Home » Warar »

Shirkadda SKA: “Waxaan nahay Shirkad Madaxbanaan oo aan Cidna hoos Tagin”

“Lacagata aan gelineyno Garoonka waa mid Qar Iska Tuurnimo ah”

Shirkadda SKA Air & Logistic oo dhawaan Dowladda Federaalka la gashay heshiis 10 sano ah oo ku saabsan in shirkaddaasi maamusho garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa iska fogeysay warar sheegayey in ay hoos tagaan Mareykan, Yurub, Qaramada Midoobey iyo hay’ado kale oo caalami ah.

“Waxaan nahay shirkad ganacsi oo dooneysa in ay maalgashato Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waqti dhow ayaad arki doontaan in garoonku uu noqdo mid caalami ah oo soo fariisan karaan diyaaradaha waaweyn ee adduunka, sida Fly Emirates, KLM, British Airways iyo diyaarado kale” ayuu yiri mas’uul ka tirsan Shirkadda SKA oo aan kula kulmey Garoonka Diyaaradha Muqdisho wuxuu intaa raaciyey “waxaan dalka haatan keenay qalab casri ah oo aan ugu talgalnay Garoonka, sidoo kale waxaana keenay qalab dib loogu balaarinayo Garoonka, waxana rajeynaynaa in waqti dhow Diyaaraduhu soo degaan habeen iyo maalin, waxa uuna intaa sii raaciyey “Dadka iska leh Shirkadda SKA  waa dad isugu jira Carab iyo Caddaan, waxayna doonayaan in ay Soomaaliya gacan siiyaan”

Waxaana weydiinay mas’uulkaas sababta ay u maalgelinayaan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo wax ka yar 2 Kilo Meter Madaafiic uga timaado, waxa uuna ku jawaabay “Waa runtaa Madaafiic ayaa garoonka ku soo dhacda, waxaase kuu sheegayaa in dadka iska leh shirkadda lacagtooda si qar iska tuurnimo ah u gelinayaan Garoonka si mustaqbalka ay abaal ugu yeeshaan ummadda Soomaaliyeed”.

Waxaa kale oo weydiinay haddii ciidamada Amisom  ka baxaan Muqdisho in iyana ay u dhamaaneyso, waxa uuna ku jawaabay “Waa run haddii ay baxaan ciidamadaasi siima joogi karno, waana midda aan kuu sheegay oo ah lacagta garoonka lagu qalabeynayo ay tahay lacag isbiimeyn ah, balse dadka Soomaaliyeed ayaa ka rabnaa in aan wax ugu qabano.

Waxaan kale oo aan weydiinay sida ay u saameyn karto cabashada ka soo yeereysa shirkadaha Diyaaradaha Soomaaliyeed oo iyagu ku doodaya in ay dhiseen garoonka Muqdisho, waxa uuna ku jawaabay mas’uulkan ka tirsan SKA “Waxay ku sugnaayeen shirkadahaasi Garoonka Bali-Doogle muddo, maxay ka qabteen, sidoo kale waxay ku sugnaayeen Garoonka No 50 maxay ka qabteen, waa iyaga waqtigaan ka hadlaya Garoonka Muqdisho maxayse u qaban karaan, waxay doonayaan in ay  hor istaagaan in Garoonka Muqdisho laga dhigo garoon Caalami ah waxay doonayaan in Garoonku sidaa uu sii ahaado Soomaliyana sidaa Burburka ugu jirto”

waxaa kaloo weydiiney in ay kor u qaadeen qiimhii diyaaradaha” wuxuu ku jawaabey” waxaan dooneynaa in aan sameyno qiime dhimis waayo waxaan ognahay in lacag aad u sarreyso laga qaado Shacabka Soomaaliyeed “.

Mas’uulkaan waxa uu sheegay in SKA ay Tababar u bilowdey Shaqaalihii ka Howlgalayey Garoonka si ay uga faaiideystaan Aqoonta Khabiirada Shirkadda SKA isla markaana wuxuu sheegey in waqti dhow ay hawlaheeda si caadi u bilaabi doonto shacabka Soomaaliyeed ay arki doonaan wax ay ku farxaan.

Waxaan halkaa kula kulmey Shaqaale soomaali ah oo dibada kala yimid Shirkadda waxay yiraahdeen “ Shirkada haddii ay wax Soomaali lagu dhibaateynayo ay wado maba soo raacneeyn” waxay intaa ku dareen”Waxaan u aragnaa Shirkad Ganacsi oo dooneysa in ay Maalgashadaan Dalkeenna waana wax ka jira Caalamka fiiri Shirkad gaar loo leeyahay ayaa maalgashatey Dekeda Jabuuti waxay maanta ay la tartameysaa Dekedaha Caalamiga ah ee Adduunka sidaa baan dooneynaa in aan Garoonka ka dhigno Garoon Caalami ah  “

Dhawaan ayaa Golaha Baarlamaanka fadhi uu yeeshey waxaa Raiisul Wasaaraha DFKMG Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  laga codsadey in Shirkadaha Ajnabiga ee ku sugan Dalka ay Howlahooda joojiyaan Muddo Afar todobaad ah si loo kala ogaado kuwa Sharciga ah kuwa aan Sharciga ahayn.

Waxaa akhbaar laga sugayaa Farmaajo uu Janaayo 27 sheegay in uu ku soo bandhigi doono heshiisyada ay DFKMG la gashay shirkadaha shisheeye.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shirkadda SKA: “Waxaan nahay Shirkad Madaxbanaan oo aan Cidna hoos Tagin” "

  1. baajuun says:

    wax kasto in laga hadlo maahan waxbaa kaa qaldan muran ujoog yahow
    somalida cusub ayaad tahay oo 20ka sano dalka lagusoo daayey

  2. Rooble says:

    Yuusuuf Khasaaro, maxaad u kharisay magaca masuul SKA hadii aysan hoos imaan dad kale.

  3. Xassan Yare says:

    Waa arrin layaableh.
    Dadkii maxaa ku dhacay oo u hadli laýihiin.
    Wey u jeedaan meeshaan waxa ka socda, qof ka dabahadlayana ma jiro.
    Waxaay ila tahay in kulli raali laga yahay waxii la boobayo in la boobo.
    Qof walibana shirkad ha keensado.Maxaay sugayaan wasiirrada kale iyo Xildhibaannada, meey ayaguna keensadaan shirkado maal gashta dabakaayooyinkooda.