Home » Warar »

Dahabshiil oo Hirgelisay dhismii u Horreeyey ee Xarunta Carruurta Derbijiifka ah

(Hargeisa/Wakaaladaha): Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabashiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa ku wareejiyey ururka ODHA derbi bedkiisu dhan yahay 8352 Mitir oo laba Jibbaaran (96m X87m) oo lagu soo wareejiyey xarun loogu talo galay daryeelka carruurta derbi-jiifka ah oo shirkaddu ka hirgelisey duleedka Xaafadda Maxamed Mooge, Hargeisa.

Munaasibadda hanti-wareejinta ah waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda, Professor Ismaaciil Muumin Aar, oo munaasibadda ku dhagax dhigay qaybtii labaad ee hoyga iyo guryaha kale ee Xarunta.

Waxa ugu horrayntii daaha ka rogtey ujeedada munaasibadda kulmisay Shirkadda Dahabshiil, Wasaaradda Caddaaladda iyo Ururka ODHA, marwo Luul Hassan Mattaan oo ah Madaxa Carruurta iyo Haweenka ee ururka, iyada oo ku soo dhoweyneysey Guddoomiyaha Ururka ODHA, waxayna tidhi:

“Waxaynu manta hortaaganahay derbigii lagu soo wareejiyey xarunta carruunta derbi-jiifka ah ee Somaliland oo ah qaybtii hore ee mashruuca. Waxa qaybtan hirgeliyey Shirkadda Dahabshiil. Qaybta labaad ee mashruuca oo nqon doonta hoygii (dormitories) waxa iyadana maanta dhagax dhigay Wasiirka Caddaaladda, Prof Ismaaciil Muumin Aar.”

Intaa ka dib, waxa hadalkii ku wareegay Guddoomiyaha ururka marwo Faadumo Saeed Ibrahim, oo ku dheeraatay kaalinta wax-ku-oolka ah ee shirkadda Dahabshiil ka qaadatay mashruucan bini-aadannimo, iyada oo muujisay farxadda uu ururka ODHA ku soo dhoweynayo sida dhkhsaha badan ee dhismaha derbiga lagu soo wareejiyey xaruntu ugu dhammaaday.

“Weli ma aannu arkin cid wax ballan qaadday oo sida shirkadda Dahabshiil sida ugu fudud ee ugu dhakhsaha badan u fuliya ballanka, Saddex bilood iyo qaybo look ala googooyo barnaamijka ayay badiba qaadataa. Dahabshiil maalintii oo noo ballan qaadayba waa bilaabay dhiska isla laba maalmood gudaheed,” ayay tidhi marwo Faadumo, iyada oo raacisay in deyrka oo ku gedaaman dhul aan ka yarayn labaatan baloodh oo yahay mid dhaxal gal ah oo dherer iyo madhax-galba isku darsaday.

“Magacayaga uun ma aha kan aannu mahadnaqa idiinku soo gudbineynaa ee waxa weheliya kan carruurta derbi-jiifka ah ee Somaliland oo idil,” ayay tidhi Faadumo, iyada oo ku hal qabsanaysa Cabdirashid Mohamed Saeed, Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil (Dahabshiil Group).

Faadumo waxay Ilaahay u bariday in xarunta loogu talo galay carruurta ku dayacan suuqyada Somaliland ay noqoto mid ay ku nastaan oo ku nagaadaan oo ay ka soo baxaan carruur lafahooda, qoysaskooda iyo dalkoodaba aayo u yeesha.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed, ayaa isaguna ugu horraynba aad ugaga mahadceliyey ururka ODHA iyo hablaha isu xilqaamay carruurta derbi-jiifka kaalinta lama-illaawaanka ah ee ay ka qaateen abaabulka xaruntan iyo sida ay uga go’an tahay ka midho-dhalinteedu. Waxa Cabdirashiid tilmaamay inay aad ugu faraxsan yihiin in shirkaddu ka qayb qaadato daryeelka carruurta tabaaladu ku raagtey loo fidinayo, ayna u tahay sharaf inay qaybtii u horreysey ee mashruucan u fuliyaan sidii loogu talo galay iyo si ka wanaagsanba.

“Carruurtu, sidoodaba, waxay u baahan yihiin daryeen faro badan. Kuwa aan cidna ku tiirsanayn ee derbi-jiifka ahina waa ka sii xag jiraan,” ayuu yidhi Cabdirashid.

Waxa Cabdirashiid u soo jeediyey bulshoweynta inay ka qayb qaataan sidii loo dhammaystiri lahaa, cagahana loogu joojin lahaa qaybaha hadhay ee mashruucan, isaga oo si gaar ah isu dul taagay ajarka iyo xasanaadka cid kasta oo niyad wanaagsan kaga qayb qaadata uga jidoobeysa Ilaahay agtiisa.

“haddii aan carruurtan ku dayacan suuqyada aynaan maanta wax ka qaban, kuwa guryaha jooga ayaa ku biiri kara oo ah wax suurtagal ah,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid, isaga oo ku daray in kaalinta shirkadda Dahabshiil mar walba ka qaadata arrimaha muhimka ah ay tahay mid u barnaamij ah oo ay aragto shirkaddu wixii dadkeeda, oo ah macaamiisheeda meel kasyaba ha joogeene, u dan ahi inay iyadana dan u tahay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Caddaaladda, Professor Ismail Mumin Aar, oo nasiib ub yeeshay in munaasabaddii u horreysey ee dan guud ah uu kaqaga qayb galo hawl samafal oo lagu daryeelayo, looguna caddaalad falayo, qayb ka mid ah bulshada, ayaa isaguna halkaa erayo kooban ku soo dhoweeyey mshruuca, ujeedadiisa iyo iskaashiga saddex-xagaloodka ah ee ururrada rayid ah, ganacsatada madaxa bannaan – sida Dahabshiil iyo Wasaaraddiisa oo ay hawlaheeda ka mid tahay dhaqan-celinta carruurta ku dayacan suuqyada.

“Caddaaladdu waxay ka mid tahay baahiyihii aasaasiga ahaa, oo guri walba waa geleysaa, cid walbana waa taabanaysaa; waxana aan u arkaa inaad garabyadiinna iska kaashaday hawshan cid walbaba uga horraysaan taabbagelinta caddaaladda,” ayuu yidhi Wasiirku, Professor Ismaaciil Muumin.

Waxa Wasiirku tilmaamay in badani ku dayacan yahay suuqyada oo ama waalidkood is furay, ama dhaqaale ahaan u maaro waayey, sidaa darteedna cid kasta oo mustaqabalkooda iyo iftiimintiisa gacan ka geysata ay abaal adduun iyo mid aakhiroba heli doonaan.

“Shirkadda Dahabshhil waxay buuxisay door dhan oo bulshada hiore uga maqnaa oo ah in ganacsatadu damiir ummadnimo yeelato oo horumarka bulshada ay u adeegto qayb laxaad leh ka qaadato. Samafalku horumarka ayuu ka mid yahay, waxana aan marag ka ahay mashaariic badan oo Dahabshiil qabatay oo aan meel kasta ku arko ama ku maqloba,” ayuu yidhi wasiirku, isaga oo cabbiraya dareenkiisa ku wajahan kaalinta shirkaddu kaga jirto horumarka iyo badhi-taarka bulshooyinka.

Waxa uu Wasiirku ku soo gebogabeeyey hadalkiisii baaq ah in baayacmushtarku ku soo dhiirradaan horumarinta, samofalka iyo daryeelka bulshada inteeda tabarta daran sida Shirkadda Dahabshiil, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ganacsatadu tahay cududda keli ah ee la isku hallayn karo ee bulshadani manta leedahay si ay karaamadeeda iyo hankeeda horumarineed u kasbato, una dhawrato.

Ugu dambayntii waxa Wasiirku mar kale u mahad celiyey ururkii soo abaabulay, shirkadda Dahabshiil iyo cid kasta oo kaalin ka geysata fulinta hawshan mugga iyo meeqaamka sare leh.

Hassan M Jama “Heiss”
Dahabshiil Public Relations & Media
Tel: +252 2 442 9528 – +252 2 650 10 100
Alternative eMails: hassanheiss@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.