Home » Faallo »

Baarlamaanka Soomaaliya waa in uu soo saaro xeer ay ku cadaynayaan in badda Soomaaliya cabirkeedu yahay 350 mayl-badeed

Bashiir Sheikh Maxamuud ayaa farriin ku aadan badda Soomaaliya waxa uu u diray baarlamaanka DFKMG, taas oo uu kaga codsaday in ay soo saaraan xeer ay ku cadaynayaan in laga soo bilaabo 2009 in badda Soomaaliya cabbirkeedu yahay  350 mayl-badeed (oo u dhiganta 648 kiilomiter), si sheekada 200 mayl ay usoo af-jaranto. Mana jirto wax arrintaas ka hor taagan baarlamaanka Soomaaliya ayuu yiri Bashiir, waxana uu raaciyeywaa in ay  fiiriyaan dhaartii ay dhaarteen baarlamaanku oo wakiilka uga yihiin ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha DFKMG iyo ra’iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada waxa uu xusuusiyey in ayagu wakiil ka yihiin ummadda oo ay arrinta wax ka qaban karaan, waxana uu yiri “Yeysan fiirinin masruufka la masruufaayo, waxaanu waa dhammaanayaan, insha Allah Soomaaliya waa wada heshiinaysaa, dhibkaana waa laga wada baxayaa, laakiin dhibaatadaan hadda na haysata iyo qulqulatada dhinacyada badda la inagala taagan yahay hala adkaysto, dad wadaniyiin ahna ha la raadsho.”

Basheikh Sheikh waxa uu yiri haddii baddeena la dhaco hadhow calaacal wax inoo tari maayo ee hadda inta goori goortahay aan baddeena difaacano.

Waxana uu Bashiir ku baaqay June 26, 2011 oo Axad ah in lagu beego bannaanbax xorriyad loogu raadinayo badda Soomaaliya, loogagana hor tago boobka lala damacsan yahay badda Soomaaliya.

Waraysigaas Bashiir Sheikh waxaa la yeeshay C/laahi Jaamac Maxamed oo ka tirsan  Ururka Wadaniyiinta Soomaaliyeed, kuna waraystay barnaamij farriinta Wadaniga, kuna saabsanaa Boobka badda Soomaaliya.

Waraysiga oo Bashiir halkan ka dhegeyso (waxa uu soconayaa hal-saac)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/fariinta_wadaniga_bashiir1.mp3]

 

  • FG: Bashiir Sheikh waa dublomaasi Soomaaliyeed. Waxaana May 07, 1979, markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, uu ahaa mas’uulkii loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha(Chargé D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway .

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Baarlamaanka Soomaaliya waa in uu soo saaro xeer ay ku cadaynayaan in badda Soomaaliya cabirkeedu yahay 350 mayl-badeed "

  1. zaciim says:

    MAA SHAA ALLAAH … AAD AYAANU MAHAD IGU CELINAYNAA WALAALKA DADAALKA INTAA LA EG MUUJIYAY OO WADANIYAD IYO IN UU YAHAY NIN SOMALI DHABA … MAXAA YEELAY SOMALIDA SAMANKAAN JIRTA WAXAY UBADAN YIHIIN DAD AAD MOODO IN AY DALKAA UDHALAN SIDA AY U DHAQMAYAAN MARKAAD ARAGTO

    MARKA WAXAAN ORAN LAHAA WALAALKA ALLE KHEYR HAKU SIYO WALAAL DADAAL INAGUNA WIXII KARAAN KEENA WAANU KU GARAB TAAGANAHAY … INSHA ALLAAH… WIXII DHIIG LAHOOW KACA…

  2. Assalaamucalaykum,
    Somalitalk aad ayaad ugu mahadsan tihiin dadaalkiinna muwaadinnimadu ku dheehan tahay. Runtii waxaan aad ugu farxay codka Bashiir Sh. Maxamed ee aad noo soo gudbiseen; waxaan ka ogaaday macluumaad farabadan oo iga maqnaa (ku mahadsanidin soo gudbinta codkiisa).

    Arrinta ku saabsan in la soo bandhigo, damaca boobka badda, waxaad mooddaa in Somalitalk kaliya xil ka saaran yahay. Waayo, wali ma arkin, warbaahinta kala duwan ee Soomaalida (marka laga reebo Somalitalk) meel ka hadlaysa arrintaas murugada leh (damaca boobka badda) ee khatarta ina ku haysa.

    Haddaba, waxaan ku talin lahaa in lala xiriiro dhammaan warbaahinta Soomaalidu akhrisato ama dhagaysato, lagana dhaadhiciyo inay sii daayaan barnaamijyo lagu bad-baadinayo baddeenna & khayraadka ku jira. Farriinta Bashiir Sh. Maxamed-na cod ahaan looga siidaayo dhammaan warbaahinta Soomaalida qaybeheeda kala duwan.

    Qofkasta oo ka qayb qaatay ama hadda ka kdib ka qayb qaadanaya barnaamijka bad-baadinta Badda Soomaaliyeed, waxaan leeyahay Allaah ha ka ajar siiyo. Allaah waxaan waydiisanaynnaa in uu naga kaafiyo sharta Commonwealth, Norway, Kenya & inta ay u adeegsanayaan dhaca baddeenna & khayraadka ku jira.

    Khayr ku waara
    Adam Warsama Abdi