Home » Maqaallo »

Shariif Wax Ma ka Bedelayaa Shaxdii Hore Mise Wuxuu Noo Shidaya Ruwaayada Qaybteeda Labaad

Waxaa uu qoraalkaygani daba socdaa qoraal aan todobaadkii hore qoray oo ku soo baxay shabakadaha af soomaaliga lagu qoro oo ka hadlay ismaandhaafka iyo khilaafka madaxda soomaalida , iyo axsaabteeda oo mar walba laba u qaybsama .iyo in umada soomaaliyeed oo dhami daawadayaal yihiin kuwo maamulaana ay yihiin madadaaliyayaan iyo metelaan
Meel uun ka wada yimid ,

Waxaa furan su,aal waxaa soomaalidii loo qaybiyay afar iyo badh waxaa la yidhi laba ka mida afartaas waxay xaq u leeyihiin madaxnimada laba xubnood ee ugu sareeyaa tan sadexaadna xubinta sadexaad , tan afraadna waxba kuma laha badhkuna yaan la soo qaadin xuquuq ma lahee.

Hadaba shariif ma waxuu soo magacaabi doonaa beesha kursiga ka tagtay nin ka mida mise waxuu magacaabi doonaa mid u dhaw oo ay isku dayr yihiin mise wuu bedeli doonaa kaartadii hore oo waxuu u magacaabi doonaa beesha afaraad ee ilaa iyo 1960 marka keliya heshay xubinta labaad.

Haddii shariif wadadii shalay maro waxuu isaguna mari doonaa halkii uu maray cabdilaahii markuu nuur keenay, waxayna sheekadi ahaan doontaa tiro is le,eg iyo ii qaybi oo qadi dadka kale noo qari oo qofna haw sheegin, qayli oo dad is qabsaday naga dhig qorshuhu haw dhaxeeyo laba qolo.

Haddii uu wax ka bedelo waxaa suurta gal ah in xaalada wadankana isbedel ka yimaado
Oo halkaas laga soo bilaabo cadaalada ka dib marka shariif waqtigu ka dhamaado la galo doorasho baarlaamaan siduu ku yimid shariif oo kale madaxwaynuhuna noqdo beesha shanaad

Waxaa iman doona isbedel siyaasadeed iyo qabyaalada oo meeshaas ku dhamaata dalka oo nabadooba iyo bulshada oo ka baxda colaadaha doorasho cadaalada iyo asxaab sida ku timaada anigaa reer hebel ah iyo waan xoraystayna iyo waan u soo halgamayna halkaa ku dhamaato bulshadu sinaan iyo cadaalad ku noolaato.

Intasae labadaa qolo ee beesha afaraad iyo shanaad xaqoodu maqan yahay ee sheekadu taagan tahay mara taani iyo biis mar kale dib uu magacoow waxay ku jiraysaa meesha ay maanta ku jirto wax isbedelana ma iman doono .

Waase loo wada joogaa , shariif iyo isbedelkiisa, iyo qaabka uu dhigo xaalada murugsan ee soomaaliya , ama waxay ku dhamaanaysaa sheekaduu halkay kuwii hore ku dhamaadeen
Ama waxay noqon doontaa mid ka dhadhan duwanaata, waxaan dhawrnaaba waa dhawaqa shariif iyo ka dhursuga doorashadiisa, iyo dhawrista dookhiisa, iyo dhismaha xukumaada cusub.

ilaamaa lixdankii iyo
ayaantaanu xorowney
iyagaa u qornaydoo
albaabkuun u tubnaaye
aragnoo amakaagnee
bal ayaantana dhawra

halkuu aado shariif
ama dookhu u raaco
asal waa lama doorshe
inuu eegtoo halkii iyo
inuu aag bedeshoo
aminkaa look ala jog
aynu eegno bulshooy

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shariif Wax Ma ka Bedelayaa Shaxdii Hore Mise Wuxuu Noo Shidaya Ruwaayada Qaybteeda Labaad "

  1. waan salaamay qoraaga maqaalkan waxaanse layaabay intan ah” tiro is le,eg iyo ii qaybi oo qadi dadka kale noo qari oo qofna haw sheegin, qayli oo dad is qabsaday naga dhig qorshuhu haw dhaxeeyo laba qolo”””

    Mudane:shariif waxaan odhan lahaa haddaad dagaal gasho lagaana yara adkaado,halkii aad markii hore dagaalka kagashay lagaagana adkaaday haddaad kunoqoto ogow waa guul daro labaade.aag badalo ayaan ku odhan lahaa.beel ahaan ubadalo,waxaadna meesha keenta wajiyo cusub sida beel cusub,wasiiro cusubna meesha udhiib oo dhamaantood dhaafi,meelo cusubna qabso wadankuba hacusbaadee,ogowna adna waa lagu cusboonaysiin oo midkaloo kaa cusub ayaa meesha lakeenayaa. ama beeshii ilaa lixdankii markeliya qabatay meesha keen ama mid aan weligeedba xilkan dhadhamin keen bal naga yara ilaali un HARTI ABGAAL,,, siduu sheegay DR.YUSUF…

    TALLO MUHIIM AH:-si loo adkeeyo midnimada wadanka soomaaliya waa in uu masuulkaasi noqdaa mid kasoo jeeda waqooyi ,,gaar ahaan waqooyi iskuma jiraane kuwa midnimada ummadda soomaaliyeed uu qalbigooda kubeeray ee horayna ugu dagaalamay soomaaliya haddana udagaalamaya waa haddaad doonayso in la adkeeyo midnimada soomaaliya. gobolada waqooyina aad rajo kaqabto,xaggaa la aad bahasha oo kuwa uwaashay gooni-goosadka indhaha kaga dhufo,haba sarcaadaane,hana khalkhasho doonitaankoodee.

    MAHADSANID SOMALITALK.

  2. abdirisaq says:

    Illa waqtigi xornimada la qaatey.qabyaaladdu waxay saldhig u ahayd dejinta shaxda dhismaha dawlad kasta.xataa askarti inqilaabka samaysey habeenki waxaad moodda inay isku jaangoynayeen beelba wax kasoo qaad oo aysan dhihin tobankeenna isku qorshaha ah aan qabanno meesha.
    Inkasta oo qabiilka kaalin weyn loogu xukuumad umadda oo dhan loogu haqaynayo waa nasiib darro laakiin waa luqada keliya ee dadkeenni ilaa hada fahmi kareen.Dadkana in luqada ay fahmi kraan lagula hadlo waxay ka mid tahay dawladnimada iyo soo dedejinta wax fahamsiintooda.

    Inta dadkeeennu heerkooda aqooneed iyo fahmka dawladnimo sidaan yahay waa khasab qabiilku inuu kaalin ku lahaado dhismaha dawladda, mar kasta oo qabiil loo kacana waa qasab xafiiltan,tartan indho la’aan ah is aamin xumo, iyo ka mashquulid danti dhabta ahayd ee umaadda loo hayay ee meeshaba loo yimid iyo ku mashquulid waxaan dan ugu jirin umadda ay soo noqnoqn donaan.waxa kasii daran nadaamki kala wadidda shaqada iyo kala qeexidda awoodda xafiiyada oo aan si fiican loo qeexin inta aan shaqada la isla billabin tas oo marka jagada qofka loo magacaabo wixi fara gelin ah ama wax ka beddel ah oo lagu sameeyo uu u qaadanayo wax asaga loola jeedo.In la isla helo dad dusha marka laga eego ay ka muuqato shaxdi dadku fahmi kareen ee isku jaangoynta qabaailka gudahana ayagu ah kutlad daacad ah oo sku ujeeddo ah islana jaan qaadi kara oo mabda’oodu kala weyn yahay danaha shaqsiga ah ,kuwa gonol gaar ah iyo kuwa qabaailka oo u guntada inay meel uga wada jeestaan ka saaridda dalkooda musiibada ku habsatey ayaga oo ilaahay u talo saaranaya inta ay ka gaarayaanna aan kiu mashquulayn wax kale umbaa Somalia rajo u ah.Sida kuwaas lagu helana way adagtahay.
    Labo tijaabo oo mid xoogga dalak oo dhexdhexaadka ahaa siyaasadda dalka kana koobnaa qabiil kasta ayad moodda inay wax yar oo hinqasho ah kaddib aqoon yari siyaasadeed oo goaanno halis ay qaateen iyo duruufo ka xoog badan oo ka horyimid awged ku fashilmeen goolki dhalintiisa taas oo keentay in ay sabab u noqoto in xooggi dalka Somaliyeed o ahayd halki xubin oo teer iyo xornimadi ka fayoobaa sarreynta qabiilku uu meesha ka baxo maanta.
    Culimadi oo ah dadki lagu tuhmaayay ayagana in ay dhexdhexaadnimo iyo cadaalad laga heli karo ayada oo lo cuskanayo inay noqon karaan dad waracnimo taqwo,iyo cadaalad laga duksado ayaga oo allah ka cabsi iyo awaamiirta diinta raacaya ayaad moodda lix bilood kaddib,maanta ay labadi nin ee madaxda u ahaa iyo xubno kale oo ayaga ka dillaacay yihiin kuwa ugu daran ee xabbadda isu haysta oo xataa ay aad u adagtahay in meel lagu wada hadashiiyo. aqoonyahaanada maaddiga ah oo noqon karey kutlada 3aad ayaa nasiib darro u kala baxay qaar iskala weyn inay dhiiqada faraha la galaan oo caalamkana ka shaqaysta,kuwo qabaailki dhex galay oo la kala saftey,kuwo soo shaqo tagey oo lacag urursi iyo danaysi dalkoodi usoo doontey iyo kuwo mrkey arkeen sida isu suranyihin arrimuhu weli dhabanka haysta oo tallaabadi ay qaadan lahayeen ka walaacsan.waxana ugu dambeeya koox ay uga soo hartey khudbooyin ay shirar ka akhriyaan oo wax kasii duurugsan lahayn.
    Raaisulwasaare kasta iyo madaxweyne kasta wax ma beddelayo qabiilki la doono hallaga soo xulee kol haddan la qaadin caqabada ah wada shaqayn la’aanta iyo isku feker la’aanta haysata xubnaha kala duwan ee xukunka isugu imaanaysa.

  3. Soomaalida oo dhan Allaha ku toosiyo danteeda. Balse horta, wax intee le’eg ayaa gacanba inoogu jira hadda? Anigu waxaan horan lahaa labaduba waa muhiim: In loo dhammaado maamulka in Alla iyo intii suurtogal ah; iyo qofka lagu maqaabo: “Shaqada meesha taalla yaa ku haboon oo aqoon u leh”. In yar oo faahfaahina hoos ka sii akhri.

    THE RIGHT PRIME MINISTER AND CABINET FOR CURRENT SOMALIA.
    My response to the call by the international community for ceasefire by the Somalis is that we should get serious and honest and re-unite the five parts into which the international community divided the Somali Nation and create a Prosperity Horn Common Market. For more on this and the sort of rulers needed in Mogadishu now, please read more below and Google “amiirdaldoon”.
    Though I personally have so many doubts about the degree of honesty and seriousness for the good there, while the resigning prime minister has been ” A Civilian Intellectual” with an easy and happy city background, I would suggest that the right qualification of a prime minister there has to be “A Military/Police Intellectual” with less happy-easy-going city background who has been out of the activities in the last twenty years there but who anyway followed closely what has been going on there.
    By the collapse of the Somali government in about twenty years ago, there were many well trained and well educated young military/police officers who fled to all parts of the world and got additional modern, civilian, and higher education who therefore are by now about fifty years old and well qualified for the current Somali situation without having been badly painted by the twenty year old mess.
    One of the reasons of my proposal is that there is no much civilian management science there now but more of “Political Military Science”. The business there is rough military business and thus needs rough but well trained and well educated military/police men, including at the cabinet level and more!!!!!!!
    THE RIGHT PRIME MINISTER FOR CURRENT SOMALIA is probably = {Colonel Abdullahi Yusuf minus (cleric phobia/wadaad nacayb) plus (genuine International Community and Somali Support)}.
    Similar questions could also be raised about the qualifications of the president. But, hold on a second! By the way, why don’t we drop all this rough and never ending business, and instead, re-unite the five parts of the Somali Nation and then create a Prosperity Horn Common Market in which Somalia’s landlocked, xagar-oodan, sister-neighbours may reach the Somali beech/coast for fishing and swimming not in the supplied tanks as now but in own open cars or by legs?
    Amiirdaldoon Hussein in Aarhus, Denmark

  4. Kheyr Suge says:

    Ilaahow minaam wax ogeyn hadaad cadaabto haku waarinin. Dr. Yuusuf waxaa iskaaga kaa qasan qiyaasiddaada iyo go’an kagaariddaada. Madaxweyne shariif markaad leedahay wax ma badeli karo ma adaa howsha lahayo oo la ogaaday in uu wax badeli karin? Walalow quus aan cilmi xeeladeysan ku fadhinin waxba yuusan kuwareerinin. Madaxweynahana ciddii uu xal uarko ayuu umagacaaba xilka xitaa haddii ay noqoto isla ciddii uu horey xilka uga wareejiyey. Ilaahey waxaan kabaryeynaa in uu Madaxweynaha xaqa kutoosiya midka ugu munaasabsanna Ilaahey garansiiyo xitaa hadduu yahay Md isga ladhashay.

  5. DR Yusuf says:

    Horaa loo yiri Ilaahow nin aan waxba ogeyn ha cadaabin,Sheriif waa nin bad doon kula caaridey waxba ma bedeli karo oo haddii beesha 5aad ama 16aad lakeeno somalia xaalkeedu waa bariga dhexe armaad adigu qarweysaa,Hadduu keeno harti abgaal oo sacabka lagu saacido xataa in Harti Abgaal is qabqabsado waa midaan laga maarmeyn ee adigu qabiilka iyo sheegsheegiisa maad inaka dhaafto soow ma ogid in dad badan ku tahay mindi lagu gujeynaayo,maanta waxaa ka fiicnaan lahayd Sheriif oo iscasila Somalina uga sheekeya Khibradiisa waxuu arkay dhehana meeshan Mustaqbal inooma soo socdee hala tashado balse yuusan waqti kale Somali ka lumin.
    Mahadsanid