Home » Maqaallo »

DFKMG oo Magaca ka bedeleysa Dugsigii Xaawo Taako

Waxaa Qoray Aadam Hassan ( Xubin Golaha fulinta Alecso )

Xaawa Cismaan (Xaawa Taako )

Go’aan kii Madaxdii J.Somalia ee 1970 kii miyaa qaldanaa mise kan maanta kuwa jooga Villa Somalia ?

Tallaabo iila muuqata gaf laga galayo taariikhda iyo halgankii dadkii dhiiggooda u daadiday Dalka iyo Dadka Somalia ayay dawladda magac ahaanta haattan u jirta qaadatay waa Go,aan la ii sheegay inuu ka yimid madax waynaha ”somalia” Shariif sheikh axmed uuna soo marsiiyay wasiirkiisa wax barashada hidaha iyo tacliinta sare Dr Abdulnuur Sheikh Maxamed, sida aan ka xogsaday saraakiil ka tirsan waxbarashada .

Xaawa Cismaan (Xaawa Taako) oo lagu garto halgankii la dagaallanka Gumaysiga waxay ka mid tahay astaamaha xornimo u dirirka Dalka, Dawladdihii xalaasha ahaa waxay u sameeyeen xasuus waarta waxaa kaalinta xasuus reebka dadkii halganka usoo galay dalka kaalin mug leh ku lahaan jirtay wasaaradii wax barasho .

Maanta oo ay dawladda Somalia isugu soo aruurtay afar xaafadood oo xamar ka mid ah ayay go, aan ku gaartay inay magacii iyo maamuuskii ka xayuubiso Xaawo Taako , wasaaradda waxbarashada ayaa maaggan inay Iskoolka Xaawa Taako ka dhigto xarun lagu xanaaneeyo Caruurta Agoonta ah , waxaa la ii sheegay inuu Madaxwayne Shariif u sheegay Wasiirka Tacliinta inuu Iskoolkaas u bixiyo Prof Caddow wasiirkii Tacliinta ee Shaamoow lagu dilay Qarax .

Wuu mudan yahay Caddow in loogu magac daro Iskool iyo wax ka wayn laakiin ma qurxana in Hooyadii dhiigeeda u daadisay Ummadda Somaliyeed iyadoo waliba hor taaggan Gumaysi Gaamuray dalka iyo dadkana xoog ku haysta in magaceeda loo tir tiro taasi waxay hordhac fiican u noqon kartaa in gurboodka yar yar si sahlan looga masaxo taariikhdii halganka xornimo u dagaallankii mudda dheerna aan soo harsanay asii maanta naga maqan tahay oo aan heer ka xun kii maantaa xaawo uu Gumaysiga arxanka daran ku daadiyay dhiiggeeda .

Ma filayo inay Xukuumadda haattan Villa Somalia daggan haysato dhaqaale xumo ay ku dhisto xarun agoomeed magacii la doono markaa ha loo baxshee laakiin waxaa dhab ah in Magaca Iskoolka Xaawa Taako doorintiisu tahay Gaf wayn oo laga galay halgankii Xornima u darirkii lagu Dhaliyay J. Somalia , in la doooriyo magaca iskoolka xaawo taako wuxuu ka dhigan yahay astaanta Qaranka oo la badalay xaawo waa astaan qaran una taagan halgankii xoraynta dalka !

Aadam Zaki
Aadan17@yahoo.com
Tunis (ALECSO)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

18 Jawaabood " DFKMG oo Magaca ka bedeleysa Dugsigii Xaawo Taako "

  1. Walaal ma jeclaan inaan kuu jawaabo, balse waxaa ka xumahay inta wayn ee naga dhaxaysa ee Soomaali nimo saad u in kirayso. Walaal Xaawo, soomaali iyo kumaysi wixii dilayba waxaa ogaa taa, kan dilay inuu u hiilinayey guumaysigaa, Marxuumada Halgamaaga ahna Xaawo Taako waxay aheed gabar ka soo horjeeda guumaysiga.

    Walaal 1991 waxaa dhacday dawladaa ku sheegtay inay dalka dumisay, mudadaas ka hor iskuulkaas faa’idada uu lahaa ma taqaan, hadase maxuu faa’ideeyaa?. Walaal tii hore 20sano oo la soo dhafay ka fiican tahay wixii soo maray..

    Walaal adoo tixgalinaya Soomaali nimo waxaa raali galin ka bixisa gafka adag oo aan la qaadan karin oo aad gashay.

    Mudane Shiikh Shariif waa ninkaan 1- Maxkamadaha 2- Casmara 3- Madaxweyne 4- Barlamaanku kororsigiisa xaq mahan. Hadaba intaas oo isbadala waxay ku timid mudo 10sano ka yara. Badalka Xaawo Taako waa la fudeed hadaba.

    Mahadsanid

  2. juuqa says:

    War ninkaan shakiga rabo inuu galiyo jiritaanka Xaawo taako ann su’aal weydiiyo, ma quulenimay kaa tahay oo waxaa tahay dadka fadhi ku diriiryada lambarka sagaal u qaata misa aqoondarrey kaa tahay qabiil ayaa ku indha tiray oo wixii aan kula jufo ahayn magac iyo maamuus midna ma yeelan karo? koley dadbadan oo iga horreyyay wey ka hadleen in dadkii gobanimodoonka ahaa qabiil iyo qurun shaqo kuma lahayn oo wadankaa ka weynaa.
    War Adduunkan qofkii taariikh ka taga waxaa lagu xasuustaa wuxuu la yimid halgamaa, gabyaa, qoraa, heesaa, aqoon mid diini ah mid maaddi ah iwm

  3. CAJIIB says:

    Ninka yidhi wax baan xaman misna been ku hadaaqay

    – Ee yidhi xaawo taakaan , gudub u weydaarin

    – Godka lagu cadaaabyow muxuu, go’uhu been sheegay

    ninkaa macagiisu ba uhu nin weyn na waa u egyahay ee in aan u jawaabo maan rabine afartaa hal ee ilaah iga keenay ee gabayga ah an u hadeeyo misna halqaaliya aan ugu deree gabadha kaliyee hablaha somaliyeed taariikhda ugu jirta ee bahweynta haweeenku ku faanan ee la so oshirtagaan ee malaayiinta raga ah dhaanta ee adiga ad ku jirto cabdow e ilaa adiga kkuma naqaan iyadan naqane bakheyl yahow maxaad ku diiiday inanta. cadowna wadaadka ilaahay janada hakawaraabiyee meelo waaweyn buu mutaa in loogu magacdaro lkn in laburburiyo raadadka xornimada wadanka maha ogow abdi waligayna inta qof weeraro magaciisa kuma dhawaaqine tana hadalkaa tiraa iga keenay maandhow e bal miisana oo qiyaas waa cajab e hadlkaad soo qortay

  4. ali says:

    ascw
    salan dhaman wabsite howshan no ogoladey waa mahadsan yihin & booqadayaashuba,
    Intaa dabdeed waxay ila in la aasi karin taarikh dheer ee xawo cisman(xawo taako) oo ku geeriyootey banan bixi xoriyo doon ee hanoolaato janauay 1948 wana wax an la ilaabi karin mid jiran ma ahne oo haddii iskul h/dhexe xawo tao loo bedelo magac kale weli wan jogna wan ku celineynaa walow aysan nimakna hadda mesha jooga aysan somali & dowlnimo midna ujeedin oo ay tahya jebka wana wixi dowladdii hore lagu ridey tan meshii oo kale bey mareysaa taariikhda somaliduam waa qoran tahya maham tiii hore oo qof walba wuxu rabo oranayo tani waa qoran tahya mana la bedeli karo!
    somali hanoonooto xawa takan alah u naxariisto wan helney waxay u dhimatey wase naga hos baxdey waxay rabto ha ahtee oo adunka nal ka nacey ilaahey nama nicin waqtiag xuna waa jiraa oo dad xun buna wataa insha allah waqti fican ban rajeyneynaa & dad fican ba insha ilaehyna lagama quusto ee soo duceeya
    w/s

  5. shamso says:

    Waxaan maqli jiray anigoo yar in xaawo taako falaar lagu tuuray
    iyadoo dhagax kula dagaalamaysa gumaysigi talyaaniga waqtigi
    hanoolaatada,waxaana dilay nin somali ah oo ka mid ahaa dadki uu
    soo kireystay gumaystaha .
    taas waa wax la ogaa oo somalda oo dhan ka sheekeyn jirtay,marka
    ha la yaabina in dad tan iyo waagii la sameeyay taalada ilaa iyo hadda
    ciil qabay inay ka badalaan magaca iskuulka.

  6. Ordaayo says:

    Waxaa haboon qofku intuusan dood gelin inuu taariikhda soo akhriyo wax la taaban karana la yimaado. Shariif waxay ila tahay inuu ku qancay inayaysan Xaawo Taako wax jira ahayn sida qaarkiin ka muuqata.

    Haddii taalooyinkii la iibsaday burburkooda hadda magacyadoodii miyaa ma baxsan la’?

    Ninka yiri Xaawo Taako ma jirto iyo gumaysi ayay la safnayd iyo Shariifka ku raacay waxay la mid yihiin kuwii yiri Soomaaliya xuduud badeed ma lahayn mana lahan oo iibiyey.

  7. mowlid says:

    walaalayaal waxaa ah wax aad looga xumaado in maanta shariifku yiraahdo hala tirtiro taariikhdii xaawa taako taasi ma aha hala badalo daljirka xusuusta xaawo taako oo kaliyo balse waxa weeye taariikhda dumarka soomaalida oodhan oo latir tirayo waxayna calaamad utahay ooy si cad umuujinayasaa in xuquuqda ay dumarku uleeyihiin kalintooda waxqabad ee bulshada in mudnaatooda ku helaan oo labaabinayo lana hor istaagayo aduunyada kamay dhicin halyay qaran oo mudnaan dumarleh oomagaca hooyo soomaaliyeed muhiimadiisa tusaale u ah in layidhaahdo waxay ku haboonyihiin inla tirtiro lana qariyo uma baahnin waxay na meel ka dhac wayn ku tahay in dumarka taariikhda soomaalida baal dahabiya kaga jira in layidhaahdo maamuusta halaga xayuubiyo ookale hadaba dumarka soomaaliyeed haka kacaan meesha hadii tanlagu dayo maanta kuwo kalaa soo daba socdee.

  8. wadani says:

    waa foolxumo in qof wadani ah laga badalo meel loogu magac daray ka dibna loogu badalo muwadan kale labaduba waa wadaniyiin naftooda u hurey dalka ee meel cusub maa loogu magac daro ama sida schoolkii 21ka okober

  9. saamiys says:

    walaalayaal waxad ogaatan dadkii hore sida xaawo taako in ay ahaayeen dad uhalgamayo wadankooda iyo dadkooda ma aysan aqoon qabiil iyo gooni socod waxay ahaayeen kuwo isku duuban oo ilaashanaya wadankoodii hooyo.
    mana aha hadda in wax laga sheego aan aheyn xasuus ama kudayasho ee joojiya sheekada maadeysiga ah ee aad ku xumeyneysaan halgamayaashii hore adiga hadaadan arag wax xumaan haka sheegin ee waxad tiraahdaa xaawo taako taariikhdeedii yaa iiga waramo waa laguu shaagayaahe.
    anigaa hadda ku jiro tababar ciidan oo doonayo in aan ka saaro shabaab wadanka oo aan uhalgamo sidii xaawo taako.

  10. maxamuud says:

    Asalaamu calaykum
    Akhyaareey horta aan is weeydiinee hadii xaawa taako ay la dirireeysa gumeeysigii xiligeeda shariif gumeeysiguu u shaqeeyaa xiligiisa hada ah marka waa arimo is daba socda oo inuu baa,bi,yo dhamaan taariikhda dadkii gumeeysiga la dagaalamay wuxuuna shariif wataa howshiisii loo soo diray.

  11. Mohamud says:

    Hal gamayaasha somaliyeed waa ku xuskooda iyo xasuustooda ba mudan waxana xusid mudan in lagu daydo oo la ogaadu somalinimada in ay dhiig iyo dheecaanba usoo hureen oo aanay istaa hilin in fadhikudirka uun loogu dherag dhacsado, in taaska dib hadaan kajawaabo su’aasha cida khaladka iska leh waa dadka maanta jooga oo wixii dalkan dhib loo soomaray aan garanayn oo sheeku iyo mala awaal ku maqlay kagana hadla.

  12. muslima says:

    Taariikhda xawa taakko cid laga yeelayo ma jirto, tan kale shariif nin magac bedela uma qalmo, waa waa xasuuqe, caade qaataa oo ka sii liita cabdulahi yusuf, inkastoo umada soomaliyeed xasuuqii loo geystay, ragaas oo dhan iyo saaxiibadooda u geysteen, waa mid umada soomaliyeed meel u taal taariikh lama ilaawaan.

    Marka xaawo taako, wuu bedeli karaa intuu ku nool yahay 2km oo uganda ku ilaaliso.

    markuu uganda ka daba cararaan sideedii unbuu noogu soo noqon magacii.

  13. yab says:

    Wax Xaawo Taako dhalay ama la dhashay ama yaqaan mala hayaa horta? Aniga waxay ila tahay inayan jirin oo ay tahay mala awaal Maxamed Siyaad sameeyey.

  14. Runtsheeg says:

    Abdi walaal taarikhda dib ugu noqo…. falaarata yaa xaawo ku dhuftey? waxaa la mid tahay kii yiri xamar waligeed saas ayey u dun dunsaneed walaal… Sunday fooqal Sunday.

  15. mayer says:

    sxbyal waxey ila tahay inaan lasal gurin muwadin somaliyed tarikhdisi, in kastoo xawa taka aanan u arag tarikh umada somaliyed wax ugu ool ah. tan kale dadki 20ki sano qala lasaha ka qeyb qatey miyey xusid mudan yihiin.?

  16. Sahra says:

    Abdi wuxuu aadan ka sheekeeyay waa waxa adiga ku haysta oo ah wuxuu noo muujinayaa qoraaga qormadan inay halis ku jirto halgamayaashii ayna tahay in lala dagaalamayo taariikhdii ay lahaayeen dadkii dalka u dhinta ,
    abdi waxaad shaki galinaysaa jiritaanka xaawo kaato ( sidee loogu magac daray dhawr iskool Boorama xamar iyo meelo kale maxaa loogu sameeyay taalladii xaawa taako xamar ee ka midka ahayd astaamaha wadaniyiinta
    abdi jiritaanka ummad waa ilaalinta taariikhdeeda aadam adigana aad ayaad u mahad san tahay

  17. Ahmed19 says:

    Abdiyow, su’aasha iswaydiinta mudan waxaa weeye “sidee bay soomaalidu u arkaan xaawo taako”. anigu hadaan ahay ardey soomaali ah kuna nool qurbaha waxaan aaminsanahay inay xaawo taako nafteedii ku waysay difaaca wadankeeda iyo dadkaada iyo diinteeda. waxaana taaganahay, maa maalin loogu magac daro xaawo taako sida “martin luther king day”.ilamahaygana waxaan ooga sheekeeyaa geesinamada soomaalida iyo wax kasta oo wanaag ay qabteen. si hadhow ay ugu daydaan ama hero ay uga dhigtaan dadka camal wanaagsan soo falay.

  18. Abdi says:

    Aadanoow! Xaawo taako gumaysigii talyaaniga ayaa magaca iyo taaladaba u sameeyay, iyagoo rabay si caqli badni iyo khiyaano ah inay somalida u tusaan in somalida laftoodu gumaysiga u hiilinayeen oo ay u dagaalamayeen, taana waxaa daliil u ah, hadaad xasuusato xaawo taako taaladeedii waxaa wadnaha uga taalay FALAAR ama LEEB hadba sidaad u taqaano.
    Haddaba ma is weydiisay maxay xaawo taako haday ba qof jirta oo run ahayd, falaartu ugu dhacday?
    Ma gumaysigay la socotay oo somaalidii xornimo u dirirka ahaa baa dilay, mise xornimo u dirir bay ahayde somali gumaysi raac ah ayaa dilay?
    Wax kastoo jawaabtaadu tahay waxaa noo cad in xaawo taako somali dilay.
    Dowladaha xaqaa oo aad sheegaysid se ma tii dalkoo dhan dumisay baa?
    Waase runtaayoo shariif haduu rabo inuu ninkaa maamuuso, waxay ahayd inuu wax cusub u dhiso.