Home » Faallo »

SKA Soomaaliya: Qaybta 2aad

Heshiiskani waxa uu saameeynayaa dhamaan umada Soomaaliyeed oo ay ku jirto xitaa dowlada saxiixday. Hadii aan ka bilaawno saameeynta xaga dowlada, waxaad la wada socotaan in aanay dowladu lahayn tabar sidaa u buuran oo ay kula xisaabtanto shirkad wayn oo awoodeedu ay ka dhisantahay dhinac kasta sida dhaqaalaha, lehna qalab military maadaama ay ka ganacsato sugida amaanka (security service) oo hada ka wado wadamada sida Ciraaq iyo Afghanistan. Arintani waxa ay shirkada u saamaxaysaa inay sideey doonto ugu takrifasho dhaqaalaha garoonka iyadoo ka faa’ideeysanaysa awood yarida dowlada iyo iyadoo aanay jirin cid kula tartameeysa howsha ay ka hayso airporka. xitaa hadii shirkadani ay dhameeysato waqtiga heshiiska oo 10 sano ah waxaa suurto gal ah in ay tiraa weli sooma ceshan qarashkii nooga baxay garoonka sidaas daraadeed waa in mudo dheeri ah nala siiyaa, waayo waxaa laga yaabaa in ay waxyaabo aanan hada muhiim u ahayn umada ay kharash dheeri ah geliso.

Waxaa cadayn kuugu filan shalay 19/03/2011 ayey dayuurad ay leedahay shirkada SKA ka qaaday madaxda ugu sareeysa dowlada Dubai ayna geeysay Muqdisho, marka dad aad maciinsatay sideed ula xisaabtamee.

Markaad eegto xaga shacabka Soomaaliyeed arintu waa mid aan hal maqaal iyo xitaa qoraal lagu soo koobi karin balse si kooban ayaan u soo qaadanaynaa. Marka ugu horeeysa shirkadani shaqo noocan u eg waxa ay ka wadaa wadamo kale oo ay ciidamo farabadan oo aduunka ka socdaa ay joogaan. Hadaba shirkadu waxa ay qandaraas ka haysataa ciidamada aduunka ka socda ee wadamadaa jooga oo ay u qabato adeegyo kala duwan, waad wada xasuusataan xiligii UNOSOM ay Soomaaliya joogtay waxaa la socday shirkado ajaaniib ah oo u adeega ciidamadii ka socday aduunka adeegaa oo farabadnaa waxaa ka mid ahaa nadaafada, raashiinka iyo logistics.

Hadaba dhinaca Soomaaliya shirkadu waxa ay rabto inay u adeegto lacagna rabto inay ka sameeyso waa umada Soomaaliyeed maadaama aanu jirin ciidamo caalami ah oo dhaqaalahooda wata oo wadanka jooga. Sidee lacag looga sameeynayaa Soomaaliya oo uu xaalkeedu sidan yahay? Waa u sahlantahay shirkad noocan oo kale ah haysatana heshiiska ay dowladu siisay oo waxyaabo badan u saamaxaya, awood dheeri ahna u siinaya inay noocyada kala duwan ee ganacsiga gasho oo weliba wixii ay dibada kalasoo degto aanan wax canshuur ah laga rabin.

Waxaa intaa dheer fursado badan oo ganacsi oo umada soomaaliyeed ka faa’ideysan lahaayeen ayaa lumaya, shaqaale badan oo Soomaaliyeed oo ay shaqadoodii la wareegi doonaan shaqaale ajaaniib ah ayaa ka dhalan karta, sicir barar ayaa ka dhalan kara waayo qalab kasta oo casri ah waxa uu wataa (cost) qarash ku baxaya ku shaqeyntiisa, xitaa waxaa laga yaabaa inay dowladu is tiraa uma baahnin inaan shaqaale u tababarno shaqooyinka ay shirkadu hada lawareegtay halkaasoo ay ku dhumi doonto fursad aqooneed, lagana yaabo in weligeed lagu tiirsanaado shirkad ajnabi ah. Qormooyinkeena soo socda ayaan si fiican ugu faah-faahin doonaa arintan idan Alle.

Mida kale qormadii tan ka horeeysay ee ku saabsanayd SKA iyo la wareegitaankeeda airporka Muqdishu ayaa waxaa ay aqristayaal badani ka keeneen su’aalo, hadaba su’aalihii oo badankood isku ujeedo ahaa ayaa waxaan u diyaarinay jawaab kooban kahor intaanan u gudbin qaybta labaad ee fooda inagusoo haysa si aan aqristayaasha isula jaanqaadno.

Emailada aan helnay waxa badankood ka muuqatay sidan:  “Sida aan usbuucyo kahor ka aqrinay websiteyada Soomaalida badankood SKA waxa ay tiri lacag ma qaadanayno oo waxaan u joognaa inaan Soomaalida caawino, idinkana waxaad leedihiin arintu sidaa ma aha, marka xagee wax iska dhaafsanyihiin”

Inta aynaan hadaba u gelin jawaabta arintan waxaa xusid mudan marka laga hadlayo shirkad waa in ay labo midood hoostimaadaa:

  1. Shirkad faa’ido doon ah (organisation making business for Profit)
  2. Shirkad aan faa’ido doon ahayn (Non-profit making organisation) sida Charities iyo hay’adaha dadka dhibaataysan caawiya

Shirkadan waxaa cad in ay hoos tagto bahda faa’iido doonka ah iyadoo weliba ku caddeysay qoraalo badan oo ay sameeysay iyo waraysiyo ay bixisay taasoo ay ku sheegtay inay wadanka u timid inay maalgashato garoomada Soomaaliya iyadoo ay ujeedadu tahay inay lacagteedii (ROI – Return on Investment) soo ceshato faa’idana ka hesho.

Waxaa kale oo cadayn inoogu filan heshiiska ay dawladu lagashay SKA Qodobkiisa 4aad, qeybta (c), firqadiisa (iv) kaasoo qeexaya qeybsiga dakhliga (revenue) ka soo xerooda airportiga, sheegayana in 70% ay leedahay SKA halka ay dowladu leedahay 30%.

Hadaba dakhliga airportiga soo gala muxuu noqon karaa?  Hadaan si kooban u sharaxno su’aashan iyo waxa ka dhalan kara, waxa uu noqonayaa lacagta kasoo xeroota laamaha airportiga sida Immigrationka, Customka, adeega rakaabka iyo xamuulka, ground power unit oo ay dayuuraduhu isticmaalaan marka ay taaganyihiin iyo kirada isticmaalka dhismaha garoonka sida concessionka iwm. Iskusoo wada duuboo waa wax kasta oo kasoo baxa airportiga oo aan ka ahay lacagta loo yaqaan ‘landing fee’ ee looga qaado caga dhigadka dayuuradaha taasoo ku xiran culayskooda.

Intaa waxaa dheer in la ogaado halka ay lacagtani ka imaanayso. Lacagtani waxa ay ka imaanaysaa silsilad dahsoonba ha soo martee jeebka umada Soomaaliyeed (rakaab, ganacsato, shirkadaha dayuuradaha iyo wixii la mida) maadaama aysan jirin rakaab ajnabi ah (ganacsato iyo dalxiisayaal) isticmaala garoonka, aysana imaan karin dayuurado aan ka ahayn kuwa Russianka ah ee aan hoos tagin hay’adda caalamiga ah ee International Air Transport Association (IATA). Hay’adan oo ay wadamada aduunka badankood xubno ka yihiin waxa ay ka mamnuucday wadamada xubnaha ka ah in ay dayuuradahoodu isticmaalaan garoonka Muqdisho iyo garoomo kale oo wadanka gudihiisa ah, halka ay fasaxday isticmaalka hawada sare ee Somaaliya. Hadaba waxaa xusid mudan in cuna qabatayntan ay qaadi karto oo kaliya dawlad Soomaaliyeed oo hanata amaanka wadanka oo dhan. Tanina waxay beenineysaa wareysigii ay shirkadu bixisey oo ahayd iney keenayso dayuurado caalami ah sida Alitalia, British Airways IWM. Qaybaheena inoosoo socoda ayaad arintan sifiican ugu faahfaahin doonaa Insha-allah.

Qaybihii hore ee  SKA ka akhri https://somalitalk.com/tag/ska/

Waxaa soo wada diyaariyey

Jamal K Mursal                                             Ahmed M Hassan

jkmursal@hotmail.com,                                    amoallinh@gmail.com

jkm036@londonmet.ac.uk amh200@londonmet.ac.uk

 

Maxamed Abuukar Nuur

Maxnour62@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.