Home » Warar »

UN: Kulanka loo qabanayo Soomaaliya oo Dhici doono 12ka iyo 13ka bisha April 2011

Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka Hor yimid Shirka Nairobi

Ergeyga Qarammada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in kulankii “wada tashiga uu Nairobi ka dhici doono April 12 iyo 13, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka,” sidaas waxa uu ku caddeeyey warsaxaafadeedka hoose:

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya (UNPOS)

WARSAXAAFADEED 05/2011

Kulankii Heerka Sare ee Wadatashiga oo dhici doona 12ka iyo 13ka bisha Abriil

Nayroobi, 1da Abriil 2011 – Ka dib markuu maanta shir la qaatay koox muhim ah oo ka mid ah saaxiibada gobolka, bulshada caalamka iyo dhinacyada kale ee ay arrintu khusayso, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Augustine P. Mahiga, sheegay in kulankii qorsheysnaa ee wada tashiga ahaa Heerkiisuna Sareeyay uu ka dhici doono magaalada Nayroobi 12ka iyo 13ka bishan Abriil. Sidaa darteed, wuxuu ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay ka soo qaybgalaan kulanka.

Sida uu qabo Heshiiskii Jabuuti, waxaa waajib igu ah inaan fududeeyo sidii uu wadahadal ku dhexmari lahaa hay’adaha iyo madaxda Soomaaliyeed. Hadaba waxaan ku guubaabinayaa dhammaan mas’uuliyiinta Soomaaliyeed inay muujiyaan sida ay u doonayaan inay u horumariyaan geeddi socodka nabadda, ayna ka soo qaybgalaan kulankan”, ayuu yiri Danjire Mahiga.

Ujeeddada ugu muhimsan ee kulaku waa dib u soo nooleynta sidii uu wadahadal u dhexmari lahaa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed, si ay aragti midaysan uga yeeshaan habkii horay loogu socon lahaa. Kulanku waa mid wadatashi, wax go’aan ahna laguma gaarayo. Bulshada Calamku waxay kulanka u iman doontaa oo keliya goobjoog ahaan, kamana qaybgeli doonto. Waxayna muujinayaan taageerida ay u hayaan wadatashiga waxayna fikrad cad ka qaadanayaan hawlaha laga sugayo hay’adaha kala duwan ee Soomaaliyeed kuna aadan habkii ay xilliga kalaguurka ugu soo afjari lahaayeen hanaanka ama habka hadda jira, taasoo ku saleysan Axdiga Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Heshiiskii Jabuuti.”

Kulankani wuxuu madaxda Soomaaliyeed siinayaa fursad ay isku dhaafsadaan xogta ku saabsan sidii waddamada gobolka iyo bulshada caalamkaba ay u taageeri lahaayeen hawlaha kalaguurka. Sidoo kale Kulankan wuxuu u gogol xaadhayaa dib u soo nooleyta Guddigii Heerka Sare, kaas oo qayb ka ahaa Heshiiskii Jabuuti, laguna hormarinayo wadahadallada, wadatashiga iyo dibuheshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, waxaana wada shirguddoominayaan Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Ku Meelgaarka.”

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir: Susannah Price ama Donna Cusumano, saraakiisha qaabilsan isgaarsiintab guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya, Nairobi Tel: +254 20 762 6805 / 6869 ama +254 733902020 ama 737400133 Fadlan eeg rugta Internet-ka (website): www.unpos.unmission.org

 

Dowladda Federaalka iyo Dowladda Jabuuti oo ka Hor yimid Shirka Nairobi

Sidoo kale waxaa shirkaas ka hor yimid , Soomaaliland

Qaramada Midoobey ayaa lagu waramayaa in ay qorsheyneyso shir balaaran oo la isugu keenayo Dowladda Federaalka iyo maamulada soomaaliya ka jira kaas oo bisha April laguwado in uu ka furmo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa socdaalo ku tagay qaar ka mid ah Maamulada soomaaliya ka jira, sidoo kale waxa uu kullamo Magaalada Muqdisho kula qaatay Madaxda Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in uu gaarsiiyey waraaqaha caasuumaadka shirka ka furmaya dalka Kenya oo uu ku sheegay in looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Golaha wasiirada Dowladda Federaalka oo kullan qaatay dabayaaqadii bisha March ayaa sheegay in aysan ka qaybgeli doonin shirkaasi, waxayna ku tilmaameen in shirkaasi yahay mid waqtiga looga luminayo ummadda Soomaaliyeed, waxayna sheegeen in taa bedelkeeda loo baahan yahay in laga hadlo sidii dadka Soomaaliyeed dhibaatada uga bixi lahaayeen isla markaana kuwa abaaruhu ku dhaceen loo gaarsiin lahaa gargaar, Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka ayaa tibaaxay in qorsheynayaan in ay kullamo la qaataan Odoyaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada si looga arrinsado xaaladda Soomaaliya intii ay ka qaybgeli lahaayeen shirka Kenya lagu qabanayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa isna mar uu u waramay saxaafadda waxa uu sheegay in la soo gaarsiiyey waraaqaha shirka balse ay ka fariisan doonaan ayna qaadi doonaan wixii talaabo ah oo ay u arkaan in ay dan ugu jirto Dowladda Federalka.

Dowladda Jabuuti ayaa iyana gaashaanka u daruurtay ka qayb-qaadashada shirkaasi lagu wado in uu ka furmo dalka Kenya, Wasiirka Arrimaha Diinta ee Jabuuti Maxamuud Cabdi Suldaan ayaa sheegay in ujeedada shirkaasi tahay in lagu xagal-daaciyo dadaaladii Jabuuti ee lagu soo dhisay Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya isla markaana Jabuuti ay garab taagan tahay Dowladda hadda jirta loona baahan yahay in iyada la taageero si ay u hanato dalka waxna uga qabato dhibaatada jirta, laakiin waxa uu sheegay in haddii shir kale lagu dul furo taasi keeneyso in majaraha laga lumiyo hanaanka geedi socodka nabadeed ee hadda bilowday sida uu sheegay.

Maamulka Somaliland oo lagu casuumay shirkan lagu wado in uu April ka furmo Nairobi ayaa war ka soo baxay waxay ku sheegeen in aysan ka qaybgeli doonin shirkaasi iyagoo tilmaamay in aysan jirin wax dan ah oo ugu jira ka qaybgalka shirkaasi.

Isku soo wada duuboo Dowladda Federaalka iyo maamulada dalka ka jira ayaa u muuqda in aysan u cuntamin shirkaan ay ku baaqday Qaramada Midoobey sidoo kale qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed oo u waramay Wargeyska Aragtida Waddaniga ayaa sheegay in loo baahan yahay in wixii dib u heshiisiin ah lagu qabto dalka gudihiisa isla markaana aysan waxba soo kordhineyn shirarka dibadda lagu qabto madaama dhowr jeer oo hore dibadda shirar lagu qabto ay noqdeen kuwo fishilmay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " UN: Kulanka loo qabanayo Soomaaliya oo Dhici doono 12ka iyo 13ka bisha April 2011 "

  1. Sahal says:

    Al-Shabaab iyo kuwii la socday waa u dhamaadeen, oo waxeey ogaadeen in qorshohoodu uusan ka soconkarin Soomaaliya.
    Waxaa haddaba isweydiin leh mashruuca cusub oo loo abuuri doono AMISON.
    Ma Dowlad Goboleedyada bey kala ilaalin doonaan?
    Illeen qorshuhu hadda siduu u socdo waa gobolladdii oo isku aruursanaya
    qabiil ahaan iyo reer ahaan ayagoo doonaya in aay calan iyo Dowlad goboleed sameestaan, waxayna u badantahay in la isku dhoco.
    Aniga waxaay iila muuqataa midda hadda la raadinayo in aay taas tahay.
    Meeshaan masiibo hor leh baa kasoo socota ee Soomaaliyeey tashta inta aan la idiin tashan.

  2. omar says:

    Waxba yaan la isku hawlin werwerka shirkan sababtu waxa weeye wax kasta oo debed lagu sheegsheegaayi halki la geyn lahaa ayaa la doonayaa.DalkaSomalia inta badan dadka gacanta ku hayaa raalli kama aha shirkan markaa haddii gobol ama laba gobol tagaan meesha dee gobolkooda umbay la tegi ee dalka iyo dawladda saameyn macna leh kuma yeelan doonto.
    Intaa waxa sii dheer ninka ergeyga ah ee dalka inuu nabad kusoo dabaalo loo igmaday inuu ka shaqeeyo isu soo dhaweynta umadda, sii horumarinta wixi la qabtey iyo xoojinta qarannimada iyo midnimada Somalia, ayaad mooddaa inuu isku mashquulinayo hawlo aan raalli laga wada ahayn oo aabad mooddo in xarig jiid kala dhexeeyo xukuumadda ku magacaaban dalka. waxanauu afka furtey hal mar oo ku dhawaaqay inaan loogu dari doonin muddo dambe xukuumadda isla marki la magacaabay xukuumadda ay ku badan yiuhiin aqoonyahanka Somaliyeed ee uu madax ka yahay mudane Farmaajo.
    Waxan anigu la yaabaywaxa kasoo yeersiiyey ergeyga in la kordhinay oiyo inaan la kordhinayn xilli aan shirna jirin doorashonajirin khilaafna jirin bal dib hallogu noqdo baaqii ergeygaxoghayaha guud ee uu ku sheegay inaan loo kordhinayn xukuumaddaan haddi xilligeedu dhamaado.Yaa ii sheegi karasababti ku kalliftey ergeyga inuu dhawaaqaas dheer ku dhawaaqo xilli aanay somaliduba hor oollin hawshaas. Miyaanladhihi karin waa baqdin laga qaaday in ragganaqoonyahanka Somaliyeed ah aya la soo bixi doonaan xisaabtan dhab ah,niyad Somalinimo ka duwan tii hore looga baretey Somalida oo ahayd iskasoco danayso, wixi laguu sheegana iska yeel kol haddi adigu aanad dantaada gaarka ah waayayn.
    Waxan u malayn inaanay taasi ninkan shaqadiisa u wanaagsanayn, haddi xukumaddii dalki uu la shaqaynayay ay kalsoonida kala laabato ma garanayo ciddauu la shaqaynayao markaa xukumaddii dhexe dalku hadday tiraa laguuma baahna ma fahmin sida uu gobol iyo laba uga sii shaqayn doono haddii uu isku dayana taas waxa ay toos uga horimanaysaa xeerka qaraamada midoobay ee madaxbannaidaqaramada xubnahaka ah.

  3. Magan says:

    Waxaa is waydiin leh Somaliyeeey Meesha shirka lagu qabanaayo saw ma aha Kenya ? Kenya saw ma aha tii geed dheer iyo geed gaabanba u kortay in ay baddeena naga qaado, Markaa ma idin la tahay in meeshaas wanaag ka soo socdo.
    Aniga waxay ila tahay in meeshaas looga yeeray Dilaaliin iyo khubaro suuq geeya wixii hanti somaliyeed haray.

  4. Osman says:

    Haddiii Somalidi nin waliba gobol calan iyo madaxweyne ka taagtey.
    Haddii dalki intiisi badnayd ay gacanta ku hayaan ururro iyo dawlad goboleedyo.
    Haddii masuulki xoghaya guud wakiilkiisa ahaa uusanba shaqo toos ah la hayn xukuumaddii ay ayagu gacantooda kusoo dhiseen oo yiraahdeen caalmka ayaa aqoonsan.
    ;Ilaa xilligi Cabdiqaasinna Somalia ku jirto hadba dawlad debedda lagu soo dhiso kaddibna khilaaf saddeexda nin ee ugu sarreysa awgeed burburta meel aan usii socon in lagu hayo. markas ay cagaha dalka soo dhigtana dagaal lagala hortago. Waqtiguna dagaal iyo muran dhexdeeda ah ku dhammado.
    Soo meeshaas kaagama muuqato inaanay jirin cid doonaysa dawlad Somaliyeed oo talo midaysan iyo horusocod muuqda midna leh inaanay meeshaas kasoo bixin oo weligeen muran iyo dagaal aan dhammaan aan ku jirro kaddibna sida hadba gobol iyo koox meel ugu sii go’ayaan oo gacan saar hoose iyo kalsoonidooda ugu dhiibanayaan dawlado kale ugana sii fogaanayan dalkoodi iyo dawladdoodi Somaliyeed. in dalkuba uu noqdo aakhirka tuulooyin iyo gobollo ay kala xukumaan dawlado shisheeye iyo ururro gacan saar la leh shisheeye, taladuna ka bixi mayso gacanta Somalida gebigeedba.
    Waxaiyanayaab leh weli maanaraga masuuliyiin aydirtey dawladda Somaliya oo wada xaajood u tagayagobollada manaarag dawlad goboleed dawladdaSomaliyaergo wada hadal usoo diraya.welinamaanaraga odaydhaqameedyo iyo salaadiin dhex wareegayadalka oo meelaha mugdigu kajiro u kaladabqaada talona meel isugu geeya.
    soo mamuuqato Somalidu inay sugayso uun ul caalamka ka timaaddaa oo sida xoolaha loogu kaxeeyo hadba meel.oo aanay dhexdooda is xushmayn isu hayn.
    Haddii qof waliba yiraa adigu wax noqo u malayn maayo dalki inuu wax noqdo cid u maqan inay jirto.

  5. Boocame says:

    Mr Mahiga oo u hanjabey qafkii aan imaan in aan waxba la siin doonin somaliya oo lagu loolamo sida dowlad loo rido iyo midkale loo dhiso iyo niman ay naagaha iska soocaeyriyeen oo ilmaha caanahdii ku noolaa ayaa
    dhooban Kenya si xil ugu qabtaan somaliya bal timirtii hore dab loo waa
    dowlad maba jirto ninkasta goofkiisa ha ilaashado

  6. Cumar says:

    Waa mark ii ugu horeysay ay wakiilada gumeystaha ( labada gole ee xukuumadda) ay wakiil guracan oo ay ayaga isu liideen ku gacan seyraan, inkastoo ay sidaa tahay haddana waa dad muujinaya madaxbanaani iyo karaamo wax un in ay jiraan wallow nuxurka iska yahay baqdin ay ka qabaan inay xil ku sheegga ay hayaan marinkii ay ku waayi lahaayeen loo dan leeyhay.
    Arrinka maba aha ilaalinta qaranimada iyo midnimada shacabka la kala dibindaabeyay ee maanta gurmadka biyaha iyo cuntada u baahan iyo nabadeyn kale toona, sidoo kale maha in Mahiga lagu fahmay inuu dhigaayo riwaayadda ugu danbeysay ee geerida jiritaanka Soomaaliyeed, (illeyn kuwa wax oggol waa xabashi sawir Soomaali wata). Ninkaasi waxaa la gudboon mar haddii shirqooladiisa lagu celyay inuu meeqaankiisa fahmo haddiiba uu wax fahmi karo illeyn Soomaaliya weligeed bahdilka ujeeddada badan ee safiirka qaramada midoobey u xayirnaanmeysee.

  7. xagaleey says:

    SALAAN KADIB WALAALAYAAL WAXAY ILATAHAY LNOWSAN SHIRKAAN QABSOOMI DOONIN,WAXAANA MEESHA TEGIDOONA OO KELIYA AHLUSUNNA,PUNTLAND IYO GALMUDUG OO WADA SOCDO IYO MADAXWEYNAYAASHA FARAHA BADAN LEH EE CUSUB SIDA KUWA HIIRAAN EE 4-TA AH.SEDEX GOBOLLADA DHEXE AH,KAN UDUBLAND,KAN HADDA LEYSKU HEYSTO EE AZANIA IYO QASHIN KALE.

  8. Marka hore salaan Somalitalk,marka xiga hadaan fikrad gaban ka dhiibto,shirkaan waa muhiim laba arimood:
    1.Koleyba hadaan Dawlad federal waxba qabaneyn atleast every three years isbedel ha dhaco oo Dawlad kale ha timaado si u barano Dimoqradiyad iyo inaan kursiga qof keligiis lahayn.
    2.In barlamaanka tirada badan loo helo xal looga gudbo oo barlamaan tira yar oo tayo leh yimaado.
    marka isbedel waa lama huraan teeda kale Somali xanuun qabiil bey qabtaa marka caafimadkooda bey ka midtahay in mar kasta wax la bedelo si qofkii ama qabiilkii iska arki waaya dawlada u rumeysto in isbedel jiri doono oo reer hebel iyo nin hebel meesha u dhalan,sidoo kale madaxda la doorto ruuxeeda waxey ogaan doonaan inta yar ay joogaan iney wax qabtaan,marka sidaa darteed waa inaan tageerno shirka,gudaha iyo dibada halagu qabto waxaa u dhexeeya in maamulka hada jiraa uu saydareeyo si markale loo soo doorto,balse UN ka waxey xaqiijin in labada Sheriif tagaan,marka ma umaleyneysaan in nala barayo Dimoqradiyad inaguna weli ku dheganahay Dictatorship.
    Mahadsanidin
    DR Yusuf

  9. Abdirisaq says:

    Ninkan odaga ahwaxau habboonayd shaqadiisainuusaniskadhaawicin sabatunawaxa weeye qofka masuulka ah wixi uu u hawl qaado waa inuu ka jiba keenaa.haddii kale waxa uu noqonayaa qof aanwax sida loo handle gareeyo ama loo fuliyo aqoon ama nin aan shaqadiisaba war u hayn oo xog la’aan iska socda.
    Haddii jihooyinki rasmiga ahaa ee Somaliland, Puntland, dawladda kumeelgaarka ah intoodi badnayd ka biya diideen shirkaas yuu u iclaamiyey shirka haddaba mise wuxuu rabaa rag Nairobi ku go’doonsan oo xildhibaanno ah inuu meesha ku buuxiyo kaddibna mashruucii meeshaas ku fulo?!!
    Dadka Somaliyeed ayaad moodda xoogaa inaysoo yara baraarugayaan ayna fahmayaan danhooda ayna sii dhamaanayso ku danaysiga magacooda.