Home » Faallo »

Hordhac Kooban oo ku Saabsan Hab Ciqaabeedka Islaamka

Qaybtii 1aad

HORDHAC

Ilaahaybaa mahad iyo wanaag oo dhan iska leh, xumaan iyo nusqaana isagaa sarreeyee ka nasahan, naxariis iyo nabadgalyada ilaahay waxay guudkiisa ahaatay suubanaheenii nabi muxamed.

intaa ka gadaal.

Allaah sareeye nimcada ugu weyn ee uu umada islaamka ah siiyay waa islaam-nimada oo ah diin iyo nidaam nololeed dhamays tiran, ku haboon in ay ka dhaqan gasho goob-walba iyo goor-walba, ku qotonta xikmad gunaanad-keedu yahay in wixii khayr iyo wanaag ah oo dhan ay umadan u horseedo, xumo iyo sharna ka hor istaagto. Wuxuu yidhi alle sarreeye: “Waxaad tihiin umad lasoo saaro tii ugu khayrka badnayd” surat ala cimran, ayah 110.

Dib-hadaad u fiiriso waqtigii ay bulshada muslimiinta ahi lahayd dawladaha ku dhaqaya maamuladooda shareecada islaamka waxaa kuu soo baxaysa heerka sareeya ee ay noloshoodu isugu duba dhacsanayd, hadii ay ahaan lahayd deganaansho siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid akhlaaqeedba. Dhibka iyo rafaadka haleelay maanta meel kasta oo ay umada islaamka ahi ku nooshahayna wuxuu salka ku hayaa ka tagid ay muslimiintu ka tageen u xukun-tagii shareecada islaamka, laga bilaabo nafahooda, guryohooda, ilaa laga gaadho halka u saraysa iyo maamulka sarre ee bulshada islaamka, dhibkaa iyo rafaadkaasna lagagama baxayo nidaam aan ka ahayn ka islaamiga ah, muslimiinta maantuna ku islaaxi mahayaan waxaan ka ahayn wixii ay ku islaaxeen kuna horu-mareen umadihii islaamka ee inaga horeeyey, oo ah ku dhaqanka iyo hirgalinta shareecada islaamka oo dhamays-tiran laga bilaabo shaqsiga ilaa laga gaadho aqalka madaxtooyada iyo dhamaan hay’adaha hoosyimaada sida garsoorka, dhaqaalaha, cilaaqaadka dawladeed, iwm.

Mid kamida qaybaha uu nidaamka islaamku ka koobanyahay ayaa ah hab ciqaabeedka uu islaamku u dejiyay dunuubta laga galo rabi sarreeye iyo kuwa laga galo noolaha ku hoos nool nidaamka guud ee islaamiga ah, ha ahaado eedaysanuhu amaba dhibanuhu muslim amaba gaale, iyada oo xukunka uu dambi leeyahay laga soo dheeganaayo kitaabka iyo sunada, taas oo siisay hab ciqaabeedka islaamka fulintiisa oo si cadaalada loo fuliyaa in ay xal u noqoto mushkilado badan oo mujtamaca dhexdiisa yiilay, sida dhaqaale xumaanta, deganaansho la’aan siyaasadeed, amaan-darada iyo dhaqan xumaanta intaba, sababtuna waxaa weeye cida dejisay sharcigan oo ah cidii uuntay ee abuurtay noolaha la xalinayo mushkiladihiisa, waa alle SWTC oo aysan jirin cid uga ogaal badan adoomuhuu isagu uunkay ee uu abuuray, isagaa og wixii mujtamaca noloshiisa iyo sharaftiisa wax yeelaayaa, isagaa og ciqaabta ku haboon aadamaha xad-gudba si uu u joojiyo xad-gudubkaas, kuwa kale ee damacsana ay digniin iyo waano ugu noqoto. Waana hubaal in la halaagsamayo oo uu nolosha khalkhal ku imanayo hadii aan la raacin sidii uu alle ugu talo galay in loo dhaqmo la iskuna maamulo. Mana aha wax aynu iska leenahay ee waa arin ay qirayaan cadawgeenu intaanay qirin dadyowga islaamka ahi, ma foga ee sanad ka hor dib u baadh wixii ay gaalo waawayn oo dhaqaalo yahano ahi ka yidhaahdeen nidaamka maaliyadeed ee islaamka markay ka hadlayeen mawjad busaaradeedii (Financial Crises) soo foodsaartay dunida sanadkii tegay ee 2009.

Dhacdo iyana aan dheerayn ayaa ah makii Nicholas Phillips oo ah garsooraha ugu weyn Britain uu soo jeediyay in shareecada islaamku ay qayb ka noqoto qaanuunka wadankaas khaas ahaan arimaha madaniga iyo maaliyada.

Hadaba maqaladan oo noqon dona hadii alle inoo samaxo kuwo xidhiidha lagana yabo in mudo kala fog ay u dhaxayso waqtiga oo cidhiidhi ah aawadii ayaa waxaynu ku eegi doonaa iftiimid guud oo aan faahfaahsanayn oo ku adan nidaamka ama xeer-ciqaabeedka islaamiga ah allena waxaan ka baryaynaa in uu ina waafajiyo xaqa.

IFTIIMIN:-

Hadii alle idmo inta aynaan gudo-galin qormadan waxaan jeclahay in aan waxoogaa iftiimino erey bixino kusoo noqnoqon doona qormadeenan una khaasa mawduuca aynu hada ka hadli doono, waayo dadka muslimiinta ahi casrigan aynu noolnahay way ku adagtahay in ay xataa kala saaraan magacyada dambiyada, ama ereybixinta ciqaab mageceed ee uu ku dhisanyahay hab-ciqaabeedka islaamku, sababtuna waa uun iyada oo aan umada mudo dheer oo boqolaal sano gaadhaysa aan lagu xukumin lagana dhigin wax ka mida habdhaqankeeda.

Ayaan darada kale ee iyana jirta ayaa waxa ay tahay marin habaabin baaxad leh oo ay umada islaamka ah dhexdeeda ka wadaan gaaladu khaas ahaan hay’aadka loo wakiishay in ay umada muslimiinta ah kala dagaasho hirgalinta mashaariicda islaamiga ah ee ku qotoma siyaasada iyo amaanka sida jihaadka, islaamaynta qaanuunka iwm, hay’adahaas oo umada u dejiya hab ama xeer ka fog islaamnimada oo leh erey bixinadiisa gaarka ah sida xabsi daaim, khiyaamo qaran, xukun degdeg ah (marshal law) common law iwm, waxa ay gaadhay in xataa ardaydii jaamicaadka ee takhasuskoodu ahaa shuruucda iyo xukunka ay noqoto waxa loo dhigayaa shuruuc aan ahayn mida muslimiinta ee ku sifaysan in ay tahay mid ka timid xaga rabi oo marnaba aan looga cabsanayn cadaalad daro kuna dhisan akhlaaq wanaag iyo xaqsoor, waxaad arkaysaa arday ku takhasusay sharciga oo isu diyaarinaya in uu noqdo garsoore ama gudoomiye maxkamadeed oo kala xukunta umad muslimiin ah oo aan hadana kala saarahayn farqiga u dhexeeya xadka iyo tacsiirta, marmarka qaarkii waxaa dhacda in xataa macnaha uu u yaqaano dambiga iyo kan uu islaamku dambiga u yaqaanaa in ay kala duwanyihiin, Tusaale ahaan waxaa laga yaabaa in aanuu dambi u aqoon hadii laba ruux oo aan si sharci ah isu qabini ay isu galmoodaan iyagoo raali iskaga ah xumaantaas in aanay arintaasi dambi ahayn.

Sidaas oo kale waxaa suuro gal ah wax islaamku uusan dambi u arag in uu isagu dambi u yaqaano, tusaale ahaan hadii ruux muslim ahi uu hiil u aado wadankale oo islaam ah oo ay gaalo kusoo duushay qabsatayna, in la aado wadankaas oo gaalada kusoo duushay laga xoreeyo islaamku wuxuu u arkaa in ay tahay wax hadii qofka awoodaa uu samayn waayo in uu ku dambaabayo, waxaa laga yaabaa in amiirka muslimiintu uu ruuxaas ciqaab ku oogo taas oo le’eeg hadba wixii ku munaasab ah, waanay dhacday waqtigii rasuulka SCw in saxabada rag ka mid ahi ay ka hadheen duulaano uu rasuulku qaadaayay kadibna uu rasuulku ku ciqaabay in aan cidina la hadal salaantana aan laga qaadin. Hadaba wiilkii soo bartay manhaj ay diyaariyeen qaanuunyahano gaalo ahi ama ay diyaariyeen kuwo islaam sheeganaya oo hadana ku qotominaya shuruucda ay dhigayaan wax ka fog diinta islaamku wuxuu u arkaa cida sidaas samaysa in ay tahay cid qaanuunkii ka baxday, dambiyo gaar ahina ay qabanayaan sida sharcigan cusub ee hada lagu soo kordhiyay xeerarkii ay hore gaaladu u dhigtay ee la yidhaahdo la dagaalanka argagixisada iwm.

Hadaba maadaamo oo uu kala duwanaanshahaasi jiro waxaa dhacaysa laba arin oo uu jaahil uga yahay ruuxaasi nidaam ciqaabeedkii islaamka oo kala ah:-

1. in uu jaahil kayahay nidaamkii islaamiga ahaa laftiisii oo uu san cilmi iyo aqoon u lahayn waxa uu nidaamkaasi yahayba.

2. In uu ereyada ay wadaagaan nidaamka islaamiga ah iyo kan uu ku tashasusay ay macnohoodu aad u kala fogyahay, marmarka qaarna ay gaadhoba in ay caksi(iska soo horjeedaan) isku yihiin tusaalena waxaa inoogu filan tusaalihii u dambeeyey ee aynu so qaadanay ee islaamkuna fiicilkaas uu u arko in uu yahay ficil ka tagidiisa lagu dambaabayo (waa u hiilinta muslimka looga hiilinayo gulufyada ay gaaladu kusoo qaado’ee), qaanuunka bashariga ah ee dadku ay dhigteen ee hada dunida islaamka lagaga dhaqmaana uu tilmaamayo in ficilkaas samayntiisu ay tahay dambi.

Hadaba iyada oo dhibaatadaasi ay jirto ayaa si aynu iskula jaan qaadno, una barano qaar kamida erey bixino uu leeyahay hab ciqaabeedka islaamku ayaa waxa aynu halkan ku qeexi magacyo iyo erey bixino kusoo noqnoqda nidaam ciqaabeedka islaamka lagama maarmaana ay tahay in aynu barano inta aynaan gudo galin qormooyinkeenan.

AFEEF:-

Luqada asalka u ah diinta islaamku waa luqada carabiga ah, waana luqada ugu qanisan luqadaha dunida lagaga hadlo, waa luqada uu ilaahay u doortay in uu kula hadlo adoomihiisa isaga oo quraanka kusoo dejiyay, wuxuu yidhi alle isagaa xumaan oo dhan ka nasahane “كِتَابٌفُصِّلَتْ آيَاتُهُ قُرْآنًا عَرَبِيًّا لِّقَوْمٍ يَعْلَمُونَ ”

“وَلَوْ جَعَلْنَاهُ قُرْآنًا أَعْجَمِيًّا لَّقَالُوا لَوْلا فُصِّلَتْ آيَاتُهُ أَأَعْجَمِيٌّ وَعَرَبِيٌّ قُلْ هُوَ لِلَّذِينَ آمَنُوا هُدًى وَشِفَاءٌ وَالَّذِينَ لا يُؤْمِنُونَ فِي آذَانِهِمْ وَقْرٌ وَهُوَ عَلَيْهِمْ عَمًى أُوْلَئِكَ يُنَادَوْنَ مِن مَّكَانٍ بَعِيدٍ ”fusilad 3,44.

“قُرْآنًا عَرَبِيًّا غَيْرَ ذِي عِوَجٍ لَّعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ ”asumar 28

Hadaba maadaama oo aynu inagu qormadan ku qorayno luqada somaliga waxaa adag sida aynu u helno erey u dhigma ereyga carabiga ah ee shareecadu sheegtay oo soomaali ah, waxaana ay luqada carabiga ahi caan ku tahay in magacyada ficiladu ay u kala duwanyihiin hadba sida, goobta, iyo cida loo isticmaalayo oo tusaale ahaan ereyada dambi, ismi, jariimah, waa ereyo tilmaamaya macnayaal kala duwan iyaga oo isku ah dambi, laakiin luqada somaliga lagama soo helayo ereyo la macno ah ereyadaas oo hadana dusha dambi ka wada ah, sidaa aawadeed waxaan ku fasiran doonaa waxa ugu dhaw ee dadku u fahmi karo. Waa suuro-gal in luqada somaliga lafteeda laga helo ereyo farabadan oo lagu macnayn karo laakiin waxaan filayaa inaad ii cudur daari doontaan markaad aragtaan baylahda ku dhacday xanaanaynta luqada somaliga oo aad hada moodaba in ay sii baa’ba’ayso.

Arinta kale ayaa waxa ay tahay marka aynu qeexayno ereyadan soo socda waxa aynu ku qeexaynaa marka ay ku jiraan fiqi-ga islaamiga ah gaar ahaan qaybta xeer ciqaabeedka ama jinaayaadka, oo sida aynu wada ogsoonahay ereyga macnihiisu wuxuu isla badalaa hadba meesha uu ku jiro, tusaale ahaan AMMAR macnaha uu leeyahay marka luqad ahaan laga hadlayo wuu ka duwanyahay marka fiq’hi ahaan laga hadlayo, sidaas oo kale wuu ka duwanyahay marka ay culimada usuulul fiqigu ka hadlayaan, sidaa aawadeed ereybixinadan waxaynu ku salayn doonaa fiqiga islamiga ah qaybtiisa xeer-ciqaabeedka hadii alle idmo.

Ereyadan aynu qeexi doono iskumaan taxaluujin in aan masaadir kasoo naqliyo badankooda laakiin waxaan u qeexi uun si aan macnaha u soo dhaweeyo oo aynu isula jaanqaadi karno oo aynu ujedada calal aqali fahmi karno.

1.DAMBI:- Waa ficil markiisa horeba xaaraan ah oo ku dhicidiisana ama samayntiisa ay shareecadu ciqaab u dhigtay. Amaba ficil uu samayntiisa sharcigu ina amray oo ka tagitaankiisa ay shareecadu ciqaab u dhigtay. Ama ficil marka hore bannaannaa oo maslaxo aawadeed si kumeel gaadh ah loo mamnuucay.

Waxaana dhici karta in ficil ay shareecadu xaaraantimaysay samayntiisa ama ay ina amartay la imaanshiyihiisa in aanay u dhigin ciqaab gaar u ah ficil dambiyeedkaas shareecadu, laakiin uu sharcigu u ogolyahay in uu amiirku ama garsooruhu ku xukmiyo hal ciqaab ama waxkabadan oo uu kasoo dooranayo koox ciqaabo cayiman ah oo uu sharcigu amiirka ama garsooraha awood u siiyay in uu kasoo xusho hadba ciqaabtii ku haboon dambigaas.

Waxaa kale oo iyana dhici karta in ay dambi noqoto samaynta ficil banaanaa oo uu amiirku samayntiisa joojiyay una dhigay hal ciqaab ama waxkabadan oo uu kasoo dhex dooranayo koox ciqaabo cayiman ah oo uu sharcigu amiirka ama garsooraha awood u siiyay in uu kasoo xusho hadba ciqaabtii ku haboon dambigaas.

1.DAMBIILE:- Waa ruuxa sameeya ficil xaaraam ah oo samayntiisa ay shareecadu ciqaab u dhigtay ama ka taga ficil ay shareecadu samayntiisa ina amartay kaas oo ay ka tagidiisa u dhigtay ciqaab, amaba uu sameeyo ficil ay shareecadu xaaraantimaysay balse aanay u dhigin wax ciqaab ah oo uu amiirku ama garsooruhu u dhigay hal ciqaab ama waxkabadan oo uu kasoo dooranayo koox ciqaabo cayiman ah (eeg ciqaabaha tacsiirta) oo uu sharcigu amiirka ama garsooraha awood u siiyay in uu kasoo xusho hadba ciqaabtii ku haboon dambiilahaas.

Waxaa kale oo iyana dhici karta in ruux dambiile ku noqdo samaynta ficil banaanaa oo uu amiirku samayntiisa joojiyay una dhigay hal ciqaab ama waxkabadan oo uu kasoo dhex dooranayo koox ciqaabo cayiman ah oo uu sharcigu amiirka ama garsooraha awood u siiyay in uu kasoo xusho hadba ciqaabtii ku haboon dambiilahaas.

Ruuxaas oo ah ruux :-

  • 1- Aan lagu qasbin ku dhicida faldambiyeedkaas
  • 2- Aan sakhraansanayn.
  • 3- Miyir qaba.
  • 4- Qaan-gaadha.

Waxaa iyana dhacda in ruuxu uu dambiile ku noqdo in xoolo uu leeyahay in uu sameeyo dambi sida awr-kaaga oo dad cuna, guri gaga oo jilicsan oo dad ku duma, god aad qoday oo lagu daato iwm.

FG: Marka aynu leenahay koox ciqaabo ah waxaan ula jeednaa ciqaabo cayiman oo ilaahay dhigay oo ah afar

  • 1-Xad
  • 2-Tacsiir
  • 3-Qisaas
  • 4-Kafaalo

oo mid waliba ay ciqabeheeda gaarka ahi hoos yimaadaan intaa wax ka baxsana lama ogola in ruuxnaba sifo islami ah loogu xukumo.

2.DHIBANE:- Waa cida dambiga laga galay diin, dad iyo duunyaba.

3.GARSOORE:- Waa ruux islaam ah, labood ah(Nin), qaan-gaadh ah, caqli fayow, cadaalad lagu yaqaan, leh xubnihii loogama maarmaanka u ahaa kala saarida, oo amiirku talada umada hayaa uu u wakiishay shaqada garsoorka.

4.CIQAAB:- Ciqaabtu afsoomali ahaan waa gaboodfalka la falay, eedsiiska le’eg ee horyaala; ganaax; khasiraad; garraax. Eeg qaamuuska ereykoobe xaashida 91aad ereyga ciqaab-ta.

Shareecaduna waxay ciqaabta u taqaanaa abaal-marinta cayiman ee lagu abaal mariyo ruuxii la yimaada ficil ay shareecadu mamnuucday samayntiisa ama ka taga ficil ay shareecadu amartay in la sameeyo, amaba sidaynu hore usoo sheegnay sameeya ficil asal ahaantiisu uu banaanyahay laakiin uu si gaara amiirku u amray in aan la samayn ama caksiga. Waxaana ciqaabta loogu danaynayaa danta guud ee bulshada.

5.XADD:- waa ciqaab cayiman oo adoomaha looga gudayo alle, danbiyo kooban oo uu si gaara u suntay sharcigu oo ay kudheceen aawadeed, dambiyadaas uu sharcigu ku suntay in ciqaabtoodu ay xad tahay waa 7 (todoba) gaboodfal ama dambi oo kala ah sidan:-

  • 1-sinada
  • 2-xatooyada
  • 3-dhuljiifnimada(tuugo hubaysan)
  • 4-Riddada (islaamka gaalooba)
  • 5-sakhradda
  • 6-Qadafka.
  • 7-Ahlul-baqyi (kacdoon hubaysan o ka horyimada nidaam islami ah o sharecada isku xukumaya)

Qormoyinkena soo socda ayaynu ku faahfaahin noonaa hadii rabi idmo. ciqaabahaasina waxay u kala duwantahay sida ay hadba u kala duwanyihiin dambiga uu qofku galay iyo sidaas oo kale xaalada ruuxa dambiilaha ah qudhidiisa, oo hadii uu ruux aan guur soo marini sinaysto lama mid aha ciqaabta uu mutaysanayo kan guurka hore u soo maray. sidaasoo kale tuuga jeeb-siibka ahi lama mid aha midka hubaysan ee dadka laynaya si uu xoolohooda u dhaco.

6.QISAAS:- u aargudid looga aar gudayo mid xadgudbay cidii uu ku xadgudbay, iyada oo aan waxba la dheeraysiinayn lagana dhimahayn wixii uu u gaystay dhibanaha, sida hadii naf uu dilo in la dilo isna, hadii uu dhooljabiyo in isna laga jabiyo isla dhoosha dhoosheedii. Iwm. waxaana ay leedahay qisaastu shuruud loo baahanyahay in ay buuxsanto si loogu fuliyo ruuxa dambiilaha ah. sida in uu falkan u kasay, qaangaadhay, caqli leeyahay, u qasday iwm. oo ay culimadu in badan kaga hadashay kutubta fiqiga khaas ahaan baabka jinaayaadka.

7.MAG:- Maal uu bixiyo dambiiluhu lana siiyo dhibanaha ama waligiisa (Cida ka masuulka ah)

8.TACSIIR:- Tacsiirtu waa “edbin (edeb u yeelid), laga edbinayo aadamaha dambiyada aan sharcigu xadka iyo kafaarada u dhigin.” alxuduud wa tacsiiraat cinda ibnu qayim – bakar abu zaid xaashida 462aad.

9.KAFAARO:- Waa ficil cibaado ah oo la sameeyo si dambi uu kaaga dhaco, ficiladaas oo ay ka mid yihiin salaad, soon, sadaqo, iwm. Kafaaraduna way noocyo badantahay.

10.QIRAAL:- Waa ku dhawaqid uu ruuxa dambilaha ahi ku qiranayo in uu sameeyey dambiga loo haysto.

11.CADAYN:-Waa waxyalo lagu cadeynayo in ruux uu dambiile yahay ama uusan ahayn, waana meelaha ugu badan ee ay aadka ugu kala tagsanyihiin qaanuunka wadciga ah iyo kan rabaaniga ahi, waana baab sidiisa u dhan oo aynaan halkan kusoo koobi karin waynu se isku dayi in aan qormooyinka soo socda wax ka soo qaadano insha allaah.

12.MARKHAATI:- Waa ruux ama koox dada oo arkaayay markii fal dambiyeedku dhacaayay, ruuxaas ama kooxdaas oo shuruudo badan uu islaamku ku xidhay sida aynu arki doonoo insha allaah.

13.WALLI AMA MASUUL:-waa ruuxa qaraabo ahaan ugu dhaw dhibanaha ama dambiilahaba.

14.CAFIS:- waa cafis loo fidiyo dambiilaha, cafiskaas oo ka imaada dhanka dhibanaha ama waligiisa amaba amiirka talada haya, cafiskuna wuu fara badanyahay oo waxaa ka mida mid aanuu amiirku dhaafi karin, iyo mid uu aanuu waligu dhaafi karin iyo caksigooda waanay inoo iman doonaan insha allaah.

FG: Inbadan ayay culimadu ilaahay khair hasiiyee inoo dhigtay axkaamtan, maktabada islamiga ah ee somaliyedna waa laga heli karaa wax badan oo ku saabsan baabkan khaas ahaan kutubta fiqhiga baabka jinaayaadka iyo xuduuda, inkasta oo ay fiicnaan lahayd in mar si gaara loo cinaayeeyo maadaama ay hada tadbiiqintiisa walaalo badani u taaganyihiin, si aynu waqtiga ugu soo gaabino oo aynu baxsiga ugaga filaano. Waxaan aad ugula talin lahaa ruuxii doonaya in uu si fiican u sii guda galo khaas ahaan dadka carabiga inay wax ku akhriyaan ku adagtahay in ay dhagaystaan kutubta culimada somaliyed gar ahaan labada kitaab ee uu sharxay sheekheena sh. Xasaan xuseen aadam waa kitaabka abuu shujaaca iyo kitaabka asiyaasa sharciyah, sidaas oo kale kitaabka tawdiixul axkaam oo uu afsomali ku sharaxay sh. Maxamed cumar dirir iyo sidaas oo kale kitaabka minhaajka oo uu sharaxay sh. Maxamed cali gadhle xafidahumulaahu jamiican, hadii anay wada dhagaysan karina ay kala bilaabaan abwaabtaa aynu soo sheegnay.

Alle waxaan ka baryayaa in uu inoo fududeeyo acmaasha khairka leh waa inoo iyo qormada tan xigta insha allaah.

Waxaa qoray walaalkiin

Bilaal Hargeisaawi
17/08/1431H – 29-07-2010
Bilaal_1985@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.