Home » Warar »

Soomaali Dacwooyin looga soo oogay Saddex Gobol oo Maraykan ah

Waxaa Isniintii (Nofember 8, 2010) aroortii hore iyo habeen hore saqdii dhexe si lama filaan ama kadis ah guryahooda loogu yimid oo lana xir xiray sadex iyo labaatan qof oo 22 kamid ahi ay yihiin Soomaali. Dhamaan dadkan la raadinayo oo ay tiradoodu gaareyso 29 ayaa waxaa hada la hayaa 23 kamid ah, halka 6 qof wali la baadi goobayo, lana la’yahay.

Saddex gobol oo Maraykanka kamid ah, kala ahna Minnesota, Tennessee iyo Columbus ayaa 29 kaa qof ku soo oogay eedaymo dacwooyin la xiriira, dhac, gatidaan gabdho da’yar oo aan wali qaan gaadhin, been, xatooyo gaadiid, ka ganacsi hub, ka mid ahaansho burcad ama mooriyaan iyo danbiyo kale oo jabinaya sharciyada saddexda gobol  ee aan kor soo sheegnay ama gabi ahaanba wadanka Maraykanka.

Maxkamada dhexe ee Gobolka Minnesota ayaa waxaa la keenay  eedaymo dacwooyin la xiriira danbiyada aan kor ku soo xusnay 12 qof, koow iyo taban kamid ahi ay yihiin Soomaali. Koow iyo tabanka qof ee Soomaalida ah ayaa 2 kamid ahi ay yihiin dumar ama gabdho da’yar, iyaga oo dhamaantood laga soo qab qabtay ugu yaraan saddex magaalo oo kuyaala gobolka Minnesota. Waxaa sidoo kale labada gobol  ee kala ah Columbus iyo Tennessee lagu qabtay 11 qof oo kale. Shaqsiyaadka lagu qabtay gobolka Tennessee ayaa waxaa kamid ah nin caan ka ah bulshada Soomaaliyood oo isagu fanaan ah. Dahir Nuur Ibraahim oo ku magac dheer “Dahir Lucky” ayaa isagu ah fanaan caan ka ah waqooyiga America.

Sidoo kale wiilka la yiraahdo AbdiGadir Ahmed Khalif oo ku magac dheer “Awali”  ayaa isago ku shaqeyn jiray bangi ku yaala magaalada Minneapolis, xaafada Cedar oo ah xaafad ay degan yihiin bulsho Soomaaliyeed oo aad u tiri badan. Halka dadkan intooda badan lala xiriirinayo eedaymo ururo  burcad oo ka dhisan gobolka Minnesota, magac yadoodu kala yihiin, Somali Mafia, Somali Outlaws iyo Lady Outlaws.

Haddaba sida uu shaaca ka qaaday xaakim Franklin L. Noel oo isaga la horkeenay 12 qof ee magaalada Minneapolis lagu soo qabqabtay in baaritaanka arintani ay mudo dhowr sanadood soo socotay, ayaa hadana bulshada Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota ka muuqda murugo, ama-kaag, iyo xishood. Markii aan tegay goobtii maxkamada ee 12 qof dacwada loogu soo oogayay, waalidkii, ehelkii iyo asxaabtii ka soo qayb gasahay dacwad oogista dadka danbiyada foosha xun lagu tuhunsan yahay, waxaa wajiyadooda ka muuqday murugo iyo mugdi aan ereyo lagu qeexi Karin.

Eedaymaha iyo Danbiyada loo haysto dhamaan dadkan ayaa waxaa baaritaankooda iyo dabagalkooda laga xareeyay maxkamad ku taala gobolka Tennessee, inkasta oo danbiyada dadkan lagu oogayo ay ka dheceen  saddex gobol oo kala duwan oo ah kuwo Soomaalidu aad u degaan. Dhamaan 29-ka qofba intooda faraha lagu hayo waxaa  la sheegay in sida ugu dhakhsaha badan loo gudbinayo  Magaalada Nashville ee gobolka Tennese, halkaas oo ay dacwada dhabta ahi ka dhici doonto.

Waxaa qoraalkan ku lifaaqan qoraal ay kamuuqdaan, magacyadii iyo dacwooyinkii lagu soo oogay dhamaan 29-ka qof oo ku qoran luuqada Ingriisiga. Waxaa kale oo la socda sawiro muujinay dhamaan 29-ka qofba.

Sawirada Halkan ka daawo

mpls

Twin Cities human traffickers enslaved girls younger than 13 for a decade. The people charged are: Abdifitah Jama Adan, 28; Abdullahi Sade Afyare, 19; Ahmad Abnulnasir Ahmad, 23; Yahya Jamal Ahmed, 23; Abdikarim Osman Ali, 22; Musse Ahmed Ali, 23; Hassan Ahmed Dahir, 21; Idris Ibrahim Fahra, 22; Fadumo Mohamed Farah, 25; Yasin Ahmed Farah, 19; Abdullahi Hashi, 24; Fatah Haji Hashi, 23; Abdirahman Abdirazak Hersi, 20; Muhiyadin Hassan Hussein, 22; Dahir Nor Ibrahim, 38; Abdifatah Bashir Jama, 23; Andrew Kayachith, 20; Abdigadir Ahmed Khalif, 24; Mustafa Ahmed Mohamed, 22; Bashir Yasin Mohamud, 26; Fuad Faisal Nur, 24; Abdifatah Sharif Omar, 25; Liban Sharif Omar, 21; Mohamed Sharif Omar, 26; Hamdi Ali Osman, 22; Haji Osman Salad, 20; Bibi Ahmed Said, 19; Ahmed Aweys Sheik, 24; Yassin Abdirahman Yusuf, 21. (Courtesy to Pioneer Press: Obtained from a court filing in US District Court in Tennessee.)

Halkan ka akhri Dacwadda lagu soo oogey

Sidoo kale Akhri:

Indictment: Somali gangs ran sex ring in 3 states

Video: Halkan ka daawo 1 | iyo Halkan Video 2

Warbixinta waxaa isku soo dubariday

Qalinkii, Abdirahman Mukhtar

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaali Dacwooyin looga soo oogay Saddex Gobol oo Maraykan ah "

  1. cabdi says:

    arimahaani waa arimo hore loola socday, laakiin ma ahayn kuwo media-ha ku jirey, waxaana u arkaa arin magac dil ah haddaan somali nahay