Home » Warar »

Sidii looga ciidey: Leicester, UK, Kampala, Toronto, Minneapolis…

Reer Minneapolis oo markale Camiray Farasmagaalaha Minneapolis …

Subaxnimadii Talaadada (Nov 16, 2010) waxaa magaalada Minneapolis, gaar ahaan farasmagaalaha waxaa camiray Muslimiin ku qulqulaya xarunta Minneapolis Convention Center oo lagu tukanayey Salaaddii Ciidul Adxa. Carruur iyo cirroole looma kala harin.

Cimilada oo ahayd mid deggan, baraf tiix ahna da’ayo, ayaad waxaa la arkayey oo ay camireen muslimiin muujinayey shacaa’irka Islaamka.

Waxaa goobta salaadda lagu tukanayo isuku soo dubaridey xarunta Masjir Abuubakar Sidiiq ee magaalada Minneapolis. Waxaana goobta lagu tukanayey buux dhaafiyey dumar, rag, carruur, iyo cirroole ay wajiyadooda ka muuqdaan farxadda ciida, isuguna hambalyaynayey dabaaldegga maalinta qiimaha ku leh diinta Islaamka.


Qaabki looga ciiday (Ciid-ul-Adha 2010) Toronto – Canada

Waxaa maalinki Talaadada oo ay taariikhdu ahayd November 16,2010 isugo soo baxay kuna ciiday markazka weyn ee Dar-ul-Hijra ee ku yaal magaalada Toronto,Canada dad aad u tira badan si ay u oogaan shacaa’irta weyn ee Ciid-ul-Adxada. Dadkaas Muslimiinta ah oo kumanaan kor u dhaafay wajigoodana ay ka muuqatey farxad iyo ray-rayn aad u fara badan.

Salaaddii Ciidda kadib waxaa halkaas khutbad aad u qiima badneyd oo kooban ka soo jeediyay Sh.C/Khaaliq Cabdullahi Nuur oo ah Imaamka Markazka Dar-ul-Hijra.

Waxaa kaloo halkaa la dhigay qalabka carruurta lagu maaweeliyo oo kala duwan iyo cuntooyin kala duduwan si ay dhammaan qoysas-ka iyo caruurahooduba ay meel qura ooga wada helaan wax walba oo ay ku farxaan munaasabadaan barakeysan.

Sidoo kale waxaa lagu qabtay tartan kubadda kolayga ah oo ay soo diyaariyeen dhallinta (youth) Cayaaryahannada markazka oo socotay kuna tartameen kooxo kala duwan illaa fiidki .

Ugu danbayn Maamulka Markazka Darulhijra wuxuu hanbalyo iyo boogaadin u dirayaa ummadda Muslimiinta iyo Soomalidaba ah guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku dhaqan Toronto iyo nawaaxigeeda.
Waxayna idin leeyihiin: Ciiddaan ciiddeeda kale ku gaara nabad, barwaaqo, caafimaad iyo cibaado suubban, “kullu caam wa-antum bikhayrin”.

A M I N A M I N A M I N A M I N A M I N

Wixii Faahfaahin ah lasoo xiriir:
C/rashiid Cali Maxamed
Maamulka Markazka Dar-ul-Hijra Islamic Centre – Toronto www.darulhijra.org e-mail: info@darulhijra.org


Leicester Iyo maalintii Ciida

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Mar labaad dhammaan akhristayaasha sharafta baddan iga gudooma hambalyada ciida ee Ciid Mubaarak.

Leicester oo ka mid ah magaalooyinka ku yaala gobolada la yiraahdo Midlandiga, gaar ahaan East Midland ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka ingiriiska ee ugu ajaaniibta baddan gaar ahaan dadka muslimiinta ah. Waxaa la qiyaasaa in ay ku nool yihiin dad muslimiin ah oo ku dhadhaw illa iyo 45000 (Afartan iyo shan kun oo qofood ) dadkaas asal ahaan waxa ay ka soo jeedaan dalalka India, Pakistan Bangaladesh ,  Soomaali iyo muslimminta ka timid waddamada kale ee Afrika. Magaaladu markaad qaab ahaan aragto waxaad isleedahay ma waxaad joogtaa waddan muslim ah, gaar ahaan  markaad marto xaafadaha ay dadka muslimiinta ah ay aad ugu baddan yihiin sida Higfhfields, Evington, Green land iyo St. Matthews.

Haddaba maanta oo aheyd maalintii Ciida waxaa guud ahaan Leicester laga dareemayey dabaaldeg aad u weyn oo ay dadka muslimiinta ah ay ku ciidayeen si ay farxadi ku dheehan tahay, iyadoo masaadjidyada iyo goobihii kale ee lagu tukaday ay aad iyo aad u buuxdhaafeen. Waxaa lagu arkayey waddooyinka waaweyn ee Leicester dad baddan oo muslimiin ah oo raxan raxan u socda kuna labisan dhar aad iyo aad u qurxoon iyagoo laga dareemayey shacaa’irta muslimiinta.

Soomaalida oo ka mid ah shucuubta muslinka ah ee degan magaaladan , kuna jooga tiro aad u baddan ayaa iyaguna si  gaar ahaaneed oo wanaagsan maanta magaalada uga dhex muuqday, iyagoo aad u camiray masaajidyada ay Soomaalidu leeyihiin ee kala ah [ Quba, Alfurqaan, Huda, ibnu Cutheymiin iyo Kowthar } halkaasoo ay maanta baddankoodu ku tukadeen masaajidyadaas, kadibna lagu arkayey suuqyada ay Soomaalidu gaarka u leeyihiin iyagoo raxan raxan u socda ayna ka muuqato farxad aad iyo aad u sareysa. Waxaa kaloo xusid mudan in caruurihii Soomaalida maanta ay ku ciyaarayeen qalab loo soo kireeyay oo lagu arkayey masaajidyada iyo goobaha  ay Soomaalidu isugu yimaadaan, kuwaaso ay aad ugu maqsuudsanaayeen.

Runtii maanta lama soo koobi karo arimihii farxadda lahaa ee ka dhacay Leicester ee waxaa ka sheekeyn kara oo kaliya qofkii goob joog u ahaa. Anigoo marka fursadaas ka faa’ideysanaya ayaan  leeyahay reer Leicester kuwada wanaagaas aad kuwada ciideen oo Allaah waxaan idinkaaga baryayaa in uu ciidan ciideeda idinku gaarsiiyo caafimaad iyo cibaado san.

Wabilaahi Towfiiq

Cabdixakiim Jaamac Jooje Leicester UK


Sidii looga ciidey Uganda

Gudoomiyaha Jaaliyadda SSC ee dalka Uganda ayaa hambalyo ku aadan maalinta Ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Cali Heybe oo ah gudoomiyaha jaaliyadda SSC ee dalka Uganada ayaa shacabka Soomaaliyeed salaan iyo hanbalyo ku aadan maalinta ciidda u diray.

Halkan ka daawo Sawirada Ciida ee Kampala Uganda

Gudoomiyaha oo la hadlay saxaafadda ka dib salaadda ciidul Adxaha ayaa salaan diiran iyo bogaadin u jeediyey dhamaan umadda  Muslimiinta meel kasta oo ay dunida ka joogaan waxaana uu sheegay in uu la qeybsanayo shacabka soomaaliyeed farxada Ciida ee maalinta koobaad ee Ciiddul  Adxaa.

Waxaa gudoomiyuhu uu Alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed sanadkan sanadkiisa in ay ku gaaran bash-bash iyo barwaaqo iyo in uu Alle ka dulqaado dhibaatada iyo colaadaha.waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed

“Kullu Caamun Wa antum  Bikheyr”Ciid Mubaarak”ayuu yiri gudoomiyuhu,

Gudoomiyaha oo hadalka siiwata ayaa si gaar ah hambalyo iyo salaam ugu diray bulsho weynta SSC meel walba oo ay duniada ka joogaan.

Dhanka kale waxaa mudane Maxamed Cali Heybe uu hambalyo  iyo salaan u diray isagoo ka faa,iideysanaya munaasabadda Ciidda madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo  Ra’isal wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo”Ra’ ra’isal wasaaraha Waxaan ugu hanbalyeeynayaa sida wanaagsan ee uu u soo dhisay golaha xukuumadda”sidaas waxaa yiri mudane Maxamed Cali Heybe gudoomiyaha jaaliyadda SSC ee dalka Uganda.

Sidoo  kale iyadoo maanta shucuubta Muslimiintu meel kasta oo ay aduunka ka joogaan ay u dabaaldagayaan munaasabadda maalinta Ciidul Adxaha  ayaa si weyn looga ciiday dalka Uganda gaar ahaan magaalada Kampala.

Soomaalida ku dhaqan wadanka Uganda ayaa waxa ay salaadda Ciidda maanta ku tukadeen masaajidka weyn ah ee Tawhiid ee ku yaalla bartamaha caasimadda Uganada ee Kampala gaar ahaa xaafadda Kisenyi, iyadoona halkaas ay  waaxaa iskugu soo baxeen  kumanaan dad  Soomaali iyo ajnabi iskugujira,iyadoo halkaas dadka uu kula hadlay khadiibka ahna Imaanka masaajidka jaamaca ah ee Tawhiid Sheikh Cabdi Wali,

waxa uu Sheikhu dadka uu u dardaarmay in ay marka hore Alle ka cabsadaan.sidoo kale waxaa Sheikh Cabdi Wali uu ka hadlay muhiida maalinta Ciidda ay u leedahay Umadda Muslimiinta,waxa uu xusay in ciidu ay tahay munaasabadaha qaaliga ah ee sida gaar ah ay u leeyihiin dadka muslimiinta ahi.

Sheikhu waxa uu sharaxaad dheer uu ka bixiyey ahmiyadda Udxiyadda iyadoo uu tilmaamay in loo bahanyahay qofkii awooda in uu udxiyeesto,waxa uu ku booriyey dadka xoolaha haysta in dadka fuqriga  ah ay wax siiyaan,markaas oo iyana Alle uu ajar iyo Thawaab uu ka siinayo.

Si kasta oo ay ahaato munaasabadda ciidda ayaa maanta waxa ay ahayd mid si weyn looga dareemayo wadooyinka waaweyn ee magaalada Kampala iyadoo dad aad u farabadan oo farxad iyo reyn-reyni ka muuqato ay iskugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee dalka  Uganda,soomaalida ayaa kaalin xoogan ka qaatay muujinta farxadda ciidda iyadoo xaafadda Soomaalidu ay dagantahay ee  Kisenyi aad arkeyso dadka oo lugeynaya wadooyinka isuguna  hambalyeynaya, farxada Ciida

Hadaba hadii aanu nahay bahda Warbaahinta waxaanu leenahay Umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan Ciid Mubaarak ilaahay sanadkan sanadkiisa kale Nabad iyo Barwaaqo ha nagu gaarsiiyo Amiin.

Xuseen Cabdulaahi Xasan

E-Mail Xuseen339@hotmail.com

Kampala, Uganda

Sawirqade, Maxamed Omar Abib

……..

CIID MUBAARAK

Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr

Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa u soo tebino dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.

Waxaan halkan hambalyo uga tebineynaa dhammaan umadda Islaamka ah oo maanta ku ciidaya daafaha dunida.

Waxaan xujeyda sannadkan 1431 u rajaynaynaa baraara iyo barwaaqo iyo in Allah ka aqbalo cibaadadooda. Dhammaan muslimiinta meel kasta ay joogaana waxaan leenahay CIID MUBAARAK.

Soomaaliya waxaan Allah uga baryaynaa in uu kadhigo dhul nabad ah, Soomaalida Allah niyadooda ha isuwanaajiyo.

Dunida oo dhanna waxaan u rajaynayneynaa nabad waarta.

Waxaa bahda SomaliTalk si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noosoodiray hambalyada ciida barakaysan ee Ciid-Al-Adxa, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan fooda inagu soo haya ee 1432 hakadhigo sannad nabad iyo barwaaqo ay camirto dhulka Soomaaliya iyo dunida oo dhanba. insha Allah.

Marlabaad Hambalyada Ciid-Al-Adxa naga guddooma.

Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.