Home » Warar »

Ururka SOMEPED oo soo gabagabeeyey Doodo ku saabsaneyd Xeerka Anshaxa Saxaafadda Soomaaliyeed

20 Qodob oo la isku raacay in ay Noqdaan Xeerka Anshaxa Saxaafadda  Soomaaliyeed

Ururka lagu Magacaabo Somali Media For Peace and Development ayaa Bilooyinkii la soo dhaafey wuxuu ku howlanaa sidii Saxaadda Soomaaliyeed ay u yeelan lahayd  Xeerka Anshaxa (Media Self Regulation) waxaana Doodaha sameynta Xeerka Saxaafada  ka qayb galey Sharciyaqaano , Hayadaha u dooda Xaquuqda Aadanaha Suxufiyiinti hore kuwa Maanta iyo Ururada ay leeyihiin Saxaafada waxaana si aad ah loo lafagurey  Xeerka Anshaxa Saxaafada Iyadoo Ururka Someped uu Waqti dheer oo ay uga doodaan siisey ka qaygalayaashii

Halkan ka daawo sawirada

Siminaaradii kala duwanaa ee uu qabtey Ururka Someped  ayaa xubnihii ka qaybgaley waa ka mid ahaa Cabdulaahi Maxamed Xasan (Black ) wuxuuna uu sheegey in xiligaan Saxaafada Soomaaliya aad ugu baahan tahay xeer ay ku dhaqmaan si ay u badbaadaan Bulshadana uga Badbaado wuxuu kaloo uu sheegey in dhowr jeer la isku dayey in Xeerka Anshaxa Saxaafada la sameeyo balse lagu guuleysan waayey wuxuu kaloo uu sheegey in maanta Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay u bislaadeen in ay sameystaan Xeerka Anshaxa Saxaafada oo ah mid Suxufiga Soomaaliyeed wax weyn uga taraya Howshiisa Saxaadeed ee u ku guda jiro

Waxaa kaloo ka mid ahaa Xubnhii ka qaybgaley Doodii ku saabsaneyd Xeerka Anshaxa Saxaafada Gudoomiya Golaha Saxaafada Qaranka Mudane Yuusuf Cali Cismaan ( Yuusuf Farey ) wuxuna isagana ka dhawaajiyey in dhowr jeer la isku dayey in Suxufiyyinta Soomaaliyeed loo sameeyo Xeer balse ay ka hor yimaadeen Caqabado hase yeshee wuxuu sheegey in Suxufiyinta ay maanta ogaadeen in ay u baahan yihiin xeer ay ku shaqeeyaan oo uu sheegey in u yahay mid u horseedaya in ay si wanaagsan u gutaan Mihnadooda Saxaafadeed

Ka qaygalayaasha ayaa markii dambe waxay isku raaceen Guddi ka koobana 11 qofood kuwaas oo si aad ah uga soo baaraandey ama uga doodey  Xeerka Anshaxa Saxaafada  waxayna yeesheen Dhowr kulan oo ay uga doodeen Xeerka Saxaafada waxayna isku  raaceen in ay soo saaraan 20 Qodob oo ah Xeerka Anshaxa Saxaafada

Guddigii loo xilsaarey ayaa markii dambe waxay soo dhex dhigeen Qodobadii la isku raacay waxaana qodob qodob looga doodey 20 Qodob iyadoo dooda ay ahayd mid wax ku darid iyo wax ka badelid Qodobada qaar

Avv  Xaawo Xaaji Sabriye oo ah Sharciyqaan kana mid ahayd Guddigii loo xuley ayaa intii ay socotey Dooda Xeerka Anshaxa Saxaafada waxay si wanaagsan u Tusaaleyneysey ka qaybgalayaasha iyadoo ahayd mid si aad ah u saxaysey qodobada mararka qaar la isku qabto waxaana aakhirataankii la isku raacay  in xeerka Anshaxa Saxaafadda Soomaaliyeed  ay gundhig u noqdaan  20 Qodob

Ugu dambeyntii Waxay ka qaygalayaasha u Mahadceliyeen Gudoomiyaha Ururka SOMEPED Mustafa Xaaji Cabdi Nuur  iyagoo ugu baaqey in Xeerkaan la gaarsiiyo dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan

AKHRI XEERKA

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.