Home » Warar »

Prof. Dalxa oo Xabsiga Mombasa ku booqday Dhalliyaro Da’yar oo ku xiran halkaan

Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka KMGS oo Xabsi ku yaala Magaalada Mombasa ku booqdey da’yar qeyb ka ah Qaxooti Soomaaliyeed oo ku xirxiran Xabsiyada wadanka Kenya.

Mudane ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo booqasho ku jooga Wadanka Kenya ayaa waxa uu u kuur galay Xaaladda Qaxooti Soomaaliyeed oo ku xirxiran xabsiyo ku yaala Magaalada Mombasa.

Xildhibaan Prof.Max’ed Cumar Dalxa oo ka mid Mudanayaasha Baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa  Xabsiga ugu weyn Gobolka Xeebta kuna yaala Magaalada Mombasa ku booqdey Maxaabiis halkaasi ku jirta oo ay qeyb ka ahaayeen Qaxooti Soomaaliyeed oo Sadexdii Bil u dambeysey laga qabqabanayey Deegaanada Gobolka Xeebta iyagoo ku sii jeedey Wadankaasi Koonfur Afrika.

Xildhibaan Dalxa ayaa waxa uu intii uu Xabsiga Shimo la Tewa ku booqanayey Maxaabiista Soomaalida waxa uu kula kulmay halkaasi Caruur ay da’doodu aad u yar tahay oo ka mid ah Qaxooti Soomaaliyeed halkaasi ku xiran,wuxuuna Prof Dalxa wax laga xumaado ku tilmaamay in Caruur aan qaan gaarin ay ku sii jiraan Xabsiyada Wadanka Kenya,isagoo xusey in horey uu ugu guuleystey inuu soo daayo Dhalinayaro Soomaaliyeed oo ku xirxirnaa Wadamo ay ka mid yihiin Suuriya iyo Libya.

Dhalinyarada ku xiran Xabsiga Shimo La Tewa oo gaaraya Sodomeeyo ayaa waxa ay Da’doodu u dhaxeysaa 11 illaa 13 jiro kuwaasoo ka soo cararey Dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Koonfurta Soomaaliya isla markaana Dowladda KMGS iyo Xoogagga ka soo horjeeda ay hay’adaha Xuquuqda Bini’aadimka u dhaqdhaqaaqa ku eedeeyeen inay Askariyeeyaan caruur aan Qaan gaarin..

Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa ayaa caruurtaasi u balan qaaday inuu wax ka qaban doono arimahooda isla markaana isagoo la kaashanaya Safaaradda Dowladda Soomaaliya ku leedahay wadankani Kenya uu ku dadaali doono sidii Xoriyadooda ay dib ugu heli lahaayeen.

Tan iyo markii Dagaalada ka qarxeen Soomaaliya Sanadkii 1991kii ayaa waxa ay Soomaalidu ahaayeen kuwa u hayaama wadamada deriska la ah Soomaaliya iyo weli Wadamo aad uga fogfogba ayagoo ku taamaya inay meelahaasi ka helaan badbaado iyo Nolol balse ay badankodu ku muteystaan Tacadiyo isugu jira Xarig,Jirdil,Kufsi iwm.

Abdulkadir Jeylaani_Mombasa

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Prof. Dalxa oo Xabsiga Mombasa ku booqday Dhalliyaro Da’yar oo ku xiran halkaan "

  1. omar says:

    asc walaalayaal dhamaantiin waxaan idinku salaamay salaanta islaamka asalm alaykum waraxma waxaan aad ugu farxay runtii marki aan arkay xildhibaan soomaaliyeed oo damiirkiisu gaarsiiyay in uu dadkiisi ka raadiyo xabsiyada runtii aad baan ugu riyaaqay prof dalxa waa muwaadin somaaliyeed matalana shacabkiisa xilal culusna ka soo qabtay dalka waan ku hambalyeeynayaa dadaalkiisa uu ku baadi goobayo umadiisan dulman xildhibaanada kalana waxaan lee yahay kaga dayda dalxa wanaaga uu horseeday ee ha iska see xanina hotelada waaweyn marka aad timaadan wadan ee taga xabsiyada raadiyana dhibbanayaasha umadiina dulman
    bal eeg 13 jir ama 11 jir caalam lama sheegin meel lagu xiro ama sharci dhigayo in la xiro because waaba (minor )minorskana lama xiro shugran PROF MOOMAR DALXA muwaadin damqasho leh dadaalkaaga sii laba laab hadaad ka hadli karto duqaymahana please waan kugu sii waanin la haa si cilmiyeeysan in aad u gasho iyadan a