W/Q. Muxamad Idris Axmad
((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))
Dadkii oo kaadidii cabbaya!
Weligay ma suuraysan in dadku ku qamaamayaan iney cabbaan kaadida ka timada iyaga ama qaarkooda kale, dadka qaar ayaa ku qooshanayey bur cad gaariga laga helay, dareewalkii (adam) ayaa dadka kaadida ka celinayey laakiin dheg looma jalaq siin, 4 qof keliya ayaa ilaahay nagaga bad baadshey inaanu cabno, dadka intoodii kale wey cabbeen.
Biyihii Radeetarka (qaboojiyaha) gaariga yaa cabbey!
Wiil Soomaaliya ayaa gaarigii Eriteriyaanka sidey hoosta ka galay,intii dadku ku sii jeedey riixidda gaariga ciidda galay, wuxuu hoos ka furay furkii Radeetarka biyihii ku jirey matoorka ayuu fuuqsaday, kadibna hunqaaco ayuu ku waashay, dadkii kaadida cabbeyna xanuun ayaa siyaada u qabtay.
Dhala biyaa oo joogta $ 800!
Waxaan intii hore fadhiyey gaariga korkiisa anoo qoraxda iska xejinaya jirigaan faaruqa, laakiin markii qorraxdii kululaatey ayaa jirigaankii igu dhalaalay, waan fadhin kari waayey gaariga hoostiisa oo laga buuxo ayaan usoo degey, qaarkiisa dambe ayaan isku cariiriyey, harraadka dhuuntu waa qalashay, gaajadana warkeeda ha sheegin, dhawr maalmood waxba nagama degin aan ahayn xoogaadii furutada oo aan soo sheegay. Waxaa hortayda fadhiyey gaariga hoostiisa 2 eritrean ah oo xoogaa nafi ku dambayso oo sheekaysanaya. Ortooda ayaa waxaa u taal dhala yar oo biya ah oo hal litar ah. Wiil Soomaaliya ayaa u yimi oo ku yiri: Waxaan xoola haystaa $800 iyo moobil, ee dhaladan biyaha mayga siineysaa. Waa markaan ogaadey qiimaha adduunyadu ku fadhido, nin xoolihiisii oo dhan siisanaya dhala yar oo biyaa. Hadduu ka badan haysan lahaana wuu ku gadan lahaa. Waxaan kaloo ku ogaadey nicmooyinka faraha badan oo aynu haysanno laakiin aan qiime weyn inala lahayn markaynu haysanno. Ninkii wuu diidey.
Dhalada Qur’aan la saaray iyo Mucjiso!
Cabbaar haddii aan ag jiifey nimanka eritreanka ah ee sheekaysanaya, dhaladuna hor taalo afkeeda ayaa igu soo jeeda, weyna jiiftaa. Waxaa nimanka noo dhexeeja in hal taako la eg. Waxaa hunguri iga galay dhaladii biyaha ahayd, laakiin waan liitaa, nimankuna iga xoog badan oo waa I dili karaan haddaan taabto. Waxaan bilaabay inaan qur’aan akhriyo. Ilaahay fadligiis maadaama aan Qur’aanka xafidsanaa, waxaan bilaabay Suuratul Al Ancaam, waan wadey waan wadey, ilaa aan ka gaaro qisada Nebi Ibraahim Calayhi Salaam:
(وإذ قال إبراهيم لأبيه آزر) waxaan bilaabay hadana Suuratu Camma oo aan dhameeyey, kadibna waxaan gacanta ku haahaabtay dhaladii biyaha anoo nimankana iska eegaya, dhalada madexeeda ayaan qabtay, nimankii waa sheekaysanayaan, aniga ayeyna I eegayaan dhaladuna dhexdeena ayey taal, indhaha ayey igu hayaan, waxaan dhawrayaa goorma ayaa feerku kugu bilaaban doonaa, mise waxba juuq iima laha, dhaladii ayaan soo qaaday, mise waa ii jeedaan juuqna malaha, dhaladii ayaan furay, afkaan gashaday, waana fuuqsaday iyadoo dhan, waxaan is iri kolba waa lagu dilayaaye biyaha inta ugu badan cab, ama dhawr jeer qurquri, laakiin yaabku wuxuu ahaa inaan biyihii oo dhan cabbey nimankii oo I daawanaya, dabadeedna dhaladii ayaan meel fog ku tuuray, dhidid ayaa fayx iga soo yiri, waanan qaboobey, hurdaana I qabatay oo dug ayaan iri. Wax yar kadib ayey nimankii sidii wax hurda ka kacay biyihii iney maqan yihiin ku baraarugeen, mana shakin haba yaraatee ninkan hortiina fadhiya ayaa cabbey. Wexey u dhaqaaqeen bannaanka, wexey u tageen dareewalkii gaariga wexey dheheen waxaa nalaga cabbey biyihii, wuxuu ku yidhi: yaa idinka cabbey ii sheega anaa garaacaya? Wexey dheheen ma naqaan. Hawshaasuna halkaas ayey ku dhammaatay wexey ahayd biyo ilaahay iigu soo dhiibey nimankaas.
Gaariga riixa!Biyaa imanayee!
Ninkii Dareewalka ahaa ayaa dadka ku yidhi gaariga riixa aan ciida ka saarnee, biyihiina wey soo socdaan oo qolaan la hadlay, si uu u dhiirri geliyo, oo gaariga meesha looga saaro, waa laysugu tegey oo gaarigii meeshii waa laga saaray.
NINKII U HORREEYEY OO NAGA DHINTAY!
Abbaarihii 3dii galabnimo ayaa qofkii ugu horreeyey gaajo iyo harraad u dhintay. Wuxuu ahaa nin dhalinyara ah oo Burhaan la oran jirey oo reerka Abgaal u dhashay. Meel gaariga u dhow ayuu ciidda jiifey, kadibna naftii ayaa ka baxday. Ciida ayaanu meel u xaadhney oo ku ridney, halkii ayaana looga tegey. Wexey ahayd arrin naxdin badan qofkii oo aad u jeedo oo hortaada harraad ugu dhimanaya, iyo kuwa badan oo naftii kasii bixi rabto, waxna aadan u qaban karin, balse adigu aad taadii la liidato.
Gaarigii kale oo dhaqaaqi waayey!
Gaarigii halaysnaa haddaanu ciiddii ka saarnay midkii kale ayaa dhaqaaqi waayey waayo waatii aan soo sheegay biyihii radeetarka inuu wiil dhalinta ka mid ahi ka cabbey, kadibna dareewalku muharibiin kale ayuu la hadlay oo gabbal dhicii u keenay jirigaan biyaa. Biyihii ayuu nusna gaariga ku shubay, nuskii kalena dadka ayaa afka loogu qooyey. Kadibna waan dhaqaaqnay waxaana lagu dheelmaday meeshii ninku biyaha kasoo qaaday oo buuro yar yar agteed ahayd halkaasoo habeenkii lagu baryey, waxna lama cunin waxna lama cabbin.
26 June 2 dhimasho oo kale!
Sidii maalmihii hore oo kale ayaan loo socdey cuntana maleh, biyana maleh, abbaaraha 10kii subaxnimo ayaa waxaa dhintay gaajo iyo harraad 2 dhalinyaro Soomaaliya oo kale, maydkoodiina gaariguu noo saaranyahay, dadka qaar ayaa wexey leeyihiin war maydka naga tuura, qaarna wexey leeyihiin aan hayno ilaa aan meel tagno aan ku aasno..Waa dhalinyaro ku fekereysey yurub iney u tahriibto, nolol cusub iney gaarto, laakiin wexey ku naf bexeen gaajo iyo harraad saxaaraha liibiya iyo suudaan u dhexeeya. Dhalinyara badan ayaa wadada soo haysa mana oga dhibka aanu maanta mareyno. Feker weyn ayaa igu baahey, waxaan is weydiiyey haddaan ogaan lahaa intan oo rafaada oo dhimasha ah haddaan ka war hayn lahaa masoo mari lahaa? Jawaabtu waa maya.. waxaa kasii daran ayaamaha soo socda maxaa iigu dhex qarsoon? Malaga yaabaa dhibkan hadda jira kuwa kasii daran inaan la kulanno? Waaba loo joogaa, waxaana hubantiya weli in ayaamuhu rimman yihiin, wax badan oo yaab lehna kasoo bixi doonaan. Labada wiil oo dhintay mid ayaa u dhashay beesha gaal jecel, kan kale ma garanayo. Magacyadoodana ma aqaan.
Dadka kale waa sidoodi in badan ayaa miyir beel ah, inna waa wax suuxsan oo kale, in kale meydka waxba ma dhaamaan, tabar yaridu meel kasta ayey ka haleeshay, ayaamo ooni kama degin, biyana lama arag, qaar ayaa weli kaadida cabbaya, haddiiba kaadi ka timaado, iyada lafteeda ayaa layskuba dilayaa!!
27 & 28 June
Sidii maalmihii hore ayaa iyagana loo socdey, nimanka muharibiintaa wexey dadka ku maaweeliyaan waa dhownahay, galabta ayaan geleynaa xuduuda liibiya, biyahana waa gaareynaa.. Laakiin waa sheeka dhalanteeda oo aan waxba ka jirin, gaariguna xoogaa yar hadduu socdo waa jabayaa, ama ciid ayuu gelayaa, waayo waa gawaari duuga oo aan dayac tir fiican lahayn, dhulkuna waa saxaara aan wada fiican lahayn ee qardajeex ah. Waxaa suurta gashay inaan wiilashii meydka ahaa aasno.
29 June
Subaxnimadii ayaanu sidii caadada ahayd dhaqaaqnay, waxaanba is leeyahay todoba maalmood ayaa meela isku dhow oo boqol kiiloomitir aan ka badnayn lagu wareegaalaysanayaa. Xitaa nimanka tahriibka qaar ayaanba wadooyinka si fiican u aqoon. Maanta qaar reer eriteriya ah ayaa dhintay, tiradooda ma garanayo, gaariga kale ayey saarnaayeen. Labadii gaari kaan la soconey maahane kii kale, biyihii iyo shidaalkiiba waa ka dhamaadeen, bartiisa ayuu istaagey, eriteriyiin iyo qaar soomaaliya ayaa saaran. Gaarigii aan saarnayn ayaa horay u socday, ilaa galab nimadii wuxuu soo gaarey buur yar hoosteeda. Wuxuu yiri, gaarigu buurta kama bixi karo iyadoo dadku saaran yahay. Sidaa darteed waa in laga degaa oo dadku buurta lug kusoo fuulaan. Waa buur yar laakiin dadku dad nafi ku jirto oo xitaa socod awoodi kara maaha, waa dad maliila oo cisbitaallo iyo baxnaanin deg dega u baahan.
Laakiin meeshii hoose ayuu dadkii ku daadshey waxaa kaloo saaran 2 meyda oo intaan maanta soo soconey wadada ku dhintay. Gaariga dushiisa wuxuu ku reebay oo keliya 2dii meydka ahaa iyo haweeney nala socotey oo degi kari weydey. 37 qof ayaanu ahayn, waxaa buurta korkeeda gaarey oo qudha annagoo 7 ah, lix Soomaaliya iyo hal eriteriya.
Dadkii kaloo dhan qofba meeshii naftu la gaartey ayuu ku dhacay, qaar ayaa gurguuranayey, qaarna salka ayey ku socdeen, cid cid wax u qaban kartaa ma jirto qof walbow iyo naftaa. Waan maqleynaa taaha iyo cabaadka dadka qaar ka baxaya, laakiin anaga ayaaba silic buurta korkeeda ku gaadhney markii qorraxdu dhacday. Dureewalku wuxuu dhulka kasoo faagey jirigaan biya ku jiraan oo malaha uu meesha ku ogaa. Qof walba intayadii joogtey ayuu kabbasha biyaa siiyey, dhuunta ayuu u qooyey. Kadibna wuxuu yiri isagoo meel xoogaa fog farta ku fiiqaya, buurtaas ma u jeedaan, gadaasheeda weeye magaaladii (kafra) oo aynu u soconey, waa dhownahay, caawaba waa geleynaa, halkiina igu suga, dadkii maatada ahaa ayaan soo ururinayaa, waana soo noqonayaa, gaariga ayuu mooteeyey waana dhaqaaqay.
Buurta Korkeeda iyo Bahalkii dadka cunayey!
Meeshii ayaan Salaadii Maqrib ku tukadey, waqtigu waa mugdi xoogaa, dabaylana wey socdaan, todobadayadii waan isku ururnay, hal meel ayaan fadhinaa, wax yar ka dib waxaa nasoo weeraray bahal aanan anigu horay u arag, dadku qaar leeyihiin waa dhurwaa, waxaanu ku tuurnay dhagax iyo qori wixii aan heli karney, mase dhaqaaqayo, waxaaba ka go’an inuu caawa cashadiisa naga helo! Waxaan filayaa inuu meelahaan uga bartay waliimooyin badan, sidaa darteed, bahalku wax kasta oo aad ku tuurto ma tegayo, waa soo laabanayaa, waana weerar. Dadka qaar ayaa ooynaya, qaar waaba cabaadanayaan, qaarna waa cararayaan, laakiin dadka kama fogaan karaan, waayo bahalka ayaa cunaya.
Xaggii hoose ee dadka iyo baabuurku naga jirey ayaan u cararnay, waxaanu gaarney wiilashii meydka ahaa iyo gabadhii oo uu gaarigu meel dhigay, alaabtii dadkana agtooda ku daadshey, uuna tegey, intaa haddaanu aragnay waxaan garanay ninkii inuu meeshan cidladaa nooga tegey, halkanina malaha ay tahay meeshii aanu ku dhiman lahayn dhamaantaya! Wax yar ka dib waakan bahalkii oo na daba socda.. war wax ku tuura, ku qayliya oo yur dhaha, maba tegayo..haddaanu dhinac isu buusnay, waxaa meeshii ku haray meydkii wiilasha. Mid ka mida labadii medka ahaa, ayuu dhurwaagii garabka dilaacsaday, oo muruqa kala baxay!! Wuuna naga tegey.
Waagii hadduu meeshaas noogu beryey,iyadoon waxba la seexan, waxaanu aragnay meydkii oo mid bahalku cunay, kii kalena ag yaal, dadkii kalana meelaha wada daadsan yahay, baabuurkiina tegey, wixii kaloo dhintay iyo kuwii hore midna ma aasi karno, kuwa taahaya iyo naftu kusii daba yartahay toona wax uma tari karno. Intayada xisku ku haray, ama dhaqdhaqaaq u dhimanyahay ayaa talo ku caddaatay waxaanu go’aansanay anagoo shan qof ah, inaanu bal iska socono, ilaa meeshii naftu nala gaarto, xagii buurtii uu timaamayey inaan fooda saarno, waana dhaqaaqnay, wixii kalena meeshii ayaan uga tagnay……. waa socotaa…
Qaybaha kale ka akhri https://somalitalk.com/tag/idris/
W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com
ASALAAMU CALAYKUM SOMALITALK IYO SHEEKH MUXUMED IDRIS, sheekadu way murugo badan tahay,si wacan ayaan ula socday mararka qaarkood waxay kugu khasbaysaa in aad dareento murugo badan ilmana ay kaa timaado,waayo waxaad sawiranaysaa xaalku siduu ahaa insha allaah waxaan alle karajaynayaa in uu alle naga saaro dhibkan iyo dowlad la’aanta ah.insha allaah wadankeena hooyo ayaa loosoo tahriibi doonaa,soomaaliduna mid ayaa ay noqon doontaa idanka alle.markasta oo uu xaalku adkaado guushii iyo wanaaggii ayaa soo dhow.mahadsanid sh.idris
oh mu goodness!!! yaa rabiiiiii !!!!!!!!!!!! alla caloosha ayaa i xanuunaysa wallahi naxdin daradeed subxanaka ya rabi! ilaahaw meel walba dhib ayaa nagu haysta ee ilaaahaw janadaaada hannaga qadin ,,,yoomul qiyaamena xoowdka nabiga aan ka cabnaa ,wallahi shekadaan waxayba isoo xasuusisay malinta yomul qiyaame ee la baahan yahay oo la ooman yahay allow uamdeena dhibka ka saaar aamiin
marka ugu horaysa waxaan salaamaya qaraaga dhacdadaan qoray. salaan kadibna waxaan leeyahay ALLE hakaa abaal mariyo sida aad noogu faahfaahisay dhibka soomaalida ka haysta tahriibka. waxaan kale oo aan ka codsanayaa walalka dhacdadaan layaabka leh qoray inta dhimana in uu noosoo dadajiyo. hada waxaan akhrista anigu 1……6 inta harta insha ALLAAH noogu soo dar walal
runtii qisaadaan waa qiso xanuun badan. laakiin soomaalidu waxay tiraahdaa biyo daataba daba doodaa laqabtaa bal inta hartay ha akhrisato.
aniga waxaa ii qorshaysan sheekadaan in aan u daabaco wiil saaxiib kay ah oo hadal hayey in uu tahriibo waxaan u malaynayaa hadii uu akhristo in ay wax badan kabadali doonto bi idni laah.