Home » Warar »

Soomaalida Minnesota iyo Loollanka Doorashada Gobanatoraha Gobolka

Minneapolis, MN – Waxaa shalay oo bishu ahayd 8/10/2010 dhamaan gobolka Minnesota si xoogleh uga dhacay doorashooyinkii is reeb reebka ahaa ee lagu kala dooranayay musharixiinta xisbi walba ooga qayb gali doona doorashooyinka dhacaya bisha Nofember, 2010.

Haddaba doorashadda dhacday oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa si aad ah loogu loollamayay codka bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota.

Saddex musharax oo kamid ah Xisbiga Dimuqoraadiga ah ee gobolka Minnesota ayaa waxay si aad u weyn ugu dagaalamayeen mudo dhowr bilood ah sidii uu mid waliba ku hanan lahaa codka beesha Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale doorashooyinka ka qayb qaadanayay musharixiin Soomaali ah oo iyagu u tartamayay xafiisyo muhiim ah, gaar ahaan qaybta waxbarashadda maagalada Minneapolis.

Doorashooyinka dhacay oo noocyo badnaa ayaa waxaa ugu mihiimsanaa is reeb reebka ay kala harayeen saddexda musharax  ee u tartamaya kursiga Gobonatoraha Gobolka Minnesota. Saddexda musharax oo kala ah, Matt Entenza, Mark Dayton iyo Margaret Anderson Kelliher ayaa iyagu fiiro gaar ah siiyay codka beesha Soomaaliyeed.

Doorashada dhabta ahi ee loogu loollamayo kursiga Gobanatoraha gobolka Minnesota oo dhicidoonta bisha Nofember ayaa haddaba dadweynaha reer Minnesota ay maanta dooranayeen qofkii matalilahaa xisbi kasta. Xisbiga Dimuqoraadiga oo ay beesha Soomaaliyeed u codayso intooda  badani ayaa haddaba waxaa laga rabaa in ay hal qof kali ah ku doortaan doorashooyinka maanta, musharaxaas oo isagu Xisbiga Dimuqraadiga matali doona, lana tartami doona musharaxa Tom Emmer oo isagu matalaya Xisbiga Jamhuuriga ah.

Goobaha codbixinta ee xaafadda Soomaalida (Muqdishida yar)

Doorashooyinka dhici doona bisha Nofember ayaa iyagu ahmiyad gaar ah u leh Xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota. Labaatankii sanno ee la soo dhaafay, gobolka Minnesota waxaa katalinayay ama kursiga Gobanatoraha ku fadhiyay xisbiyada aanan ahayn Dimuqraadiga. Haddaba iyada oo uu xisbiga Dimuqraadigu uu isku raacay in musharaxadda  Margaret Anderson Kelliher ay matasho xisbiga ayaa waxaa taas diiday labadda musharax ee Matt Entenza iyo Mark Dayton. Musharaxa Matt Entenza ayaa isagu ku kharash gareeyay lacay dhan $5 million doorashadan.

Codka bulshadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota ayaa ah mid aad loogu xisaabtamo iyada oo ay Soomaaliduna codkooda dhiibtaan. Waxaa jira doorashooyin taariikh leh, kuwo gobol iyo kuwo wadanka Maraykanka ahba oo ay codbixinta Soomaalidu qayb weyn ka gaysatay, natiijooyin aan la hilmaami karina ka dhaliyeen. Waxaa kaloo in la xuso muddan in dhamaan musharixiinta maanta u loollamayay doorashooyinka is reeb reebku ay shaqaale Soomaali ah oo iyagu bulshada uga ololeeya ay lahaayeen.

Inkasta oo codka Soomaalidu guud ahaan is raacsanayn, hadana waxaa muhiim ah, wax lagu faanana ah in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ay cod bixiyaan, nidaamka, sharciga iyo dimuqraadiyada wadanka iyo gobolka hada hooyga u ahna ay raacaan. Codkoodana lagu xisaabtamo iyaga oo fiiro gaar ah iyo ahmiyad gaar ah la sii siinayo sanadba sanadka ka danbeeya. Iyada oo natiijadii doorashooyinka  dhacay (August 10, 2010) aan si dhab ah loo sheegin ayaa hadana waxaa madaxa iskula jira oo aad iskugu dhow labadda musharax ee kala ah Margaret Anderson iyo Mark Dayton, halka Matt Entenza uu isagu meel cidlo ah ku haray.

Waxaa saakay (August 11, 2010) weli sii socota tirinta codadka si loo kala saaro labada musharax ee isu dhow oo ah Margaret Anderson iyo Mark Dayton, ayadoo hadda tirada uu wax yar ku horeeyo Mark Dayton,  warbaahinta qaarkeedna waxa ay sheegeen in Dayton uu ku guulaystay doorashada.

Warar Dheeraad ah : Mark Dayton ayaa guushii raacday (Aug 11, 2010):

Waxaa kala caddaatay cidda ay guushu ku raacday isreebreebkii xisbiga Dimoqraadiga ee loo tartamayey goverantooraha Minnesota oo uu ku guulaystey Mark Dayton. Waxaana arrintaas ugu hambalysaysay Margaret Anderson oo heshay codad ku soo dhaw sidaasna ku aqbashay guusha uu helay Dayton, ayada oo ku baaqday taagerayaasheeda iyo dhammaan xisbiga Dimoqraadiga in ay taageeraan Dayton si uu uga akaado Tom Emmer oo ka socda xisbiga Republican-ka doorasha bisha November.

Sidaas ayaa kama dambaysta waxaa xilkaas bisha November ee sannadkan 2010 u tartami doona Mark Dayton (xisbiga Dimoqraadiga DFL) iyo Tom Emmer (xisbiga Republican).

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Qalinkii: Abdirahman Mukhtar

Abdirahmanmukhtar@gmail.com

Sawir Qaade: Abdirahman Mukhtar iyo  MJ

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Soomaalida Minnesota iyo Loollanka Doorashada Gobanatoraha Gobolka "

  1. abdilaahi says:

    ASC somalitalk waad mahadsantihiin aad iyo aad ayan idinku mahad naqayaa har iyo habeen baraarujinta somalida aad la daba joogtaan ilalinta wadan kii na hooyo waxaan idinkula dardaarmaya wlalayal idinka iyo eanow ee tariikhda somalida wada ilah haydinka amaal mariyo wa bilaahi towfiiq