Home » Maqaallo »

Farmaajo: Qoraal uu Taariikh nololeedkiisa kaga waramo

Magacayga waxaa la yiraahdaa Maxamed Cabdulaahi Maxamed faramaajo. Waxaan ku dhashay magaalada Muqdisho, sanadku markuu ahaa 1962. Waxaan dugsi dhexe uga baxay Foorta-Sheekh ama 1da Luuliyo. Dugsigayga dhexe waxaa ku dhameeyestay iskoolkii loo yaqaanay Maxamuud Xarbi, Kan sarena Waxaan uga baxay Farsamada Gacanta ee Lafoole.

Waxaan shaqa ka bilaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dabaayaqadii sanadkii 1982, waxaan ka howl galay Arkiiviyo (central archive), muddo yar ka dibna waxaan ku wareegay Xafiiska maamulka lacagta , Halkaas oo aan ka ahaa Xisaabiye (auditor).

Horaantii sanadkii 1985, waxaa la ii bedelay Safaarad a Soomaliya ee magaalada Washington,D.C, ee dalka maraykanka. Halkaas Waxa aan mas’uul ka ahaa arrimaha maamulka lacagta ee safaarada. Sanadku markuu ahaa 1988, waxaa la’igu aray inaan iska xaadiriyo xarunta wasaarada ee Xamar, waxaanse go’aan ku gaaray in waxbarashadayda dhamaysto, dalka maraykanka waydiisto magangalyo siyaasadeed, arrimo siyaasad darteed.

Tacliin sare ama heerka jaamacadda waxaan ka dhamaystay jaamacadda ku taala magaaaladaa Buffalo eee gobolka New Yourk (State University of New Yourk at Buffalo). Isla jaamacaddan ayaan ka qaatay shahaadada takhasusuka ah oo loo yaqaano Master’s Degree Takhasuskaygu waxaa ka mid ah: Cilmiga Siyaasada , Xiriirka Aduunka, Xuquuqda aadamiga , Cilmiga baadi Gobooka Nabada, Horumarinta dadwaynaha iyo shacabka , iyo Xirfadda Hogaamiyaha laga rabo (leadership).

Waxaan kaloo jagooyin sare kasoo qabtay Dowladda hoose ee magaalada Buffalo ee gobolka New York iyo Degmada loo yaqaano Erie Country oo iyaduna ka tirsan gobolkan. Jagooyi kaasi waxaan ku xusayaa halkan: Sanadka markuu ahaa 1994 waxaa la ii doortay Buffalo housing Commissioner, ama kumasaariyaha waaxda guyaha ee magaalada Buffalo. Waxaan halkaas ka noqday Guddonka arrimaha shaqaalaha , oo shaqadeedu ahayd horumarinta iyo daryeelka shaqaalaha. Hay’adda waxaa ka shaqeynayay dad ka badan 500 oo qof. Shaqaalahaas oo isugu jira inta u dhaxaysa Karaani ilaa Agaasime. Isla muddadaas waxaa Mayor-ka ama Duqa magaaladaa igu magacaabay Project manager, waaxda dib usoo nooleynta magaalada (Buffalo renewal Agency).

Sandka 2000-2002, waxaa guddoomiyaha Degmada Erie(Erie Country Executive) uu igu magacaabay is ku xiraha xafiiska ganacsatada dadka laga tirda badanyahay (minority) eek u nool degmada Erie (Erie County Minority Business Enterprises Coordinator)ee Gobolka New York. Halakaas waxaa ka caawiyay ganacsato aad u fara badan, una fududeeyey sidii ay uga heli lahaayeen qandaraasyo iyo mashaariic degmadaas.

Waxaan maamulayay dhaqaalo ka badan 100 $ million oo loogu tala galay in lagau hormariyo dadka laga tira badanyahay.

Sanadka 2002-present, Waxaa Governor-kii hore ee la oran jiray George Pataki iigu magacaabay in aan maamule u noqdo Xafiiska Xuquuqda insaanka ee wasaaradda Gaadiidka ee gobolka New York (Regional civil rghtss manager of NY Satete Department of Transportation), howshayduna waxay tahay in aan ilaaliyo xad gudubka lagu sameeyn karo dadka laga tirade badanyahay (Loona yaqaano Minority) .

Waxaa regionka loo qoondeeyey sanad walba 400$ million oo ah hormarinata degmada ah. Hadaba waxaan mas’uul ka ahay oo aan maamulaa dhaqaale dhan 80$ million oo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadkaas laga badanyahay (Affirmative Action).

Waxaa intaas dheer Prof. ka ahay jaamacdda la yiraahdo State University of New York at Erie Community College. Waxan ka dhigaa cilmiyo kala duwan oo ku taxaluqa Horumarinta bini-aadamka. Waxaana ka mid ah maadooyinka aan baxsho: Leader ship Skills, Project Management,Art of thinking, and negotiation and Conflict of Resolution.

Waxaan kale oo aanxubin muuqata uga jiraa dhanka siyaasdda dalkan oo aan si toos ah iyo si dadban u wada shaqaynaa U.S Senators, U.S Representatives farom New York State, iyo siyaasiyiin kala duwan oo ku xiran gobolkan oo aan oran karo waa wax ku ool ah marka loo baahdo.
Xaalada Soomaliya waa xaalad aad u adag una baahan khibrado kala duwan xirfado ku taxaluqa gudaha iyo debadda.

Haddaba waxaa loo baahanyahay in PM-ka aan lagu soo xulan qabiil kaliya ee loo fiiriyo aqoon, xirfad ayo shaqa wanaag si xaaladda hadda jirta wax looga baddalo.

by Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo)
Ra’iisul Wasaarha Cusub ee Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Farmaajo: Qoraal uu Taariikh nololeedkiisa kaga waramo "

  1. CABDALLA says:

    a s c ugu horeyn hambalyo tan labaad waxaan kugula talinayaa inaad alaah ka baqdo aaqiradaadana u cabsato waxaad xil uqaaday umad guryahoodii laga qaxshay gaaja la il daran cudur uu baabiyay maalin walba micna daro lagu dilo una ooman hogaamiya daacad ah oo aan ahayn xil doone lacag inoow aruursada rabo

  2. Yaa usheega Farmaajo Fariinta hooyooyinka iyo hambalyada shacabka!
    Ass. Alaykum. Waxaa isoo jiitey tacliiqaadka iyo fariimaha qaymaha badan ee ay dadka Somaliyeed halkan ugu gudbinayaan R/Wasaaraha Cusub kadibna waxaan iswaydiyey tollow maleeyahay qof u akhriyo oo ugudbiyo hadaladaan.
    Waxaan arkaa wajiyaal Cusub oo aan horay ugu arki jirin Somalitalk.com. Hooyooyin ducaynayo oo hamigooda yahay R/Wasaare udamqado oo udiyaariyo meeshii ay caruurta kula soo cararilahaayeen! Waxaan isleeyihiin malaha wuu idinla dareemaya duruufta adag ee aad kujirtaan.
    Waxaa isoo jiitey nasiixooyin qaali ah oo aan nasab iyo waji kasamayso R/Wasaaraha kudhisnayn.
    Haddii uu akhrin lahaa hadaladan wuxuu ogaanlahaa inuu haysto taageero iyo kalsooni kawayn baarlamaanka. Codadka dal jirka dahsoon.

    Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinaya shacabka Somaliyeed oo bilaabay inuu cabiro waxa uu rabo iyo waxa uu diidanyahay! Waa tilaabo yadadiilo leh oo kutusinayso in laga gudbay kudabofaylka qabiilka iyo kooxaha dalka burburiyey! Qof waliba oo Somali ah waa inuu udoodaa dalkiisa si madax banaan.
    Waxaa kale oo aan jeclaanlahaa inaan xasuusiyo R/Wasaaraha dadka halkaan fariinta kadiraya inaay isugu jiraan cidkasta: islaamiyiin, wadaniyiin iyo qabiilkasta oo Somali ah. Taasi waxay xasuusinaysa R/Wasaaraha inaanu kala xigsan shacabka Somaliyeed, xitaa dhalanyarada hubaysan ee hubka uqaatay duruufta adag ee dalka soo maray 20kii sano ee lasoo dhaafay!

  3. nuuro says:

    Allaha soomaali dajiyo dagaalka allaha ka istaajiyo-ninkaan wax dhaama intii doowladii dhexe burburtay maarag,kuwa ceebaha u raadinaayana waa ku wii dalkii cunay,iyo ardadoodii wax buu caaye war miyaa aaway umadii dadkii cunay baa hada wasiiro u ah inta dhimatay moogiye,iska aamusa

  4. mom ziham says:

    asalaamu calaykum.salaan ka dib mudane waa loo baahan yahay qof wax badala oo aqoon leh aqoona waad lee dahay wadankan aad wax ku baratay ee USA waad og tahay heerkaa waxay ku gaadheen waana aqoon maadi ee maha mid diina, hadaba adoo ah nin muslim ah hadana cilmigii maadiga bartay kaba sii fiican, waxa lagaa rabaa dhowr arimood hadaad samaysid ilaahay kula qabanayo,hadalkana inaan ku dheerado marabo waad og tahay wadanku siduu u baabay dadkii waa dhamaadeen gaajo iyo xabad waxa sidaa u galayna waa nin kursi doonaya oo calooshiisa u ordaya, mida u horaysaa waa
    1-inaad tahay nin ilaahay ku xiran oo ilaahay arintan u talo saarta xaaladan somalia,
    2-qabyaalada oo daaqada ka baxda
    3-aqoonyahano la soo doorto laguna soo xulo wanaagooda aqoontooda wax qabadkooda,
    3- baahida wadanka taal oo aad xooga saarto oo dadka hadii aad caawisaan waa idin taageerayaan
    4- inaad dadka la hadasho oo isu sheegto inaad tahay nin daacada aan qabiilku soconayn baahina hayn ee raba dadkiisa inuu wax u qabto,idaacadaha raadiyaha warbaahinada bbc somalida aduunka oo dhan la hadal, adigu isa soo saar
    u sheeg dadka soomaliyeed inay tanaasul sameeyaan ilaahyana ka baqaan lana ilaawo wixii dhanay oo dadka iyo dalka loo daneeyo .
    ma soo koobi karo dalkii iyo dadkii waa dhamaadeen ilaahay hadaad daacad tahay ha kuu fududeeyo, ilaaahy wadanka hanoo hagaajiyo aamin

  5. afro says:

    ninkan farmaajo aha wa khabiir wadaninmona ka muqato lakin belayda koofur tala iyo caqliga binidamaka amaba aqoonta aya kala badan lakin bal wan egna sida wax udhacan ilama aha in wax badan isbedelayan

  6. marka hore asc.waan ku salaamey r/wasaare waan ku hanbelyeynaya first,marka xiga waxan ku le yhy ilaah ha kula garabgalo xilkan aad qaadey allahana ka dhigo nin daacad u shaqeysta oo dhibaadadan nagu dul habsadey wax badan ka badala inkastoo la waayey rag u istaaga wadanki oo mid walba ku figirey siduu jeebkiisa u buuxsan laha.wxaan kaa codsanayaa koley waxa thy nin arkey dhibaatada qurbaha yaala dhalaanki somaliyed waxay noqdeyn kuwa madaafiic lagu xasuuqey kuwi soo baxayna xabsiyada iney ka buuxaan,in qaar kalena drugs waaley.plz waxa iga waano ah inaad dhageysan gaalada warkooda oo aadan raali ka noqon somali gobolada dhisan ee maamulada ii kala danbeynta heystaan oo shareecada islamka lagu dhaqayo inaan la weerarin.ilaahey raali kaama noqonayo aduun ii aaqiro hadaa kufaar raali ka dhigtid,ilaah raali ha kaa noqdo e u daa muslimiinta meelaha ay maamulaan si aan caruurteena meeshaas u geysano oo aan diinta ku barno dhulkoodi hooyo.ilaah ha kaa dhigo ninki xaqa ku istaaga,masuulkaa qaadey inaad muujisaa rabnaa insha allah,wabilaahi towfiiq.

  7. Shukri sh. says:

    Aaww, marka hore waxan u hanbalyeynayaa walaalken farmajo o xilka R.wasaraha loo magacabay. Tan labaad waxan dhihi laha haddi lagu ansixiyo waxa ku sugaya oo aad kuu soo fiirinaya soomaali badan oo mareysa heerki ugu xuma dhan walbabba, marka labada jawaabood e iga horeeyey e abu zuhri iyo ina xuseen ay soo qoreen si wanaagsan u aqri ado degen xikmada iyo taloyinka ku jirana si wanaagsan u dhuux kana faaideyso waa ay ku hagar baxeene aadan iyo ina xusen, waqtiga aad heysatana waa yar yahay ogoow. Tan seddexaad waxaan dareemeyna jagadan in loo dhiibo nin zanaawi iyo mareykan lug ku leh, mid adaba cadeye tan kale ayan sugeyna. Mudane r.wasare qudboyinkaga ha kuu qornaadaan iskana ilaali khaladaadka waayo wey kugu so noqonayaan. Alle ha kula garab galo xilkan weyn e adag. Aaww

  8. Ina Xuseen says:

    Asalamu Calaykum

    Marka koowaad anigoo ka duulaya qaacido ah wanaag la jeclaanta qof walba oo Soomali ah, waxaan u tahniyadaynayaa RW cusub ee la magacaabay Mr Farmaajo, waxaana u rajayn khayr iyo guul.

    CV-giisa
    Laakin hadaan faalo yar kabaxsho qoraalka uu soo qoray iyo sida uu iila muuqdo, horta inbadan waxaan ku raaacsanahay Adam Abuzuhri oo umuuqda qof wacyigiisu dhisan yahay, from CV-ga noocaan ah inuu ka shaqayn karo duni kale oo aan Soomaliya ahayn ilaa talooyinka uusiiyay.

    Waxaa kaloo iiga dhex muuqda Mr. Farmaajo inuu u muuqdo nin aanan kusoo tala gelin qaab fakarka dadka jooga wadanka loogu magacaabay R-wazaarinimada, gaar ahaan ragga Barlamaanka iyo kuwo gadaal fadhiya ee arimaha Soomaliya gilgila. Waayo qaabka uu uqoran yahay CV-giisa maqaalka ah, gabi ahaanba maaha qaab ka shaqayn kara gayiga Soomaliya. Midda kale Mr. Farmaajo wuxuu kasoo dhex shaqeeyay dad yaqaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda, oo nalka casaanka ahna ka istaagaya, kan cagaarka ahna ku dhaqaaqaya, taasoo u sahli kartay inuu si fudud hawshiisa ku qabsado, maadama qof walba seedkiisa haysanayo.

    Laakin CV-giisa kuma cadda inuu kasoo dhex shaqeeyay dad xayraansan oo is-hays-haysta, waxba isku ogolayn, danahoodu is-hardinayaan, khabiiriina ku ah sida wax loo burburiyo, wax dhisidduna ku tahay kansar. Haduu oran lahaa waxaan kusoo kala dhex jiray Huudsigii iyo Tuutsigii ama Zair-kongo iyo Kabilla ama Angola iyo dagaaladeedi ama Falastiniyiinta iyo Yuhuudda ama Daalibaan iyo NATO, waxaan oran lahaa shaqo u eg midda Soomaliya ayuu soo qabtay, khibradeedana waa leeyahay, laakin markaad CV-giisa fiiriso kuma dhiiran kartid inaad sidaa tiraahdo ama rajjo wayn ku gasho.

    Tan kale, R-wazaaraha la magacaabay qoraalkiisu wuxu ka kooban yahay 616 kalmadood, naftiisa wuxuu uga hadlayaa 571 kalmadood oo ka ah qoraalka boqolkiiba 92.7%, meesha uu uga hadlayo guud ahaan arinta Soomaliya amaa inuu ubabac dhigo karo 45 kalmadood ee ugu danbaysa, taasoo ah 7.3%. Marka halkaan calaamad su’aal wayn ayaan iswaydiin karnaa ilaa xadka aan rajjo isgelin karno? Ka fakar? Toloow, R-wazaaruhu ma ogyahay meeshuu usocdo, mase jiraan wax fakar ama hiraal ah oo usii diyaarsan? Ilaa xadkeesi siyaasiyan bisil yahay? Tan kale jumladiisa ka bilaabanaysa “Sanadka 2002-present”, waxay muujin kartaa inuu ahaa nin iska wattay shaqadiisa (Regional civil rghtss manager of NY Satete Department of Transportation) oo aananba arimahaan ugu jirin tabaabushaysi, marka yaa ku dhaliyay inuu soo galo safar aan qorshaha ugu jirin?

    2-God oo uu horay kaga dhacay!!!
    Tan 3aad, markaan dhagaystay khudbadii koobnayd ee uu kula hadlayay haweenka, waxaa iiga dhadhamaysay xammaasad,/b> aysan ku dheehnayn siyaasad, waayo hadalkaa kooban wuxuu isla markiiba ku galay labo hobseed, mid ah inuu isku diro ragga uu dabka u saaran yahay dhariga lagu kariyo ‘4.5’ iyo tan labaad oo ah hanjabaad qayaxan oo fariin daan-daansi ah ugu dirayo ragga hubka sitta. Xamaasaddaan oo aan ceeb u ahayn dadka qurbo-joogta ah ee arimaha Soomaliya gala, ilaa ay saaxiga keenaan ama meel u battaan. Hanjabaadihiisa maku xusuusiyeen, daandaansigyadii RW hore Mr. Geedi, cimrigiisa dadajiyay?

    Maxaa la gudboonaan lahaa?
    Talooyinkii Abuzuhri markii laga soo kaco, waxaa la gudboonayd inuu qoraalkiisa boqoliiba 80% uga hadlo rajooyin iyo hididiilooyinka uu damacsan yahay oo macquula ‘realistic’, oo uusan faahfaahinayn iyo siduu wax u qaban karo caqliyan, isla markaana inta uu naftiisa ka hadlayo soo koobo, Inuusan waxbadan hadlin inta looga codaynayo, maadama hadalkiisa loo wada dhakkan yahay. Hadii ay lagama maarmaan tahay hadal, inuu ku hadlo hadal ka caqli wayn inta kasoo horjeeda oo dhan, isla markaana ku kasban karo quluubta shacabwaynaha, tan oo u sahli lahayd inay dad badan ku wareeraan siyaasadda ay kula dhaqmi karaan, intii ay wareersan yihiina wuxuuba la qabsan lahaa jawiga siyaasadeed. Waayo dadka Soomaliyeed waa dad ka danbeeya garaadka, yaysanba isticmaaline, laakin mar hadii ay kaa arkaan inaadan la ficiltamayn oo qaab sharfoon oo sare ula hadasho, adigoo jago sare haya, ixtiraam ayaad ka helaysaa, taasoo albaabo badan kuu furi karta, saaxibadaa badin karta, cadowgaagana yarayn karta ugu yaraan intaad cusub tahay.

    Gebogebo
    Faaladaan igama aha inaan kasoo horjeedo R-wazaaraha la magacaabay, balse khayr iyo guul ugu ducayn, laakin waa inta aan kadhex fahmay hadaladiisa, waliba anigoo ka goos-qabsanaya inbadan. Qofka Soomaliyeedna waxaan kula talin mar walba inaadan ahaan ‘desperate’ maadama dhibtii naga tan badatay, isla markaana degdegin oo wax walba kasoo horjeesan, laakin u guura galno dhaqdhaqaaqyada. Laylis guri ahaana aan uga soo wada fakarno, waxa uu Mr. Farmaayo kaga duwanaan karo rag dibada kayimid (gaar ahaan US) oo madax kasoo noqday ama ka ah dalal kusgan xaaladaha Soomaliya oo kale, sida Afqaanistaan, Ciraaq, Falastiin iyo waliba madaxdii Soomalida ee qurbaha kayimid? Ilaah tubto toosan haku duwo anaga iyo isagaba, aamin.

    Salaam
    Ina Xuseen

  9. Saaxib waxaad doonta ahow, waxaa lagaa sugaya wixii aad meeshaan kusoo kordhin lahayd inta aadan isku dhicin madaxwaynaha.
    CVgada sida ka muuqato wadan aan Somali ahayn waa laga yaaba inaad shaqo kaga hesho laakinse wadan cisaabada gacanta ugu jiro waxaad kudooratay inaad PM unoqota ayaa lagaa rabaa.
    Wali mafahmin waxaa kugu qanciyey inaad jagadan codsato ama aad aqbasho intaba!!! Maxaa kuu muuqday oo raggii hore ka qorsoomay? Waxaan sugnaaba waa inaad soo celisid magaca qabiil ee shaqada laguugu dhiibey haddii kale horey ayaa lidiin yaqaanay umbaa idintaal.

    Ha hilmaamin dhamaan raggii shaqadaan kaaga horeeyey oodhan inaay galbeedka ka wada yimaadeen ceebna waa kala tageen ayagoo shaqooyinkii ay horay uhayeen seegey.
    Mr. PM, Somalia waxaa madaxa iskula jira qarandiidnimo loo sii marayo qabiil, koox iyo maslaxad shakhsi ah; qofkii ka diidana wuxuu maraya meel ay rag badan mareen ee maxaad kaga duwantahay oo aad soo kordhinaysa?.
    Talo walaalnimo
    1. haddii aad awood leedahay oo aad xurtahay amar kusii inaay ciidamada Africanka joojiyaan duqaynta magaalada. Haddii aad isleedahay yaa idifaacaya? Muxuu taraya difaacaada haddii dadka aad meesha utimid inaad xukunta lagumaadayo. Waxan filaya inaadan Karzai reer Afghanistan ka liidan.
    2. Waxkasta oo ay kugu qaadataba safarka Ethiopia ay madaxda Somalida kabilaabaan dib udhig.
    3. Wadamada Muslimka ee awooda leh ee hadda lagala tashado arimaha aduunka kadhigo meelaha ugu horeeya ee aad talo uraadsatid.
    4. xabad joojin iyio wada hadal deg deg ah oo lala galo raga hubaynsan ceeb sideeda xaaraan u ah ma’aha marka la eego arimaha murugsan ee Somalia.
    5. Dowlada lasoo dhisaya waa inaad kaga dayataan Somaliland.
    6. Wasiir qabiil lasiiya majiro haddii uusan deegaankiisa wax kaqabankarin. Villa Somalia wasiirnimo lala fadhiyaa wax farqi ah masamaynayso.
    Mr. PM, I leave it here for others to say theirs. Wasalaamu Alaykum