Home » Warar »

Ururka dhakhaatiirta xoolaha Banaadir oo Adeeg Caafimaad u fidiyay Xoolo Dhaqatada u soo barakacay Muqdisho

Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) ayaa soo gabagabeeyay howlgal baaritaan, daaweyn iyo dawo qeybin ah oo ay u sameeyeen Xoolaha u soo barakacay magaalada Muqdisho ee ka yimid gobolada dalka ee abaaruhu ku dhufteen kaasoo socday Bisha Janaayo 2011.

Halkan ka daawo sawirada

Kooxaha dhaqaatiirta xoolaha ee ururka BENALPA ayaa adeeg caafimaad u fidiyay xoolo gaaraya 1220 neef oo isugu jira Lo, Ari, Geel iyo Dameero la ildarnaa cudurro kala duwan oo isugu jira; Gosha, Caalka, candhada, Gooryaanka iyo cudurro kale.

Howlgalka caafimaad wuxuu ka danbeeyay sahan uu sameeyay ururka BENALPA oo ka dhacay gobollada Banaadir iyo labada Shabeelle kaasoo loogu kuurgalayay xaalada abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay dadka iyo xoolaha. Laguna soo ogaaday xaaladda dhabta ah ee xoolaha abaareysani ku sugan yihiin.

Ururka BENALPA ayaa adeeggan caafimaad ugu deeqay xoolo dhaqatada la soo barakacay xoolahooda ee ku sugan magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) Drs. Nurta Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii howlgalka caafimaad oo lagu soo gunaanaday Degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ka sheegtay inuu ururkooda u fidiyay adeega caafimaad xoolo dhaqatada Soomaaliyeed ee xaaladoodu ayna ka dhamaadeen xoolihii ay ku tiirsanayeen, intii yareyd ee u hartayna ay isugu darsameen baad la’aan iyo cudduro.

Waxay intaasi ku dartay in aysan jirin hay’ad ka kaalmeysay arrintan balse ay ku tabaruceen ururkooda BENALPA oo dhexdooda iska soo ururiyay lacago ay ku soo iibiyeen daawooyinka xoolaha, sidoo kalena ay dhaqaatiirta ururka fuliyeen daraasadda iyo daweynta xoolaha.

Drs. Nurta waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka, Wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Soomaalida TFg-da iyo Soomaalida dibadda ku nool inay taageero u fidiyaan dadka soo barakacay ee iyaga xoolahooda abaartu saameysay oo ay sheegtay inay xaalad aad u adag ku sugan yihiin.

Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Xoolaha Banaadir Drs. Nurta Sheekh Maxamuud waxay sheegtay inay tahay arrin cusub oo weli dhicin barakac ay magaalada Muqdisho u soo barakacaan xoolo, halkii ay dadka u soo barakici jireen magaalada, xoolaha abaarsaday ayay sheegtay inay ugu daran tahay Lo’ada oo aad ugu nugul abaarta.

“Dadka aan halkan ku aragnay iyo xoolahooda waa dad aad u liita oo dhinac waliba u baahan in laga taageero, waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, Hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax qaban karta inay dadkan dhibaateysan taageero u fidiso” ayay cod dheer ku tiri Drs. Nurta Sheekh Maxamuud oo ka deyrisay xaaladda dadka abaartu saameysay oo ay sheegtay iyaga iyo inta xoolahooda ka hartay baabi’i doonaan haddaan degdeg wax looga qaban. Allena raxmadiisa ugu deeqin umadda abaarsatay.

BENALPA waa urur ay leeyihiin xirfadleyda dhaqaatiirta Xoolaha ee Banaadir oo la aasaasay 2002-dii; waxayna xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho wuxuuna u taagan yahay horumarinta wax soosaarka iyo caafimaadka xoolaha Soomaalida.

Halkan ka daawo sawirada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.