Home » Warar »

Safiirka DFKMG Kenya: Gurigii Safaaradda ee la iibsadey waa la soo celinayaa, waxaase weli ku muransan Hindigii iibsadey

“waxaan u sheegnay in sharciga dibloosiyada ay qalad tahay in dhul uu ay leedahay safarad milkiile uu iibsan karo” — Waxa kale oo Safiirku sheegay in Kenya ay furayso “xuduudda” ay la leedahay Soomaaliya…

Waraysi: Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Safiirka Dowlada Fadaralka KMG u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Cali Americo) oo qadka talephonka saxaafada ugu qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in safarada Somaliya ee dalka Kenya uu horey u iibsaday nin hindi ah oo uu si khalad ah uga iibiyey nin uu sheegay in uu safiirka u ahaa dalka somaliya 1995kii, hindigiina uu weli ku muran san yahay oo u la wareegayo ducumentii uu ku iibsaday oo hada uu ku jiro gurigii.

Ninkii (safiirka ahaan jirey) ee guriga iibiyey waxa uu hadda Qaxooti ku yahay Yurub, ayuu yiri, waxana uu Cali Ameeriko intaas raaciyey in markii loo magacaabay safarada uu dadaal weyn u galay sidii loo soo celin lahaa dhulka iyo dhismaha isaga oo sheegay in ay rajeynayaa in mar dhow dib loo soo celin doono oo hada gacantiisa ay safaaradu ka maqan tahay .

Cali Americo wuxuu saxaafada u sheegay in dhismaha uu yahay mid qaran dhan ka dhaxeeyo qofna uusan kaligii iibsan Karin waxaana ninka hindiga ah la hortagnay document halka isaguna uu wato ducumenti uu siiyey ninkii dhulka safarada iibsaday .

Cali Americo “waxaan u sheegnay in sharciga dibloosiyada ay qalad tahay in dhuluu ay leedahay safarad milkiile uu iibsan karo” waqtigii uu iibsanayeyna dowlada dalka Somaliya kamajirin, shariciga diblomaasiyadana wuxuu dhigayaa hadii dowlad aysan ka dhisneyn wadankaasi in wadanka martida loo yahay uu gacanta ku haayo ilaa dowlada wadankaas looga dhisayo

Waxa kale oo uu sheegay in ay cadeeyeen dhamaan safaradaha ku yaalcaalamka ay gacanta ku haayeen wadamada ay ku yaaleen markii loo baahdana lagu wareejinaayo safiirkii loo magacaabo

Cali Americo ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in xadka u dhaxeeya labada dalka uu kala tashtay masuuliyiinta dalkaas sidii dib loogu furi lahaa .

Waxa kale oo uu ka warbixiyey xaaladaha ay ku sugan yihin dadka somaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya isaga oo sheegay in ay wax badan ka qabteen arimaha viisooyinka iyo qabqabashaduna ay hoos u dhacday inkasta oo uu sheegay in aanay aheyn sidii la rabay .

Danjira cali Americo ayaa shirkisa jaraid kuwa dhaqaaqey in halkii laga soo gali jiray wadanka Kenya ee dhoobleey dowlada Kenya ay ogolaatay in ay furto wuxuuna ku tilmaamay in ay sahli doonto in umado badan oo qaxooti ah isla markaana halkaa ku xayiran ay gali doonaan gudaha dalka Kenya .

Xadka labada dal ayaa dowlada Kenya ay xirtay sanadii 2006dii ka dib markii ciidamadii Midowgii maxaakiimta laga awood roonaaday isla amrkaana ay u jebeen dhanka dalka Kenya

Mudooyinkii ugu danbeeyey ayaa waxaa dalka Kenya ku sii qulquliyey kumayaal soomaliyeed oo magangalyo doon ah kuwaas oo ka yaacay goobihii ay daganaayeen ka dib dagaalo iyo duqeymo guryahooda ugu tagay waxaana wararku sheegayaan in xeryahay dhadhaaq iyo kuwa la mid ka ah ay yihiin xeryaha aduuka ugu qaxootiga badan .

Qaxootiga somaliyeed eek u sugan dhagaxley iyo dhadhaab ayaa la kulma in xadka loo diido ,caga juglen xarig jirdil iyo haweenka oo ay u dhertahay kufsi waxaana arintaasi ka danbeysay ka dib markii ay meesha ka baxday dowladii dhaxe ee somaliya taasina waxay ku kaliftay danjiraha somaliya u fadhiya dalka Kenya in uu kormeer howled ku tago xeryahay ay ka buuxaan somalida dalkeeda ka dagaalada dabada dheeraday uga carartay ee halkaa u tagay in ay ka badbaadaan dagaaladka dalkoda ka dhacaya .

Waxaa u xusay safirku intii uu hadalkiisa ku guda jiray in goor sii horeysay uu tagay xeryahay qaxotiga ay somalidu dagan yihiin ee dhadhaab iyo dhagaxley .

Safiirka ayaa sheegay in dowlada Kenya iyo hey’addaha samafalka ay ka howgala dalka Kenya kacodasaday in dadka somaliyeed eek u jira xeryahay qaxotiga loo gargaaro

Safiirka ayaa intaa ku darey hadalkiisa in madaxda Umadaha midoobey iyo hay’addaha samafalka ee hoostaga ay shegeen in xafiisyada ay ku leeyihiin Nairobi si deg deg ah logu rari dono gudaha dalka somaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho si dadka Somaliyeed shaqo iyo dhaqaale uga helaan isaga oo raaciyey in arintaas uu kala tashtay ergaga gaarka ah ee Umadaha Midoobey u soo magacaabay Ban kim moon xoghaayahay guud ee Q/Midoobey uuna ka aqbalay ergaga agoostina mahiinga .

Mas’uuliyiinta hay’addaha qaarkood ayaa balan qaaday in ay xafiisyadooda ka furayaan gudaga Magaalada Muqdisho si ay u caawiyaan dadka dhibaateysan ee qaarkood guryahoodii isaga barakacay waxaana xafiisyadii Qaramada Midoobey ay ku laheyd qaar ka mid ah Gobolada dalka Somaliya ay isaga hayaameen ka dib markii ay xarakada Mujaahidiinta Alshabaab oo gacanta ku haaya inta badan dhulka Somaliya ay ku amartay in ay dalka isaga baxaan ma dib markii lagu helay wax is daba marin iyo iyada oo lagu eedeeyey qaarkood in ay faafinayeen diinta kirishtaanka taas oo ay xarakadu si aad ah uga caroodeen.

Waraysi: Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Safiirka DFKMG Kenya: Gurigii Safaaradda ee la iibsadey waa la soo celinayaa, waxaase weli ku muransan Hindigii iibsadey "

  1. kaaliye says:

    asc walaalayaal ali america safiirka u fadhiyo umada somaliyed waxaan qiraa in uu wax badan ka badalay siyaasadii ku aadanayd dadka somalida ah ee ku dhaqan dalka kenya wax badana tacadi ayuu oga galay umada somaliyeed mudane safiir waxaan sugaynay passporadii aan dalbanay mudo ka badan laba bilood marki nalaga qaadayay sawirada laba usbuuc ayaa naloo soo qabtay iyado qarash xoogan nalaga qaaday mudane maxaa arinkaa marna aadan ooga hadlin mideeda kale waxaan ahay aniga mu waadin somaliyeed marki aan soo booqdo safaaradayda si aan cabashayda ugu gudbiyo safiirkayga la iima ogolaanayo in aan la kulmo safiirka wadankayga marka miyaanan l;a oran karin waxaa u dhuumataa sidii hogaamiye kooxedyadii wadanka ku loolamayay mise macnaha safiir nimadaba idinkama dhaadhacsano safiirku waa loyerka muwaadin kasto oo uu lee yahay marka uu dalka dibada kaga soo baxo soo inaga hadaan somali nahay naloo ma ogala in aan loyerkeena waxa aan tabanayno u sheegano waa mahadsantihiin somali talk

  2. Nadiira says:

    A/C dhamaan umada Muslimka ah waxaan leeyahay ramadam kariim gaar ahaayn bahda Soomaalitalk. Waa arin la yaab leh arintaan, kuna ah sharaf dhac umada Soomaaliyeed in safaaradoodii nin shaqsi ah gato, mid kale oo shaqsi ahna iibsado. Bal hindina maxaa noo keenay, waba in la xiro isaga maxkamad lagu soo oogo waayo suu ku keenay in uu safaarad dal leeyahay sheegto? Soomaalidu waxaay ku maahmaahdaa ‘ri walba shilalkaay is dhigtaa lagu qalaa”. Waxaan ku faraxsanahay in safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya oo arintaan ogaadey kuna da’daalayo soo celitaanka safaaradeena. Aad baan runtii ugu farxay waayo waa markii ugu horeeysey oo aan arko nin masuul Soomaaliyeed ah oo xaqa umadiisa iyo dalkiisa u hadlaya. Wasiirka waxaan kula dar daarmayaa da’daalkaga sii laba jibaar marna ha ka caajisin teeda kale af uun yuu noqon ee action ha noqdo. Waxaan rajeeynayaa in aay dhamaan dadka xilka u haya umada Soomaaliyeed masuuliyada saaran qaataan oo xaqa dalkooda iyo dad kooda ka maqan soo celiyaan. Manta waxaan og nahay in lala dagaalamo burcad badeedka Soomaaliyeed , nin kasta oo masuul u haya umada Soomaaliyeedna meel kasta waxuu la tagan yahay burcad badeedka ha la soo qabto iyo ha la’laayo balse ilaa hada lama hayo nin Soomaaliyeed oo masuul ah oo leh bada Soomaaliya dhaca iyo sunta lagu shubayo ha laga daayo. Lama hayo mid arka shisheeyuhu dhibka aay ku hayaan dalkeena iyo dadkeena. Lama hayo mid ka damqada xasuuqa lagu hayo dhalin yarada Soomaaliyeed ee fisher men ka ah. Lama hayo mid ka damqada dadkiisa xeryaha qaxoontigaa buux dhaafiyey iyo kuwa xabsiyada shisheeye ka buuxa. Waxaan rajeeynayaa in madaxda Soomaalidu sida isu dhamaan oo umadooda xaqooda u soo dhiciyaan. Shacabka amiinay oo aay hogaanka u hayaan hadii aaysan xaqooda u soo dhicin karin yaay madaxnimo isu sharicin please. Mahadsanidin bahda Somalitalk.