Home » Announcements »

Tacsi: Dr. Maxamuud Maxamed Yaxye

Innaa Lillaahi wa Innaa Ilayhi Raajicuum.

Waxaa taariikhda Miilaaddiga ahi markay ahayd 23/6//2011 magaalada Addis Ababa ay tuugo hubaysani ku dishay Dr. Maxamuud Maxamed Yaxye oo ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo reer Puntland ah isla markaasna haystay jinsiyadda dalka Maraykanka.

Taariikh-nololeedkii Dr. Yaxye oo koobani waa tan:

Marxuumku wuxuu dhashay bishii Disembar 1944-kii wuxuuna ahaa xisaabiye Idman oo xubin ka ah Golaha xisaabiyeyaasha Gobolka Colorado ee dalka Maraykanka. Dr. Yaxye wuxuu wax ka soo bartay kana soo qalin jebiyay Jaamacadaha soo socda:

· Jaamacadda (California University, Los Angeles) oo uu 1984-kii ka qaatay shahaadada ugu sarraysa waxbarashada jaamacadeed ee PhD (dhinaca waxbaridda)- in Education);

· Jaamacadda (U.C.L.A.) oo uu1982-kii ka qaatay shahaadada jaamacadeed ee heerka 2-aad (Master of Business Administration);

· Jaamacadda dalka Masar (Zagazig University, Egypt) oo uu 1968-kii ka

qaatay shahaadada Jaamacadeed ee heerka 1-aad ee dhinaca ganacsiga (Bachelor of Commerce).

Dr. Yaxye wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay dalkiisa hooyo ee Soomaaliya, waxaana xilalkaas ka mid ahaa:

1) Ku-Xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho (Mogadishu Deputy Vice Mayor), isagoo qaabilsanaa dhinaca Maaliyadda ;

2) Bare Sare maaddada Maarayntaa iyo Maamulka ka dhigi jiray Machadka Horumarinta Maaraynta iyo Maamulka (SIDAM);

3) Agaasimaha Maaliyadda ee Wakaaladdii Horumarinta Biyaha;

4) Xisaabiyaha Guud ee Warshadda Dharka ee Balcad (Somaltex Textile Factory).

5) Hawlwadeen Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Golaha Sare ee Kacaanka.

Dr. Yaxye wuxuu 1985-2007 ka mid ahaa shaqaalaha Bankiga Horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank) oo fadhigiisu yahay Jeddah, dalka Sacuudiga. Markii uu shaqada Bankigaas ka fariistay, wuxuu 2008-dii si toos ah ugu soo biiray Machadka Siyaasadda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada ee Geeska Afrika (Horn Economic and Social Policy Institute, HESPI) isagoo waqtigan xaadirka ka ahaa xeeldheere Sare (senior associate) iyo Agaasimaha Maaliyadda.

Ilaah ha u naxariistee marxuumku wuxuu Ifka kaga tegey 6 carruur ah i yo hooyadood iyo tiro badan oo walaalo ah, wiilal iyo gabdhoba

Haddaba, annagoo ah ikhyaarta hoos ku qoran aadna uga tiiraanyaysan geerida marxuum Dr. M.M. Yaxye waxaan tacsi u diraynaa qoyskii, eheladii , saaxiibbadii iyo Soomaaliweyn oo dhan annagoo Ilaah uga baryayna inuu ina ka wada siiyo samir iyo iimaan marxuumkana u dembi dhaafo, Jannatil-Firdowsana ka waraabiyo. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

1. Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) iyo xaasaskiisa

2. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale iyo xaaskiisa

3. Cismaan Cawad.Cali iyo xaaskiisa

4. Dr. Cali Ciise Cabdi iyo xaaskiisa

5. Maxamed Buraale Faarax iyo xaaskiisa

6. Cali Cabdulqaadir Faarax iyo xaaskiisa

7. Maxamed Saciid Cumar (Gurey) iyo xaaskiisa

8. Ambassador Peter Rooble iyo xaaskiisa

9. Cabdishakuur Axmed Guuleed iyo xaaskiisa

10. Maxamed Xaaji Cabdullaahi Abusite iyo xaaskiisa

11. Xaliima Nuur Cabdi iyo xaaskeeda

12. Dhammaan Xubnaha Golaha Maamulka Sare ee HESPI

13. Dhammaan Xeeldheerayaasha Sare ee HESPI

14. Dhammaan Shaqaalaha HESPI.

Waxaa soo tebiyey
Maxamed Faarax
maxamedf1 AT yahoo. DOT com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.