Home » Warar »

DFKMG oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si rasmi ah ugu wareejisey Shirkadda SKA

Shirkadaha Diyaaradaha  iyo Shacabka Soomaliyeed oo Walaac ka muujiyey Wareejintaas –

Garoonka Diyaaradaha  ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtey Xaflad Dowladda Federaalka ku wareeginysey Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Shirkad ajnabi ah oo lagu Magacaabo SKA waxaana Xafladii lagu wareejinayey goob joog ka ahaa Wasiirka Gaddidka Cirka iyo Dhulka Axmed Cabdiraxmaan Cabaade iyo Masuuliyiinka socotey Shirkadda SKA, waxaana ugu horeyn halkaa ka Hadley Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaadiid Cirka iyo Dhulka Maxamed Cismaan dhagaxtuur oo sheegey in Shirkada Imaanshaheeda  Muqdisho ay soo martey Marxalado kala duwan sidaa darteed maanta (May 29, 2011) ayaa Dowladda Federaalka si rasmi ah ugu Wareejisy Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Maanta waxaa u fadhinaa sidii Dowladda Federaalka Garoonka ugu waraajin lahayd shirkad SKA ha Noqoto dhinac Amaan iyo dhinaca Howlaha Garoonka waxaana heshiiska la galey Dowladii naga horeysey ee Cumar Cabdirashiid anagana waxaan ku sameyney Dib u habeyn”ayuu yiri Wasirka oo sheegey in Shirkadda SKA aysan wax u dhimeyn Shirkadaha kale ee Diyaaradaha Soomaaliyeed  kuwaas oo uu sheegey in ay si wadan doonaan Ganacsigooda Garoonkaas.

Mr Martin oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkadda oo isna halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Shirkadda SKA ay aad ugu faraxsan tahay in lagu wareegiyo Garoonka isagoo sheegey in ay wax badan ka qabteen dhinaca amaanka iyo dhinaca Safarada Rakaabka oo uu sheegey in markii hore ay ku dhib qabeen Shacabka Soomaaliyeed.

shirkadda SKA

Shirkadaan oo ah shirkada Ganacsi oo doonerysa in waqti dhow ay keento Diyaaradaha dhinaca rakaabka ah waxaana arrintaan walaac ka muujiyey Shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed isagoo sheegey in Dowlada Federaalka ay ku xadgudubtey Xaquuqdii Ganacsatada Soomaaliyeed “Aniaga ayaa awoodna in aan qabano waxa ay qabaneyso shrkadda SKA waayo  waxaan nahay Muwaadiniin soomaaliyeed oo Xaq u leh in dalkooda ka shaqeystaan”ayuu yiri mid ka mid Masuuliyiiinta Shirkadaha Diyaaradaha oo ugu baaqey Dowladda Federaalka in ay dib u eegto Heshiiska ay la gashey Shirkadda SKA.

Waxaa kaloo wareejintaan Walaac ka muujiyey Shacabka Soomaaliyeed oo sheegey  in  shirkadda ay shaqaaleysey shaqaale ajnabi waayo dadka soomaaliyeed ayaa waxaa si aad ah u haya xilgaan Shaqo laaan aad u baahsan sida darteed Golaha Barlamaanka soomaaliyeed ayey ka codsadeen n shirkadaas aysan heysan ogolaansha Baarlamaanka Soomaaliyeed marka waxaa ugu baaqayaa in ay dabagal ku sameeyaan shirakadaha Faraha badan ee ku sugan Magaalaa Muqdisho.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail  amiinkhasaaro1 __at_hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DFKMG oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si rasmi ah ugu wareejisey Shirkadda SKA "

  1. Dawladda Somaliyeed waxaan leenahay inay Cadeeyaan Shirkadda SKA Cidda Iska leh? Warar Jiraa waxay sheegayaan In Shirkadan ay leedahay Shirkadda loo yaqaano Black Water ee Ciraaq Xasuuqa ban ka gaysatey, waxaa kale oo la sheegayaa, In sharkadani ay u timid, Inay maraykanka iyo Xulufadiisa ka caawiso Dhaq dhaqaaqa Somalia iyo inay helaan Xog ku saabsan Dadka Somaliyeed ee Ganacsatada ah, Si ay suurto gal u noqoto in Xiyaaraad lagu sameeyo Safaradooda iyo waliba meelaha ay ganacsiyada ku la haayeeen.

    Hadii warkaasi uusan jirin, Ganacsatada Somalidu Ma awoodaan miyaa inay Qalabeeyaan garoonka Muqdisho oo iyago somali ah ay wadankooda wax u qabtaanna kana faa’iidaan?

    Maxay tahay Sababta ka danbaysa, In shirkad Ajnabi ah Ay qabto Garoonki dhamaa ee qaranka Somaliyeed?

    Aawey kuwii sheeganayey Baaarlamaanka? Aawey kuwi sheeganayey Madaxda ma waxaad door bideen dalka in Qayb laga kireeeyo Amisom Qaybna laga kireeyo Shirkadu ajanabi?

    Waxaan ka codsanaynaa Inta wax garanaysa inay Mawduucan wayneeyaan oo ay Warabaahinta gaadhsiyaan si loo ogaado shirkadda Iyo Asalkeedu waxa uu ku salaysanyahay.

  2. Waxaan ka hadleeynaa garoon yar oo Muqdisho oo awalba qabuuro isu bedeshay oo la qaatay, ee waxaan qabaa in ninkii nool uu arki doono Samaliya oo dhan oo aay iibsadeen niman qowleeysato ah oo aan waxba la iska weeydiineyn.

    Dillaalnimay ka Doorteen inay Derajo yeeshaane.
    Deginkuu Ilaah siiyay bay Doollar dhaafsaniye.
    Inay Dabar go’aayaanna waa loo Danninayaaye.

    Somali Daqarkaa ku dhacay Dayiba maayaane.
    Gaalada Dalkii Dooni bay Damac ka dhawraane.
    Waxa loo Dilaayaanna waa ciidda Daahirane.

    Dogobkaa lashiday iyo dhirtaa Dunida loo dhoofshay.
    Nin u Diirnaxaa iyo majiro Daaya wiil odharane.
    Duuggeeda waa Dunida ood Dawarsi meertaane.