Home » Faallo »

Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil: Difaaca Badda Soomaaliya

Bashiir Shiikh Maxamed waa dublomaasi Soomaaliyeed, waxaana May 07, 1979 markii uu Mudane Cabdulaahi Ciise (AHN) aaday waddanka Norway si uu u soo qalqaaliyo shirkaddii batrool baarista ee WESTERN GECO, loo magacaabay inuu noqdo sii hayaha (Charge D’affaires) ee safaaradihii nooga furnaa waddamada Sweden, Denmark iyo Norway – Waxana uu qormadan cusub kula hadlayaa shacabka Soomaaliyeed si looga hortago boobka cusub ee la doonayo in lagu bililiqaysto badda Soomaaliya…

Bacdamaa aay soo ifbaxayaan qorsho horleh oo aay wadaan Dowlado Reer Yurub ah oo aay leeyihiin waxaan Keenya ka caawimeynaa cabiridda badda , ayaa waxaan dareemayaa in aay daba socoto arrimahaan aan hoos ku xusay oo aan dadaal ugu jiray si aaysan u hirgalin.

Waan hubaa shaqsi kasta oo Soomaali ah in uu ka danqanayo hal taako oo dhulkiisa ama baddiisa in Dowlad kale aay boob ku qaadato. Haddii si cad naloo dhaco oo boobka la sharciyeesto, CALAACAL iyo QEYLO iyo MUDAHARAAD waxba nooma tarayaan ee hadda inta goori goor tahay aan ka hortagno oo aan muujinno in aanaan yeelayn boobka nalala damacsanyahay.

Waxaan Soomaalida oo idil ka codsanayaa anigoon kala saarsaareynin (kuwa dibadda iyo kuwa gudaha ku nool) in aan wada muujinno in aan kasoo horjeedno boobka lala damacsanyahay in BADDA SOOMAALIYA oo la doonayo in lala wareego.

SII AKHRI….

………………….

ARAGTIDA DADWEYNAHA:

Ra’yigaaga ku qor dhanka hoose ee boggan:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

24 Jawaabood " Warbixin iyo Baaq ku socda Soomaalida oo Idil: Difaaca Badda Soomaaliya "

  1. dal ilaalshe says:

    markahore waxay mahadi u sugnaatay alihii koonkaan iskaleh
    naguna beeray waxan kaloo umahad celinayaa nimankay reer yurub ka hortaagan badeena oo ay dhahaan burcad badeedka anuguse an u baxshay
    difaaca bada muda deer sun laguma soo shubi intay dawlad xoogleh ka imanaysana ayagaa ku simaya inaysan shidaal ka qodan marka hadii calalo uustaan ay gataan bada waxay la mid noqon dhurwaagii yiri amin halay baxsho ee loodhiibay hasha iyo nirigta oo markuu bahday nirigtii ka cunay faruuryaha hadana markale markuu bahday hashii ka cunay naasaha
    markii looyimid oo hashii iyo nirigta isku soo daalayiri hays nuugane yiri maxay ka nuugtaa maxayse ku nuugtaa halkaas ayuu ku wayay magacii amin marka shee kada waxan uga go leeyahay badihii naga fogaa ayayba hada maraakiibtoodii mari layahiine maraakiib badan oo wax qodaaya
    sidee duleedka kismaanyo kusoo adi karan marka calalo ustaan waxay rabaan haka qataan bad ilaalshe wuu noolyahaye malinkii nabad la helana shacabka somaliyeed wuu nolyahay badoodana qalin iyo xoogtona laguma qadan karo

  2. ASC dhamantiin gaar ahaan bahda somalitalk iyo geesiga Mr Bashiir sida dadka qaarkii soo jeediyeen waxaan oran lahaa in arrinkan uusan ku ekaan website-yada kaliya, ee loosoo gudbiyo wareysiyo xagga TV-iiga iyo raadiyaasha meelkasto oo somalidu ku nooshahay si banaanbaxa loola wado socdo.
    Waxaana u malaynayaa in arrinkan uu horseedi-doona isusoodhawaanshaha somalidu EU-dana ay jab wayn kala
    kulmi doonto.

  3. Hassan Ahmed says:

    A/C
    Marka hore waxaan salaan iyo bogaadin uga dirayaa bahda somalitalk.com oo hawlo muhiim ah u haya dalkooda iyo umaddooda soomaaliyeed, waxaa kale oo aan salaan iyo taageero ugu gudbinayaa Dr. Bashiir Sheikh Maxamed Maxamuud, hawsha aad dalkaaga iyo dadkaaga aad u qabatay alle ha kaa ajar siiyo, waxaan talo ahaan soo jeedinayaa in laga iclaamiyo mediyaha somailda Universal TV, Somali Channel, BBC Somali, VOA, in wadan walba laga sameeyo gudi qaban qaabiya mudaharaadka, in waraysi laga soo qaado Dr. Bashiir sheikh maxamed si uu ugu gudbiyo dhambaalkaan umadda soomaaliyeed lagana soo daayo hal usbuuc TV yada soomaalida, anigu waxaan diyaar u ahay in aan wax ka qabanqaabiyo UK qof walbana is xilsaaro maadaama aan isku duubnida iyo rayiga midaysan oo aan ka qabno mawduucaan boobka badeena ay muhiim tahay in caalamka oo dhan laga ogaado.
    Mahadsanidin

    Eng: Hassan Ahmed Taar

  4. jamac says:

    somali talk khayr allaah hadin siiyo, wax dadnimo ku damyasa idinkaa jira markaa cidna uma maqna ceela uma qordna dalkeenii iyo dadkeenii, allaah hadinku garabsiiyee dadaalkiina wada. hana ku ekaanina qoraalada ee qaab qaanuunka dawliga iyo sharci waa in aad adeegsataan, labada tv ee somalid in masage kiina ka soo gudbiso ayaan jeclaa oo dadku hurdadu ka kacaan. si international ahna aad u shaqaysaan oo aysan arintu local noqon

  5. WAA MASHRUUC DADKU KAMIDAYSANYAHAY.
    Ass. Alaykum. Wali ima soo marin qoraal intaas oo aarah(fikrad) ah soo jiitey oo waliba taageersan wixii lasoo bandhigay oo dhan Waxaa kale oo cajiib ah inaan wali lasoo hadal qaadin qabiil iyo cid far lagu godaaya.

    Cashirka meesha ku jira wuxuu yahay ‘inaay jiraan dad Somalinimadu kudanbeyso iyo inaay jirto wax laga wada simanyahay’. Caadatan marka arin lasoo qaado waa lagu kala qaybsamaa, walow xabad joojin iyo shir nabadeedba Allaha kadhigee.

    Ama ninka arintaas soo diyaariyey iyo websitekan, wixii aan kadhihilahaa intii iga horaysay ayaan waxba ii dhaafin. Su’aasha aan qabo waxay tahay: Sidee loo mudaharaadaa oo laysugu keeni karaa labo Somali ah oo horay ukala taagnaa oo kala aamin baxay?
    Kolay anaga haddii aan reer Doha nahay waxaan isugu nimaadnaa oo kali ah marka qof naga dhinto. Jaaliyadana xafiis malaha, dalkana lagama yaqaan mudaharaad ee intii meelahaas joogta Allaha idinkaalmee. Faataxada ayaan soo tuurayna.
    Fiiro gaar ah: Dalka waxaa difaaca shacab dowlad leh ee aan kudaalno inaan samaysano dowlad- walow DOWLAD mid xun allaha kadhige. Dawlad la’aan waa = dal la’aan.
    “SOMALI AH ISRAACDO RABIGEEDNA HA UTOWBADKEENTO’
    WAAD MAHADSANTIHIIN.

  6. Abu Zuheyr says:

    waxaan aad uga xumahay waxa soconaya oo ah boobka lagu hayo hantida guud ee qarranka Somaliyeed, tasoo ah intii badbadaaday mudadii dhibku jirey, waxaan aad ula yaabanahay madaxweynahay, wasiiradda iyo golayaasha ku dhexwareegaya Villa Somaliya iyagoon xor aheyn oo ciidamo shisheeye ay gaadh ka hayaan, oo waxay qabtaan daaye toodii maareyn la ee hadana iibinaya wixii Ummadda Soomaliyeed u harey.
    Allow kuwaani yaaney na iibsan inagoo nool.

    Mahadsanidiin

  7. Waxaan aad iyo aad ugu xumahay dadkii isku dayay inay iibsadaan bada ummada Somaliyeed; ay siistaana noolal maalmeed ay maalmo kuqadeeyaan.
    Waxaanse aad iyo aad ugu mahad celinaya walaalka Somaliyeed ee damiirkiisu noolyahay oo sigeesinimo iyo wadani nimo ay kudheehantahay udifaacay.
    Codsi, waxaanse aad ujeclaanlahaa inaan helo magaca halyeeygan si’aan ula xidido.

  8. Nasir Hashi says:

    Somalian People are fully aware of the efforts and activities of some foreign governments particularly Norway to seize some of our territorial sea on the behalf of our neighbor in this case Kenya. We Somalian people will ask Government of Norway to stop this illegal activity and respect the territorial sea of the Somali Republic.

  9. A.C.W.W,, SOOL,SANAAG.CAYN.
    Aad iyo aad ayan kugu hanbal yaynaya mr bashiir hawsha ad qabatay.
    Anigu waxan ahay muwadin kasoo jeeda Daraawish oo ku dhashay Lasacanod.Run ahanti Hadi aad lasocoto tarikhda iyo halgankii Darawiish waxad dareemi kartaa wax yalihii ay somareen iyo 21 sano ee ay dagalmayen ay ahayd oo kaliya in aan dhulka somaliyed la boobin ama ladhicin.Waxana kuu shegaya dadka dega sool sanag iyo cayn oo asal ahan ah Dad lagu magacabo DARAAWISH.ay markasta u tagan yihin difaca dalka somaliyed haday ahan lahayd bada iyo beriga labadaba.Markaa anigu waan kugu racsanahay balse waxan jeclan laha in ad la xidhiidho Halgama yasha reer ssc oo leh rag aqon iyo xirfad u leh hadana u tagan sidii ay somalia u midoobi lahayd
    Aada wad ugu mahadsantahay dadaalkaga iyo dhirananta ad mujisay.

  10. ASC,Waxaan halkan salaan iyo bogaadin u dirayaa walaalka warbixintan qimaha badan soo diyaariyay, waliba waxaan leeyahay waad kumahadsan tahay shaqada fiican ee aad u qabatay dadkaaga iyo dalkaaga Soomaaliyeed,siina wad dadaalkaaga, waxa kale oo aan sharaf iyo bogaadin halkan u marinayaa boggan Somalitalk,oo u taagan ilaalinta Qadiyadda iyo xududaha uu dalku leeyahay bad iyo barriba, iyadoo webkan aanu waqti ku dhumin kuwa madax sheeganaya ayaa hoteel ku shiray iyo xulmadhibaanno ayaa Villada wax ka sheegay IWM, balse ay noo soo gudbiyaan arrimo badan oo miizaan siyaasadeed iyo arrimo bulshaba xambaarsan,wayna kumahadsan yihiin,walaaha warsidahan khaaliga ah kuligood.
    Ugu danbeyntii arrintan uu Walaal Bashiir ka dhaqaajiyay oo aanay dad badanba wax ka ogeyn, iyadoo shacabkii ay ku jiraan Zamanu Tiihii ay Qoomkii Nabbi Muuse ku jireen mid kadaran, waayo kuwii gudaha waxaa Xasuuq joogta ah ku haya kuwa loo keenay inay shacabka laayaan,oo Amisom la yiraahdo,kuwii dibaddana tiiraantadaas ayey kumaqan yihiin, waana wax loogu talo galay in aan ka hadalno dhibkaas kaliya,balse aanay madaxaba kor u qaadin,iyagana ay dhaca Badda iyo Barrigaba wadaan, kolkaa waxaan qabaa in la sameeyo bannaan baxaas oo uu meel kasta ka dhaco, lana helo dad Wadaniyiin ah,oo abaabula oo shacabkan jilbeysan habeeya,waliba waxaa iga codsi ah in la sameeyo qoraallo badan oo loo kala diraayo QM,EU,AU,OI(ururka Islaamka) US iyo Carabta, Maadaama wax loo yaqaan Balaayada Caalamka oo US iyo EU ugu horreeyaan ay dabada ka riixayaan wax walba oo Soomaaliya lagu bur-burinaayo.
    Waxa kale oo aan jeclaan lahaa in goorta la qabanayo Bannaanbaxaas lagu faafiyo webyada Soomaalida oo dhan, iyagana ay ka qoraan tafaasiil dheer iyo waliba inay soo saaraan sawirrada ka qeybgalayaasha iyo slogannada lagu diiddan yahay in dhulkan ay cadow qeybsadaan,innagana ay Caasimadeennii Ugandha iyo Burundi BM, iyo madaafiic kale ku bur-buriyaan, dadkiina xasuuqaan,Madaxtooyadiina intay calamadooda surteen shacabkii Muqdisho ka duqeeyaan, sidii ay Itoobiya u suratay Calankeeda Vullada,2dii sano ee ay Muqdisho joogtay,kuwa aan damiir laheyn oo madax sheeganayeyna ka taageen calanki Xabashida V.soomaaliya.
    Soomaalaay hurdada ka kaca inta aanan lamid noqon Falastiinta dhulkoodii la dhistay lana gumaado,Badiinna xitaa gurmad loogu geyn karin ama kurdishka ay wadamo badan qeybsadeen amaba Buluushta Pakistan,waxaanan filayaa inay Igad rabto in la waayo dad iyo dhul Soomaaliyeed.

  11. asc\ww
    allah ayaa mahad dhamaanteed iska leh bacda llaahi waxaan u mahd celinayaa bahda somalitalk oo xil gaara iska saarta hadiyo good arimah wax lagu yeelaynayo umada soomaaliyeed daahana ka qaada waad mahdsan tihiin dhamaantiin aragtidayda ku aadan badda soomaaliyeed waa arin muhiim ah in laga gil gisho dulmiga noocaas oo kale ah bad iyo beriba kenyana horay ayey soomaliya qayteedi beriga u haysatey maantana badii soomalidu waxay ku maah maahdaa qaado ninkii barta dhigu waa ku ceeb keenya in ay badeena ka hari weydo waa anaga oo iliwney dhilkeeni oo ka dhinay wax aan la xusin waxaan allah weydiisanayaa in uu soomaali isu sooceyo garan siiyana danteeda kana daweeyo cansarka kala qoqobay ee qabyaalada wsc\ww

  12. Ugu horayn waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa bahda Somalitalk.com ,sidoo kale cid kasta oo ka danqatay Boobka lagu hayo baddeena .
    Markaan u soo noqdo arrinta hadda meesha ay marayso waan soo dhawaynayaa in af iyo adinba wixii lagu difaaci karo lagu difaaco waxaana ka geli doonaa insha allaahu safka koowaad , sida ugu dhaqsiyo badan ayaad u maqli doontaan codkayaga insha allaahu.

  13. farah says:

    assalaamu calaykum bacda salaan bahda somalitalk aad iyo aad baad u mahadsantihiin sida aad isaga xilsaarteen inaad ummada somaaliyeed ugusoo bandhigtaan hadba meesha ay uga soo dhacayaan bahalada dunidan ragaadiyay
    walaalayaal waxaan ku talinlahaa in arintan xil adag la iska saaro oo ay umada somaaliyeed dibada iyo gudahaba la is abaabulo
    waxaan kaloo aan soo jeedin lahaa dhawr qodob
    1- in dhamaan jaaliyadaha somaaliyeed ee dunida dacaladeeda kunool ay wadan waliba ay qoraal ay ku muujinayaan mowqifkooda u qoraan hayadaha ay arintan khuseyso
    2- dhamaan salaadiinta soomaaliyeed ee jooga wadankii iyagana ay qoraalo soo diyaariyaan ay mowqifkooda ku muujinayaan
    3- dawlada kmg iyadana waa inay arintan sida ugu dhaqsaha badan uga hawl gashaa culaysna lagu saraa sidii ay usoo dhex gali lahayd
    4-barlamaanka soomaaliya waa in ay iyagana qoraal cad ay kasoo saaraan
    5- aqoonyahanada soomaaliyeed meel ay joogaanba waa inay arintan shir degdeg ah ka yeeshaan si ay mowqif uga qaataan
    6- culumada soomaaliyeed waa inay arintan ay kusoo qaataan khudbada jimcaha ayna kaga hadlaan arintan dadkana ay ku wacyigaliyaan

  14. Mohamud says:

    Thanks alot Mr Bashiir Shiikh Maxamed .you are doing very important job for somalia, I call for Somalia to stand op together and suport to keep unity all Somalia .I say to dem dont devide our land and our see ,

  15. wlala waxaan salamaya dhaman umada somaliyed asc waxaan gaar u salamaya wiilka somaliyed ee soo diyaariyey qorolkan naxdinta badan marka xiga bahda somalitalk wlala yal waxay ahay shaqsi somaliyed ee ku nool usa america waxaan aad iyo aad u dhib sanayaa qorolka hadana wixii la iiga baahdo ee lagu difaacayo dhulkayga badayda diyar ayan u ahay wax kasta ee la iiga baahdo wcs

  16. AMIN ROBLE says:

    Marka hore waxan salamayaa walalaha Somali talk aad iyo aadna waan uga mahadcelinayaa dadaalka iyo hawsha muhiimka ah ee ay u hayaan umada somaliyeed. intaa kadib waxan aad iyo aad baan u taageersanahay hawsha aad wadaan idinka iyo walalkeen Bashiir waana hawshii ay qabanlahayd Dawladu lakin nasib daro kuwii magaca dawlada sheeganayay ayaa wata hawshan oo lacag iyo laaluushyo qaadanaya markaa waxan ku talin lahaa in mudaharaadkaa aad noo qabataa mudo somalida oo dhana la wada ogaysiiyo oo dhaman websaydyada iyo TVyada somalida laga iclaamiyo meelwalbana laga mudaharaado. TVyada iyo jaraaidadana aad loo adeegsado oo abaabulkaa iyo hawshaa laga hirgaliyo kuwa magaca Dawlada watana lala xiriiro.

  17. Salaan wacan. Waan kugu boorrinayaa howsha qiimaha badan eed iska xilsaartey ka mawaadin Soomaaliyeed. Inkastoo dadweynuhu uusan xog-ogaal u wada noqoni karin arrimaha dalka, haddana waa dhab iney jiraan in badan oo ayagu ka warhaya amuraha qaarkood. Guud ahaan waxaa lagu tilmami karaa iney arrintani ku-xadgudubka biyaha badaha Soomaaliyeed ka mid tahay masiibooyinka, guud ahaan, la soo gudboonaadey Qaranka Soomaaliyeed, laakiin waa un laga gudbi doonaa goorey noqotaba ( IN-SHAA’ALLAAHU) xisaabtanna wuu imaani doonaa. Inta ayagu wax un og damiirkooduna caafimaad qabo waa ku waajib iney qabtaan intii karaankooda ah kana dhiidhiyaan mu’amaraadka aan xadka laheyn ee ku socda Qaranka Soomaaliyeed . Waxaan, ugu dambeyn, qabaa howsha aad waddid iney xaq tahay mudan tahayna in la siiyo taageero buuxda.

  18. Togane says:

    ARRINTAAN MAR HORAA MEEL LA SAARAYEE YAANAN DADKA LAGU WAREERIN!

    HADDEER AYAA LA IIBSADAY DOMAINKA OO WALI RAADKIISA MUUQDAA HADDII WAX LAGA DABA TAGAAYO JIRAAN MIDAAS AYAA U BAAHAN OO XITAA AYSAN JIRIN AWARENESS BUURAN.

    ARRINTA KU SAABSAN BADA WAALAGU KALA BAXAY SABAB HADEER LOO SOO NOOLEEYANA ILAMAHA AH HADEER IN AY JIRTO.

  19. raxma says:

    Waxaan dhihilahaay marka hore nin rag waaye walaalkii iskutaagay arintaan waana lagarab taganahay aniga ahaan laakiin ha ogaado inuu u dad badsado wiliba uu la xiriiro dadka ey wadiniyadu ku dheer tahay ee gumeysidiidka ee soomaaliya iney mid tahay u aqoonsan iyo masaajidda,schoolada,jaamacadaha, tv yada si isku halmaalin loo sameeyo mudaaharaad loogo soo horjeedo arintaan foosha xun laguna aadiyo maalin fasax ah kuwa badda somalia boobayana aduunka lagu ceebeeyo ciddii wadana boobka badda maxkamad lala fuulo sidaas iyo nabadgaliyo

  20. sayidcali says:

    waan idin salaamay bahda somali talk waxaan idinkaga mahad celinaynaa qaabka wanaagsan ee aad noola socodsiiseen dhaca loo gaysanayo dhulkeena waana in soomaalidu dhamaan isku raacdaa banaan baxa aan loo kala harin sidoo kale waa in aad dhamaan wepka afka somaliga ku hadla u qaybisaan hadii aad awoodaan si dadka oo dhani ula socdaa oo banaan bax loo dhan yahay uu u noqdo

  21. said says:

    waan salaamayaa dhamman bulshada somaliyed ee soo booqnayasa somalitalk. marka labaadna waxaan si gaar ah salaan hawada ugu marinayaa howl wadeenada somalitalk iyo aqoonyahanka somaliyed ee u taagan difaaca dalka…. intaas kaddib:
    waxaan ku darsan lahaa fikrad ah arrinkan walalkeen sheegay waa arrin fiican oo aad muhiim u ah, lkn waxaan dhihi lahaa si fikraddu iyo warku u gaaro ha lagu soo qoro websites-ka kale, si dadka aan somalitalk soo booqanna ay u ogaadaan arrinkan, si warku u gaaro dadweynaha somaliyeed oo dhan.
    tan labaadna waxaan dhihi lahaa waxa meesha ka maqan waxa weeye AWOODII DOWLADEED, haddaba wey jiraan dad badan oo somaliyed oo dadaalaya lkn waxa ka maqan wixii mideyn lahaa oo cududa u yeeli lahaa.
    sidaa daradeed waxaa aad muhiim u ah in dowladda cusub ee somaliya ay arrinkan ka hadasho.

  22. Mohamed abdi says:

    Asalamau caleykum.

    Waxaan halkaan uga mahadnaqayaa Website-ka Somalitalk oo marwalba utaagan soo bandhigida hagar daamada la’inala damacsanyahay hadii aan Soomali nahay, waxaan mahad gaar ah ujeedinayaa Bashiir shiikh maxamud oo arin bogaadin mudan sameeyay walow uu gutey wajib saaran oo shakhsi kasta oo inaga ahna saaran.

    waxaan soo jeedinayaa fikirka Saliimka ah ee walalkeen Bashiir soo jeediyay in lasameeyo ” MUDAAHARAAD WAXA MAGACA SOMALI SHEEGTA INAY SAMEEYAAN” Aan ku muujinayno inaan kamidaysannahay”

    mahadsanidin.

  23. ninka aqoonyahanka ah ee walaalkeena baariga ah hala yeelo taladiisa waa mid sax ah oo ka soo burqatay maskax wanaagsan

  24. Abdisamed says:

    Asalaamu calaykum.dhamaan waxaan salaamayaa umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.intaas kadib runtii waa arin fiican in aan ka banaan baxno in badeena la boobo oo aan ognahay in dowlada shariif iyo wasiiradii hore ay bixiyeen badaan wel welkeeda hada uu nahayo qofkastoo damiirleh wuu ka damqanayaa awal ayaaba qashinka sunta Nukleerka iyo waxyaabo caafimaad ahaan u daran lagu shubi jiray oo aan ognahay in kuwa kale oo damiir laawayaal lacag ku qaateen ay sidoo kale u saxiixeen in qashinka lagu shubo waxaadna ogtihiin in bulshada qaarbadan ay u ildaran yihiin jirooyin aan la garanaynin qaarbadan wadanka wax loogu qaban waayey dibada loogu qaaday sama fal caafimaad ,hadal iyo dhamaantiis qofkasta waxaa la gudboon in aan ka banaan baxno sida walaalkeen inoo soo jeediyey
    fiiro gaar ah.
    waxaan ka codsanaynaa rasulwasaaraha cusub iyo golihiisa wasiirada in arinkaan bada ay ka hadlaan ayaga ayaan ka filaynaa wax qabad muuqdo maadaama kuwii ka horeeyey ay ahaayeen damiir laawayaal,danays tayaal sabab u noqday arinkaan hada taagan fadlan idinka ayaa hada idinku tuhmaynaa aqoon,karti,iyo wadaniyad waxaan rajaynaynaa in bulshada aad u shaqaysaan oo aad naga qabataan kuwa sunta nala soo doonta iyo kuwa damacsan in badeena dhacaan waad mahadsantihiin walaalkiin Abdisamed Asalaamu calaykum.