Home » Warar »

Puntland oo gebi ahaanka xiriirkii u jartay DFKMG

Warsaxaafadeed Sabtidii ka soo baxay Puntland ayaa shaaca ka qaaday in aysan wax wada-shaqayn ah la yeelanayn DFKMG, iyo in DFKMG aysan sinnaba wakiil uga noqon karin Puntland, iyo in Beesha Caalamka aysan u aqoonsan DFKMG ah mid wakiil ka ah Dowladda Puntland; iyo in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Siyaasada Somaliya (UNPOS) ay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay la garab-taagantahay DFKMG.

Warsaxafadeedkaas oo u qornaa sidan:

WAR-SAXAFADEED

Janaayo 16, 2011

Mawqifka Cusub ee Dawladda Puntland kaga aadan TFG

Ka dib markii la arkay; ka qaybqaadasho la’aanta iyo wada-tashi la’aanta ee Dowladda Puntland shirkii Djibouti oo saldhig u ahaa dhisitaanka Dowladda Federaalka KMG ah (DFKMG) ee Soomaaliya oo hada jirta;

Ka dib markii la arkay; hirgalin la’aanta dhanka DFKMG ah ee Heshiiskii Galkayo (23 Agosto 2009) iyo Isafgaradkii Iskaashiga dhanka Amaanka (12 Abriil 2010) oo ay wada saxiixeen DFKMG ah iyo Dowladda Puntland;

Ka dib markii la arkay; qaabkii looga fogeeyey Dowladda Puntland ka faa’idaysiga mashaariicda ay bixiso Beesha Caalamka ee loogu talo galay dib-u-dhiska iyo hor’umarinta deegaanada Soomaaliya oo dhan oo ay ka mid tahay tababarada ay ciidamada amaanka ee Soomaaliya ku qaadanayaan dalal ay ka mid yihiin Uganda, Kenya iyo Djibouti;

Ka dib markii la arkay; ishoristaaga DFKMG ah Qoraal-qabyeedkii Dastuurka Federaalka Soomaaliya taasoo ay sabab u yihiin Madaxda DFKMG ah oo ka war-wareegaya nidaamka Federaalka arrintaasoo ka soo horjeeda Axdiga KMG ah ee Dowladda Federaalka;

Ka dib markii la arkay; hor-usocod la’aanta DFKMG ah ee dhanka Amniga, arrimaha bulshada iyo dhisida Dowladdo u dhisan Nidaamka Federaalka sida lagu xusay Axdiga KMG ah ee Dowladda Federaalka;

Ka dib markii la garawsaday; tayo la’aanta iyo tabar la’aanta Hogaanka DFKMG ah ee dhanka hor’umarinta dib-u-heshiisiinta iyo qorshe xumada DFKMG ah kaga aadan doorkii looga filayay inay samayso inta aanu xilka u dhamaan;

Ka dib markii la ogaaday ; in DFKMG ay qayb ka tahay hurinta colaadaha xasiloonidarada ka abuuraya goobaha nabdoon ee Somaliya.

Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo maanta shir aan caadi ahayn isugu yimid ayaa go’aamiyay arimaha soo socda:

  • Waxay amaan u soo jeedinayaan doorka taageero ee  Beesha Caalamka u fidiso Soomaaliya iyagoo si gaar ah usoo dhaweeyey Ciidamada AMISOM ee nabad-ilaalinta;
  • Waxay u soo jeedinayaan Beesha Caalamka in aysan u aqoonsan DFKMG ah mid wakiil ka ah Dowladda Puntland;
  • Waxay ku dhawaaqeen in Dowladda Puntland aysan wax wada-shaqayn ah la yeelanayn DFKMG ah inta laga helayo dowlad Federaal ah oo ay ku heshiiyeen saamilayda kala duwan ee Soomaalida;
  • Waxay cadaynayaan in DFKMG aysan sinnaba wakiil uga noqon karin Puntland ka qaybgalka shirarka caalamiga ah, waxayna ugu baaqayaan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Siyaasada Somaliya (UNPOS) in ay dib uga fiirsato mowqifkeeda iyo taageerada ay la garab-taagantahay DFKMG ah taasoo lid ku ah qaybaha kale ee Somaliyeed sida Puntland;
  • Waxay si weyn usoo dhaweeyaan siyaasadda cusub ee Dowladda Maraykanka (Dual track Policy) ee ku aadan arrimaha Somalia taasoo ka turjumayso xaqiiqada dhabta ah ee Somalia.
  • Waxaa ka go’an Dowladda Puntland inay si gaar ah ugala macaamisho Beesha Caalamka arrimaha dib-u-dhiska iyo hor’umarinta Puntland, sidoo kale waxay kala shaqayndoontaa arimaha dib u heshiisiinta Somaliya, IGAD, AU, Arab League, Islamic Conference, EU, USA, iyo dhamaan deeq-bixiyeyaasha;
  • Waxay aad ugu soo horjeedaa in DFKMG ayan dhaafi Karin mudada xilkeeda, maadaama ay ku guul daraysatay hawlihii loo igmaday;
  • Waxay ku baaqeen soona dhaweeyeen in Puntland diyaar u tahay qabashada shir dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD—–

Puntland State of Somalia

Garowe

PRESS RELEASE

January 16, 2011

Puntland’s New Position Towards the TFG of Somalia

Considering the lack of participation, consultation and representation of Puntland Government during the 2008-2009 Djibouti Peace Process which led to the formation of the current Transitional Federal Government (TFG) of Somalia;

Considering the lack of implementation on the part of TFG of the Galkayo Accord (23 August 2009) and the subsequent Memorandum of Understanding on Security Cooperation (12 April 2010), signed between the TFG and Puntland;

Considering the marginalization of Puntland from the international community’s initiatives and funding intended for the reconstruction and development of Somalia as a whole, including past and ongoing training of Somali security forces in countries like Uganda, Kenya, and Djibouti;

Considering the TFG obstruction to the timely completion of the Draft Federal Constitution, mainly due to TFG leaders’ unwillingness to actively support federalism for Somalia in violation of the TFG Charter;

Considering the TFG lack of progress on security, delivery of public services and establishment of Federal States in accordance with the TFG Charter;

Considering the weakness and lack of capacity of the TFG leadership to advance national reconciliation and to put forth a viable and visible way forward for lasting settlement in Somalia during and after the current TFG mandate expires;

Taking into account the fact that the TFG has been involved in creating anti-government armed militias aiming to destabilize peaceful regions of Somalia;

In an extra-ordinary meeting, the Puntland Council of Ministers has today decided the following:

  • Praises the international community’s role in providing continued humanitarian and development assistance to Somalia, and especially welcomes the role of the African Union peacekeeping mission (AMISOM) in Mogadishu;
  • Requests the international community not to endorse or cooperate with the TFG as a legitimate representative of Puntland;
  • Proclaims that Puntland shall not cooperate with the TFG until a legitimate and representative Federal Government is established and agreed upon by the legitimate stakeholders in Somalia;
  • Declares that the TFG does not represent Puntland in international forums and calls upon the UN Political Office for Somalia (UNPOS) to reconsider its position and support for the TFG at the expense of other Somali stakeholders;
  • Welcomes, supports and endorses the  new U.S. Dual-Track Policy which is based on realities on the ground in Somalia;
  • Remains fully committed to deal separately with the international community on reconstruction, development and reconciliation matters for Somalia, namely: the Inter-Governmental Authority on Development (IGAD), the African Union, the League of Arab States, the Organization of Islamic Conference, the European Union, the United States, and all donor communities-at-large;
  • Asserts its firm opposition to any term-extension for the TFG under all conditions;
  • Calls for and welcomes to host a broad-based Somali National Reconciliation Conference to be held in Puntland.

—–END—–
Farmaajo oo ka warwareegey ka jawaabidda su’aalo la xiriira Shirkadda Saracen iyo inta ka dhiman Xukuumadda Shariif iyo cidda Safiir ka ah UN

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

35 Jawaabood " Puntland oo gebi ahaanka xiriirkii u jartay DFKMG "

  1. amin barry says:

    mdiaan kaa ilaaway walaal midaad tiri cid idin ka tabar yar majirto taas adiga ayaa tan runta ah ka marag kacayo anaga waan isku filanahay wax walba ay noqoto marka walaal ma ay haboono in loo hadlo iska hadal hadal walba oo aad leedahya hakuu cabiraado anaga waan isnaqanaa soomali waa in is taqaan waxa aad laxisaabtamaysid waa dawalad maanata mahan qabiil PUNTLAND waa dawalad mahana qabiil midaa lasoco anagu waan kasoo baxanay xiligii qabiilka

  2. amin barry says:

    walaal somali doon
    waan ku salamaya marka hore
    walaal madaxadayada marka hore ha cayn waa dad aqoon leh mida kale
    waxaad shegaysid wax way ka jiraan horta maa mulka itobiya asaga gumaysi ayuu dadka ku hayaa oo barbar dhig magali karo mida ka maraykanakana waxaa ka jirta cadaalad oo qof wax lunsan karo majiro soo madan garan
    meeshan madaama maxaka madii la xisaabtami lahayd shariif aya maqantahay waxaa xaq naga saaran yahay in aan umada soo maliyeed hantideeda dhicino bal walaale waxaad eegataa ninka xeebti iibsaday hadana ninkuu shalay xilka ka qaaday been abuur ka samaystay (ina sharmake ) muxuu siyaasad ka yaqaanaa ilaah baan ku gu dharshayee qodhaa iyo xeradaa wxaa haduu ale masuul nooga dhigay maxaan ka yeelnaa waxaan anagu radinayno mahan waxa aanana anagu xaq u lahayan mdia kale PUNTLAND 25% dalka way ka tahay waliba waxay ka tahay 30% oo 5% ayaa naga maqan asagana waan radinaynaa mar dhaw waan ku maqanahay dalku waa 18 gobal PUNTLAND waa 5 gobal marka adaan ku waydiinayaa miyaanan 30% xaq u lahayn waad mahadsantahay fikirkaaga saliimka ah waxa waad dhalacaynkartaa lakiin madaxada hanaga cayn kalsooni baan ugu dhiibanay waanan garab taaganahay har iyo habeen in kastoo uu hada saxsanyahay lakiin xataa hadii uu khaldanaan lahaa waan lasafnaanayanaa waayo asagaa anaga namatala mahasanid
    midakale sidaan hadii uu shariif wax ku sii wada waxa uu kala gaynayaa soomali

  3. Somaalidoon says:

    ACWB:TO:amin barry Bro waxaan kugu salamayaa salaantaa islamka salaan ka dib isma ogidine waa la idinla socdaa anigu ma ahi reer shariif mana ahi reer farmaajo(H/D)Waxaana arkaa qaladkiina xagee ku aragtay regional administration oo head of state kii dhinac fadhiisanaya?puntland wey ku doodi kartaa police maxaa looga kaxeeyay CARMO?Laakiin waxaan nahay puntland waxaana ka qayb qaadanaynaa shirarka caalamiga waa wax lagu qoslo,bal fiiri itoobiya meel kale ha tagin malez zanawi miyay la fariistaan kililadda ka jira itobiya?USA states ka miyay aadaan shirarka caalamiga?puntland waxa ay ku doodaysaa 25%dadka somalida ayaa puntland ku nool kkkkk?really waxa ay rabaan ankee dawlad fuction garaynayso ma yeeli karto iskaba daaye tan tabcaanka ah illahay ayaan kugu dhaariyay haddii waqtigii abdullahi puntland ay taageeri jirtay markii cumarna ay puntland iyadoo wax ay hadda ka qaylinayaan ay jireen balse ka gaabsaday micnuhu muxuu yahay?puntland canshuurta ka soo gashaa dekedda ma ogtahay Fed governm in ay xaq tahay in lagu soo wareejiyo?puntland waxaa ay qaadan kartaa oo kaliya canshuurta dawladaha hoose taa miyay yeeshay?micnahu waxaa waxayga anigaa iska leh waxaadana kula lihi miyaa?ndaamka sida aad adinku rabtaan ma ahane waa sida dunida looga dhaqmo.Dhibkiinii ayaa batay somalina waa idin baratay FAROOLE waa cunsubi qabyaaladiiste ah sida aan u aqaan qof u yaqaan ayaaba iska yar cuqubadii umadda somaliyeed ayaa idin haysata walaahi bal fiiri nabada ilahay idin siiyay waa ku xamdi wayseen canshuurta aad qadataan iyo illaa 30-45 million oo UNDP idin siiso mad weydiisaan faroole halka ay martay waxaad u qaylianysaan 200 kun dollar waxaadna jeceshihiin in koonfurta waligeed dagal ka socdo cadow ayaad tihiin somalina waa idin taqaan idinkaana da ugu tabar yar aniga reer gaalkacyo ayaan ahay waana idin aqaan shidoo aan idinka iyo reer waqooyi ahayn wadankaan ma lahan

  4. Mahdi says:

    Waa nasiib darro in dadka reer puntland oo ka mid ahaa kuwo ku caan baxay ilaalinta soomaalinimada ay siyaasiyiintooda qaar ka mid ihi sidaas u fakarayaan. Waa arrin looma qaataan ah. Waa ku digasho cad oo xukun-jacayl cadaaladda ka fogi maankooda asqaysiiyey. Maba isu warhayaan Faroole iyo kuwa u hadla ee uu sandareertada siiyo halaka ay la marayaan qaddiyaddii xalaasha ahayd ee reer Puntland. Waa mid ku tusaysa fadhiidnimada hugaanka maamulka burburay ee Puntland. Waa mid hoosta ka xarriqaysa caddalad darrada baahday ee ka jirta Puntland iyadoo lagu qarinayo arrintaas caadifado qabyaaladaysan. Waa kuwo arxan la´ oo ku qoslaya sida ay Al-shabaab ugu durdurinayso walaalahooda koonfureed iyo qaddiyada ummadda Soomaaliyeed. Waa xukun jacayl indho la´ oo ka tarjumaya damaca iimaanka beelay ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed. Kuwaas oo uu ka mid yahiin Faroole iyo Siilaanyo haddii ay siyaasaddoodu xalaal tahay cududdda ay ku faanayaan waxay isugu gayn lahaayeen koonfurta Somaliya. Dawladihii ku meelgaarka ahaa ee dalka soo maray ayay u hiilin lahaayeen si ay u soo ceeliyaan nabadda markaas ka dibna looga tashado ayaaha dambe iyadoo gacamaha la is-haysto. Nasiib darro meelo kale ayaaba looga taliyaa oo maba is-oga, kolkaasay afka ku taagayaan dawlad lay gigayaan dadqalada Al-shabaab.

  5. A/W/W. Hadii aan fikir kayga kadhiibto go’aanka Puntland kaqaadatay TFG da way kusax santahay, wana kutaageersanahay hadaan nahay shacabka reer puntland.

    Sababtuna waxaa weeye dee nin madaxwaynahaagii ah oo misana hormarkaga kasoo horjeeda waa wax laga noxo.

    Shariif ayaana sabab u’ah , wuxuuna ismooday in uu Mudulood kaliya madax weyne u’yahay

  6. amin barry says:

    waxaan salamayaa bahda somali talk
    waxaan u jawabayaa ninka la baxay SOOMALI DOON

    runtii aad iyo aad baan uga xumahay in qof tariikhda dalka aan aqoon xeerarka Federal ka aan waxaba ka aqoon in uu PUNTLAND wax ka sheego PUNTLAND wax aysan xaq u lahayn ma ay doonayso runtii xumaan iyo qabyaalada anaga waan ka baxanaya dadka bukaa waa adigoo miiran oo qabyaaldi ay ku jirto oo ay qurunsatay runtii anaga qabiilka agtayda waxa uu kayahay LI TA CARAFUU lakiin adinka agtiina waxa uu ka yahay LI TAQATALUU iyo in aad ku la xisaabtan taan PUNTLAND runtii aniga waxaan la yabaa noocaagoo kale markuu soo istaago oo uu soo maali sheegto ayaan soomalida ka khawaafaa adigoo kale weeye MADAX WAYNE SHAARIIF waayo caqli iyo aqoon ku ma dhaamo 24 saac iyo 7 malmood waxa uu wareegayaa diabada waxa talo iyo tusaale ah ma keenay adinkoo dhan ayaa qabyaaladu bohol idin ku ruday

  7. Somaalidoon says:

    ACWB:Dhamaan waxaan idinku salamayaa salaanta islaamka awalan waxaan illahay cafis iyo janno u weydiinayaa marxuum M S Bare waxaan ayuu dalka ka hayay reer puntland dhibka somaliya ka jira iyagaa bilow u ahaa sababaha loo sameeyay puntland ma ahan maamul goboled ee waa ka weyn yihiin.Sida qof ka mid ah dadka uu sheegay waxaa ay u arkaan in somalida kale ay cayayaan yihiin kana caqli badan yihiin,meeshaan maxaa yaal?nidanka federalka ayay rabaan sida iyaga dan u ah in loo yeelo itobiya bal may eegaan maamulada gobolada(kilinka)miyay la kulmaan hay adaha?miyaya aadaan safarada diabada?Tan kale punland wax ay ku tarto shariif iyo group kiisa waxaa ugu danbaysay waqtigii cabdullaahi yusuf,cumar intii u joogayna waxaa ay lahaayeen waa puntland ayuu ka yimide yaan la kala qaybsamin dhibka jira marka sida ay ila tahay waa sidan.
    1-Koonfur o aan rajo laga qabin in ay wax noqdaan oo cawaan ah.
    2-Farmaajo oo aan ahayn reer puntland kaba siidarane dadka lagu gubaabyo inuu yahay reer hebel.
    3-Iyo in wax laga dhagayso oo laga diiday oo ay qaadan waayeen waxaan talo u soo jeedinayaa sharif iyo group kiisa.waa in ay ka hor istaagaan maamul qabiiledka puntland shirarka caalamiga xaq iyo sharcina waa u lee yihiin.waa in maamul goboleed yo la sameeya challenge la galo puntland,reer puntland masiibo aan ahayan somali ma lahan,waxaa dilooday qabil iyaga dhibtoon noo bilaabay maantana puntland waa qayb mudug ah,qayb bari ah iyo nugaal oo ah gobolka ugu yar uguna dadka yar somaliya oo M S Bare hab qabiil ugu ogolaaday bal maxay kala tagayaan TFG Haddii ay ka baxaan?waxaa ay ku eg yihiin cunaqabatay in laga saaro hay adaha canshuurtoodana markii horeba kuma filnayn PUNTLAND WAA MASIIBADA SOMALIYA haddii ay waayaan prime minister ama presedent waa geeri gooda dhibka halkaas ayuu ka socdaa RUNTA HALOO SHEEGO DADKANA WAA UGU DHUL XUN YIHIIN WAANA UGU YAR YIHIN

  8. yonis says:

    mamul federal sheganaya oo dowlada dhexe isagu inuu hago doonaya jahilnimada umadas heysata weye dowlada dhexe iyada ayaa madaxtoyada lo saranyahay maxey dhiban canshurta dowlada hoose xitaa ma dhiban ciidamo iskaba dhaaf ,
    dowladu dasrurka ey hada ku dhaqanto federal kuma taale 4.5 aya ku taal dowladana dhaqale iyada ku filan ma heyso
    marka federal shabab aya wax idinku sineystee sugta ayan leyahay anigu kkkkkkkkkkk

  9. Axlaam says:

    puntland wa dowld somliyeed dadkeeda iyo dalkeeda wa hal mid amaa dawkda DKMG ah dadku wa somli dawlduna wa somlai wax anaga hadan anhay reer puntland madxweyhayga dhibaayo wana dhibaya mana donyano meel ka dhac

  10. BAAJUUN says:

    ASC salaan kaddib Putland xageey tageey soo sida Somaliland oo kale noqon meeso

    ASC salaan kaddib Putland hadday go,do iyo hadday go,inba wax isbedel ah dhici maayo
    maxaa yeelay iyadana waxbo kahalaabi maayo cid kalena waxbo kahaleen meeso
    iyadana way raysan waana laga reesan
    Koonfur go,aan ayey gaartay illaa ay isa soo habeeso cid kale waxbo kadheegasan meeso
    mid kaliya ayey iyada iyo xamar kuwada shaqeen karaan
    Haddii ay ogolaato in iyadaba xaq lagu leeyahay
    ciidanka iyo dhaqaalahaba in lala wadaago Federaalku waa sidaas

  11. Guled M M says:

    Soomaalida waxay ku maah-maahdaa, nabar aad fillaysid naxdin kuguma qabto, Ee arrintan waa arrintan waa arrin la sugayay, in puntland sameeyso, wayna la sow daahday, marka waxaa haboon in la wajaho, runta ama la sheego, puntland, ama wasiirka koowaad, ama No, xarrir ayee ka tarjumaysi, lkn waa nasiib darro, in sad bursiga kugu jiro ku geeyo, meel ka gaar, ah , ummadda, Aniga shaqsiyan, umma arko in puntland ahmiyad u leedahay soomaaliya, waa siyaasad ahaan, sababtow waxaan Ognahay, puntland dhibaatadda ay ku heyso shacabka soomaaliyeed, mana jirto , puntland maanta cid ay xarriir la leedahay, midaan ayaa ah , tii ugu danbeesay, somaliland, xarriir lama lahan, TFG,lama lahan, gobolladda dhexe xarriir lama lahan, soomaali Galbeed , xarriir lama lahan, jabuuti xarriir lama lahan, marka waxay uula muuqatay puntland, in xarriirka dowladda Melez zanaawi ay la leedahay kaga dhan tahay soomaalida, oo idil , taas ayaa ku micneenayaa aniga lkn, kuma aysan xisaabtamin, karaamadooda danbe, ay ducufnimadda ku jirta ayaa kala waynaatay, soomalinimadda !! shalay ay aheedeen, marka ay oronayeen ciyaaraha goboladda ayaa Qabanay , soomaali in aan isku keeno ayaanu rabnaa , warkaas la bood boodayeen, waxaaana ku xiga sidan kkkkkkkkkkk, nimad taqanaa haddiii aad maradda ka sow rogta asagow jiifo , waa isla asagiii, marka soomaali idiima baahna dowladda sharriifna idiim baahna , idinka ayaa u baahan, gartay, ama ag marra . taas ku darsadda haddii dowladda soomaaliyeed la hellana, waxay iila tahay, cid idiin baryeeso in aysan jirin, oo san dulya , niigula keenaya.

  12. ali says:

    Dowladadda Federaalka waa magac u yaal bal fiiri abaarta ku habsatay Somaliya , Federaalka maxay u qabatay ? .
    Puntland waxay u doodaysa gobolkasta in uu helo xaqiisa , way diiden in uu ku qaraabto magacooda nin aan dan u haynin .
    Gobolada kale ee dalka somaliya waxaa laga rabaa in ay u istaagaan baadigoobka xaqa ka maqan siddii ay u heli lahaayeen .

  13. Muse says:

    Marlaan daalacday qodoba Maamulka Somaliyeed ee Puntland ka soo saaray joojinta xiriirka dawladda KMG ah waa kuwa la garaysan karo waayo markaan akhriyey waxaa iiga soo baxday iyadoon cidna wax loo dhibeyn ficilka dhabta ah ee meesha ka socda ilaahay hanaga badbaadiyee, waxaanna u qaatay in qodobada qarsoon ay ka mid yihiin laakiin la qurxiyey kuwa hoos ku qoran oo loo baahan yahay in dadweynuhu si wanaagsan u fahmaan waana kuwaan:
    Kadib, markii dawladda iyo shacabka Puntland ay arkeen sida Orgobbonimada ah ee madaxweyne (KMG) shariif iyo kooxdiisu ay u iibsadeen baddii somaliyeed,
    Kadib markii dawladda iyo shacabka puntland garwaaqsadeen in Domain-kii qaranka la (xaraashtay), kadib markii dawladda Puntland iyo shacabkeedu ka warheleen heshiisyo aan loo aabbo yeelin lala galay kooxo laga cabsi qabo in ay waddanka qashinkii nucleyarka ku aasiddiisii in ay dib uga bilaabaan sida shirkadda SARASEN, kadib markii ay xaqiiq noqotay in shirkad cirkii Somaliya laga kireysatey taas oo loo yaqaan (SKAI).
    Kadib markii dawladda Puntland iyo shacabkeedu ogaadeen in kooxda Madaxweyne shariif uu si daran qabiilku uga soo kankamayo aanna laga nadiifin karayn, isla markaana ay la dhuunteen dheef-shirko ahayd
    Puntland waxay go’aansadeeen in ay deg deg uga insixaabaan xiriirka kooxda malabsiga badan oo aan maatada u tureyn dhiigga wadanina aan lahayn, si ay u badbaadiyaan qaybaha ka haray Badda, Berriga iyo Cirka Somaliyeed.
    waa arrin gar ah oo cidkasta oo bar dhiig somaliyeed ah ku hartay in ay sidaan u fekerto layskana fogeeyo kooxda iyo barnaamijyada khaldan ee ay cagaha ku wadato..

  14. maxamed says:

    ASC
    intaa kadib soomaali illaahey ha badbaadiyo, waxaan sidaa uleeyahay, waxaad halkan ka dheehan karataa jawaabaha iga horeeyay waxaanse kala garan la ahay dadku mawaalan yihiin mise, waxeey soomaalidu isku haysataa rashiin aanba la’abuurin oo aan weel lagu karsho iyo dab lagu karsho aan laheynin, siyaasada waxeey dhamaan noqotay siyaasad geeljire, waxaadse ogaataan hadeey soomaali kala go go’do iyo hadey wada joogto, inta uu hal abuurkiinu iyo taldiinu sidan tahay walee waxba nooma kerdhin, waxaana xaqiiqaa in aadan cadawgiina arkin ee aad kaligiin uun is aragtaan, war siku xishooda, soomaali hakala tagto talo maahan caalmkuna taa diid.

  15. darwiish says:

    puntland horta way ku amanan tahay inay xirirka u jarto wax magartada rer koonfuredka ah balse waxay suaashu tahay puntland iyada lafteda wax ma daransatay oo wax ay manta ku lolanto mahaysa wa maya siday ila tahay wayo siyasad xumada maxamud saleban aya puntland burburisay waxay ila tahay puntland oo ssc iyo iyo bosaso shacabkedu ka maqanayhay waxba ma ah tasina wa ay muqata in ssc hargaysa qabsatay bosasana shacaka kunol aysan tagersanayn nidamka ina faroole e kudhisan qabyalada herka hoose ah waxan urajaynaya puntland midnimo is afgarad wax wada qabsi isku so noqosho mamulwanagsan horumar barwaaqo iyo dawalad cadalad ah oo hogamisa shacabka dacad ah e puntland

  16. shabeel yare says:

    ASC, Bismilaah

    Puntaland waxay ku fadhidaa masaaxad dhan 1/3 oo la mid ah boqolkiiba 33%
    dhulka somaliya , macanaha masaaxadda/ bedka dhulka puntland waa seddex milood marka looqaybiyo waa meel. waxay ku taalaa geeska afrika meesha labad badood ku kulmaan, bada cas iyo tan hindiya. waa dhul hadii si wanaagsan loo maamulo ku filan dadka ilahay siiyey ee reer puntland, sidaa daraadeed markana lama aqbali karo in shariifka ku fashilmay in uu xaafad xamar ka tarsan wax ka qabto bal wadan iyo dad kaleba ha joogeene in uu caalimka uu ku dawarsado magaca puntland iyo dowlad goboleedyada kale ee somaliyeed isagoo geed dheer iyo mid gabanba u fuulay in uu hantitadda beesha caalamku ugu talo gashay ummada somaliyeed ee mucaawimada ah in uu jeebka ku shubto, dhanka kalena damcay in cunaqabatayn siyaasadeed iyo fayla goyn la daba joogo puntland iyo waliba asagoo caado ka dhigtay in uu ganafka ku dhufto ama ka baxo heshiisyada puntland la gasho dowladdan taagta daran oo heehaabaysa xafad ku taal caasumadii hore ee somalia, waxaan qabaa in ay puntland samaysay dulqaad badan ayadoo xeernaysa danka iyo dalka somaliwayn. hadaba go’aankaani waa biyo kama dhibcaan in ay xiriirka u jaraan maamulka shariifka inta la helayo dowlad dhexe oo xalaal ah oo daacad ay ka tahay dib u heshiisiinta iyo isu soo dumida dadka somaliyeed oo meel walba cadowgu kaabiga u saaranyahay.

    Wa bilaahi Towfiiq

  17. Layla says:

    Somaliaxornimadeeda iyo dawladnimadeeda, walaalnimo, waddaninimo, isjacayl iyo is xilqwaanqof waliba iskiis isu xilqaamayayaacalanki iyo xornimadi lagu dhaliyey.
    Nin lagu qasbay qarannimada iyo calankaiyo midnimada midnamajirin.
    haddaba haddi qolo damacdo inay goonni u tashadaan.
    Ma u malaynaayo maanta inay jirto cid dhahaysa jooga amasoonoqda.Somalinimadu maahawax qolo leedahay oo lagu xumaynayo.
    Shanti Somaliwaaaragtaan tii ugu dambaysay halkay kasoo jeesatay.
    Markaa qolo kale haduu dareenkaas ku jiro dee garabkaadaallahagaloDawladda Somalia iyo umaddaSomaliyeed dhib ayadaagarkajoogta waqti aydad ku tuugtuugtana ma hayso.min gaalkacyo ilaa libooya iyo labadawabi allahanoo barakeeyo waana isku tashanaynaainshaalaah.ciddi ayadu siiordaysa culaeyskeeda lee hannagalatagto iyo dhibkeeda afkeedanahaedebsato .Annagacidnama caayeyno koonfur hadaan nahay cidnama eedeyno.allaha idin deeqsiiyo meeshiinna annaganaculayska,muranka iyo caydawalaalayaaloow nagayareeya.

  18. Ordaaye says:

    Aniga labo ayaa ius kay qaban la;. Soomaali wayn ayaan doonaynaa inaan shir u qabano oo aan isu keenno iyo ma doonayno maamul ka jira Xamar. Waxaad moodaa warkaasu inuusan is qaban karin. Ma waxaad doonaysaan inaad jabuuti labaad noqotaan oo aad kooxo aad u gacan haatiseen ay Garoowe yimaadaan ka dibna ku dhawaaqaan ina cirgujiyaa madaxwayne ah (magacaan hadduu jiro qofkii la dhaho ha raalli noqdo).

  19. Zayid Daahir says:

    Hadii an figradayda ka dhiibto Go aanka ay gaadhay Puntland Waxaan is leeyahay Aad ayay ugu khaldantahay Waayo Maanta Lama Jooga xiligay odhan lahaayeen Waato umada somaliyed waxay ku soo jirtay dowlad la aan nidaan alaan kala danbayn la aan.

    Waxaan umalaynayaa Waxan is leeyahay puntland barina waxay odhanaysaa Somalia waanu ka go nay ?
    ???????????????????????????????????????????/

  20. Dalmar says:

    Waan idin salaamay dhamaan waxay ila tahay in dad badan aaney fahmin go aanka puntlaand, go aanka puntland waa inta laga helayo dowlad dalka hanan karta oo aan ahayn kuwan hada joogee wada tuugada, waan isku tashanaynaa tuugada hada joogta ee shariif iyo ragiisana ma aha kuwa dal matali kara waayoo dalkii bey qaybo kamid ah suuq madow ku iibsadeen meel ay kataliyaan ama ay maamulaana lama arko marka qof kasta oo caqli leh ha is weydii nimanka faraqa is wada heysta ee isku haya deeqda yar ee dadka xabada leysay caalamka siiyey in ay dhexdooda kala xadaan, maamulka Puntland oo maamul shaqaynaya ah caalamka wakiil ma uga noqon karaan, jawaabtu waa may. hadaba waxay ila tahay puntland go aankan ay qaadatay waa mid muslin iyo gaalba qof wax garanaya uu soo dhawaynayo, qofkii arintaasi ay la qaldantahay waxaan u sheegayaa in uu yahay qof xaga dhimirka ama maskaxda wax si kayihiin ee aan caafimaad qabin ee ha is daaweeyo.
    waad mahadsantihiiin dhamaan

  21. Ex Fiyoore says:

    Waxaa wanaagsan in runta laysu sheego Soomaaliyeey caadifadana laga tago. Runta ayaa waxay tahay hadii ay jirto dowlad dhaxe iyada ayaa matalaysa wadanka oo dhan. Ma ahan in ismaamul goboleed uu ka qayb galo shir caalami ah. Hada ka horna arintaa mar bay dhacday oo waa markii Faroole uu tagay shirkii Turkiga lagu qaban jiray oo ay asiga iyo Shariif meel wada joogeen. Ma ahan in uu ka qayb galo Faroole shirarka noocaa oo kale, tusaale ahaan, ma arkaysid Maraykanka Govanatoore la socda Obama marka uu ka qayb galaayo shirarka caalamiga ah. Marka aniga waan ku raacsanahay Dowlada Federaalka arinkan ay ku dhaqaaqday, maxaayeelay waa ceeb in madaxweynihii qaranka iyo mid maamul goboleed ay is dabo socdaan meel walbo uu shir arimaha Soomaaliya looga hadlaayo uu ka jiro.

  22. waamo says:

    ASC mahadi Eebe ayey usugnaatay salaan kaddib aqyaarta
    Putlad iyo Dowladda wax xiriir ah kama dhaxeen Ciidamo kama dhaxeen
    Dhaqaalo kama dhaxeen maxay tahay go,ida mafahmin?
    maxaase imaani kara nothing.
    2 ayaa lagudboon Putland
    1) inay sida Somaliland noqoto
    2) inay iska sugto intay konfur soo hagaageeso
    laakiin marna masuuro galeeso in Somaliya iyo Putland isgarab ordaan
    Putland markay leedahay dhaqaalaha qaybteenna naga siiya aaway Goboladii kale ee Cadawga haysto kuwii difaaci lahaa ayaa Mushaar loo la,yahay
    Putland shalay Shir Somaliyeed iyo dibu heshiisiin kubaaqeesay
    mantana waan goostay ayey ledahay soo lama dhihi kara waa dhaqaalo ujeed ee Somalinama maahan?
    Qofkii sixun wax uraadiya si xun ayuu ubaxaa

  23. afgooye says:

    waan idin salamay kurtiin Somalida waxaa isaga qasan wax yaabo badan
    Macnaha federaalka
    Reer putlad waxay modayaan inay somalida inteeda kale kacaqli badan yihiin
    1-waxay rabaan in Shir kasto oo laqabanaayo Faroole iyo Shariif isla fariistaan
    2- hadii lasoo tuugsado tuugsiga Nus yeeshaan
    waxaa kamaqan siyasadda qaarijka in ay dowladda somaliya masuul katahay
    aad iyo aad ayaan ugu farxay
    hala gaaro xilligii Federaal wax lagu qaybsado lakiiin hdda wali lama gaarin
    waxay moog yihiin in iyagaba xaq loogu leeyahay
    1-in dhaqaalaha soo gala qaybtii dowladda dhexe ay keenaan Xamar
    2-in ciidamo ay keenaan
    waan kanasan laheen dhibkoooda

  24. c/rashiid says:

    aad ayaan uga xumahay in somaliya markasta ay siikala go,do, oo ay xubin kasta ay mar tagto. laakiin waxaan qabaa arinkaa masuuliyadeeda waxaa iska leh shiikh shariif, maxaa yeelay xiligaan in wax dadka kala goynaya lagu kaco ama layshortaago wax muhiim u ah umada waa siyaasad xumo.
    hada shariif waxaa moodaa markii uu tiisii xalinwaayey in uu maciin biday in uu kala cayrsho umada oo dhaho meel puntland timi tagi maayo waa nasiib xumo. siyaasad waxba kama yaaqaaan. puntlandna waxaan oron karaa waa deg degtay ee maahay in ay hadaba kudhawaaqdo.

  25. Adam Abuzhri says:

    OOOOOw, no comments like this situation. I wait for what you guys, TFG and Al-shabaab say. Please, stop tribal comments on this issue.

  26. Puntland go’aan kay qaada tay waa ku saxsan tahay. Bal fiiri ku wa dhahaya”Puntland inay goosato ma ‘ahan”, yuu ka maqlay waa goosanaysaa. Bal eeg kan leh “Isceebsada” yaa ceebtu kartaa ma kuwa dawlada iyo nidaamka nabad galyada leh, mise kuwa bada soomaaliya iyo siyaasada soomaliya ba ajanabi kala shiraya.

    Walaal Puntland waa goosanaysaa, hadii xal la waayo. Sababto ah 20sano bilaash dawlad la’aan loo aha, Nin Caruurtiisa ciil u ogol ma leh.

  27. sheekhunaa says:

    sc wr wb

    marka hore salaam khaas shacabka puntland iyo jubada hoose – iyo gobalka wardheer iyo walwaal. salaanta xigta waxaan salaam maamulka puntland iyo isimad,

    horta waa arin aad u wanaagsan talabada ay qaaday dowlada puntland,

    waxaan rabaa inaan arimo badan u iftiimiyo dowlada taas ah
    1 sidee lagu dhigi karaa dowlada awoodeeda aan xoog badanayn
    2 xiriir calamiga oo u madax badaan.
    3 sidee hormar ku gaari kartaa maamul goboleedyada laga dhiso doono somali,

    marka waxaan rabaa inaan u sheegi siday u gashay dowlada centrel govermant in awoodii dowlad oo dhan meel isugu aroorto.60 kii ilaa 1990. waan tan sababtay burburka somali iyo hanti shacab iyo mid qaran ku luntay, ku tagri falka awooda dowladeed,
    sidaan ku xusay kor 3 rimood

    1 waa in dowlada sida awooda looga qaado in la dhiso system ah (Quasi federalism)taas oo noqan karta mid kaliya lagula xisaabtami karo puntland ay iska dayso nidaamka (Federalism )
    ayna noqoto dowlada mid ku awood badan mamul goboleedyada ,
    2 waa in ay calamka u sheegta in somalia waxay ka dagi la’adahay waa dad u xayndaban, meel kaliya in wadankii laga hago, hal awoodina jirto, ayn awoodan sida ay rabta ka yeesho taasna xalkeeda oo ah system (Quasi federalism )ayna puntland cidna uga habaysan siyaasadeed iyo hormarkeeda waxan ka arki karta sida ay canada tahaya camal iyo belgem,wixii intaas ka baxsan in aysan u xayirnaanin dowladaan meesha lagu (naas iyo nikaax)

    3 tan ugu danbayso waa hormarka puntland oo ay tahay in ay calamka u sheegto in ay xal noqonwaysay Unitary Government ayna keentay dagaal sokeeyo ,federalism uu keenay in dowladii la dhisaaba ay dib u dhac keento gobalada kale ee haysto nidaam iyo amni,si in laga badalo dastuurka puntland lagu qaro systemka (Quasi federalism) taasna calaamka lagu baahiyo si ay u cadayso siyaasada puntland xiriirka calamiga in ay shir ugu yeeraan deg deg dowladaha jaarja EU midowga afirca jamacada carabta , UN US ASIA , loona sheegi in puntland ay ka baxday system hore ahaa fedraalisamka, ay qadatay system cusub(Quasi federalism ) taasna ay tahay mida kaliya badbadin karto awood ku takri falka ah ee 60 sano somali dib dhac u keenay

    waxaan ku soo gabdha gabagabayn in cid kastoo wanaag jecel marka ay aqristo fikir ka dhiiban karto, iga waydiin karto , suaashana ama doodna yaysan ka bixin siyaasada puntland iyo TFG.iyo fikirkaan keenay. meesha u socdo

    mahad sanidiin all

    Guusha puntland baa leh

  28. liban says:

    kkkkkkkkkkkkkk ya is garay weli xubnaha barlamanka uga jirana ha u wacdaan alla maxa la kibray sidas ayey raban in ey umada somaliyed oo dhanna madaxweyne ugu noqdaan somali idin baratay somalilandna wey si siqeysaa lamiga dher uun cariri ha noqdokkkkkkkkkkkkkkk

  29. Magan says:

    Aniga waxay ila tahay waqtigan hadda la joogo ma haboona in ay puntland goosasho ku dhawaaqdo waayo marka ay leeyihiin arimaha dawliga wixii ku saabsan dawlada federalka nama matasho waa goosanay ayay noqonaysaa
    taasna waxay ku tusaysaa in qolo walba oo nidaam samaystay ay doonayaan inay international comunity si gaar ah u qaabilaan taasna waa fawdo. oo waxay la mid tahay adigoo kaligaa reerkiina oo toban qofood ah u shaqeeya uu mid walba gooni biil ii soo dir ku yiraahdo.

  30. gaashaanle says:

    dowlada puntland mar hore aya laga filayey inay goaan noocaaan oo kale ay gaaraan , hadaan nahay shacabka puntland meel kasto an joogno is kal iyo laab ah ayaan goaaanka uso dhawaynayna.

    sido kale goaaankan waxa u aragna mid dowlada puntland ay laso daahday inkasto hadana ay kuso beegtay xilli lo baahna oo munaasib ah ,,

    hadaan nahay shacab ka puntland diyaar u ma nihin dowlada ku sheega aan ka talisa 2km …

    mahadsanid somalitalk

  31. abdikarim says:

    Awalba wada shaqayn toos ah kama aysan dhaxayn Maamulada Puntland iyo Koonfurta Somalia. Hore ayuu madaxweyne Sheekh Shariif uga hor istaagay maamulka Puntland in ay xiriiri toos ah la sameeyaan hay,adaha UNka oo ay ka dalbadeen gacansiin xaga horumarinta ah, wuxu shegay madaxweynuhu in hay´adahu soo maraan xafiiska dhexe ee Muqdisho hadii ay dalka mashaariic u qabanayaan, taasna Puntand waxay u aragtay cuna qabatayn siyaasadeed. Dadba si ayeey arrintan u turjuman karaan, qaar waxay leeyihiin mashaaricdi dalka iyo dhaqaalihi xooga badnaa ee dibada ka imanayay maamulka Shariifka iyo Muqdisho ayey ku wada xaroodeen, halka qaar kale leeyihiin baroortu orgiga ka weyn ee Puntland wali waxay ka xun tahay raisul wasaranimadii laga qaaday Sharmaake, iyadoon aan lagu badalin nin kasoo jeeda Puntland.

  32. calasow says:

    Dawacadii aar ismooda mar unbay fashilantaa. Nimanka xamar jooga waa in aysan iloobin 4 wiil dacas layaal ah oo AK47 la ordaaya in aysan awood ahayn. Nin awaaod iyo Karti leh ayaa dadkiisa badbaadiya. Waxaan oran lahaa Noolow Puntland.

  33. Ahmed Jama says:

    Puntland dhib aan dhankeeda ahayn kama jirto soomaali, somaalina way fahamtay munaafaqnimada Puntland iyo hagardaamada ay la daba taagan yihiin soomaali weyn, ee walaalayaalow is ceebsade oo dhibka soomaali wayn ka daaya

  34. Puntland aka “Buuqland” ma iska cadaystaan inay go’aan ayay doonayaan. bal go’a sida reer hargaysa oo kale calan aan jirin samaysta aqoonsina raadsada shirarka caalamiga aad sheegaysaan ka qaybgala waxad ka keentaan bal ha la arko.

  35. Qooqaani says:

    ASC,

    Waan soo dhawaynaynaa haddii aan nahay Umadda Reer Puntland in hangool gano leh lays kaga qabto qalin shubatada, in badanna waan sugaynay go’aan kaan oo kale balse maanta haddii uu yimid waa Illaahay mahaddiis, waxaana leenahay madaxda Puntland iska dhaafa habacsanaanta oo dadkiina sida Illaahy idin ku ogyahay ugu shaqeeya oo cadowga ka difaaca.