Home » Warar »

Shirkada SKA oo “Beenisay” iney iyadu Qaadan Doonto 70% Dhaqaalaha ka soo Xarooda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Shirkadan oo ay Dowladda KMG ahi heshiis kula gashay iney howl dayactir iyo qalabeyn isugu jirta ka fuliso garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa  beenisay warar sheegayey iney shirkaddu qaadan doonto 70% dhaqaalaha hadda ka soo xerooda qaroonka diyaarada muqdisho.

Kusima Madaxa Mashruuca SKA Soomaaliya ninka lagu magacaabo David T ayaa sheegay in Garoonka uu hadda Dakhli ka soo galo sadex  meelood oo kala ah, 1 kastamka, 2 Immigrationka, 3 landing-ka ama Canshuurta Diyaaradaha, “intuba waa Canshuur Dowladeeda mana jirto wax ka soo gelaya SKA” ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr David T.

Mr David oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arinta ku saabsan Dhaqaalaha ka soo xerooda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si qaldan looga war bixiyey laguna jah-wareeriyey Shacabka iyo Baarlamaanka waxyaabo aan jirin. “waxaa aan rabaa inaan cadeeyo in dhaqaalaha hadda ka soo xerooda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay qaadato TFG ayna qaadan doonto” ayuu ku adkeystay Mr David oo tilmaamay in waxa  70% SKA iney qaadato lagula heshiiyey ay tahay dhaqaalaha Mustaqbalka ka soo bixi doona maalgelinta ay SKA ku sameyso Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, kaasi oo aan hadda meesha oolin. laakiin maaha in shacabka wax aan jirin lagu jaah wareeriyo laguna cabsi geliyo ayuu ku dooday Masuulkaasi u hadlay Shirkadda SKA.

TFG ayaa 100% qaadata Dhaqaalaha Garoonka  ka soo xerooda mana jiraan wax arintaa iska bedelaya ” ayuu yiri Mr T oo dhinaca kale sheegay iney Maalgelin ku sameynayaan Garoonka si uu Garoomada Adduunka ula soo sinmo una noqdo mid caalamka oo dhan u furan  kadibna u soo caga dhigtaan Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka wuxuu intaa sii raaciyey .“Markaas ka dib ayaan Shirkadahaas Diyaaradaha shaqooyinka ay u baahan yihiin u qaban doonnaa sida Rarka, Dejinta, Shidaal siinta, Nadaafadda, Raashinka iyo wixii la mid ah si aan kharashkeenna u soo ceshanno. “Hawshaasi ma ahan mid hadda Garoonka  ka jirta” ayuu tilmaamay Mr David  isagoo sheegay iney hadda Malaayiin Doolar oo lacag ah ay Garooonka  qalab ugu soo iibiyeen.

“Haddii aan Garoonka Muqdishu noqon mid casri ah SKA dhaqaalaha ay gelisay ugama soo laabanayaan” ayuu ku dooday Mas’uulkaas .Qaar ka mid ah Golaha Baarlamaanka KMG ah ayaa shaki ka muujiyey howsha ay Garoonka  ka fulineyso Shirkaddani, Mr T oo arinta wax laga weydiiyey ayaa sheegay in Garoonka Muqdisho  ay hadda si joogto ah u isticmaalaan sadax Shirkadood oo keliya, Mana jirto ayuu yiri cid Garoonka sida uu hadda yahay faaiido uga sameyneysa.

Dhinaca kalena SKA ayuu Sheegtay in ay tahay Shirkadda keliya ee heshiis cad oon wax Mad-madow ahi ku jirin la gashay Dowladda Soomaaaliya iyadoo lacagteeda ku Maalgelineysa kuna horumarineysa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho sidaa darteed  In Baarlamaanka iyo Dowladdu is warsadaan ayuu sheegay ineysan SKA wax dhib ah u arkin “Ma jiraan wax noo qarsoon waana ku kalsoonahay in Baarlamaanku howsha SKA ansixin doonaan marka ay u caddaato in SKA ay waddanka faaiido u leedahay” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey in ay Shirkadaha Diyaaraduhu xaq u leeyihiin Qandaraaska ay Dowladdu SKA la saxiixatay ayuu uga jawaabey ” SKA ay Waddanka joogto wax ka yar Seddax  Bilood oo keliya, “ Waxaa cad   ayuu yiri “ in Garoonku labaatameeyo sano sidaan u baa ba’sanaa. Wuxuu intaa ku darey ” Waxaa aan filayaa ayuu yiri in Dowladdu SKA aysan u baahateen haddii ay Garoonka cidi Maalgelin laheyd”  isagoo dhinaca kalena farta ku fiiqay in ay Garoomada Somaliya oo dhami u baahan yihiin Dayactir iyo Maal gelin” Annagu iminka waxaa aan Maalgelineynaa Muqdishu ,” Laakiin sow ma habboona in la helo cid Maalgelisa Berbera, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Garoomada kale ee dayacan ayna isticmaalaan isla Shirkadaha isticmaala kan Muqdisha” ayuu si kulul u yiri

Mr David ayaa si kulul u beeniyey iney Shaqaale Ajaanib ah Waddanka keenayaan. Isagoo  sheegay ineysan SKA u qorsheysneyn iney qof Somaliyeed oo shaqo heysta ay shaqo la,aan dhigaan, “maya maya, Taasi waa  Dacaayad  iyo been, Somalida ayaan u tababareynaa xirfadaha aan hadda qof yaqaanno wadanka laga heli Karin ayuu yiri isagoo sheegay ineysan ajaanib ka badan dhowr qof oo khubaro ah u baahneyn.

“ Waxaan ka maqalnay qaar ka mid Warbaahinta Somalida oo tebinaya iney SKA shaqadii ka ceyrisay shaqaale Somaliyeed ayna ku bedeleen kuwo ajaanib ah, taasi waa wax lagu qoslo”  ayuu si kulul u yiri. Marka laga tago Tijaabo dhinaca amaanka ah oo ay sameeyeen Talaadadii 1-da Febraayo  ma jirto shaqo ay SKA weli Garoonka ka billowday ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr T oo u muuqday nin ku jaahwareeray wax uu ku tilmaamay Dacaayad  iyo kutiri-kuteen aan dhamaad laheyn oo uu sheegay in Shirkadooda laga faafiyo ayaa ku cabtay  iney uga jaawaabi lahaayeen cid kasta oo suaal howshooda la xiriirta qabta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaarohotmail.com

Si aad u aragtid heshiiskii SKA iyo DFKMG eeg halkan http://somalitalkradio.com/2011/jan/ska2010.pdf

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shirkada SKA oo “Beenisay” iney iyadu Qaadan Doonto 70% Dhaqaalaha ka soo Xarooda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. "

  1. Naasriin says:

    Caqliga somalia lagu burburiyey meesha ay taalna dhigay faceedna ka raabay dadkeedana lagu xasuuqayo waa midka xasan yare oo kale. marka laga tago cabsi gelin tuhun iyo barabagaan maxaa la taaban karaa oo aad ku dhallilesantahay bal noo sheeg in airporka lamaal geliyo oo dad somaliyeed xirffad loo abuuro iyo shaqo. 20 sano ayaan ku soconnay caqliga noocaan ah meelna waa lagu gaari waayey. adduunka maal gashi wuu ka jiraa mana ahan wax qaldan, haddii shirkaddani ay hantideeda iyadu ku kharashgareyneyso adigu maxaad ugu diideysaa in dadka somaliyeed ka faaiideystaan. haddii inta heshiisku socdo khalad ay galaan sow markaaba lama hor istaagi karo. somalida waxaa ay ceyrisay mareykan iyo itoobiya oo kumanaan ciidan ah watey cid kalena uma daaheyso ee dadka beenta iyo barabagaanka halagala hero.

  2. Xassan Yare says:

    Waa iska caddahay in heshiiskani uu yahay mid khayaano ku jirto oo aay u
    badantahay in dadka saxiixday aay lahaanayaan dhaqaale joogto ah oo dibadda loogu shubayo illaa iyo tobanka sano oo la saxiixday.
    Arrinta kale oo la yaabka leh waa:- Maxaa ku kallifaya shirkaddan in aay maal galin ku sameeyso xilligaan oo Soomaaliya aay ku sugantahay burbur siyaasadeed, dhaqaale xumo , dil, boob, dhac aan qarsooneen,
    bililiqo quwado shisheeye oo naga xoog badan?
    kuwaan SKA ayagaaba khayaano kale wata haddii aay arrintaan u bareereen.
    Heshiiskani waa in gabi ahaantiisaba meesha uu ka baxaa.
    Waagii aan Dowlad noqonno oo nidaamka iyo kala dambeentu soo noqoto Allaha nagaarsiiyo. Markaas shirkaddu haddii aay run wadato ha isisoo xaadiriso.