kumay jirin
  88. U hubsada wadaaddoow
  89. Inta halaag dhicin.

W.T Maxamuud Axmed Cabdalla (shiine)
Email: mabdalle@gmail.com

Bogga Maansadii Doodwanaag
http://www.somalitalk.com/maanso/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.