Home » Warar »

Waraysi: Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG…

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amaanka Qaranka DFKMG Soomaaliya Cabdishakuur Sh. Xasan oo aan wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya oo aan kula yeeshey Hoteel Kempinski ee Caasimadda dalka Jabuuti 22/01/2011, oo socdaal ku yimid dalkaasi, waxa u qabsoomey wasaaradiisa intii uu xilka hayey, waxa ay kaga duwan yahay wasiiraddii hore, hadalada ka soo yeerey maamul goboleedka Putland.

Waraysiga Qaybta 1aad: Ka dhegeyso halkan

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/abdishakuur_xasan1.mp3]

Waraysiga Qaybta 2aad: Ka dhegeyso halkan

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2011/abdishakuur_xasan2.mp3]

Wasiirku waxaa kale oo uu ka Hadley maamulka Somaliland, arrimaha dibu-heshiisiinta iyo qorshaha guud ee amaanka magaalada muqdisho

Waxaa uu ka waramay socdaalka uu ku yimid dalka jabuuti“Sodaalkani wuxuu ku saabsanaa shir ama siminaar ka dhacaya dalka Jabuuti oo ku saabsan dhinaca amniga, waxaana ka soo qaybgaley dowlado badan oo ka socda beesha caalamka iyo safiiraddooda, kaas oo socdey mudo laba maalmood oo siminaar ahaan looga munaaqashoonayey arrimaha amniga, kadibna shirkaas waa inoo xirmey waxaan dib u furaney shir kale oo asaguna kusaabsan amniga oo ay kasoo qaybgaleen safaaradaha iyo hay’adaha amniga sare, kuwaas oo dhinaceena uga soo qaybgalney, dhinaca Xukuumadda Fedaraalka wasiirka qorshaha iyo xiriirka dibadda, islamarkaasina ah ra’iisul wasaare ku xigeenka DF-ka, waxaa kale oo ka soo qabgaley wasiirka cadaaladda iyo garsoorka, wasiirudowlaha gaashaandhiga, sidoo kale waxaa ka soo qaybgaley Taliyeyaasha Ciidamadda Militeriga iyo Booliiska”.

Isagoo sharxaya aqoon is-weydaarsiga u socdey waxa uu ku saabsanaa ayaa wuxuu yiri “wuxuu ku saabsanaa shirkaasi, marka hore kala xog qaadasho iyo in la wanaajiyo xagga maamulka iyo xiriirka DF-ka iyo Hay’adaha caalamiga dhinaca Amniga , sidoo kale waxaa looga hadlaayey isku xirnaanta, ka warqabka iyo wadashaqeynta beesha caalamka, midowga afrika iyo AMISON oo iyaguna ka hawlgala xamar iyo IGAD”.

Mar uu ka hadlaayey qodobada looga doodey shirka ayaa wuxuu yiri “Qodobo badan ayaa looga doodayey shirka, qaarkood waxay ahaayeen kuwo hore, shirkuna ma ahan mid bilow ah, waxaa ka horeyey shirar kale oo hore u soo socdey oo bishiiba mar la qabto, wixii hore u qabsoomey iyo waxa aan hore u qabsoomin ayaa looga doodaa, ayagaasaana hore loo sii wadaa…”

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan mar aan weydiiyey maxaa hortaagan in ciidamadii hore ee Booliiska Soomaaliya iyo ciidamadii Nabadsugida in dib loo soo aas aaso, islamarkaana Soomaaliya ay noqoto Qaran jira?

Wuxuu ku jawaabey “waa su’aal fiican, runtii sidaas ayaa tixgelintu tahay, waana tixgelinaa, sida hadda xukuumaddan cusub ee DF-ka ah, khaas ahaan dhinaceena Amniga Booliiska iyo Nabadsugida, waxaan aad isugu deynaa ama qorshaheenu yahay saraakiishii hore ee booliiska iyo ciidamada nabadsugida, inaan dib u soo habeyno, kuwaas oo aan uga faa’iideysaneyno xaga tababarada iyo khibradda, sidoo kale jiilka cusub iyaguna dhalinyaradaan ah, ayaan dib tababaro sida hadda aan jabuuti u nimid oo halkaan ka furney dhowr beri ka hore Madaxweynaha Federaalka ah iyo Madaxweynaha Jabuuti ayey helaan, tababaradaas oo kale waxaa lagu sameeyaa dowlado kale oo jiiraanka ah sida Kiiniya, Ugandha, Burundi iyo Itoobiya, marka tababaradaasaa qaarkood ay ku jiraan, qaarkood ay soo dhameysteen, sidaasaa looga faa’iideeyaa, waxaana isleenahay tababaradaasu intii hore oo khibrada lahayd…”

Mar uu ka hadlaayey sida loogu aaminikaro qaran ciidan lagu soo xuley 4.5 ayaa wuxuu yiri “horta waaba ogtahay, beelaha soomaaliya, inkastoo annagu hadda aanan beelo ku xulin oo siyaasad ahaan, annagu siyaasadeena cusub ee xukuumadda Fedaraalka ahi, beelo kuma xulno, laakiin waxaan ku xulnaa tayadooda, caafimaadkooda oo la baaro, sida ay u dhisan yihiin jir ahaan iyo dhalinyarada Soomaaliyeed qofba qofka uu uga haboon yahay ciidanka booliiska ama nabadsugida, haddana kama marna in fursado la siiyo dhamaan gobolada hadde wixii laga qoro waa loo akh-rinkaraa in ay beelo yihiin, laakiin wax qorshe ama ujeedo gaar ah oo aan beelo ugu yeer yeereysno ma jiraan, laakiin marwalba oo ciidan la qoro waa ka koobnaanayaan beelahaas Soomaali, waaa ka muuqan karaan oo sidaas waa loo akh-rinkaraa, laakiin ma ahan sida dhabta ah ama ajanduhu aan niraahno tobankaas waa beeshaas, tobankaasuna waa halkaas”

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay waxa uu ka bedelayo mushaar la’aantii iyo xuquuqdii ay lahaayeen oo aysan helin ciidamaddan “Xaqiiqdii waxaa jira khaladaad badan oo dowladaan cusub ee federaalka ah inteysan curan waa jireen oo ku saabsan mushaarooyin xaga ciidamadda ah, caqabadana waa jireen, laakiin annagoo uga faa’iideysano shirarkaan waa ku weyneyd dhinaca mushaarooyinka, wax looga wadahadlayey ay ka mid ahaayeen, waxaana ku guuleysaney inaan soo afjarno dibudhaca xaga mushaaraadka oo wixii xuquuq ay lahaayeen la siiyo, wixii hadda ka dambeeyana ay helaan bilwalba mushaarkooda ama xuquuqdooda, tiradda booliiskuna ciidamadda guud waxaan dhihi karnaa waa shan kun, walina waan ku soconaa dhismahooda oo waxaan ku jirnaa qorid iyo tababar, waxaana rajeyneynaa inay gaaraan ilaa iyo 7000 kun, markey soo dhameystaan tababaradooda, waana fileynaa intaas in aan ku sii kordhino, hadba tabartu sidey noqoto si aan u gaarsiino ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed si aan u gaarsiino cadadd ku filan oo ay ku hawlgalikaraan oo dhibaatooyinka xagga amniga Ummadda ka haysta ay uga baahi tiri lahaayeen”.

Wasiir ciidan booliis waxaa lagu yaqaanaa inuu wato Budd iyo lebiskii caadiga ahaa ee lagu yaqaaney, laakiin ciidan taangi saran ama tuuto gashan oo koofiyadii buluuga ahayd wata, qorina wata, islamarkaasna shacabkii dhinac ka dhibaateynaya, dhinacna amaankiisa suga la leeyahay, sidee loogu magacaabikaraa Booliis?

Waxaa uu ku jawaabey Wasiirku “su’aal fiican waaye, waxaad ogtahay labaatan sanno iyo wax ka badan dhib socdey, ayaan ku jirnaa oo kuligeen kama caafino oo ma dhihikarno sida ay ummaddeena ugu riyoonayaan, inay helaan booliis ka korsan dhibaatooyinka ummadda ku soo jirtey hal mar sidii looma helikaro, wali dalkii ayaa dhibkii uu guud ahaan ku wada jiraa, laakiin xaqiiqdu waxaa weeye…”.

Intii aad xilka haysay maxaa kuu qabsoomey? “xaqiiqdi waloow ay mudadu yar tahay, haddana wax badan oo ay ka mid yihiin sida mushaarooyinka ciidamadanka, xuquuqdooda in la sugo, waqtigoodana in la siiyo, sidoo kale in xagii qalabka dib loo tayeeyo, xeryihii iyo isteeshimadii dib loo dayactiro, taas ayaan xoogga kula jirnaa, waloow aan kuligeed la qaban aan rajeyneyno bilaha soo socda dib loo dayac tiro…”

Adiga waxaa tahay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, maamul goboleedka Putland dhowaan war ayaa ka soo yeerey, in uusan waxba la qaybsaneyn oo uu ka madax bannaan yahay, Madaxweyne Faroole sida uu sheegey iyo wasiiradiisa qaybo ka tirsan, haddaba maadaama aad tahay, wasiirka arrimaha gudaha, islamarkaana ay ku hoos imaanayaan goboladii soomaaliya oo dhan, arrinkaas maxaad ka leedahay? Waxaa uu ku jawaabey wasiirka Amniga

“Anniga xaqiiqdii khilaaf ama haddal waa dhicikaraa, laakiinse mana arko caqabad weyn oo u diideysa ama ay u baahan tahay, maamul goboleedka Puntlad iyo shacabka soomaaliyeed kuligeed, hadda waqti ay u baahan tahay ama rajeyneyso khilaaf iyo dhibaatooyina waa ka daaleen, haddana waxay gaareen waqtigii ay ka caafimaadi lahaayeen, rajooyinkooduna aad ayey u weyn yihiin, waana waqti biseyl xoog badan ka muuqdo shacabka, in ay ka gudubaan khilaafyadii hore, kuwaas oo ay khibrad ku qaateen inay wax dumiyaan mooyee in aysan wax dhiseyn…”

Maxaa diidaya in wadahal lala furo maamulka Somaliland oo mudo badan sheeganayey in soomaaliya inteeda kale ay ka go’een islamarkaana si arrimaha amaanka Soomaaliya qayb weyn uga qaataan?!

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka soomaaliya Cabdishakuur Sh. Xasan waxaa uu ku jawaabey “Runtii wax diidaya ma jiraan, haddana laakiin waxaad moodaa hadda wadanka meel amaan ah oo xasilooni ka jirto iyo meel aan amaan ahayn oo amni deri ka jirto waxaa xukuumadu fadaleysaa mar walba meeshaan amaan derida ka jirta, haddii meel amaan ah oo dalkaagii ka mid ah aad haysato, waa wanaag aad haysato oo sidaad rabtey ah, laakiin meeshii xukuumadda talo galkeedu waa goboladii amaan deride ay ka jirtey, kaas ayaa na sugaya in gobolada amaan derida ka jirta in marka hore xooga la saaro markii kuwa aan rajeyneyno lagu guuleysto haddii alle yiraahdo oo gacanta dowlada kuliguud soogalaan, markaasaa loo gudbikaraa marxaladihii kale ee wadahadalka iyo daladii guud ee Soomaaliya”.

Ma waxaad sugeysaan in beesha caalamka isugu kiin yeerto oo Somaliland ama Gobolada Woqooyi ee Soomaaliya, ee hadda sheegta gooni isutaagida iyo Koofurta Soomaaliya oo hadda TFG iyo Putland ay ku muransan yihiin marka ay iyagu dhinac ay islamaraan, in wadahal beesha caalamka idiin furto miyaad sugeysaan, mise waxaa laga sugayaa TFG in ay qorshahaas dejiso oo lagula hadlaayo maamuladaan kale ee dalka ka jira, sida maamulka Somaliland oo kale, si iskaashi loohelo dhinaca nabadgelyada ah, maxaa diidaya Dowladu in xiligaan la joogo ay sameyso wadahal ay furto, iyadoo dhinac dagaal ay ku jirto si ay awood ugu hesho dhinacaas?.

Cabdishakuur oo ka jawaabaya su’aashaas ayaa wuxuu yiri “Runtii wax diidaya ma jiraan, dowladu mar walbaaba sida aan la socono, iyadaaba waxay ku dhisan tahay dibu-heshiisiin, waana awaliyaadkooda koobaad dibu-heshiisiintu, sidaan kuu sheegey dowladu marba kama baaqaneyso dibu-heshiisiin meel walba oo uga baahan dibu-heshiisiin iyo dab walba ee ay deminkarto iyo cid walba iyo cid walbaa oo diyaar u ah in dibu-heshiisiin la gasho, haddana waxaan kuu sheegayaa in aannan dibu-heshiisiin fursadeedu u joojineyn waqti walba, haddada aan ku jirna oo aanan baajin dibu-heshiisiinada meel walba oo aan dhibaato ku aragno in deg deg loodemiyo dowladu qorshaheedu yahay diyaarna u tahay, haddana waxaan laga maarmeyn sida Ra’iisul Wasaaraha uu hadaladiisa ku xusey marka u horeysa inaan saarno ugu horeynta amniga, amniga, amniga, kaas ayaa noogu weyn dibu-heshiisiina ka baaqan meyno, mana ku jirto inaan fursadaas baajino”
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.