W/Q. Muxamad Idris Axmad
((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))
Tahriibka Suuriya ilaa Turkiya – Griigga
Annagoo weli ku dhex jirna Socdaalka Geerida Soomaaliya ilaa yurub, wajiyadiisa kala duwan ee aan sheekadii dheerayd ku damaystireyno, waxaan la kulmay nin dhalin yara ah, oo isagoo soo maray dhinaca kale ee Tahriibka ugu weyn, waa dhanka Suuriya – Turkiga – Griigga. Tahriibka dhinacaan waxaa u badan dadka kasoo baxa xagga khaliijka, Sucuudiga ama Imaaraadka ama Qadar iyo Kuwait. Laakiin waxaa ugu badan dhanka Sucuudiga, halkaasoo ay joogaan Mukhalisiin ama Dullaaliin, nimanka carabtaa la shaqaysta, oo dadka kasoo daad gureeya Jidda ilaa Dimishiq kadibna waxaa la wareega Mukhalisiin kale oo lala heshiiyo sideey kuu geyn lahaayeen Turkiya Istanbuul, ama Izmiir toos laguu geeyo oo ah meesha looga gudbo dhanka Griigga, laakiin sida badan waxaa laga soo dhacaa Istanbuul oo lagala heshiiyo dadka kuu gudbinaya dhanka Griigga.
Saaxiibkeen wuxuu safarta kasoo bilaabay magaalada Jidda. waxaa dadka lagu soo saaraa iqaamooyin dad kale iyo baasabooradood. Kadibna muharibku markuu keeno Suuriya ayuu baasabooradii oo bixid ku taallo la noqdaa, kadibna dad cusub ayuu Soomaaliya kaga soo geliyaa, oo sidaas ayaa baasaboorkii gelid hadana loogu dhuftaa. Kuwa iqaamada iyo Baasaboorka lehna waxbaa loo tuuraa. Sidaas ayaa kumanaan qof lagu daad guraynayaa sii wad iyo soo wad, waa hawsha ay dadka Soomaalidu koobka adduunka ku qaateen, haddii baddeda la galena buugaag sheekooyinkooda laga qori karo.
Suuriya – Turkiga
Dimishiq markaan imi waxaa lala xiriirayaa Mukhalisiinta tahriibka, dhanka Suuriya waa suuriyiin, dhanka Turkigana waa Turki..Laakiin ogow dadka dega magaalooyinka xuduuda Turkiga iyo Suuriya labada Luqaba si fiican ayey ugu hadlaan, waana carab iyo Turki isku jirta. Sida magaalooyinka Maardiin, Adana, iyo Iskandaroon. Wexeyna hadda xuduud ahaan raacsanyihiin dhanka Turkiga.
Beeraha – Iskandaroon! Iyo Dumar Soconwaayey!
Magaalada Iskandaroon ayaa habeenimo nala kasoo gudbiyey, waxaana lala balansanyahay fajarka ka hor meel beer ah oo dhanka Turkiga ah inaan kula kulanno qoladii noo qaadi lahayd xagga Istanbuul. Taasoo u baahan in la socdo masaafa dheer oo askarta la garab marayo, nin dal yaqaana ayaa idin wada. Ilaa 8 qof ayaan ahayn 2 dumara ayaa nala socdey, dhamaantaya waa inaanu ninkaa daba socono. Meesha uu cagta dhigana aanaan ka leexan waayo beero ayaanu dhex mareynaa. Dhibaato wexey ka dhacday dumarkii nala socdey oo ahaa kuwa mudda dheer iska fadhiyey sucuudiga, oo socon kari waayey, oo markii xoogaa la socdaba fariisanaya.. Ninkii na hoggaaminayey waa nagu xanaaqey, wuxuu bilaabay xitaa inuu yiraahdo lugahaan ka garaacayaa qofkaan socon..Laakiin meeshii ayey habsadeen Islaamihii. Wexey noqotay in laga tago.. Waayo ninkaan wuxuu rabaa inta habeenimadaa inuu gudbo, oo meeshii lagu ballamay tago. Wuxuu yiri halkaan fariista, wuuna ka tegey, cabbaar ka dib, ayuu wuxuu u keenay 2 Faras, Dumarkii ayuu saaray, sidaas ayaanu meeshii lagu ballamay ku gaarney inkastoo aan daahnay oo waagii noo beryey, qoladii kale oo aad u caraysan ayaa ku qaylisay, kadibna 2 gaari ayey markiiba nagu aruursheen, wey nala carareen guri ayey na geeyeen, markaan waxaanu ku jirnaa gudaha Turkiya, wax nala hadlaaya, ma leh, haddaan qofku wax rabshad ah gelin. Tigidho Basaska Istanbuul u socda ayaa naloo soo gooyey, oo nala saaray. Sidaas ayaanu ku nimi Istanbuul.
Turkiya – Jaziiradda Griigga
Nimanka ka shaqeeya tahriibka ee dadka gudbiya waa Turki xiriir fiican la leh askarta xuduuda dhinaca Turkiga, ama horaba askar u ahaan jirey. Wexey kaga fiican yahay dhinaca Liibaya laba arrimood. Waa midda koowaade iyaga ayaa doonta yar kugu kaxaynaya ilaa ay ku geeyaan daanta kale, waana rag yaqaan hawsha ey qabanayaan. Midda labaadna masaafada u dhexeysa berriga turkiga iyo jaziiradda Griigga ee ugu dhow waa mid aad u yar oo doonto 20 daqiiqo ka badan maba qaadaneyso, madaxa ayeyba isku hayaan, waana isu muuqdaan.
Maalintii bixitaanka ahayd ayaa waxaa nala keenay magaalada Izmiir ee Turkiga, habeenimadii ayaa meel xeeb ah doon yar nalaga saaray, Nin xariifa ayuu ahaa ninka na wadey oo inuu askari ahaan jirey aan u malaynayo, waayo askarta Griigga xeebta Jaziiradda ayeey gaaf meerayaan, tooshash waaweynna wey ku ifinayaan badda, marka wuu u gooyey oo gudub ayuu u baxay kadibna waa soo noqday, si zig zaag ah ayuu u socdey ilaa uu xeebta Jaziiradda usoo duso, kadibna wuu nagu daadiyey, wuxuuna yiri waad Joogtaan Griigga, maca salaama, meeshiisi ayuu markiiba ku noqday..
Khibrad Xumo.. iyo Is dhiibid..
Jaziiraddu waa mid dalxiiska loo yimaado, dad kaloo badan ma deggana. Maalin walbana doon kuwa dalxiiska ah ama labo ayaa ka baxda.. Haddad dadkaa iska dhex gasho oo aan wax tilmaan gaara lagugu arag, ama aad isu ekaysiiso sahal ayaad u gudbi kartaa. Laakiin anaga Soomaalida waxaa naga dhaadhacsanayd inaad askarta isu dhiibto inaad qaxooti tahay..
Dabadeedna subixiiba laamiga weyn ayaanu marnay anagoo askari aanu isu dhiibno raadineyna..Wax yar ka dib ayaanu askari hellay!! Sow yaab maaha adigu inaad askarigii raadineyso si laguu qabto..Waa fikradda aanu haysaney.. Askarigii waxaanu ku niri, dad qaxootiya oo meeshan lagu soo tuuray ayaanu nahay.. Wuu na kexeeyey, saldhiga Booliska ayuu na geeyey, iyaguna markiiba, xabsiga ayey noo taxaabeen, halkaasoo 4 bilood oo xariga aanu kusoo liqnay markii maxkamad nala geeyey.. Farahana waa nalaga qaaday..
Waxaa naga fiicnaa qolyaha ciraaqiyiinta iyo carabta kale oo xeeladda yaqaaney..Markey jaziiradda soo galaan, dharkey bedeshaan, waa is qurxiyaan, dalxiis oo kale ayey iska dhigaan, si fudud ayey tigidh doonta ah u goostaan ilaa Athens, kadibna halkaas ayey dayuurad ka raacaan ilaa yurubta kale oo Sweden ama Norway ama Holland si sahlan isaga dhiibaan iyagoon faro iyo waxba Griig lagaga qaadin.
Xabsiga ka dib ayaa naloo soo gudbiyey Athens, halkaas ayaan kasoo gudbey anoo faruhu meel walba iga yaalaan, oo meelna aan waraaqa ka heli Karin.
Romania-Hungary
Saaxiibkan xagga bariga Yurub soo maray isagu wuxuu ku yimi dhulkaas ardaynimo, ka bacdina waa soo jeexay, xuduuda Ukraine iyo Romania iyo Hungary in saddex goor lagu qabtay, aakhirkiina uu soo moosay laakiin waxba aanu ka dheefin haddana uu doonayo inuu Soomaaliya dib ugu noqdo, uuna ka qoomamayey salfudaydki uu kusoo kicitimay.
Cuba iyo Colombia!!
Waxaa wada iyaduna tahriibka Soomaalidu maro ah Cuba iyo Colombia iyo dalalka Latin America iyo Mexico oo loo marayo Dalka Maraykanka. Nin fiican oo aan South Africa kula kulmay ayaan safaradii dambe waayey, markaan warsadayna waxaa laygu yiri: Ninkii dukaankii iyo wuxuu hayeyba waa xaraashtey, wuxuuna u jeexay Latin America si uu halkaas Maraykanka uga galo, hase ahaatee, meelahaas dhexe ayuu ku go’doomay, ama lagu xiray..
Maalin kalena anigoo Diyaaradda kasoo raacay Nairobi ayaa agtayda waxaa soo fariistay nin dhalinyara ah, wuxuu I tusay tigidhadiisa wuxuuna I warsaday diyaaradda transitka siduu ugu bedelanayo markii garoonka Dubai la gaaro. Waxaan arkay inuu wato tigidh ah: Nairobi-Dubai-Mosko-Havana!! Waxaan iri oo Cuba ayaad u socotaa adeer? Wuxuu yiri haa.. Haye..oo ma halkaasaa hadda line ka furmay? Haa adeer waa line cusub oo beryahaan furmay dad bandanna weli ma marin, wuxuu ku tegayaa Havana Business, hoteel ayaa loo qabtay, xoogaa yar ilaa 2000 Doolarna jeebkuu ku wataa..Tigidhku waa noqod..Fiisihii Cuba waa ugu dheggan yahay! Waxaan iri side kusoo baxday? Wuxuu yiri: Fiisaha waa ilaa 2000$ , Tigidhkuna waa in leeg, Jeebkana Jicsin in la mida, xaggaasna waa kharash kale marka maraykan loo gudbayo oo Kuubaanka u tahriibaya Miami ayaa la dhex gelayaa.. Waa lacag 8000 ilaa 10000 $. Waxaan ku iri: oo Adeer Suuqa Xaafadda Islii ee Nairobi dukaan cajaaib leh ayaad lacagtaas kaga furan lahayd, dhibkanna waad ka bad baadi lahayd maxaa dhacay? Wuxuu yiri: Adeer dhalinyaradu dhoofkaas ayey wada rabaan.. Waxaan ku iri: Laakiin sow ma ogid dhibaatooyin badan iney kaa horreeyaan, sow ma maqal mira guntiga ku jira, kuwa geed saaran looma daadsho. Wuxuu yiri: Annagana waa soo tijaabineynaa!!
SOCDAALKII GEERIDA IYO QAAR KA MIDA DAREENKA DADKII AKHRIYEY
Intaa haddaan ku dhaafo sheekooyinka gaagaaban ee Tahriibka waxaan jeclahay inaan wax yar halkan ku soo gudbiyo qaar ka mida fariimaha isoo gaarey oo dadku dareenkooda ku sheegay.
Nin warqad iiga soo qoray dalka Sweden wuxuu yiri: SHAEIK MAALMAHAN WAXAN LA SOCDAY SHEEKADA YARKA KU DHACDAY EE TAHRIIBKA UU KALA KULMAY,ANNA MID TAAS YARA DHAANTA AAA IGU DHACDAY LKN WAN KA WAQTI BADAN NAHAY YARKAAS.WAXAY IGU QAADATAY INAN YURUB IMAADO LABO SANO IYO SADDEX BIL DHIBAATO BADANA WAAN LA KULMAY HANA U QAADAN INAN MEEL FADHIYEY INTAAS EE WAA MAR AAN XABSI KASOO BAXO IYO MAR AAN GALO ALMUHIIM 2 SANO IYO 3 BIL KADIB AAN IMID YURUBTI AAN DHIBKAA USOO GALAYNA WALI DHIBKII WAXBA ISKAMA BADALIN INUU SIYAADO MAAHANE. waxan safarkayga bilaabay april-9-2008 waxaana ka bilaabay wadan kamid ah wadamada africa waxan isu soo maray illa 4 dal marka halkan aan jogo lagu daro waa 5 dal,waxa igu yaab badnaa inan xabsiyo ku jiray hal sano iyo bar kuna dhibtoday waxa kale igu dhib badnaa in lay qalo anigoo ku jiro xabisga cid i ogina aysan jirin qalitaankayga familkaygu ma ogeyn saalada aa lay saaray kadib marki lay qalana soco ayaa layiri gal qolka aad ku jirtay, layna diiday inaan xiriir haba yaraatee la sameeyo familkayga inkbadan 6 bilood, ti kale ee igu yaabka badnayd waa anoo badda ku jiray 2 maalin doon dulsaarna marki danbe allah iga badbaadiyey. lkn sababteed ciidamada badda ay laahayen oo na badbaadiyeen, WLH HA U QAADAN INAY TAHAY SHEEKO KHIYAALI AH OO AAN SAMAYNAYO LKN WAA QISO XANUUN BADAN OO IGU DHACDAY,
CIWAANKAYGA WA MIDKA AAN HADA MASSEGE KA KAAGA SOO DIRAYO WAXAN RABAA SHEEKADAYDA IN DHALINTU KU TUSAALE QAADATO))
Nin walaalaha Jooga dalka Qadar wuxuu soo qoray:
((Inaay qisadan runtahay oo aan loo baahnayn baaritaan badan waa wax jira. Shalay oo udanbaysay oo aan akhrinayay qaybtii 6aad ayaa waxaa ii soo galay nin aan saaxibo nahay oo walaalkiis bada libya iyo yurub u dhaxaysa lagu aasay- lagu tuuray maydkiisa. Waxan ku iri, qisadii walaalka inta aanu bada lagu aasin ma akhrinaysa? Inta ilma kusoo istaagtay ayuu igu yiri: madoonaya inaan dib uxasuusta qisadaas!))
Dr Abdullahi oo Professor ka ah Jaamacad Malaysia ku taal wuxuu dareenkiisa usoo gudbiyey sidan: ((Walaal barasho wanaagsan, Magacaygana waa C/llahi Cali Maxamed kana shaqeeya Malaysia, Jaamacada la yiraahdo Nottingham Malaysia Campus. Allah ajar ha kaa siiyo waxaan aqriyaa sheekadaa aad sida quruxda badan u soo bandhigtay oo ah Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub . Ra’yi ahaan waxaan is dhihi lahaay in aad u diyaariso oo aad daabacada, dadkana loo qaybiyo, waa calool xumo, habeen dhowayd intaanan jiifan ayaan aqriyay waana jiifan waayay oo waa calool xumo sida aan u baa’banay. Mideeda kale qoraalki sii wad, waxaad ka mid tahay qaar fara ku tiris oo an aqriyo qoraaladooda, luqadi Soomaliga ay weli ku danbayso.Walaalkaa Dr. Abdullahi Ali Mohamed -School of Civil Engineering – University of Nottingham Malaysia Campus – Jalan Broga – Malaysia))
Maxamed Haaruun wuxuu kasoo qoray Sheffield, UK wuxuuna yiri: ((Waxan ka mid ahay gudiga masjidka Al-taqwah ee Sheffield, UK oo aad marar sii horaysay noogu timid. Waxan akhriyay sheeko aad ka qortay dadkaas Soomaaliyeed ee dhulkaas ku rafaadsan, gaar ahaan kuwooda soo mara meeshan aad u bixisay Socodka geerida, Somalia ilaa Europe. Sheekh Maxamedoow inagu hadaan Soomaali nahay wixii dhacayaa oo dhami way iska dhacaan uun ee cidina waxba kama qorto, sidaas darteed ayaanay ku halaabaan qisooyin iyo waayo tiro badan oo dad badani ka faaiidaysan lahaa. Aad baan kaaga mahad celinayaa wakhtiga aad galisay qisadaas qoristeeda aadka u qurxoon eed soo ban dhigtay.))
Waxaan kusoo Gabagabeynayaa tacliiqaadka dareenka Khadar Cilmi oo isagu ka mida dadka Tahriibka wuxuuna iiga soo qoray Griigga wuxuuna yiri: ((Salaanta Islaamka ah kadib, Sheekh Mohamed Idris, Sheekheygiyow adeerow waxaan kamid ahay dhalinyarada tahriibka ah ilaa hadda, kuna sugan Dalka Greece caasimaddiisa Athens muddo 9bilood ah ayaan joogaa, waxaan haayaa sawiro caddeyn ah min Kenya, Syria, Turkey illlaa Greece.
Dhibaatooyin waxaan soo marnay talo iyo tusaale inbadan ayaan ka hayyaa, maadaama aad tahay qoraa kuxeel dheer tafaasiisha waxaan jeclaan lahaa inaan kuusoo diyaariyo xoogaay qormooyin intaan soo maray ah, wadatana Sawiro, adne aad tifaftirno insha allaah wixii kaaga suuga gala.)).
Intaasuna waa qayb ka mida dadka meela kala duwan dareenkooda iiga soo gudbiyey iyo talooyinkooda Ilaahay Ajar iyo Xasanaad haka siiyo, Waxaan ka cudur daaranayaa inta kale oo aanan soo gudbin oo aan meeshan lagu wada koobi Karin, laakiin tusaale aan u keenay, waxaan leeyahay dhamaan Jazakumullaahu khayran, Qiiradiina iyo dareenkiina Islaannimo, iyo Soomalinimo.
Gunaanad: Cibrooyin & Casharo waaweyn
Waxaan filayaa qisadan iyo kumanyaalka qiso ee la mida waxaa cibro iyo cashara noogu sugan lama koobi karo, waxaase muhiima in casharada iyo cibrooyinka lagu intifaaco, dhab ahaanna waxaana ku waana qaata dadka aqoonta leh, iimaanku uurka uga buuxo, caqliguna u caafimaad qabo.
Waxaa cibrooyinkaa ka mida, dalka iyo degganaantiisu qiimaha ay leedahay, sidaa darteed ayaa Rabbi Subxaanahu watacaalaa marar badan Qur’aanka adoomaha ugu mana sheegtaa (Nabad gelyada iyo nolosha wada socda oo dad dhulkooda ku haystaan)..
Waxaa ka mida cibrooyinka qofka dalkiisa iyo dadkiisa meel u dhaanta inaanu helayn, qurbuhuna xanuun badan yahay, sidaa darteed ayaaba shareecadu qofka dhul qurbaa jooga xukuno gaara siisay.. Dawladnimadu iney shey muhiima oo maslaxad guud ummaddoo dhan u ah ay tahay, sidaa darteedna marka la haystana lagu fara adaygo oo aan si fudud laysaga dumin, markii la waayana sida ugu fudud ee ugu dhaqsi badan loo unko, oo loo baxnaaniyo, taasoo maslaxadda qof walbaa ay ku jirto…
Waxaa ka mida cibrooyinka damaca aan daraasada ku dhisnayni dhibaatada uu leeyahay, oo qofku aanu isu miisaamayn waxa uu haysto iyo waxa ka maqan oo uu raadinayo, iyo wadaduu ku raadinayo..
Waxaa ka mida Qanaacadu iney tahay hibo Ilaahay baxsho oo aan la heli Karin, Sida xadiisku tilmaamay, taasoo ah qofku inuu ku qanco wixii Ilaahay qayb u siiyey dad iyo duunyo, hadduu wax kororsi doonana sharciga iyo caqliga aanu dhaafin.
Waxaa ka mida casharada dadka isku haya Soomaaliya taladeeda ee ku diriraya mid walbaana isla qumman yahay iney qaybta ugu weyn dembiga dadkaan qaxaya ee baaba’aya qaadayaan, waayo wexey sabab u yihiin dalkoodu inuu inuu degi waayo, dadkiisuna ku sugnaan waayo.
Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu Ummadda Muslimkaa guud ahaan, Gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed dhibka ka qaado, Intooda Akhyaartaana Ilaahay talada ugu dhiibo, Ardaashana Ilaahay dhinac ka mariyo.
###
Dhammaad.
Qoraalka oo dhamaystiran ka daabaco halkan (pdf) – 50 bog
Qaybaha qoraalka: https://somalitalk.com/tag/idris/
W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com
FG. Sawirada: Google Earth & Wikipedia.
Asalaamu calaykum
Walaal Cabdi(inanka usoo gudbiyay dhacdadaan sheekha) Ilaahay hakaa abaal mariyo sida aad u garatay inay muhim tahay in ummadda looga digo inay tahluko isku tuuraan. Sheekh Max’ed Idriis(xafidahullaah) waxaan kaa codsanaynaa inaadan ka daalin wacyigalinta ummaddeena dhibaataysan, Ilaahayna hakaa abaalmariyo dadaalada aad wado haday ahaan lahayd dacwo ama wacyigelin. Walaal cabdi waxaan adiga kaa codsan lahaa inaad ila soo xiriirto emailkayga waa abdinasir-1@hotmail.com
asc qofka sheekada Shiikh Maxamed Idiris (xafidahullah) usoo gudbiyey waa aniga . waxaana ugu tala galay umada soomaaliyeeed in aan uga digno dhibaatada tahriibta iyo silaca yaalla wadadaas dheer ee aan looga digin , dabcan kuwii saxarraha iyo bdaha soo mareyna ugama sheekeyn .
, waxa ku qoranna sheekdada dhamaantood waa wax wada xaqiiq ah waxan Allah SWT ka baryayaaa in uu naga dhigo kuwa kuwaana qaata .
waxaan u mahadcelinyaaaa Shiikh Maxamed Idiris oo sheekada iga qorey bulshadana u gudbiyey iyo bahda somalitalk oo soo bandhigtey iyo websites ka kale ee ayaguna soo gudbiyey waana dabcan mas,uuliyad nawada saaran sidi umada loo wacyi gelin lahaaa si ayna ugu sooo qatalmin ama ugu so ajarmin uguna soo lug go,in jidkaas ama kuwa la midka ah ee faraha badan ee mugdiga ah ee aadka u dheer una silaca badan mahadsanidiin
walaal maqaalka aad qortay aad ayaan u akhriyay waan ilmayn gaadhan waayo dad islaam ah oo ka garanwaayay wadankoodii iyo waxa ilaahay u qoray oo aan aamisanay calafka iyo qoraalko ka yimaado ka ilaahay walaalayaal hadii aan soomaali nahay waxa ila quman inaan aamino dhulkeena iyo diinteena iyo dadnimadeen
ASC,
ان فى داللك لدكر لمن كان له قلب او القى السمع وهو شهيد
SHEEKH MAXAMED ALLAHA kaa ajarsiiyo qoraalada qiimaha badan aad inoo soo gudbisay ,saaxiibka aad kasoo guurisayna waa mahadsan yahay waayo wuxuu karoonaaday walaalaha kale ee tahriibkaas mid lamid ah soo galay balse dhibkooda ayaga isku ekeeyay saaxiib aad iyo aad ayaad umahadsantahay .
Umadana ilaahay ha ooga dhigo cibro lagu waano qaato .
wasalaam
Ilaahow somali ugargaara aqristow waxa dhacdaya in naloo celiyo suriyo kaaso ana hana eela anu ulaabano waxa nalageeyaya tariqadu markaya aheeda 1.8.2009 kaso anu galana xabsi kuyalo magalada xalab ee wadanaka suuriya kadirsan kaso anu ku jirana 30cisho taaso anu waraka hena ehelkeena waxanala geya
casimada dimishiqa kaso anu kuxiranana mudo bada kadibna uu nasodaya wasira kasocdo dowlada somali dr dalxa islamarkiiba waxaana kabilaabya sidana markale ugu noqon lahaa inaana markale uboqolo dhanakaasi iyo turkiyo manasha allaha wana kugulasataya markiidanabe wana sogaraya dhanakaa iyo istana buula kaaso aanu utagya muharabina somaliyeda oo lashaqeeyo kuwo kurdiya waxana soraacnaya anago 23qof oo somaliya ayana soraacnaya babura aada uciriiriya kaso marmarka qaara ada modaysida ina aaya naqasaku kugu dhagaayo waxana lugayano buro aana fulno waxana sogarnaya meeshi aana karaclahana markabka kaasi ootagna meela aada ufoga waxaya nagu gurena dooni yara kaso nagaarasiya markabki kasi oo aada uuyaraa markabku aqaristow waxana sogarma meela kudhawa casimada atiina waxa nala geeya meela guri uukuyalo oo cidala waxanala yiri fasaxa lacagaha wana na soo fasaxaya lakiina maxana kala kulanaya magalada dala aana dalalaaga aheena wadareena kujogo
Dhibka laguma waro asc magcygu waa hodan waxana kamida ahaya dhali yarada sootaharibtya anigo somaraya dhibaatoyina farabada waxana kaso baxana wadana ka dubey kaso ana imi dimishi suriya kaso ana rabaya ina aana aana uga sogudbo wadanka turkiya taso aya nuu aheena 7somaliya iyo 2 itobiyana anago lagu soqadaya gaari kaasi oo nakeenaya xuduuda udhaxeyaso turkiya iyo suriya
waxana lugena masaafo dheera gordanbe ayana nimi siligi udhaxeeya 2wadana waxana tasi noga darna marka aana jognaya suriya xaduudaka ay lawadagto turkiya anago jogno guriga niinka nasokexey naaya gor habeena roob aadauwena uuda aayo ayaa waxa lakeenay maamo wadato 3 ciyala taasi oo roobku kuhelaya saqafka sare baaburka kuwasi oon modana inuu dhintaya midakamida ciyalkasi oo kidamo kudhacdaya ama burakiito sidaada utaqana hooyadasi waxa lasocdaya aabihi dhalaya ciyalakaasi hala mara aya ooydaya hoyadaasi tari oon dhamaana aana laqironaya anagana waxana kabixinaya dharki kuqoya waxana udhawena kululayso nobexeysaya wuu sotosaya kiyaraa marakaasu muharabki ayaa nosogalaya anago hoyadi ooyeysaya amusinayana markasu yiri naga aamusa mawaxana qabnaa tacsi kaso hadala kulula nagu
yiri intasi kadib wagi ayaa baraya waxa naga nala keenaya buuro dhaadhera kuwasi oona arki karno turkiga waxana iska fadhisanaya meshe waxana madoobadaya gabaki marakasa waxa nooyimi 2niino wato eeya wayna waxaya nayirahadena sobaxa wanu soracnaya markana ina yara socnaya ayaaya nayiraahadeena dhiga borsoyinka anaga ayaa idinka dabakenayo marakasi waana wada diidana markasaya nagu qanaciyena baaburka ididan qadayo mayelayo borsoyina ok waxana isku raacna dhamana daadakana wada socnaya ina aana iskadhigano marka waxana maana wadanina oodhara intana ka aheena halaka sheya anu xiranahaya markasi waxaya nafadhisiyena mela siliga agatisa waxayana nodhibena tosha waxaya nayirahadena waxaa idiina imaanayo mimana naga socdo anaga waxada ugubaaqadana toshakaana markasi waya idina fahamayana islamarkiib waxaa nooyimi cidana turkiya waxaya naga qadeena
silagi waxaya nagugu fureena xabado waxayana nageeyena xero markasi naga qadena faro waxanaya nageyeena meela xabsiya waxa kujiraya daada aada ufara badana kuwasi oo isugu jiraya somali iyo kuwa kalale waxana ku xirnaana 10cisho kaso markii danabe nalat saaraya maxa kamada waxana ku hadalana luqada carabiga kuwaso turkiyo iyo suuriya aaya wada fadhiya mesha maxa kamada waxana nagu cadaadatya inaanu kanimi wadanaka suriya kuwaso nosoceliya lasoc qebta 2
Asc,
Sheekh Mohamed, Allah ha kaa abaal mariyo sheekadaan dhaxal galka ah ee aad Soomaalida usoo gudbisay, waxaan Allah ka baryayaa inuu dadkayaga ku anfaco oo ay wax ku qaataan, inkastoo la yiraahdo Soomaalidu dhago wax lagu maqlo maleh ee indho wax lagu arkay leedahay! hadana Allaha ku anfaco.aamiin…
Sheekadaan oo aan si joogta ah ula socday qaybteedii 1aad ilaa qaybtaan 11aad ee aad kusoo afjartay, waxay igu abuurtay murugo aan la ilmeeyay, waxaanan aad uga xumaaday sida madaxdeennii damiirku uga dhumay oo aanay marnaba ugu diir naxayn silica, magac xumada iyo sharaf la’aanta Soomaali ku haysata meel walba oo ay maanta joogto!
Anigu waxaan ku noolahay magaalada Nayroobi, oo aan dhihi karo waa meesha ugu roon ee ay maanta Soomaali badan nolol fiican ku haysato waxna ka qabsatay, saas ooy tahayna waxaa looga yaqaannaa waryaa, oo waxaa loogu caga jugleeyaa (Waryaa Hapa si Somalia, Enda Mogadisho iwm), (Waryaa halkan Soomaaliya maahan, orod Muqdisho aad iwm) ma garanayo wax aad ugu jawaabi karto qof aad muranteen oo laga yaabo inuu kaa gardaran yahay markuu ku yiraahdo gurigaagii baad soo gubtay ee gurigayga iiga tag!!! runtii waa hadal xanuun badan!!!
Si kastaba Sheekh Mohamed iyo ragga Soomaaliyeed ee damiirka diineed iyo kan waddaninimo ku jiro waxaan u sheegayaa inaysan jirin rajo ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan in sharaftoodu soo noqoto oo aan IDINKA AHEYN!waayo waxaad tihiin kuwa kaliya ee dareensan inuu jiro dhib iyo xanuun ay dadka Soomaaliyeed la taahayaan oo la il daran yihiin!
Sidaas darteed Sh. Mohamed, waxaan kugu dhiirrigalinayaa in Dalladii culumada Soomaaliyeed dib loo soo nooleeyo iyadoo lagu kabayo dhammaan inta damiirku ku haray ee ahlul xal wal caqdiga lagu magacaabo si xal waara loogu helo musiibadan aad ka hadashay iyo kuwo badan oo dadkeenna haysta!
Allah waa idinku guulaynayaa insha Allah laakiin akhyaartu waxay u baahantahay inay fadhiga ka kacdo!!!
Sheekha, Walaalaha Somalitalk iyo intii wanaagga ummadda jecelba Allah noo xifdiyo. aamiin..
TO: MURSAL
mursal hadduu arinkaagu yahay mid dhab ah sxb soo gudbi si aanu uga faa’iidaysanno,waxaana wanaagsan in aad hadday kuusuuro galayso aad laxidhiidho sheekh idris oo aad xagga telka kula hadasho deetana aad isku afgarataan in sheekadaasi soomaalida wax utarayso,markaa kadib waxaan filayaa in ay idiin suura gali karayso soo gudbin taas.mahadsanid
Sheekh Moxamed, Waxaan si gaar ah kuugu soo dirayaa hadduu Eebbe idmo qoraallo ka waramaya “Socdaalkii Geerida Somaaliya ilaa Ameerika” oo la soo marayo dalalka Latin America oo aan filayo inaad ku arki doonto wax badan oo kaa yaabiya oo u dhigma ama kaba daran kuwa aad ka soo sheekaysay.
Ilaahay hakaa abaal mariyo wacyigalinta aad wado ilaa intii aan ku bartay.
Salaamu Calaykum.
ilaahay ajar iyo xasanaad haka siiyo shiekh maxamed qaabka u soo gudbiyey dhacdadan.alaha kaqabto mooryaanta nooc walba leh
oo umadan dhibka ku haysa,waxaa cajiib ah in lagu farax sanyahay
in qanrankii laburburiyey amxaarana la hoos galo,caqligu ha shaqeeyo
waxaa dalka ,loo burburiyey in zanawi la hoosgalo
Marna waxay ahed naxdin, marna ilma aya ku qabaneso. i wish inay shekada sii socota lakin inataas Ajar iyo xasanad Ilaah haka iiyo sheq. ma aqaano areyga ugu fiican aan ku cabari karo sida ay shekada u socaty. Aniga xita mar baan ku fakary inaan tahriibo dhankas iyo yurub Laakin Ilaah ayan ku mahdinaaya inuu qalbigeega ka bixiyay. qofkasto oo somali dhalin yaro ah waa ku fakaray inu mar tahriibo. jazaklaah mar labaad sheeq waxaan ka sugeeyna qoraalo kale xiiso badan inshaAlaah. omar……… pakistan.
Asalamu Calaykum
Shiikhow, Rabbi hakaa abaal mariyo xil wayn ayaad gudatay, gabagabayn falanqaysana waad ku afjartay.
RABBI AJAR IYO XASANAAD alle hakaa siiyo insha allaah.waxaan aad ula socday sheekadan aadka udareenka leh,kana hadlaysa tahriibka iyo dhibaataduu leeyahay.allaa mahadleh marhaddaan ilaa 11-kii qayboodba akhristay alle hanaga yeelo kuwii wax kuqaata oo aan sheeko ahaan uqaadn laakiin dadka soomaaliyeed uga diga ee doonaya in ay tahriibaan. SHABAKADDA SOMALITALK.COM-na aadbaan ugu mahadcelinayaa, noqda kuwii jira ee jooga idanka alle,waxaadna noo keedinaysaan taarikho aad muhiim u ah.waxaadna iigu muuqataan shabakadda ama mareegta keliya ee waxkuqorta afsoomaaliga,oo ay soomaalidoo dhami usiman tahay, soo wada booqata.alle ha idin xafido.sheekh idrisna alle hanoo dhawro aduun iyo aakhiro.