Home » Warar »

Sawirka Farmaajo qofkii aan sidan oo aan mari karin jidadka Muqdisho inta ay ka taliso DFKMG

iyo Taageerayaasha Labada Shariif oo wada Qabaqaabada Banaanbax lagu Taageerayo Go’aamadii Shirkii Kampala-

Dhankaa kale Xubno ka Madaxbaan labada dhinac oo ka digey in Banaanbaxyada isku bedelaan Weji kale

iyo Maxamed Dheere oo sheegey in dadka lagu qasbay in ay qaataan Sawirka Farmaajo

Iyadoo weli ay sii socdaan Banaanbaxyada lagu taageerayo Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo loogana looga soo horjeedo Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Shiikh iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadam ayaa hadana warar aan ka helney dhinaca Madaxtooyada Waxay sheegayaan in Madaxweynaha DFKMG ragga la taliya ay ku howlan yihiin Banaanbaxyo lagu taageerayo Go’aamadii Shiikh Kampala.

Warka wuxuu intaa ku darayaa in Madax-weynaha DFKMG Shiikh Shariif iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan  in banaanbaxyadaas ku bixin doonaan Dhaqaale Fara badan iyadoo Taageerayaasha Shiikh Shariif iyo Shariif Xasan lagu wargeliyey qaban qaabada Banaanbaxaasi, waxaan Xarunta Madaxtooyada lagu soowaramay Madaxweynaha DFKMG Shariif uu ka wado kulamo uu la leeyahay Taageerayaashiisa waxaana lagu waramey in uu la kulmey Odayaasha beelaha Hawiye , Xubno ka socdey Maxaakiimtii Islaamiga ahaa, Odayaal ka tirsan Beesha uu ka soo jeedo Shiikh Shariif iyo Saraakiisha Ciidamada, waxaana kulamadaas la iskula soo qaadey sidii loo dhaqan gelin lahaa Qodobadii ka soo baxay shirkii Kambala.

Hase yeeshee dad ka Madaxbanaan labada Dhinac ayaa noo sheegey in haddii Banaanbaxyadaan ay sii socdaan ay isku bedeli karaan qaab qabiil, gaar ahaan Muqdisho.

Waxay kaloo ay sheegeen xubnahaas ka Madaxbanaan labada dhinac in haddii ay sii socdaan Banaanbayadaas ay sababi karaan isku dhacyo keeni kara in dad badan ay waxyeelo ka soo gaarto, waxayna codsadeen kuna taliyeen in deg deg loo joojiyo Banaanbaxyada waayo dad kale ayey sheegeen in ay ka faaiideysan doonaan,  sidoo kale waxay sheegeen in Beesha Caalamka ay dooneyso in soomaaliya ay sidaan sii ahaato islamarkaan waxay doonaayaan In dhiig fara badan ku daato hadii aan xal la gaarin.

Xubanahaan waxay sheegeen in haddii beesha Caalamka ay dooneyso soomaaliya in ay dhibka ka baxdo waxay dhihi kareen dhinacyada khilaafka u dhaxeeya dhamaantiin waxaan idiin ku darney min hal sanno balse si xaalka loo sii murjiyo waxay soo jeediyeen in Raiisul Wasaaraha DFKMG Farmaajo meesha ka baxo, waana midaa dadka soomaaliyeed ku fahmi karaan in soomaaliya aan lala dooneyn Xasilooni iyo is faham.

Maxamed Cumar Xabeed ” Maxamed Dheere” ayaa daboolka ka qaadey in Banaanbaxyada ka socda Muqdisho ay soo abaabulayaan Shakhsiyaad uu sheegey in uu aqoon u leeyahay isla markaana ku bixinaya Dhaqaale fara badan isagoo wax laga xumaada ku tilmaamey in gurigiisa ka soo bixi Karin haddii uusan sidan Sawirka Farmaajo marka sow ma aha in dadka la gumeysto isla markaan la haysto, ayuu yiri.

Maxamed Dheere wuxuu sheegey in inqilaab cad uu dhacay waayo Shiikh Shariif muxuu arrinkaan uga hadli waayey oo uu u cadeyn waayey Mowqifkiisa ku aadan Banaanbaxyada ka dhacaya Magaalada Muqdisho sidaa darteed aniga waxaan u arkaa aamusnaantaas in uusan xor ahayn, ayuu yiri.

Banaanbaxyada ka socda Muqdisho ee lagu taageerayo Farmaajo ayey waxay keeneen in qofkii aan sidan Sawirka Farmaajo uusan socon Karin Jidadka Dowladu ka taliso, waxaana Sawirka qaatey Gawaarida BL-ka Maqaayadaha, Hotelada , Goobaha Shaaha lagu cabo, waxaana Magaalada qaali ka noqdey Sawirka Farmaajo iyadoo Goobaha Foto-Copiyada ku arkeysaa dad ku xoonsan si ay uga gataan Sawirka Farmaajo

isku soo wada duubo xaalka Muqdisho wuxuu u muuqdaa mid fara ka sii baxaya haddii aysan Dadka isku haya siyaasada aysan la imaan Caqli iyo Tanaasul islamarkaan si taxadar leh uga feejignaan Dhagarada Beesha Caalamka oo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya Nabad ka dhalato.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro1@hotmail.com
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

###

War la xiriira:

Golaha Wasiirada DFKMG: Heshiiska Kampala waa in la horgeeyo Baarlamaanka

###

Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano

 

Shariif iyo Farmaajo oo ku laabtay Muqdisho, June 9, 2011, isla maalintaas waxaa Go'aankii Kampala lagu sheegay in 30 cisho gudahood uu isku casilo farmaajo, Labaada Shariifna xilka loo kordhiyo hal-sano


Wararka kale ee Mudahaaraad ka dhacay Columbus Ohio:

Local Somalis protest leader’s ouster – Move opens door for insurgents to recruit youths in U.S., they warn

###

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Sawirka Farmaajo qofkii aan sidan oo aan mari karin jidadka Muqdisho inta ay ka taliso DFKMG "

  1. waxaan salaamayaa umada somaliyeed meelkas tay joogaan
    waxaanu si muwaadinimo leh ugu hanbalyey naynaa hadaanu nahay shacabka puntland dadway naha somaliyeed ee rabitaankooda iyo muwaadinamadooda muujinaya waxaan kaloo si diiran ugu hanbalyey naynaa muwaadinka dhabtaa maxamed c/laahi farmajo ilaahay khayr hasiiyo waa nin karti leh, daacad ah, muwaadina, aqoon yahana, aan rabin dhibta somaliyed, jecel horumarka somaliya iyo in ilahay dhibta kasaaro waxaan odhan lahaa 2 SHARIIF wadanka halaga qabto ilaahay ka biqimaayaan shacab kana udanqan maayaan waa danaystaal xun xun shisheeye horgal ilaahay umada haka qabto shariif sakiin iyo shariif meelkatuur umada somaliyeed iyaga ayaa lugoynaya iyaga ayaa cadowga u jabinaya waxba makala oga waa labo habayn shisheeye aan dan inoo hayn baa u adeegta ilaahay hanaga qabto lugooyadooda aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  2. Run sheeg says:

    TO abshir bustaale
    abshiroow waa cabirtay ra’yigaada laakiin iska ilaali shaqsi in aad dacaayadeeyso oo shariif ma aha in aad u saariso KAARAAN ee walba waxaa tiraahdaa Shariif WAAX iyo WAADI ammaba shariif Muqdisho, oo shariif waxa uu ka dhashay Tolweyne marka KAARAAN waa ka weyn yahay ee sidaa u ogoow ee adiga ma waxaa tahay Mr outside of mogaddishu, isla ilaali qadafka aad qabiilka ku saleyneysid eraygaas aad tiri waxaa laga dhadhansanayaa in asalka qabyaalad kaga jirto.

  3. Maxamed says:

    Hada shacabka soomaliyeed waxay u bisilyihiin wadani nimo, marka waxii carqaladeen kara doonitaanka shacabka waa in laga hor tagaa. Mida kale waxaan u soo jeedin lahaa soomalida maamusha websiteyada kala duwan waa in ay ummada soomaliyeed hada waa isku xiranyahiin ay kala shaqeeyaan sida ay wadankoodii hooyo ay nabad ugu soo celiyaan, kana ilaaliyaan waxii kala fogeyn kara.

    Shacabka soomaliya gude ama dibad ha joogo waxay maanta diyaar u yahiin in ay qaranimadii iyo karaamadii ay lahaayeen ay soo ceshtaan, qofkii isku daya ama hor istaago waxuu ka horyimid rabitaanka shacabkiisa, qofkii u badala kacdoonkii shacabka sida xushamada iyo qiimaha ku dhisneed u soo bandhigeen dareenkooda qabiil in shacabka soomaaliyeed aysan ka yeeleen taas, qofkii geystana lagula xisaabtami doono aduunka iyo aaqiroba.

  4. jamaal says:

    asww waxaan leeyahay umada soomaaliyeed meel walba ooy joogaan dhibka allaha ka saaro maanta waxaa lakala baranayaa dadka wax galka ah
    iyo calooshood u shaqaystayaalka. maamulka websika waxaan leeyahay
    maaha maxamed dheere oo kale warkiisa inaad soo qortaan
    alaah habadbaadiyo soomaaliya

  5. runeenolaaw says:

    Colaadi waa maahir

    Waanwaan baase u miciin ah

    Nabad baase ka macaan

    a/c kow shariifow lacag waadhadhamisay maad rabigaada kayaabtid oo shacabka aad unaxdid,teedakale xataa marka aad qudbaynayha iscasilo madhihin waa waxaadisticmashay kalmadcarabi ,kolaay meeshaan tiyaatar ayaa kasocdo eeaan aragno meeshuu kudhamado.

  6. abshir says:

    hadaanu nahay shacabka SSC waxaanu taageereynaa shacabka somaliyeed iyo ra’iisul wasaarahooda daacada ha waxaana cambaareyneynaa labada shariif ee dhiiga shacabka soomalyeed ku heshiiyay caqliga UGASTINA MAHIIGA raba in ay fuliyaan ka diida oo shariif KAARAAN iyo shariif SAKIIN aay wataan danta soomaliyeed waxaay ku jirtaa raisul wasaare cabdulaahi maxamuud FARMAAJO oo xilka sadexda goleba isku qabta insha alaahuna waay dhaceeysaa Guushaan shacabkuna yeeysan joojin mudaharaadka inta hal qof oo muqdisho ku noolyahay oo shacab ah taasi waxaa kuu cadeenaya xagee al shabaab ku ogeeyd waxaan ku talin lahaa dalka maamulkiisa ha loo dhiibo FARMAAJO iyo wasiirkiisa gaashaandhiga FIQI markaas ayaa muqdisho la XAAL MARIYEY

  7. Abdirisaq says:

    Waxaan umadda Somaliyeed u sheegi lahaa in lala taliyo Shekh Shariif loona sheego in uu hore u noqday geesi ummadda Somaliyeed taariikh ku leh oo u horseeday nabad aan hore loo arag.
    Haddana uu yahay madaxweynihi qaranka Somaliyeed oo ka masuulka ahaa shacabka Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Taariikhduna ay magaciisa ku xusi doonto wixi saxma iyo wixi khaldama inta uu xukunka hayo.
    Waxaa u yahay ninki asagu soo doortey oo gacantiisa ku soo xushay raiisulwasaare Maxamed C. Farmajo,
    Waana ninki meel mariyey xukuumaddiisa oo ay ku kala dhinteen saaxiibkiisi kowaad ee siyaasadda ee Shariif Xasan Sheikh Aden.
    Waa ninki intaas ay xukuumaddu shaqaynaysay aan wax fara gelin ah ku sameyn oo u madax banneeyey hawshooda ilaa ay soo hoyaan guulaha la taaban karo ee umadda Somaliyeed ka wada raalliga noqotey.
    Maanta waxaad moodda in awood ka tiro badan iyo cadaadis aan la malaysan karin la saarey si loo aqbalsiiyo heshiis aan umadda Somaliyeed farxad gelin.
    Kol Haddii uu arkey raddul ficilka (the reaction) ay umaddiisu ka bixisay heshiiskaas dibed iyo gudaba.
    Kol haddii uu arkey in ciidanka qalabka sida ay niyaddooda iyo kalsoonidoodaba ku jirto in xukuumaddu u shaqayso sidi ay ahayd heshiiska Kambaala ka hor ayna si cad shacabkooda ula soo safteen.
    Kol haddii in badan oo umadda Somaliyyd ah ay ku tilmaameen heshiiskas mid aan waafaqsanayn nadaamka dawladnimo oo lagu raalli gelinayay rabitaan gaar ah oo hal shakhsi ah, wax dan ahna dalka iyo dadka aysan ugu jirin.
    Waxaan codsanayaa madaxweynaha in lagula taliyo inuu raaco codka shacabkiisa oo mar kale soo ceshado hero-nimadii uu qarankiisa iyo shacabkiisa ka ahaa oo uusan raacin go’aan qof iyo laba qof lagu raalli gelinayo, anigoo og culayska debedda uga imaanaya Sheikh Shariif inuu aad u culusyahay wax badanna u garaabaya ayaan ku tirtirsiinayaa inuu maanta geesinnimo iyo nafhurnimo u muujiyo umaddiisa oo dhinaceeda ku istaago, maanta maalin ay uga baahi badantahay taageeradiisa ma jirto. waxaan hubaa caalmaku inuusan rabitaanka shacabka Somaliyeed iyo xukuumaddiisa oo isku duuban inaysan meel ay ka dhex galaan heli doonin.
    Waxaan kula talinayaa madaxweynaha inuu ku dhawaaqo inuu u dhega nuglaaday baaqyada shacabkiisa uuna la dhinacyahay shacabkiisa sidi uu weligiiba u difaaci jirey danta dadkiisa iyo dalkiisaba.
    Waxaan hubaa in heshiiskaas burburi doono UMADDA SOMALIYEED SIDA AY RABTANA AY KU QASABANTAHAY CID WALIBA INAY YEESHO. Waxaan hubaa hadduu sidaas yeelo in mar kale uu noqon doono xiddig Somaliyeed umadda Somaliyeedna u horseedi doono guul iyo sida ay rabto cid walba oo hortaagan danta umadda Somaliyeedna ay xukumadda somaliya iyo shacabkeeda oo isku duuban jiiri doonaan oo ka guulaysan dionaan.