Home » Warar »

Bannaanbax looga soo horjeedo Waftiga Gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay Minneapolis

Muddaharaad looga soo horjeedey koox ka socotey Itoobiya ayaa Axaddii ka dhacay faras-magaalaha magaa-lada Minnea-polis, waxaana bannaanbaxaas ka qayb galay qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee ku sugan magaalooyinka mataanaha ee St. Paul iyo Minneapolis ee Gobolka Minnesota.

Dadkii ka qayb galay bannaanbaxa ayaa ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah gumaysiga Itoobiya iyo kooxda uu u soo dirsaday Minneapolis.

Waa bannaan baxii labaad ee ka dhaca Minneapolis dhawrkii bilood ee la soo dhaafay oo looga soo horjeedo wafti ay Itoobiya u soo dirsatay Minneapolis.

Bannanbaxii Axadii April waxa si wada jir ah uga qayb galay Oromia iyo Soomaalida oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah xukuumadda gumaysiga Itoobiya, iyagoo tibaaxay sida xukuumaddaasi ay dhibaatada ugu hayso shacabka ay gumaysiga ku haystaan.

Oromia waxay u dagaalamayeen muddo dheer sidii ay uga hoos bixi lahaayeen gumaysiga Itoobiya, sidaas oo kale ayaa Soomaali galbeeu ugu jireen halgan sidii ay uga xoroobi lahaayeen gumaysiga Itoobiya.

Video hoos ka daawo

Bannaanbaxii hore ee Minneapolis halkan ka daawo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.