Home » Warar »

Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano

Kulamadii ka dhacay magaalada Kampala ayaa waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yihiin in madaxweynaha DFKMG iyo Afhayeenka Baarlamaanka waqtiga loo kordhiyo muddo hal sano ah ilaa August 20, 2012. Waana in ra’iisul wasaaraha DFKMG uu is casilo marka heshiiskaas (labada Shariif) la saxiixo muddo 30 beri gudahood ah, isla markaasna uu madaxweynaha DFKMG uu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub, waana in markaas uu baarlamaanku 14 cisho gudahood ku ansixiyo ra’iisul wasaaraha cusub. Waana in golaha wasiirada ee cusub lagu soo xulo nidaamka qabiilka ee 4.5.

Labada Shariifna isla maanta (June 9, 2011) ayey Kampala ku saxiixeen heshiiskaas.

Farmaajo markii ku soo laabtay Muqdisho “hawshiina sii wata” ayuu ku yiri dadweyne taageersan (Dhegeyso)

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/famajo_june92011.mp3]

Halkan ka daawo sawiro mudaharaad ka dhacay Muqdisho

Heshiiska oo saxiixan halkan ka eeg (English)

Ergaygga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qarammadda Midoobay, Mahiga, ayaa soo dhoweyey heshiiska Madaxweynaha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka… Warsaxaafadeed uu soo saaray Akhri Af-Soomaali | English

Sidoo kale hoos ka akhri warsaxafaeedka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DFKMG, oo u qornaa sidan:

War Saxaafadeed 033/2011

Go’aannadii ka soo baxay shirkii madaxda dowladda ee Kampala

(Muqdisho, 9 Juun, 2011) – Iyagoo ka duulaya go’aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo talo soo jeedintii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ku aadanaa in ay hogaamiyayaasha Soomaalida islameeldhigaan sida loo dhamaynayo xiliga KMG ah islamarkaana ay ka heshiiyaan xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Baarlamaanka waxay kulamo socday maalmo ku yeesheen magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Kulankaan oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Museveni uuna fudeeyey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay soomaaliya u qaabilsan ambassador Mahiga ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ugu miimsanyihiin;-

1- In doorashada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa dib loo dhigo mudo sanad ah oo ka bilaabmaysa August 21, 2011.

2- In doorashada madaxweynaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa la qabto ka hor bisha Agoosto 2012.

3- Iyadoo uu tixgelinayo baahida loo qabo habsami u socodka shaqada wanaagsan ee xukuumaddu hayso iyo in laga gudbo khilaafaadka soo dhexgalay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaa raisulwasaaruhu go’aansaday in uu dalka gudihiisa shaqada iskaga casilo soddon maalmood gudohood.

4- Laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla sodonkaa cisho gudahooda ayuu madaxweynuhu kusoo magacaabayaa ra’iisuwasaare cusub. Baarlamaanku wuxuu ballan qaaday in uu ansixiyo Raisulwasaaraha cusub iyo xukuumadiisaba afar iyo toban maalmood gudohooda markii loo soo gudbiyo.


5- Dhismaha golaha wasiirada waa in la tixgeliyaa qaabka 4.5 waa in lagu dhisaa ruux wadatashi ay is aaminaad ku dhisantahay oo ay madaxda hay’adaha dawladu yeeshaan iyadoo ay xadidayso shaqooyinka hayad walba ugu tilmaaman Axdiga ku meel gaarka ah. Wasiiradu waa in noqdaaan kuwo aqoon, khibarad iyo hufnaan leh.

6- In Baarlamaanka iyo xukuumada cusub ay ka wada shaqeeyaan sidii loo meelmarin lahaa waajibaadka marxalada KMG ah, kuwaasoo ay ugu horayso Nabadgelyada, dhamaystirka dastuurka, diyaarinta doorashooyinka, dib u habaynta Baarlamaanka iyo xoojinta xiriirinta siyaasadeed iyo wadashaqaynta dadka Soomaaliyeed ee ay wax ka go’aan.

7- In la dejiyo howlo qeexan, qorshe waqtiyeysan iyo waajibaad tilmaaman oo lagu dhamaystiro waajibaadka marxalada KMG ah.

8- In la abuuro jawi ay wadashaqayn iyo iskaashi ku yeeshaan Baarlamaanka iyo xukuumada i taas loo xaqiijiyana waa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta waana in aan mudo sanad ah mooshino laga keeni Karin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa. Sidoo kale waa in xukuumada laga keeni Karin mooshin aan sabab iyo daliil xoog badan ku dhisnayn, kaasoo ay ku khilaafayso Axdiga KMG.

9- In lix bilood kadib dib u eegid lagu sameeyo bhawlaha Muasasaadka dawladda.

10- In madaxda gobolka (IGAD iyo EAC) ay dhisaan hay’ad siyaasadeed oo ay kala shaqayn doonaan UNPOS iyo AU taasoo dabagasha waxqabadka iyo meelmarinta hawlaha lagu heshiiyey. Nidaaamkan oo la mid ah kii laga hirgeliyey dawladda Burundi kii lagu nabadeeyey ayaa kor meeri doonaa cunaqabatayn iyo ciqaabna saari doonaa ciddii ka hor timaadda hergelinta heshiiskan.

.
Dhammaad

Halkan ka akhri KAMPALA ACCORD (English)

Warsaxaafadeedka DFKMG halkan ka akhri

Isha warka: Wasaaradda Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta
Xafiiska Xiriirka Warfaafinta
_______________________________________________________
Address: MIPT Headquarters, near Villa Somalia, Mogadishu, Somalia
Tel: +252‐50‐941 040
Email: tfgsomalia@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

12 Jawaabood " Go’aankii Kampala: Waa in Farmaajo is casilo, Labada Shariifna waa in waqtiga loo kordhiyo hal sano "

  1. Waxaan halkan ugu tacsiyadaynaya Wasiirka 1aad oo halkaas ku waayey shaqadiisa aadka udhibka badneyd, wiilka la diley iyo ummadda laysku dul haysato.
    Marka aan maqaalka akhriyey waxaan is iri ” iska aamus’ laakinse waxaan soo xasuustey maanso aanan si fiican u xifdisaneyn oo aan umalaynayo inay noo wada tacsiyadaynayso dhamaanteen;
    Umadyahay midnimo maka maarantaa?
    Maamul-dowladnimo maka maarantaa?
    Nabadaa macaaneey maka maarantaa?

    Mas’uulow shacbiga maka maarantaa?
    Maatiyey daryeel maka maarantaa?
    Muranow garsoor maka maarantaa?

    Midigey bidixi Maka maarantaa?
    Madaxow majaha maka maarantaa?
    Maskax iyo aqoon maka maarantaa?

  2. Xersi Farax says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk Farmajo ha dhaci waa kii gatey Badda marka yan la soo calin …

  3. khamiis says:

    ASC salan kaddib aqyarta horta Farmajo waxa cadadatay in uu yahay halyey ama HERO waayo meeshii ugu horesay ee looga mudaharado waxay aheed MUQDISHO,GALINSOOR ,DHUSAMAREEB intaas oo meel TOLKIIS madago tasi waxay cadenesaa in uu yahay Nin dacad ah kasbadayna shacabka Somaliyeed
    kuna socday hanaan Dowladeed isaga iyo gurubkiisa oon kala dhicin waana Qofkii kowaad ee loo mudaharado
    Wuxuna go,ansaday intii ay Golihiisa wasirada ka mid noqoni lahayeen
    Wasiiradii hore ee Tuugada ahaa ee lunsaday 30 ,000,000 $ oo Dollar in uu is casilo
    waxaana cadadatay in Somaliya aysan Qabyalad iyo Nin jeclesi isku hayn ee la la,aa Qof dacad ah ama Leadership ah
    waxa sharaf iyo aman mudan shacabka reer Muqdisho ee ka dhidhiyay
    Dulmigaan ayagana og cida dantoda waddo iyo cidda dana shisheeye wadda
    waxan sugnaa waa raggii Jeebabka waa weeynaa ee mahiga laqaraban jiray
    oo wali yiri sanadka noo dhiman cid nala xisabtami karto maleh
    MOOSHIN lama soo gudbin karo sanadkaas
    MADAXWEYNAHA ,GUDOMIYAHA BARLAMANKA,RA,ISULWASARAHA,WASIRADA
    Cid laxisabtami kartaa majirto
    waxa kadanbeeya adaan kuu daayey
    ciddii ku farxi laheed iyo cidii kanixi laheedba tagidda Farmajo

  4. Abdi says:

    Somaliyey Eebbe talo saarta waxaa laga yaabaa tegitaanka Farmaajo in ay khayr idiin tahay wuxuu ka codsaday maraykanka in diyaarado lagu soo kiciyo somaliya cirka ka duqeeya isagana uu u joogo somaliya si uu u fuliyo danaha maraykanka .

  5. Daacad says:

    Bacda salaan. waxaa idin oran lahaa dadoow haku mashquulina nimankan isku sheega inay Soomaaliya madax ka yihiin, oo iska daaya hadaltirada aan dhamaaneyn, Dalkeena Cadow ayuu u gacan galay oo waxa kasocda cidi kama qarsoona waa hadii wuxuun garasha ama dareen nagu haray.

    Awalan waxaad isweydiisaa:-
    1. Baarlamaan kusheegga yaa sameeyey?, Maxaaloosameeyey?, Yaa loosameeyey?, Yaa fangareeya?,.

    2. Madaxweyne kusheeggan iyo kuwiihore sidookale yaa ka danbeeyey? Yaase kadanbeeyey in ay meesha ka tagaan? Ma khiyaarkooda ayay ku tageen mise?.

    3. Sidookale Farmaajo iyo Ragii kale ee ka horeeyey xagee laga soo magacaabay?, Xageese u danbeysay?.

    4. Waxaasoo dhan cidda maalgelisa oo diyaaradaha har iyo habeen kusii qaada oo kusoo qaada waa yaabe waa ayo?,

    Koley qofkii damiir leh war kuma seegana horeyna uguma seeganeyn.

    Aan tusaale gaaban idinsiiyo. hadda kahor ayaa waxaa isqabtay Daahir Rayaale iyo Siilaanyo, waxaa u yimid wasiir Itoobiyaan ah. oo muxuu ku heshiisiiyey maxayse isku qabteen oy isku afgaranwaayeen?, Ma danta umadda mise Danta Itoobiya?.

    Maalmahana waxaad wada maqleyseen Laba shariif ayaa is haya oo Kampala ayaa looga yeeray oo lagu heshiisiinaya?. Yaa u yeeray oo heshiisiinaya?, Maxayse isku qabteen?,. Maxay ku heshiiyeen?, ma danta Umadda mise Danta Uganda+Kenya+Itoobiya+International Community?.

    Waxaa kulanka barbarsocday mid isna ka dhacay Adis-ababa oo sida la yiri lagu heshiisiinaya Siilaanyo iyo Faroole.
    Oo waa yaabe maxay isku qabteen?, Ma dhabaa in ay is dagaashan yihiin labada Oday? ciwaanka khilaafka waxaa laga dhigay Gobolada WAAQOOYI-BARI LAND ayaa kusoo xad gudbay xuduudda WAQOOYI-GALBEED LAND.

    Madhabaa in uu dagaal ka dhexeeyo shacabka walaalaha ah ee dhulkaa ku nool?,

    Hadalkeygaa dheer waxaan kusoo gunaanadayaa Aniga soomali shaqsi ayaan ka ahay balse waxaan u arkaa dhulkeena gumeysi tooa ah ayuu ku jiraa, xalkuna waxaan u arkaan in aynu iska qaadno Gumeystayaasha inagoo ka bilaabayno ninba ninka qoys u xigga ee u shaqeeya caddowgeena.

    Ugandha iyo Itoobiya garanay se International Community waa ayo?, Ma dal layaqaan oo jira baa mise?

  6. suudi says:

    kkkkkkkkkkkkkkkk waxaa ku qoslay Mr. Sharmarke meeshuu maray ayaa la marsiiyey Mr. Farmaajo,laakiin saaxiib ninkastoo imaada meesha asna saas aa loo marsiinaa hariif oo riwaayad dhigaaya. Golaha murtida iyo Madaalada ayeey ka soo qalan jibiyeen nimankaan. Hoos waa iska ogyihiin banaankana waa iska dagaal sanyihiin yaa waqtiga ayeey ku darsadeen ku lahaa alla soomaali baa hoogtay inteey kuwaan meesha joogaan

  7. Cukaash says:

    Ninxun waxba kama halen haduu nin fican ku nacsiin 1. sharif xasan miyan awgis u naceyna sharif axmed? 2.maxa lo banan bixi wayay go anka gumeystaha ka hor? Dadweynaha somaliyed talo gacantina kuma jirto waxa idin dhihi laha hadad aragten awodina sida saxda ah ubara

  8. suufi says:

    farmaajo shacabkiisa ayuu madfac ku laayey . Wuxuuna udagaalamayey shacabka maraykanka, balse illaah waa na dhaafsiiyey shartiisa

  9. QADRA says:

    waa ka xumahay ninkii mutacalim ah oo wax qabanaya saas loo galo oo laga taqaluso. Shariif yaaloow aqoon daradooda waxeey gaarsiisay in ayaga u tashadaan ninkii wax qabanaayo waddanka inuu u hormariyo rabo oo dhan. waa laba tuug oo heshiiyey
    Meesha Mr. Sharmarke iyo Mr. Farmajo kama soconayaan, meeshaan waxaa u taliya ninka Parlamanka heesta malaha asagaaba Somalia ka taliya. Waaba ka shakiyey ninkuu rabo uu qob moos u dhigaa. Al-shabaab markii la dhameen rabo, asagaa sheekada qasaayo. Ninkaan Mr. Abdullahi Yusuf ayuu ka soo takhalusay ,dadkale maas u daahaa. Farmaajo waxaas ku noqonaa meeshuu ka imaday sida Mr. Sharmarke loogu celiyey Canada. Meeshaan waqtigii aqoonta mala garin Somalia. Meesha waxaa lagu jiraa waqtigii isdaba marinta iyo laaluushka. Corrupt goverment waaye saaxiibayaal.

  10. Waandaa says:

    Dhamaan golaha wasiirada ee xukuumadan way mahadsan yihiin waxayna qabteen labo arimood oo muhiim ah.
    1. Waxay shacabka tuseen in wali laheli karo in Soomaali wada shaqayn karta la heli karo
    2. Shaqo yar oo la taaban karo inkastoo ay qaladaadna jiray sida heshiiska badda
    waxaan leeyahay Soomaalaay hurdada aan ka kacno danteena garano kana baxno nin jeclaysiga & xiljeclaysiga..

    thanks somalitalk sida aad markasta ugu dagaalataan danaha dhulka Soomaaliyeed.

    Mahadsanidiin

  11. Mr Farmaajo shacabka iyo ciidamada qalabka sida ayu taageero ka haystaa cid eryi kartaa ma jirto ayaan filayaa,labada shariif waa ay xukun jecelyihiin wax ay qabteen ma jirto oo aan ahyn in diyaardo ay raacaan oo shirar tagaan . Mr farmaajo inkastoo aan ku taagersanayn labada shariif adaa dhaama ha ka tagin shaqada ku adkayso xoogaa adaa nin wadani ah u eg Viva Soomaliweyn.

  12. omar says:

    Somalia wa markii ugu horeesay ay rajo dowladnimo soo gashay… wa nasib daro in maanta Danta 2-da shariif laga hormariyay maslaxada umadda…. somalia masiirkeeda haka tahsata… ma umalenayo in farmajo oo kale wali nas oo martay