Home » Warar »

“Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed”

Warbixin/Faallo: Heshiiskii Lagu soo af-jaray Xaaladdii Iskacaabinta oo dhexmaray Jabhadda Soomaali Galbeed (UWSLF) iyo Itoobiya… SII AKHRI…

Qormadan oo ah hoga tusaalayn, waxaan ku falanqayn doonaa heshiiskaas, oo aan soo bandhigi doona tarjumada dhammaan qodobada uu ka kooban yahay heshiiskaas UWSLF iyo Itoobiya iyo caqabadaha ay Itoobiya hordhigtay Jabhadda marka ay aqbashay in ay Shacab noqotay. Waxa kale oo qormadu jawaab u raadinaysaa: Maxay jabhaddu ku bedelatay heshiiska oo ay ka faa’iidaysaa? SII AKHRI….

Warbixinta oo dhamaystiran KA AKHRI HALKAN…

HESHIISKII Jabhadda Soomaali Galbeed iyo Itoobiya oo tarjuman AKHRI

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

11 Jawaabood " “Itoobiya waxay doonaysaa Shacab Soomaaliyeed, balse ma doonayso Dawlad Soomaaliyeed” "

  1. Waxaan aad Iyo aad U Salamaya bahda Somalitalk oo ah Somali dhab wana ku Mahad San Yihiin Qoraalkan Xiisaha Badan ee Lagu Iftiiminayo cadawadda Guunka ah ee Xabashi U Qabto Somalida Kala Daadsan,
    An ka Gudbo e Horta Meesha Sartu ka Qudhuntay waxa weeye Iyadoo aan Diintii ilaahay Si sax ah Loo qadan Oo Camalkii wanagsana ee Jihaadiga aha ee somali nimcooyin badan ku soo gadhay la marin habaabiyay, waayadan waaxdba mooda Qolada Urur Dimeedyada ah in ay ka sharaf badan Yihiin Ururda wadaniga ah ee an Jihaadka iclamin ee raba Gooni isu Tagga Sida Onlf.
    Waxan Fekerkayga Yar ku cabiri laha Ninka 18 Sano dagalamayay ee Noqday bidihii kimista raqday ee xabaddii ugu danabysay ka tagay , waxay beeniyeen ayaado quraan ah waxay majara hababiyeen Bulshadii diin iyo dalba u Oomanayd waxay bahdileen sharafkii Muslimiinta,
    waxa Quraanka Iyo Sunada ku Sugan Ninkii Gaalo wehel ka Dhigta inuu iyaga ka mid yahay anigu ma galaysiin karo cidna ee Ninka xabashi u taga oo somali ah iyagoo dhul naga haysta oo dad naga haysta Xukunkiisu walle waa halis ,
    Tafaraaruqa ku dhacay Somali bohosha loo qodaayo iyo danbika lala maagan Yahay doqon baan gareen war Huraaayow kac oo dhacso wallee in yar bay ku kala tegi xabashiye

  2. Hersi says:

    Horta waxaan halkaan ka sheegayaa in otoobiya eey 80% yihiin muslimiin waliba sunniyiin ah..iaydoo dhulka itoobiya e maantana kala bar uu yahay dhul somaliyeed..dowladda maanata halkaa ka jirtaana waa dowladii ugu horeysey ee islaamka fasaxda mudo 250 sano muddo laga joogo..islaamka reer itoobiya guul beey gaareeen eey muddo ku taamayeen..wana in taa laga faa,iideystaa.
    juqraafi ahaan itoobiyana waa lakab been ah oo u isticmaar sameeyey oo been ah ..sida kan eretereya ama soamaliya ama Djabouti ama sudan dhammaan waa xuduud been ah midda kale dhammaan geeska africa waa wada muslim badi ahaan waxaan u baahan-nahay in dowlad islaam ah laga sameeyaa oo islaamka la isu keenaa beey xikmadu ku jiirtaa ..waana eey imaan taasi maalin maalmaha ka mid ah jogorafigaan beenta ah ee gaaladu sameysateyna waa uu dhamaam bulshada mandiqadana taa dan uma ahan marka in laheshiiyaa oo wax lagu darsadaa dowladda hadda jirtaayi waa wax wacan go-gol xaarna u noqon kara himilada in geeska africa midoobo kuna midoobo dowlad islaamka waloow aanu ognahay inaaneey raalli taasi ka aheyn dowladda hadda jirtaayi..haddana shaki la,aan taasaa imaaneysa marka ilaahoow ha cadaabin nimaan wax ogeen baan leeyahay ..lana yaabi maayo somali talk oo somali badanbaa quful ku jaban yahay oo uun iska leh amxaaraan nacebnahay ..laakiin aan laheyn aragti sare.

    islaamka itoobiya si uu ugaaro himillada midnimada islaamka geeska africa waxaa danta ku jirtaa in somalida reer itoobiya faar ahaan ogadeenka ineey la heshiiyaan dowladda hadda jirtaa waxna laqabsadaan

    taa waxaa lamid ah si somalida dagaalka ragaadiyey (j/somalia) waa in eey heshiiyaan p/land iyo somali-land oo midoobaan si somalia midnimadeda loosoo ceshaa koonfurna waga ugu baryaa markaaseey colladda koonfur joogsaneeysaa….laakiin nimaan wax ogaan ilaahoow ha cadaabin.

    dhabtu waa in eey imaneyso intaan kor kusoo sheegey somalia iyo suudaan-na aan loo dhaxeeyndonin goor dhow haddii ilaah idmo. inshaa,allaah! ilaahoow nimaan wax ogeen ha cadaabin.

  3. jamac says:

    bal maanta niman gar waa weyn ii diinta ku qarabanaya haku soo dhaweyeen kuwii tigreega daba qoodhiga u ahaa walee ninkii noolow maxaa aragti kuu laaban shaley bey lahayeen onlf waa gaalo maxaa yeeley waa dimuqraadi maanta gaal kii ugu xumaa bey u adeegaayaan oo ku qanac san yihiin war ileyn balaayo tana manoo danbeysey waxaa kaaga daran halganka dhabar jabkey kuwadaan ayaga iyo kuwa lacaga shacabka dhunsadey ee la baxey ONLF garabka sare waa tuug iyo tuugiis kuligood shacabka waxaas waa la socdaa ileyn tigreegu sidii uunbuu iilaaya oo gabdhaheyga u kufsadaa

  4. Birmad says:

    SCW,

    Somalitalk aad iyo aad ayeye ugu mahadsantahay qoraalkan xiisaha badan ee taariikhiga ah. Anigu waxaan rabay inaan ku darsado hal qodob oo ku saabsan sabata u Ato Melese arrintan Jabhadaha dagaalamaya iyo kuwa is dhiibay u buunbuuninayo.

    Sababta ugu weyn ayaa waxay tahay, kadib markuu Ato Melese dhacay codkii shacabka Ethiopia oo u qasab ku qaatey kuraasti Baarlamaanka (99.99%) ayuu wuxuu ka baqdin qabaa shacabkii Ethiopia ee lahaa qowmiyadaha kala duwan ee ka dhur sugayeye bal iney xaqooda ku raadsadaan hab Dimuqraadiydeed oo ay maanta u cadaatey inuusan jirin hab klae oo an ahayn iney dagaalamaan.

    Runta biyo kama dhibcaanka ah ayaa waxay tahay inuusan Ato Melese Soomaali kala jecleyn dana u haynin dana kalahayn. Waxa kaliya ee u leeyahay nabad ayeey urur hebel qaateen iyo nabad ayeey urur hebel qaadan doonaan u ula jeedo isagoo fariin u diraya qowmiyadihii Ethiopia ee ka raja qabay iney dimuqraadiyed xaqooda ku soo dhacsadaan oo haatan ogaadey inaan xoog waxaan ahayn Ato Melese wax lagaga qaadeyn.

    Fariinta u udirayo ayaa waxay tahay “Maxaad qori ka qaadaan kuwii 18 sano soo waday ayaa iska dhigaye”.

  5. Wadani says:

    Aad baa u mahadsantihiin Bahda SomaliTalk sida wadaniyadu ku dheehan tahay eed noogu soo bandhigteen cadaawada qotoda dheer ee Abysinia u hayso Soomalida oo dhan meel walba ooy joogaan. Nimankan UWSLF waxaa lagu qasbay inay is dhiibaan oo shacab noqdaan, wax dan ah oo Somali ugu maqan yihiina ma jirto. Waa danaystayaal, nasiib daraduna waxay tahay Somalidu waxay baryahan danbe u bateen danaysi ay ka hor mariyeen jiritaankii iyo wadaniyadii Soomalinimo, taas bayna inooga faaiidaystay Abysinia sabatoo ah wax Ethopia la dhaho ma jirto waxaan ka ahayn Tigree iyo Axmaaro waa la Ethiopian gareeyey, hadana waxaa la rabaa in Somali nation la Ethiopain gareeyo. Somaliya toosa oo fahma in jiritaankiina duulaan lagu yahay.

    Marlabaad mahadsanidin SomaliTalk.

  6. kamaal says:

    Somalitalk, waad ku mahadsantihiin sida aad mar walba noogu soo qortaan wax umada somaliyeed ahaan jirtay iyo waxa ay maanta tahay..

    Waxa somali maanta dhigay meesha ay taalo waa markii ay qabyaaladu noqtay muufo lagu daarto suugo oo kale oo qabiil qabiil loo kala jar jaray somalidii…kadibna ay hogaanka u qabteen tuugo ilaahay ka furatay oo og sida keliya ay wax ku noqon karaan inay tahay inay dadka somalida qabiil qabiil u kala qaybiyaan si ay maamulka iyo salsanada aysan uga baxin gacantooda…

    maxaan melez zanaawi iska dhicinaa sowdigan arkaya iyo qabiil walbaa gobl magac qabiil uu ugu noolado uu rabo….inta somali qabiil u yahay furaha horumarka melez zanawi iyo wax ka liita ayaa oranaya jabhada dagaal ayay ka dalaan micnaheedu waa isdhibiin…weeyaan ninkii aan fahmin warka afqamuune melez zanaawi…oo somali civil warkeeda ku noqday nin geeska africa laga dhagaysto..

    Waa run in ethopia dumisay boqotooyadii iyo qarankii somaliyeed lakiin waxaan ilaahay ka baryayaa inaan arko somali oo ethopia dhibkay u geeysatay ka aarsata….waa run in 1977 ethopia la badbaadiyay …maxamed siyaad wuu iskudayay inuu ethopia naga hoos mariyo lakiin waxaa diiday taas waad ogtihiin in loo soo gurmaday si loo badbadiyo ethopia xitaa cuban ayaa la keenay…marka ethopia inta nalagu dulhayo aan iska dul qaadano oo midnimada somaliya halaga shaqeeyo…

  7. ASALAAMU CALAYKUM..somalitalk waad kumahadsan tihiin maqaalkan aadka uqiimaha badan iyo iftiiminta heshiiskan ay dhagartu kulaaban tahay.

    Halganku wuxuu ubaahan yahay adkaysi iyo go’aan qaadasho adag oo aan kaleex-leexad lahayn iyo in uu cadyahay sida cadceedda waxa aad udagaalamayso,ilaa inta aad kaxaqiijinaysana aad siiwaddo…

    raggan la tilmaamay in ay 18sano ay dagaalamayeen etoobiya,wixii ay udagaalamayeen iyagoo aan xaqiijin ayaa ay is dhiibeen,gumaysiga ilaa birta laga aslo,oo meel walba lagu hujuumo mooyee wax kale oo uu mudan yahay majiraan.hadduu wada hadal kaa dalbado waxa ugu weyn ee lagaaga fadhiyaa waa in aad shuruudo kuxidho,shuruudahaasoo ay ugu horayso in uu dhulkaaga kaaga baxo,ogolaadana xoriyadda buuxda si uu kaaga amaan helo.laakiin kuwan wixii ay udagaalamayeen iyagoo aan xaqiijin ayaa ay dulinimo aqbaleen,waxaanse ufilayaa in halganku aanay udhutin doonin, waxayna kuwaasi kusifoobeen gabaygii sayidka ee ahaa “doodna waxaan uleeyahay,culimada dafaarka ah”muhiimaddii uiu gabaygaasi kahadlayey ayaa ay iyaguna kusifoobeen,waayo dee dalkaba iyaga lehe dowlad may unoqdaan….dhulka soomaaliyeed ee ay cadowgu haystaana umalaynmaayo in ay soomaalidu ilaawi doonto,inta inan soomaaliyeed nool yahay somalidu dalkeeda way sheegan wayna xoraysan,kana baryi mayso saan madoobe aan macno badan soomaalida kulahayn,heshiiskan maqaar saarka ahna waxaan ufilayaa in shacabka deegaanada kusugani halganka ay dalkooda sidii ay usoo dhacsan lahaayeen ugu jiraan in aanay waxba udhimi doonin ee laakiin ay iyagu dulinimo ay doorbideen,waxaana kuwan siwacan u ifisay fannaanada soomaaliyeed ee saado cali iyadoo lahadlaysa kuwan waxay tidhi:”aduunkana ceeb kujoog,adaana isgawracee annaga waxba namaadan yeelin,adaa xabashi isku dhiibay,adaa oogada kararan,adoonsi adaa aqbalayee annaga waxba namaadan yeel..”

    insha allaah soomaalidu goor ay ahaataba way kahoos bixi heeryada gumaysiga ee qayb kamid saaran dhulkeeda,taasoo uu weli joogo saan madoobihii aan macnaha badan lahayn.waxaana wadankeena usoo bixi halyeeyo lagu dhaato,kuwaasoo,samatabixiya dhulkooda iyo dadlkooda, ahna kuwo ay kago’an tahay badbaadinta dalkooda..alle hanoo aqbalo, saadaashaa aan bixiyey idinkuna aamiinta iiraaciya,hana qariibsan in uu soo baxo rag shanta soomaaliyeed isu keenkoodu uu hamigoodu yahay ayna ka go’an tahay in ay taasi xaqiijiyaan.waayo,alle kuma agta taasi,ee waa ay ufududahay..laakiin,ogaada hadda soomaalidu malahan hogaamiye ummadiisa badbaadinteeda ay ka go’an tahay,laakiin badidooda waxaan kutilmaami lahaa in ay itoobiya kawada amar qaataan..allow soomaalida ugargaar,samata bixi,,,soomaali galbeedna dhulkeeda si sharaf leh usii, ugana hiili,cadowga islaamka ee hadda ku dul sugan.

  8. maxamuud says:

    asc waa warbixin saafi ah oo qofkii damiirlihii wax ku qaadanayo.
    waxaan ka codsanayaa somalitalk inaad raad-raacdaan in heshiiskan wax kale oo ka sii hooseeya oo lagu heshiiyey ay jiraan oo soo guuxaya iya dawladaha dabadaka riixaya sh.Ibraahim iyo xulifadiisa

  9. A. M. Yusuf says:

    Markii aan akhriyay warbixitaan faahfaahsan iyo qoraalloda kale ee ku sidkan; weilaba gaar ahaan, markii aan imid maansada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (AUN), ayaan si horleh u sii garwaaqsaday hadal aan hadda kahor meel kula feegaaray. Waxa uu ahaa sidan:
    “Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, Hoggaamiyehii Halgankii Daraawiishta, teeryo beriga la joogo, waa halyey kudaysho u leh dadyowga iyo Soomaalida weli gobannimodoonka ah.”

    Bal se waxas aan jeclaan lahaa in warbixitaan ku sii kaabo, maando qaaye leh ee aan kaydka ku haystay 24 sannadood:

    Luuqda iyo Sawdka Maansooyinka

    [ F.G. Halkan ka degso maansadan lagu shubaalinayo luuq yaab leh: http://www.4shared.com/embed/286626617/402691e8 ]

    Maantaad lixyowdiyo adoo laylafoo gaban ah
    Wax badan baan sidii laan Quraan looxa kuu dhigay e
    Nimankii laqbada waa ku lumiyeen e
    Lalabkii ay kuu sheegayeen laasin ma hayn e
    Waxay kugu luggooyeen jidkii laallada ahaaye
    Lucda weeye hadalkaan sharciga laabud ku ahayn e
    Mar haddaanu luuligu is hayn labacu waa been e
    Laqwadxumo ha joogtee macnaha kuma lahiinsiin e
    Lakab oodan bay kugu rideen laqammadiinii e10
    Aniga na lur baa iga qabsaday laylibixintaa e
    Laxankii aan kaa jaray ka badan lag iyo aalaaf e
    Marka laaqidkii iga ba’yiyo laacdankii golo e
    Laandeyr haddii aadan qabin kama layiigteen e
    Anigoo ladaadyeysan bay ladh igu oogeen e15
    Liddo ma laha sooryadu haddaad meel ka liilliyi e
    Liqmada iyo dhuuniga wax baa iigu laabudan
    Lif qadhaadh leh bay ii dhadhami labanka caanuhu e

    Loolkiyo laamaha laysku xidhay laabatada qoyska
    haddaan laamandoodsado hurdada waanan ladi hayn e
    Lahanka iyo caradaan qabaan labalegdeeyaa e;
    Liicaanta Soomaali baa luli calooshayd e
    Lufluftadaasaan u dhiman laafalugudkeed e

    Maandhow laftii iga jabtaan luudayaa weli e
    Maandhow raggii Laxar jiroo Loodhadhaa yimi e
    Luxoskii horey ii ekayd liinka gubiddii e
    Maandhow lix saban buu fadhiyey Laaso iyo Cayn e
    Maandhow lixaadkaan qabaa laacib baan ahay e
    Maandhow libbaan kala hagaa leexa dirireed e
    Maandhow laqdabo waa ka duuf aniyo laaleys

    Wax badan baan libeystoo gashadey baal laglaglaga dheer e
    Aarku ba hadduu soo lallabo laga lalleemoo e
    Gaashaanka nin lowga u dhigaa waa la’ aan jirin e
    Maandhow waxaa igu lamaan Duciyo Liilaaf e
    Liibaanta Eebiyo waxay laray daraawiish e
    Waxa igu laxaamadan kuwaad laxan wadaagtaan e

    Haddaanan diinta laayicin xaqaa lagu labaadaa e
    Inkastuu lukuug daba kufrigu libirka ii keeno
    Waxaa igu Lillaahi ah inaan layga lalineyn e
    Maandhow wax badan baad lurriday gaalka luunka leh e40
    Wax badan baa Waarabu lud iyo loogsin kaa helay e
    Waxa badan baad lakiday Ferenjigii loloshka dheeraa e

    Marka igu lad oo gabaygu yuu laydha iga raacin
    Maandhow adaan laxaw ku hayn laylana ha baajin
    Adigaa lamaantay e ka dhowr laakib iyo ceebta
    Listankii horaa kugu jiriyo lufuqhabowgii e
    Inkastaan ku laalbaray fahmadu kuuma looshana e
    Maandhow ha leeleelin yey leexan maansaduye
    Luuqdana ha bi’in sowdku waa laaxibboon yahay e
    Maandhow lukowleha ka dhowr laba na haw hoorin
    Meeshaanad lowga u dhigeyn kor uga laameeri.

    DHAMMAAD

    Qormo: “Luuqda iyo Sawda Maansooyinka”
    Wt Darwiish, Abawaan Sheekh Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (AUN)

  10. ali says:

    somalitalk waa idinku raacsanahay faaladii aad ka bixiseen heshiiskii itoobiya iyo s/galbeed .laakiin soomaali waa agoon,aabe xaqooda usoo dhiciya ma qabaan,waxaa sugaynaa jiilka cusub haduu

  11. Abdiwali Dalboon says:

    Jazzaa kalaah khayra Jazzaa Bahda SomaliTalk waxay Umadda Soomaliyeed ka mudan yihiin balad sharaf in la siiyo, Baddii noo soo dhiciye, Sunntii lagu shubay noo sheege, Dhulkii difaace Diintii u dagaalame Waxay naga mudan yihiin Bahda SomaliTalk waa wax qof kasta oo cilmi leh, oo damiir leh, dad nimo ku jirto uu garan karo, Wadaadka diidan halganka dhalinyarada, iyo in aan Meles Zanawi la hoostagin, dhulkii soomaliyeed la soo cesho imaaradkii islaamigaa la soo cesho dhalinyarada saas ku fakaraysa hala taageero waa ahmed guray oo kale iyo sayidkii isla halmaama Odayaasha, iyo Culumada, ku hoos noog gumaysiga oo aan si xor ah u hadli karin laga yaabo in dhibaatooyin u gooniya in ay haystaan, dhalinyarow halganka hala wado wax hala akhri, wax hala qoro, aan barano taariikhda dalkeena iyo cadowgeena,
    Abdiwali Dalboon