Home » Warar »

Machadkii SIMAD oo isu bedelay Jaamacad loona Bixiyey SIMAD UNIVERSITY

Machadka SIMAD oo muddo 11 sano ah u shaqeynayey Machad ahaan ayaa maanta oo bishu tahay 23-ka June 2011 loo bedelay Jaamacad, waxaana munaasabad arrintaasi lagu qabtey Hotelka SAXAFI ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay xubno ka socday Jaamacadaha Muqdisho, Dalladdaha Waxbarashada, Hay’adaha Samafalka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo ardeyda waX ka barata SIMAD .

Halkan ka daawo sawirada

Waxaa ugu horeyn xafladdaasi ka hadlay C/Sitaar oo ka mid ah Macallimiinta SIMAD ayaa wuxuu sheegay in mudadii 11-ka sano ahayd ee uu machadku dhisnaa ay ka qalin jabiyeen arday kor u dhaafeysa 3 kun, kuwaas oo uu sheegay in ay ka shaqeeyaan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, wuxuu sheegay in Machadku isku bedelo jaamacad in ay keentay markii la ogaaday baahida dadka Soomaaliyeed u qabaan waxbrashada,Sare isagoo sheegay in Machadka wixii haatan ka dambeeya loo aqoonsan doono Jaamacad laguna baran doono Taqsusyada kala duwan ee jaamacadaha kale lagu barto.

Xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/kariin Xuseen Guuleed oo ah Agaasimaha African Muslim Agency, wuxuuna u mahadceliyey intii isku hawshay in Machadka SIMAD loo bedelo Jaamacad, wuxuuna xusay in hay’adda uu madaxda ka yahay ay qayb weyn ku lahayd aasaaskii Machadka SIMAD isagoo ugu baaqay mas’uuliyiinta jaamacadda in ay sii labalaabaan hawlaha dhinaca waxbrashada maadaama ay mas’uuliyad weyn u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah ardaydii ka qalinjabisay Machaddaasi oo iyana xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Machadka SIMAD uu u guuro heer Jaamacadeed, waxayna sheegeen in ay kala qayb qaadan doonaan dhinaca waxbarashada sidii loo dardargelin lahaa, waxaa kale oo ka hadlay dalladaha waxbarashada oo dhamaantood sheegay in ay soo dhaweynayaan in Machadka SIMAD uu maanta isku bedelo heer jaamacadeed, waxayna sheegeen in ay tahay guul u soo hoyatay ummada Soomaaliyeed.

Xasan Sheekh Maxamed oo ka mid ah Aasaasyaashii Machadka SIMAD ayaa faahfaahin ka bixiyey heerarkii uu soo maray Macadku, isagoo sheegay in mudadii 11-ka sano ahayd ee uu dhisnaa Machadku ay juhdi badan ku bixiyeen in aysan istaagin waxbarashadu maadaama magaalada Muqdisho ka socdeen dagaalo iyo dhibaatooyin badan, wuxuu tilmaamay in dadaalkaasi uu keenay maanta in Machadku isu bedelo Jaamacad, wuxuuna u tacsiyeeyey dadkii naftooda ku waayey in waxbarashada SIMAD aysan marnaba istaagin.

Xafladdaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa isna ka hadlay Maxamed Nuur Gacal oo ku hadlayey afka Bulshada Rayidka , wuxuuna la dardaarmay mas’uuliinta iyo macalimiinta Jaamacadda SIMAD wuxuuna yiri “Waxaa la idinkaga baahan yahay in aad la timaadaam isbedel ka gedisan kii machadka, waayo in tayada waxbarashada aad gudbineysaan iyo magaciina is waafaqo”. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan hawlaha samafalka ay SIMAD u heyso bulshada”.

Ugu dambeyn waxaa halkaasi ka hadlay Hormuudka Jaamacadda SIMAD C/raxmaan Xuseen Odowaa oo isna ku dheeraaday heerarkii uu Machadka SIMAD soo maray isagoo sheegay in SIMAD ka aflaxeen kumanaan arday ah weli ay ku soo qulqulayaan taas oo keentay sida uu sheegay in Jaamacad loo bedelo oo noqonaya SIMAD University, wuxuuna sheegay in SIMAD lagu soo kordhin doono maadooyin fara badan oo la mid ah kuwa lagu dhigo jaamacadhaa adduunka, waxaana intii ay xafladu socotay aradayda wax ka barata SIMAD ay soo bandhigeen Ruwaayada loogu magacdaray SIMAD iyo SAAKEY waxaana u qashuucay dhamaan ka soo qaybgalayaashii xafladda waxaana Shahaado sharaf la gudoonsiiyey Mid ka mid ah aasayaashii SIMAD Xasan Shiikh waxaana Gudoonsiiyey Gudoomiyaha Hayada African Muslim Agency, Cabdikariim Xuseen Guuleed .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Machadkii SIMAD oo isu bedelay Jaamacad loona Bixiyey SIMAD UNIVERSITY "

  1. Mahad Alle ayay usugnaatay.
    Waxaan u mahadcelinayaa oo aadna ugu faraxsanahay in Maanta Machadka Simad loo bedelay Simad University,

    Machadka waxa uu dadaal dheer u soo gelay sidii uu ku hormarin lahaa tayada waxbarashada, waxaan u rajaynayaa Simad inay noqoto Jaamacad kan ugu tayada wacan sidii ay horey u ahaan jirtay si kasii wanaagsan

    Aniga waxaan ka mid ahaay Ardaydii Simada Qeybta Cisco-ka ka Khalin jabisay,Coursooyin fiican,

    Machadka waxaa ka aflaxay in ka badan Seddex kun kuwaasoo ka shaqeeyo Gudaha iyo Dibadda,

    Waxaan qeyb ka ahay kuwa ka aflaxay SIMAD waxaan ahay Headquater Technician ee shirkadaha gudaha ka howlaga ee dalka soomaaliya ee Gobalada Barri gaar ahaan magaalada Boosaso.

    intaa iyo in kabadan waa la idin kafilayaa Reer Simad, Ardayda iyo Maamulka intaba,