Home » Faallo »

Aniga iyo Adiga Keebaa Dirac Ah? | Dirham

Ereyga ‘Dirac’ waxay Soomaalidu ugu yeertaa qofka Geesiga ah ee aan la quuri Karin, laakiin waxaa isweydiin mudan qofka ay soomaalidu geesi u taqaano, sida taariikhda lagu hayo welina saansaankeedu muuqdo soomaalidu waxay geesi dirac ah ku tilmaantaa ninka ku wanaagsan dirirta isla markaana maalinta fagaare loo baxo aan dib u jeesan ee indhaha iyo dhegaha istira oo halka raggu ku hardamayo bartanka ka istaaga, qofka noocaa ah ayay Soomaalidu ugu yeertaa dirac dirac dhalay iyadoo lagu dhiiragelinayo in uu mar waliba u taagnaado difaaca reer ehebel ilaa uu nafta ka waayo.

Wadadaas waxaa ku barbaaray da’ yarta maanta joogta qaarkood oo weli u haysta geesinimadu in ay ka bilaabato maalinta qori gacanta loo geliyo ee uu dhowr qasanadood ku faarujiyo goob dagaal uuna naftooda dhaafiyo masaakiin aan waxba galabsan, labo ka mid ah ragga geesinimada sida qaldan u fahmay ayaa sheekeystay waxaa ka mid ahayd hadaladii ay isweydaarsanayeen “Saaxiib ninkii ehebel ahaa ma maqashay suuqa ayuu soo galay oo ninbuu durbadiiba ku tegay, wallee waa geesi aan sii jeesan”, kii kale ayaa ku jawaabay “War naga daa kaa geesi ma ahane, ma waxaa u maleysay in uu nin dilay, tixsi ayuu dilay”, oo markaa ula jeedo in uu dilay nin miskiin ah oo aan ka dhalan beel hubeysan.

Labo wiil oo dhallinyaro ah ayaa jid isaga hor yimid, si weyn ayay isku garanayaan, meel ayay ku soo wada koreen, balse isku jiho ma ahan oo ninba dhan ayuu abaaray, labada wiil waxaa markii hore la wada geeyey dugsi qur’aan balse mid ka mid ah ma dhameysan qur’aankii waana uu isaga tagay dugsiga waxa uuna ku xirtay rag ku can baxay falalka xun oo dhiigga ku qubeysta isla markaana balaayo u joog ah dhowr barood oo lacag baad ah lagu qaadana gacanta ku haya, waxayna gacanta u geliyeen qori waxaana laga bedelay magaciisii waxaana loo bixiyey ‘Ma Jixinjixe’, halka kii kale uu ka aflaxay dugsigii isla markaana uu sii watay waxbarahada ilaa uu ka gaaray tacliinta sare, markii ay wada isku arkeen ayaa Ma Jixinjixe yiri “Waw saaxiib yaaba il ku saaray xaggee gashay ninyahow, waa maxayse qashinkaan aad ku raran tahay, maxaase haysaa oo aad qabataa?”, wuxuu ugu jawaabay “Saaxiib meel ma jirin waan joogay, mideeda kale qashin ma wado ee waa buugaagtii aan wax ku baranayey maxaa yeelay waxaan dhigtaa Jaamacad haddana waan socdaa oo waqti ma hayo ee waa inoo mar kale”.

Kama uusan wareegin balse waxa uu u sii raaciyey “Saaxiib intaad buugaagtaan waaweyn ku rarneyd ayaa asaagaa faa’iideystay sow iima jeedid horumarka aan gaaray, saaxiibow maxaa kaa reebay in aad horumarkaan oo kale gaartid”, wiilka ardayga ah oo yaaban ayaa yiri “Saaxiib waa maxay horumarka aad gaartay?”, Ma jixinjixe ayaa yiri “Waxaan u taliyaa dhowr barood, waxaan leeyahay qorigaan aad u jeedo, sidoo kale baabuur aan meel walba ku aadi karo ayaan leeyahay, waxaa intaa ii dheer waxaan ahay Geesi la tixgeliyo, balse adiga waxaa weli tahay ciyaal maamo oo hooyo canjeero isii ayaad joogtaa, waan ka xumahay saaxiib sidaan kuguma fiirsan karo ee i soo raac aad sideydoo kale Dirac noqotide”.

Halkaas waxaa ka dhalatay dood dheer mar haddii Majixinjixe ku dooday in uu yahay Dirac geesi ah, ardaygii ayaa ku jawaabay “Ma jixinjixow iima muuqdo wax horumar ah oo aad gaartay balse waxaa gashay mugdi oo aad weli ku sii socoto, mideeda kale geesinimada aad sheegtay ma in aad ummadda laysaa oo aad qorey ku faanto, waxaanse ku weydiiyey Geesi maxaa u taqaan?”, ma jixinjixe oo isku kalsoon ayaa yiri “way caddahay in aan geesi ahay maxaa yeelay geesi waxaa la yiraahdaa ninka xaqiisa dhacsan kara oo aan asaagiis dhabarka u jeedin sida aniga oo kale, markii dagaal la aado waxaan ahay ninka dadka ugu horeeya, waad og tahay in odoyaasha xaafadda i soo raadiyaan haddii xaafadda la soo galo basle adiga yaa ku soo raadsanaya maxaa yeelay wax aad tari karto ayaanba jirin oo fuley ayaad tahay”.

Labadii dhallinyaro ayaa isku mari weysay hadalkii waxa uuna nin waliba hoosta ka xariiqay in uu isagu geesi ayahy, ardaygii ayaa ku doodayey in uu u soo dul qaatay inuu wax ku barto dal burburay isla markaana ka faa’iideysto waxbarashada tayada buuran aan laheyn ee dalka ka jirta isla markaana ay gacantiisa iyo afkiisaba ka nabad galeen ummadda Soomaaliyeed taasina ay tahay midda uu isagu geesimo ku qeexi lahaa.

Haddaan u soo laabanayo Geesimo ama Dirac sidaan horey u soo sheegay soomaalidii hore waxay ugu yeeri jireen ninka u taagan difaaca qabiilka taa bedelkeedana ninka cilmiga raadiya ee isku daya in uu aqoon soo kordhiyo waxaa loo bixin jiray magacyo laga dheehan karo yasmo, haddaan taariikhda dib ugu laabanayo kacaankii warshadaha ee adduunka ka bilowday kadib waxaa jirtay kacaan kale oo ku aadanaa dhanka xidigaha iyadoo la sameystay Dayax-gacmeedyo badan waxaana kuwii ugu horeeyey la saaray Xayawaan si loo tijaabiyo markaa kadib kuwii xigay waxaa raacay dad oo naftooda ku biimeeyey si ay adduunka ugu horseedaan aqoon waxaana naftooda ku waayey dad badan oo taariikhdu xusto kuwaas oo lagu tilmaamo in ay ahaayeen geesiyaal wax badan adduunku uu ka dhaxlay, waa sax oo meesha waa ku jirtaa in la helo halyey dagaalama oo dulmiga ka hor taga balse waxaa qalad ah fasirka la qaatay ee ku saleysan in geesi lagu tilmaami karo qof kasta oo indha-adeyg u saaxiib ah una fiirsan waxa san iyo waxa xun, haddaba waa su’aal dadweyn oo madax daalineysa ee akhristow labada wiil keebaa dirac ah?.

W/D: C/raxmaan M. Aadan ( Dirham)
cabdiraxmaandirham@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Aniga iyo Adiga Keebaa Dirac Ah? | Dirham "

  1. sahra cali says:

    haa jawabtu waa cadahay sada saxda ah runtii somalinimada hadii laga hadlo runtu waa nagu dhib badan tahay qofka markow mal xunku socdo waan u amana sii u u tahalukeyo naftiisa markas ayaan dhahna geesi iyo erayo sas camal ah waxaan leyahay ha u ololeynaha dadka dambiga galo oo banesto xaqa dadka musliminta ah mida kale geesi nimada hadii alaah kugu deeqay waa inaad u adeegsata mesha alaah raliga kayahay.

  2. bismilaah sxbyaal anigu runtii waxaan qabaa in ay geesinimadu tahay wax illaahay bixiyo ee aan layska dhigikarin
    taa hadaan ka gudbo ma sidaynu unaqaano mise siday diintu utaqaan sideena iska daaa siday diin tu utaqaan waxaa geesiah ninkii samra ee carabkiisa iyo gacan tiisa laga nabad helo waxana aan sidaa ka arkayey ardayga

  3. Mr.Haaruun says:

    sxb Dirham waad mahadsan tahay aniga waxaan dhihi lahaa labadaa wiil meel ma wada galaan oo waxaan dirac ku tilmaami lahaa yarka Ardayga ah, kan kale ee saaqiday dadka qaar si qaldan u fahmay erayga Dirac ayaa waxay moodaan inuu yahay Dirac isaguna waxa uu isku heystaa inuu dirac yahay balse xaqiiqu taa ka dheer…..

  4. runtii wallalkeen qoraha waa sheeko fiican oo wanaag ku saleeysan sheekada uu noo sheegay iyo tusaalayaasha fiican ee ku jira balse soomalidu badi waxa ay isu arkaan in ay yihiin dad caqli iyo murti badan suaashu waxa ay tahay waan wada ognahay wallakeen sheekadiisa ah geesiga in aan u naqaan mid qaldan oo dilaa ah oo masaakiinta iyo agoonta xoolahoda dhaca oo diinta ku tilmaantay kuwa cadaabta ugu horeeya marka soomliyeey waa maxay sabta anaga oo og oo afka ka sheegna in aan ognahay aan ficilki ugu datri la,nahay waayo intaas waa aynu nireaa ilaah hanaga qabto laakiin ahduu iona aderken yahay waan ku faaana sababtu maxay tahay?aniga sida ay ila tahay waxaa nagu badan hadaan soomaali nahay dadka xun waagii aaan yaraa ee aan somalia ku noolaa ayaa la,oran jiray ma soomaali baa waxas sameeyay sidii in aan kuligeen malaaig nahay ma soomaali saas ah baa jira oo aan isu haysanay dadka kuwa ugu diricsan laakiin kuwii europe iyo dibadah joogay waa wada muqayiliin ilmahooda korsan oo ka shaqeeya qabyaalad iyo naceeybka shacabka soomaliyeed oo meelaha la isugu yimaada had iyo jeer kuwa ugu qaylada dheer ah hadan isu arka kuwa ragimo leh ama dirac, waxaa kale oo jira wax ka yar 10 petrcent oo ilaah hanuuniyay ku eg gurigooda shaqadooda masjidkooda oo marka wadada uga hor imaadn muqayiliintu yiraahdaan war heedhe hebel maxaa laguu waayay oo melah ragu isku arko lagaaga waayey ma islaantii baa ku xaraysatay ka dibna kkkk ku sii daro marka naga iyo wanaag kala dheer waayo waa taa raganimadeena.ws wr wb

  5. qarni says:

    Waxaa geesi ninka wax bartay oo dalkiisa iyo dadkiisaba anfaci doono insha allaah.

  6. timir says:

    asc wr wb
    marka hore wanku salamay Mr Dirham salan kadib aad & aad ayaad ugu mahadasan tahay qormaddan aad & aad ka u qiima ah badan labo jawab ayaa meesh tal. midka kowadaa waa qofka aqoontale isada uu u fahmo su.aash ah waxa sax wiilka u halgabey aqoonta & waxbarashada ninka qoriga sida waxa u ku jawabayaa aniga ayaa sax sidaa uu kii hore uba yiriba laakin Allow xaq u hiili ayaan lee yahay mahadsandi……..

  7. quman says:

    waxaay ilatahay waa iskacadahay jawaabtani balse yaa kudhaca,
    hadaan somaali nahay runta soo kama baqno?

    wabilaahi Tawfiiq