Home » Warar »

Siday shacabka Muqdisho u arkaan xil kordhisashadii ay sameysteen Golaha Baarlamaanka


Xildhibaan Kulalihi oo ka mid ahaa xildhibaanadii ka soo horjeedey Xil kordhisasha ayaa ku tilmaamey arrinkaas mid la doonayo in Shacabka  lagu sii dhibaateeyo —

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho ayay la yaab ku noqotay markii kullan ay khamiistii yeesheen Baarlamaanka Soomaaliya ay xilkoodii ku darsadeen mudo saddex sano ah, iyadoo qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ay filayeen in Baarlamaanka lagu daro mudo hase yeeshee qaar kale ayaa ku baraarugay markii ay warbaahinta ka maqleen in ay xil kordhisasho sameysteen Golaha Baarlamaanka, waxayna sheegeen in arrintaan ay tahay mid lagu doonayo in Soomaaliya  ay sidaan sii ahaato mudo kale oo saddex sano ah waayo markii horeba shacabka kuma haysan qabin  wax faa’iido ah.

Eng. Cali Siciid oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed oo mar aan la kulmay ayaa waxaan wax ka weydiiyey sida uu arko xilka ay kordhisteen Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka, waxa uuna ku jawaabay “Awalba shacabka ma aysan soo dooran waxay ku yimaadeen qaab Qabiil iyo qaab qabqablayaal dagaal, marka waan ogaa in aan loo sameynin in ay wax faa’iido ah keenaan balse loo sameeyey in Umadda Soomaaliyeed lagu dhibaateeyo” aqoonyahan kale oo isna lagu magacaabo Cali Xasan ayaa waxa uu yiri “waxaa la yaab leh in xildhibaano gaaraya 400 iyo dheeraad ay ka soo baxaan 11 xildhibaan oo diiday in xilka loo kordhiyo Baarlamaanka, waxaana leeyahay 11-kaas taariikhda ayaa idin xusi doonto, waxaad diideen wax Soomaalida lagu dibindaabyeynayo”.

Xildhibaan Kulalihi oo ka mid ahaa 11-kii Xildhibaan ee diiday in xilka loo kordhiyo Baarlamaanka ayaa waxa uu yiri “10 sano ayaan xildhibaan ahaa intaana xildhibaanada Baarlamaanka wax ay shacabka Soomaaliyeed u qabtaan ma jirto, dadku way barakacayaan, waxaa ku socota xasuuq, waxaan u soo jeedinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka in ay ka fiirsadaan xil kordhintaasi, maxaa yeelay ma jirto wax aad qabateen mudadii aad jirteen ee 7-da sano ahayd”. Faadumo Xuseen oo ka mid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tiri “Weligiin shacabkku waa idin ogaa in aad ahaydeen kuwo danahooda gaarka ah ka hormariya danta ummadda Soomaaliyeed, waxaad tihiin xildhibaano ku shaqeeya laaluush, dib u qooraansada waxa aad sameyseen, dalka waxaad ku soo hogaamiseen ciidamada Itoobiya oo xasuuqay shacabka soomaaliyeed, sidoo kale shacabku waa uu ka dheregsan yahay waxaad horey u sameyseen, waayo dhowr jeer ayaad gacanta isula tagteen adinka oo fulinaya dano shisheeye”. Nin kale oo odey ayaa isna waxa uu yiri markuu maqlay in Baarlamaanka xilka loo kordhiyey “Xil kordhinta way isku yareeyeen ee maxay uga dhigan waayeen 10 sano, waxana ka sii jeclahay in iyana sidoo kale kordhistaan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana tihiin dad u shaqeeya Dowlado kale ee meesha uma joogtaa dan Soomaaliyeed, haddii aad Soomaali u joogtaa waxaad ka danqan lahaydeen madaafiicda ay AMISOM ku gumaadeyso Shacabka Soomaaliyeed”.

Beesha Caalamka ayaa iyadu sabab u ahayd in ay xilka kordhistaan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, kaddib markii ay shirkii ka dhacay Adis-Ababa ee wadamada IGAD ay soo jeediyeen in loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya xilka loo kordhiyo, taas oo xildhibaanadu markii ay maqleen arrintaas ay durbadiiba  xilka ugu darsadeen mudo 3 sano ah. Laakiin waxaa soo baxay walaac horleh oo arrintaas  degdegga ah k amuujiyeen beesha caalamku. Arintaas waxaa lagu muujiyey wareegto uu soo saaray Mahiga oo ah ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Isagoo arrinta ay fuliyeen baarlamaanku ku tilmaamay mid lagu degdegey.

Dhanka kale,  su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynuhu iyana ma loogu dari doonaa mudo 3 sano ah, maadaama Dowladnimada Soomaaliya ay haatan isteersada u hayaan Dowlado shisheeye  .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Siday shacabka Muqdisho u arkaan xil kordhisashadii ay sameysteen Golaha Baarlamaanka "

  1. Osman says:

    Indalaka Igad dhahaan waxa ahabboon in saddex sano lagu daro Baarlamaanka Somalia ayaga oo cayimay muddo meel ay ka keeneen laaqoon iyo wax ay u cuskadeen, isla markaas baarlamaaanki isaga oo aandood kasameyn dantadalka, xaaladda jirta, iyo sidi wax la yeeli lashaa oo aan hal ajende iyo wax option ah la sameyn in hadalki soo yeerey isla markiba laiska yiraa saddex sano ayaan ku darnay oo la ansixiyo wa arrin la yaab leh oo muujinaysa sida Baarlamaanku u ahayn hayad masuuliyad culus inay siddo oo kale u dhaqmaysa.
    Waxa kale oo muuqda khatarta ay leedahay nadaam xakamyn kara qaladka baaralaamnka inuusan muuqan.
    maxaa diiday inay halsano iyo bar ugu badnaan kordhistaan si dawladuhu ugu kala wareegaan kaddibna Baaralaman cusub loo soo xusho.
    Qolooyinka beesha Caalamka waa ogaayeen marki ay Igad hadalka soo jeedisaymaxayIgad ugala talin waayeen arrinta. Haddi ay dhacdaysay maxay xukuumadda dawladda Somaliya iyo masuuliyiinta Baarlamaanka toos ugalaxaajoon waayeen madaamaayagu ay ahaayeen kuwi maal gelinayay.
    In qolana na tiraa Kordhista saddex sano, qolona idaacadaha ka tiraa waa wax laga qoomameeyo oo keeni karta muran hor leh iyo is qabqabsi soo ma aha arrinki oo lasii murjiyey halki xalka meeshuu jiro loo dooni lahaa.

    Waxaan ka codsanayaa hogaanka dhaqanka ee Gobollada dhan, madaxda dawlad Goboleedyada oo ah kuwi marki horeba soo xushay Baarlamaankaan, Hogaanka ururrada Bulshada, culimada iyo ururrada xuquuqda aadamigaba inay dhamman muujiyaan kalsooni ama kalsooni darrada ay ku qabaan kordhintaan aan cidna laga tashan si loo ogaado in arrinkani yahay wax bulshada Somaliyeed u qalma. Kaddib haddi ay ka madax adeygaan xubnaha jira baqaas in umaddu kala noqoto kalsoonida golaha iskii isu wada oo shirweyne la codsado laguna soo dhiso baarlamaan cusub oo matala umadda.

  2. Runsheeg says:

    ACWB:Anigu waxaa ay ila tahay in dhibku yahay international community-ga USA,EU,AU,IGAD.iyo qaramada midoobay waxaa isku siyaasad iyagaana somaliya qaska ka wadda inta intaa wax laga weydiinayo arrimaha somaliya somaliya ma filaayo xal.Ta kale waxaan aad ula yaabaa IGAD wax ay inoo hayso IGAD waa ay u shaqaysaa maslaxadda itoobiya ka mid ahaanshaheeda waa un dhib somaliyeed,aad ayaan uga walwalsanahay halka ay somali ku danbayn doonto arrinta parlamenkana waa qas ay itobiya ka danbayso looguna talo galay dagaaladii qabilka in ay soo noqdaan,tusale ahaan dastuurka qabyada ah soomaali badan ayaa ka shaki qabta itobiya puntland iyo shariif sakiin danta ay ka leeyihiin maxay tahay kaligood?Waxaa soo socda dagaalkii xanuunka badnaa ee laga soo gudbay xalku marka waa shabaab oo sii joogtaa inta ciidamo kale oo itobiyan ah la keeni lahaa lana islayn lahaa mar kale.

  3. suldaan c. says:

    Waxaa weeye macnaha kordhintu in 6 sanadood madaxweeynaha loo cusboonaysiiyo iyadoo latix raaci doono qoraal qabyada dadstuurka cusub oo baarlaamanku ansixin doono ogoos usbuuca ugu horeeya hadii alaahay idmo.madax weeynuhu waxa uu dooran doonaa raysal wasaare aan cusbayn ma shakeegayo magaciisa hada waxa uuna shaqayn doonaa 5 sanadood isaguna.

    Waxaa sidan looyeelayaa dawlado shisheeye ayaa u arka in la daaliyo shabaab oo lays hor fadhiyo mudadaas,nabada soomaaliyana waxa loo qorsheeyay muda tobonaan sano ah in aayar lasocdo,tani waxay keenaysaa in dhib la aan shisheeyaha u ahantaan soomaaliya sida loo hantiyay garoonka umada soomaaliyeed caasimadeeda ah oo ah garoon qaran oo shisheeye hada leeyahay kadib markii madax weeynaha soomaaliyeed ka gaday.

    shisheeyaha sidan tarbiibta ah waxay ku gaari karaan in ay maalgashadaan oo lacag kasiistaan soomaalida dhulkeeda iyo qaranimadeeda.madaxweeynaha umada soomaaliyeed sheekh shariif waa ninka uugu wanaagsan ee arinta shisheeyaha sahli kara.ma dhacayso inay fursadaan lumiyaan shisheeyuhu.

    waxa lakordhiyay maha baarlamaan ee waa shariifka oo loo qaabeeyay sii jiritaankiisa 12 sano ee soo socota.

  4. Abdulaziz says:

    ASC walalayaal waxaan oran lahaa ummada somaliyed gar ahaan civil society ha tashato oo dadkaan meesha laiskugu keenay oo kaliya ka fakiraya jeebkooda iyo cunadooda in aysan uso wadin wax inaba la yiraahdo xal ama nabad galyo oo somalidu waxa ay ku maahmaahda NIMAAN KUU FURIN DOONIN YAANU KU RARIN… mic naheeda waxa weeye war nin kaliya project ku qaatay in uu shacabka xasuuqo oo aan islaanimo, bili’aadanimo iyo waliba wadaniyad aanan midkoodba lahayd maahan in aan kaliya ka sugno nabad iyo dowladnimo… marka umadi waxa kaliya oo ay ku hormari karta waa dadkeeda oo wax barta iyo damiirka wadinayad nimada ay shacabkeeda xanbaarsanyihiin…waxaan halkaan ka oranayaa Mr. SHARIIF, Mr.FARMAAJO IYO SHARIIF SAKIIN IN AY UMADA U SHEGAAN IN AYSAN WAX HORUMAR AH U HAYN WAAYO WAAD U JEEDAAN DAWLADAAN WAXA AY DHISAN TAHAY 2 YEARS OO AAN WAX HORUMAR AH AAN LA GAARIN OO AAN KA AHAYN IN DILKA UMADA SHACABKA AH EE AAN QAXA AWOODIN IN LA LAAYO MOOYEE EE WAXAAN LEEYAHAY ILAAH KA BAQA OO HADII AYSAN DAMIIRKIINA IDIN GAROWSIINWAAYEY DANTA AAD U TIHIIN MADAXNIMADA BAL DIINTA AD KU FAANAYSAAN HA IDIN GAROWSIISO DANTA AAD MAANTA MADAXDA NOOGU TIHIIN…SHACBIGA SOOMALIYEED MID BAAN XASUUSINAYAA TAAS OO AH BIYO SACBAHAGA AYAA LOOGA DHARGAA….EE ORDOO DAWLADNIMADIINA, DIINTIINA, NABADGALYADIINA IYO WALIBA DHAMAAN SOCIAL NEEDS AAD U BAAHANTIHIIN RAADSADA WALLEE MEESHAN WAXBA IGALAMA SOO SOCDAAN…ALLOW SAHAL UMUURAHA….ASCWW

  5. Togane says:

    Qeylada kasoo yeertay ergeyga QM iyo USA waxay u muuqataa kuwo lagu caburinayo dooda kasoo bixi karta kororsashada baarlamaanka.

    Sababtoo ah go’aankii kasoo baxay IGAD labadooduba goobjoog bey ka ahaayeen taladuna wax weyn bay ku lahaayeen. Qeylada hadeer aan maqlaynana waa mid la rabo in lagu jahwareeriyo cidii isku dayi lahdy in ay mucaarado. Sababtoo ah qofkii mucaaradi lahaa waxuu isleeyhay beshii calamka ayaaba ku kacdaye adiga u kaadi. Taasi waa odoroskeyga sixidna u furan.