Home » Warar »

Maamulka Shangaani: Waxaana uga digeynaa Shacabka Fiisooyinka Sharcidarada ah ee la doonayo in..

Gudoomiyaha Maamulka degmada Shangaani ee Dowlada KMG Soomaaliya ayaa  sheegay in ay ka war heleen Shirkado Diyaaradeed oo doonaya in sanadkaan dadka Soomaaliyeed ee Xajinaya ay ka iibiyaan Fiisooyin aan sharci aheyn.

Gudoomiyaha Degmada Shangaani ee Dowlada KMG Soomaaliya Ibraahim Max’ed Muqtaar  oo ku magac dheer (Babaay) oo ugu waramayay Xafiiskiisa qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ay soo gaartay cabasho uga timid qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Shangaani oo ku aadan Fiisooyin uu ku tilmaamay in ay yihiin Sharcidaro kuwaasi oo shacabka ay ku sirayaan sida uu sheegay qaar ka mid ah Shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Shangaani in qaar ka mid ah Shirkadaha Diyaaradaha ee sanadkaani dadka u qaadaya Xajka ay isticmaalayaan Fiisooyin aan sharci aheyn kuwaasi oo uu tilmaamay in isticmaalkooda ay dhibaato ugu imaan karto dadka Soomaaliyeed Waaxda Socdaalka ee dalka Sacuudiga, waxaana uu ugu baaqay waaxda Socdaalka dowladda KMG Soomaaliya inay wax ka qabato shirkadahaasi uu sheegay inay dadka ka iibinayaan Fiisooyinka aan sharciga aheyn.

Gudoomiyaha Degmada Shangaani  Ibraahim Max’ed Muqtaar ayaa uga digey shacabka Soomaaliyeed inay ku qaldamaan Fiisyooyinka aan sharciga aheyn ee uu sheegay in sanadkaani laga iibin  rabo dadka Soomaaliyeed ee doonaya inay soo Xajiyaan.

“Waxaan ka digayaa in dadka ay suurtagalka tahay in laga iibiyo Fiisooyinkaasi ay imaan karto inay ku Khasaaraan Fiisooyinkaasi lacag ku dhow saddex kun Doolar, ama ay dhici karto inay dhibaato kala kulmi karaan waaxda socdaalka wadankaasi Sacuudi Caraabiya, maadaama aysan aheyn kuwo aan sharciyeysnayn.” Ayuu yiri mudane Ibraahim Max’ed Muqtaar oo intaasi ku daray inuu ku eedaynayo qaar ka mid Shirkadaasi in ay danaha caamka ah ay ka horumarinayaan tooda gaarka ahaaneed.

Waa markii ugu horaysay shirkadaha soomaaliyeed lagu eedeeyo inay ay ku dhiiradaan isku day ku aadan inay si sharci darro ah fiisooyin aan xalaal aheyn uga iibiyaan dadka soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha degmada Shangaani waxaa uu sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay talaabo ka qaadi doonto shirkadii ay ku cadaata iyadoo isticmaaleysa fiisooyin aan sharci aheeyn, waxaana ugu baaqay shirkadaha diyaaradaha inay ilaaliyaan xaquuqda muwaadinka Soomaaliga ah ee doonaya in ay xajiyo oo doonaya inay gutaan xaj xalaal ah sanadkan 1431 hijriyada ah, oo u dhiganta sannadka milaadiyada 2010-ka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail   amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.