Home » Faallo »

Carabta iyo af carabigu ma ajnabibaa? (qeybta 1aad) | Alwaqaar

Axmed C/samad

alwaqaar@hotmail.com

Inkastoo ay horey u jireen dad ku hawlan in shacabka Soomaaliyeed la kala fogeeyo iyo in laga fogeeyo diintooda iyo dadkooda, haddana waxaa beryahaan soo xoogaysanaya dadka ka doodaya magacyada carbeed ee dadkeenu la baxaan ama ay u baxshaan goobaha iyo hay’adaha ay qadarinayaan. Waxay kaloo buuq iyo dicaayad farabadan ku hayaan luqada carabiga iyo manaahijta waxbarashada ee af carabiga ku baxda. Golayaasha shacabka iyo hay’adaha loo yaqaan sharci dajintuna kama nastaan loolan adag oo dhexdooda ah, kaas oo rag ku doonayaan in la tirtiro qodobka distuuriga ah ee afka carabiga uga dhigaya dalka luqad rasmi ah. Waxaa kaloo jira rag kulan kasta doonaya inay shacabkeena luqadihii gumaystayaasha ku kakabiyaan oo uga dhigaan luqao rasmi ah[1]. Rag kale oo aan ishooda mudac marin baa iyana har cad isla soo taagay in shacabka Soomaaliyeed uusan carab ahayn ee uu u dhashay Cushitic!.

Intaa waxaa dheer in hay’adaha samafalka iyo kuwo waxbarashada ee carbeed loo baxsho ajnabi, laguna tuhmaysto iyaga iyo ciddii xiriir la yeelataba argagixisanimo. Waxaan intaa ka hawlayarayn in qofkii carab ah ama muslim kale ah oo dalkeena yimaada loola dhaqmo sidii cadawgii halka gaalada dalkay doonaan ha u dhasheene gacmo furan lagu soo dhaweynayo. Tillaabooyinkaas oo dhammaan u muuqda kuwo lagu doonayo in shacabka Soomaaliyeed lagaga fogeeyo diintooda, afkooda aabbe iyo ummadda carbeed oo ay diin iyo dhalashaba wadaagaan. Haddaba si aynu u ogaano in carabta iyo af carabigu ajnabi ina ka yihiin iyo in kale aynu marka hore eegno xiriirka Soomaalida kala dhexeeya carabta iyo af carabiga.

Islaamnimada iyo af carabiga

Soomaalidu 100% waa muslimiin, islaamnimadana aad bay u jeceshahay. Waxay kaloo jeceshahay wax kasta oo islaamnimada xiriir la leh oo ah dad, dal iyo afba. Haddaba aynu wax ka tibaaxno arrimahaas:

  1. islaamka waxaa saldhig u ah Qur’aanka iyo Xadiiska nabiga (scw) oo labaduba af carabi ku soo degay, kuna qoran. Qofka muslimka ahina kama maarmo in uu akhriyo, uuna fahmo hadalka Ilaahay iyo kan rasuulkiisa; si uu ugu dhaqmo, jiilalka dambena ugu gudbiyo. Taasi waxay keenaysaa in shacabka Soomaaliyeed meeshuu doono ha joogee jeclaado, kuna dadaalo barashada iyo faafinta afka carabiga.
  2. Waxaa ku qoran afka carabiga culuumtii islaamka ee kala duwanayd, sida: tafsiirka Qur’aanka, sharaxa xadiiska, axkaamta fiqhiga ah, caqiidada, akhlaaqda, siirada nabiga (scw), taariikhda islaamka iyo suugaanta carbeed oo inta badan xambaarsan dhaqankii islaamka. Qofka ama bulshada aan baac ku lahayn afka carabigana waxay ka qadayaan dhaxalka ballaaran ee islaamka.
  3. Waxaa kale oo qofka muslimka ah u baahanyahay in uu ka barto afka carabiga qadar ugu filan salaadda, adkaarta (wardiga), istiqfaarta iwm. Qofkii intaas baran waayana cibaadadiisa oo salaaddu ugu horrayso ayaanba ansaxayn.
  4. Diinta islaamku waxay u soo dagtay in ay xaqiijiso danaha adduun iyo kuwa aakhiro ee addoomada, ayna ka hortagto wax kasta oo addoomada adduun iyo aakhiro dhibaya. Taa macneheedu waxaa weeye in dadku fahmaan, kuna dhaqmaan waxa diintoodu fartay, ayna ka dheeraadaan waxa ay ka reebtay; si ay u gaaraan wanaagga ay la doonayso. Mana suurtoobi karto in dadku hirgaliyaan wax aysan fahamsanayn. Fahamka diintana afka carabigu saldhig buu u yahay.
  5. Dhinaca kale islaamnimadu ma sii jiri karto haddii aan bulshada laga dhex helin dad aqoon sare u leh af carabiga oo diinta si buuxda ugu fahma, ka dibna bulshada bara. Taas waxay tusaysaa in af carabigu soomaalida u yahay af diineed oo aysan ka maarmin.

Soomaalida iyo carabnimada

Shacabka Soomaaliyeed dhalasho ahaan waa shacab carbeed oo waliba badankiisu ku abtirsado Quraysh waliba reer Banii Haashim ah. Tirada yar ee aan carabta ku abtirsana waxay walaalo kula yihiin islaamnimada, qaraabanimada (xidid iyo xigaalo), deegaanka, afka, taariikhda iyo masaalixdaba. Waxayna la wadaagaan walaalohood jacaylka iyo hirgalinta afka carabiga.

Waxyaabaha Soomaali isku wafaqsantahay waxaa ugu horreeya islaamnimada, ka dibna carabnimada. Wax dood iyo muran ahna kaga ma jiraan Soomaalida inay carabyihiin, sooyaalkoodii horena way ku caddahay arrintaas af ahaan iyo qoraal ahaanba.Waxaa kale oo sii xoojinaya ijmaaca shacbiga ah (isku raacsanaanta loo dhanyahay) ee ay xilligaan ku qabaan carabnimadooda. Waxaan arrintaan kaga hadlay goobo badan oo ku kala yaal magaalooyin kala duwan ee Soomaaliyeed, dadweynahana waxaan si cad u weydiiyey inay carabyihiin iyo in kale, jawaabtooduna waxay ahayd hal mid oo aysan isku khilaafin.

Magaalooyinka aan dadka abtirkooda masaajidda iyo fagaarayaasha ku waydiiyey waxaa ka mid ahaa: Kismaayo, Baydhabo[2], Muqdisho, Gaalkacyo, Galdogob, Garoowe, Boosaaso, Laascaanood, Caynaba, Burco, Oodweyne, Berbera iyo Hargeysa. Intaba dadka wax shaki ah kaga ma jiro dhalashadooda, wayna isku wada raacsanyihiin xaqiiqada aan soo sheegnay. Mana jiro wax abtir ah oo Soomaali sheegato oo ka duwan kaa aan soo sheegnay. Wixii intaa ka baxsan waa uun dad ku hadaaqaya dacaayadihii gumaysigu doonayey inuu dadkeena ku marin habaabiyo, hadaaqaasina wax cilmi ah kuma dhisna, jid iyo jaho loo raacana ma leh[3].

Deegaanka, dhaqanka, taariikhda iyo masaalixda

Dadka ka hadla aragtiyaha qowmiyadda qolaba wax bay u celisaa asalka qowmiyadda, waxaana ka mida aragtiyahaas: diinta, isirka, afka, wadanka, dhaqanka, taariikhda la wadaago iyo danaha ka dhexeeya. Inkastoo diintu ay tahay waxa qura ee ummadda muslimiintaa mideeya, haddana si aynu ula gurino ragga hadalada loo soo dhiibay ina kula meeraysanaya bal aynu shacabka soomaaliyeed aragtiyahaan mid mid ugu eegno. Wadankeena iyo dalalka Jaziirada carabta waxaa u dhexeeya badda cas uun, bii’ada dhulkeenuna wax yar mooyee kama duwana tan Jaziirada carabta.

Dhinaca dhaqankana wax shaki ah kaa gali maayo inay dadka jaziirada carbeed iyo Soomaalidu isku dhaqan yihiin marka laga tago inta yaree qolo walba ay ka dhaxashay gaaladii gumaysan jirtay. Xagga taariikhdana kutubta soomaalidii hore qortay, sheekooyinkooda, maahmaahyadooda, gabayadooda, socdaaladooda, dadkii soo booqan jirey ama la soo dagi jirey iyo xiriiradoodii ganacsi intuba waxay tusayaan in taariikhda soomaalidu taariikh carbeed ahayd ee aysan lug weyn ku lahayn quruumo kale marka laga reebo loolankii ay muslimiinta bariga afrika boqortooyadii Xabashida kula jireen muddada dheer iyo gumaysigii Yurub oo hal qarni ka hor gayiga soomaalida soo caga-dhigtay. Bal aynu qoraallada, sheekooyinka iyo suugaanta soomaalida ka soo helno Kushiti, afrikan, zunuuj iwm. Dhanka masaalixda Somalidu xilligii gumaysiga ka hor wixii dalkeeda ka baxsan waxay ka jirin jirtey dhulalka carbeed, ha ahaato cilmi doonasho, cibaadaysi, hiil raadsi, ganacsi, shaqo doonasho ama guuritaane.

Af carabiga iyo masaalixda Soomaaliyeed

Soomaalidu marka laga tago danaha diimeed iyo siyaasadeed waxaa ugu jira barashada iyo xoojinta af carabiga faa’iidooyin badan oo aysan luqadaha kale ka helayn, waxaana ka mida: a) Soomaalidu ganacsiga ugu badan waxay la leeyihiin dalalka carbeed, dadkuna cidda ay la macaamilayaan afkeeda si gaara ayay ugu baahanyihiin, b) ardayda ugu badan ee dibadda wax ka barata waxay wax ku bartaan dalalka carbeed, sida: Suudaan, Masar, Yaman, Sucuudiga, Suuriya, Urdun iyo dalalka Khaliijka, ardaydaasina waxay si gaara ugu baahanyihiin af carabiga. Waliba dalalka carbeed waxay ardayda Soomaaliyeed siiyaan waxbarasho lacag la’aan ah.

Dastuurka Soomaaliyeed iyo carabnimada

Dhalashada aynu ka hadalnay ka sokow Soomaali waxay ka mid tahay jaamacadda carabta, luqada carabiguna waxay u tahay luqad rasmi ah, carabta iyo muslimiinta kalena dal carbeed bay u yaqaanaan, ulana dhaqmaan. Haddaba aynu is weydiinee dadka carabnimada soomaaliyeed ama luqada carabiga afka ku balaqsiinaya hadday iska indha-saabeen diinta, dhalashada, taariikhda, afka, masaalixda iyo mawqifka shacabka ee ku midaysan carabnimada iyo doorashada luqada carabiga maxay isaga indha-tirayaan dastuurka soomaaliyeed ee ay ku caddahay carabnimada shacabka soomaaliyeed iyo inay luqada carabigu dalka iyo dadka u tahay luqad rasmi ah?. Maxayse la arki la’yihiin ictiraafka beesha caalamka ee ay booskii diinta Alle dhigeen?. Mise dastuurka iyo mawqifka beesha caalamku qiime ma leh hadday danta soomaaliyeed ku jirto, markii lagu dhibaataynayase waa muqaddas?.

Carab iyo af carabigu ma ajnabibaa?

Haddaynu isla meeldhignay xiriirka ka dhexeeya islaamnimada iyo af carabiga, aynu aragnay sida dadkeenu u jecelyahay wax kasta iyo cid walba oo xiriir la leh islaaminmada, isla markaana ay inoo caddaatay abtirka carbeed ee Soomaali ku midaysantahay iyo waxyaabaha kale ee isu haya shacabka Soomaaliyeed iyo shucuubta kale ee carbeed, sida: taariikhda, deegaanka iyo masaalixda, ka dibna aynu isla qirnay in Soomaalidu tahay dal carbeed oo xubin ka ah jaamacadda carabta, aadanuhuna isku raacsanyahay, afka carbeedna dalka iyo dadka u yahay luqad rasmi ah, haddaynu intaas oo dhan is la fahamnay waxay ila tahay in aan la oran karin carabtu waa ajnabi ama af carabigu waa luqad ajnabi ah; erayga ajnabi wuxuu la macne yahay: shisheeye, qofkuna abtirkiisa ama afka awoowayaashiis kama noqon karo shisheeye.

Haddii cuqdadaas laga biskooday waxaynu qormada qaybteeda dambe ku eegi doonnaa (haddii Alle idmo) shubhooyinka ay ragga ka buka carabnimada iyo carabigu gaashaanka uga dhigtaan duullaankooda.

Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com

Kaydka Maqaalladii hore ee Qoraaga: http://somalitalk.com/tag/alwaqaar/

——————

[1] ) Shirkii Eldoret rag baa shirkii ka kacay markii laga diiday in Talyaaniga lagu daro luqadaha rasmigaa ee dalka!.
[2] ) Masjidka jaamica ee Baydhabo ayaan salaad jamce ka dib ka istaagay, markaasaan jamaacadii ku iri: sow carab ma ahain?. Waxay dheheen: haa. Haddana waxaan ku iri: afkeena iyo kan reer abtigeen kee ina xiga?. Waxay iigu jawaabeen: keenaa ina xiga. Waaxaan ku iri: haddaba ogaada af soomaaligu lahjadduu doono ha noqdee waa afkii reer abtigeen, carabiguna waa afkii reer adeerkeen.
[3] ) waxaa la ii sheegay inuu xilligii kacaanka yimid magaalada Buurtinle wafdi uu hoggaaminayo nin reer woqooyi ah, ka dibna uu dadweynihii u sheegay inay soomaalidu Kushiti tahay. Ka dibna oday baa weydiiyey: oo adeer xaggaynu Kushitiga ka galnaa, xaggeese isagu galaa?. Ka dibna ninkii madaxda ahaa laftiisii ayay malaha carabnimadii qaadayoo wuxuu yiri: oo miyaan garanaynaa waxaa uun bay noo sheegeene?!.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

9 Jawaabood " Carabta iyo af carabigu ma ajnabibaa? (qeybta 1aad) | Alwaqaar "

  1. Assalaamu Calaykum…

    Sheekhow mahadsanid fikirkaaga lakin waxaad mooddaa in arrinku kaa sirgaxday, somali sinnaba sinji ulama wadaagto carab iyadoo dhan walba laga eegayo.

    Dhanka geneska ama sinjiga: somali sinnaba uguma eka carab.

    Dhanka luqaddana: haba sheegin somali carabi kuma hadasho kuma jirno qowmiyadaha carabiga ku hadla.

    Dhanka dhaqankana: aad baynu ugu kala duwanahay inkastoo ay jirto dhaqamo aan wadaagno.

    Hadaba ujeedadu waxa waaye inaysan soomali sina ugu ekayn carab noqonkarina carab, kabo naga waaweyn oo aan ku kufayno inaynu gashano maahan, yaynaan noqon DAWACADII TEEDII KA TAGTAYNA TII NABIGANA AAN GAARIN, waxaan ula dan leeyahay inaan ka tagno dhaqankeena iyo afkeena iyo sinjigeena oo aan tiigsano meel aynaan gaari karin taas waxay sababaysaa inaan noqono qoom lumiya sinjigooda, dhabtii Siyaad Barre wuu ku qaldanaa maalintii uu nagu daray qowmiyadda Carabta, waxayna ahayd siyaasad maahee ee saan filayo dhab kamay ahayn, waayo af carabiga kuma hadalno, bal eeg Eretria waxay si sax ah ugu hadlaan carabiga mana aha carab kamana maqal inay carab sheeganayaan. bal ka warran anagoon carabiga ku hadlin inta wax baratay maahee kuwaasoo bulshadaba ka ah percentage aad u yar.

    Gunaanadkii, anigu ma qabo inaan sinjigeena madowga ah ee afrikaanka ah ka tagno oo aan carab sheegano, inkastoo aan nahay dad muslim sunni ah ay diintu ay soo gaartay xilli aysan gaarin carab badan, taasna waan ku faanayaa, lakin kuma faanayo inaan carab ahay, dhabtii waan ku qoslaa kuwa dhaba reer banii haashim baan galnaa, xitaa qolada aan ka dhashay baa dhahda saas, oo aalabayt baaban noqon lahayne hadaan nahay haashimiyiin nabiga la ilma adeer ah kkkkkkk.

    Ha loo dhugamaysto wararka aan tixraaca lahayn ee nagu dhejinaya ummad aanba na rabin, dhabtii waxaan noqonay waxar dhexda uu waraabe ku cunay, afrikaankiina waan yasnay oo madow iyo san weyni baan ku yasnay, carabna gaari weynay oo iyagiiba nama doonayaan, hadaba aan la saaxiibno ummaddii aan godobta ka gelnay balse aan ku sinjiga nahay ee afrikaanka ah iyagaan isu egnahaye.

    Mahadsanidiin
    Nadifa C/Xaliim

  2. Salaan Iga gudoomaba Bahweynta Soomaaliyeed ee Somalitalk.
    Haa, afka carabigu waa af ay umad kale ku hadlaan.Anaga soomaal baa nala yiraahdaa. Af iyo dhaqan gooniya baan leenahey. ummad muslim ah baan nahey, Afka carabigu ma ahan hadalkii Eebbe.Quraanka kariimka ah waxaa lagu soo dejiyey ummad aan hadda ka hor oraahda iyo waxyigga Ilaahey uu san soo gaarin oo carab saxaare deggen jaahilina ah, si ay u fahmaan Rasuulka(SCS) iyo Risaaladiisa. Afka Soomaaligu waa muqaddas, u baahan in la ilaaliyo. Nabbi Allow Nin Walba Afkiis Kugu Amaan. Afka caribigu waa in uu san ka duwaneyn afafka kale.

  3. Murshid says:

    Soomaalidu waa muslimiin, se carab ma aha.

    Qodobka hore, ee ah in af carabigu muhiim u yahay fahamka iyo barashada diinta waan kugu raacsanahay. Waliba waxaan markhaati kaaga ahay, inuu jiro dadaal iyo olele xooggan, oo ummadda soomaaliyeed lagaga fogaynayo afka carabiga, taasoo yoolkeeduna yahay, inaysan diinta fahmin ama ka fogaadaan.

    Qodobka labaad, ee ah in soomaalidu carab tahay, kugu ma raacsani laba sababoodba: afka iyo dhiigga(genes).

    Dhanka afka marka wax lagu qiyaaso, ee qaab cilmiyaysan loo daraaseeyo, adduunka oo idil waxaa hadda ka jira ilaa 6000(lix kun) oo af. Wayna is kala xigxigaan. Matalan af carabiga wuxuu qaraabo la yahay afafka hebrooga(yuhuudda), tigreega iyo amxaariga – waxaana la isku dhahaa semetic. Anigu carabiga waan ku hadlaa, amxaarigana waan jajabsadsaa. Waxaana aad u sahlan, inaad aragtid xidhiidhka qaraabanimo, ee ka dhexeeya carabiga iyo amxaariga.

    Soomaaligana waxaa lagu tiriyaa, inuu qaraabo la yahay afafka oromada iyo canfarta – iyaga waxaa la isku dhahaa kushitics. Soomaali waaban ahay, aadna waa ugu dadaalaa inaan u barto, waxaanan aad u akhriyaa suugaanta soomaliga oo hodan ah, lagana baran karo afka ka sokow dhaqanka soomaaliga. Sidaas si la mid ah ayaan afka oromoda woxogaa bowsi ah ka bartay, qaamuus oromo ahna waan hayn jiray. Waxaana sidoo kale aad u sahlan in la arko qaraabanimada soomaaliga iyo oromada. Waliba canfarigana naftiisana, sida tirada iyo dhowr eray oon ka bartay aadbay soomaliga isu shabbahaan.

    Dhanka dhiigga ama dhalashada marka lagu miizaamana, soomaalidu dhiig ahaan, waji iyo qaabka dhisamaha jidhkaba waxay aad u shabbahaan shucuubta oromada iyo canfarta: oday ama gabadh soomaali aad moodaysid, haddaad joogtid Jabuuti ama aad Diridaba joogtid waxaa laga yaabaa inay canfar ama oromo kugu noqdaan.

    Dhanka ab-tiriska, qaab cilmiyaysan haddii loo baadho, saddexdii facba(jiil/generation) waxaa da’ ahaan lagu qiyaasaa 100 sano, celicelis 30 sano inuu aabbuhu ka waynyahay wiilkiisa. Taas haddii laga tix raacana waxaa kuu soo baxaysa, in tirada abyaalka aynu tirsannaa, ay ka yartahay da’da Islaamka. Taasoo macneheedu yahay, in soomaalidu Islaamka ka danbaysay.

    Anigu markaan qaababkaas oo dhan ku qiyaaso waxaa ii soo baxaysa, in aysan soomaalidu carab ahayn, laakiin markii Islaamku soo gaadhay ka dib ay qaateen magacyo carabi ah, iyagoo ka tagaya kuwii soomaaliga ahaa.Wxayana la taas la qabaan ummadaha kale ee cajamta ahi markay Islaameen. Soomaalida carabta sheegatana(Daarood + Isaaq) ab-tiriskoodu wuxuu ku dhammaadaa magacyo carbeed, sida Sh. Isxaaq/Ismaaciil-Jabarti(labadubana waa cajam).

    Daliil waxaan uga dhigayaa, in soomaalidu tahay ummad aan carab ahayn, laba aayadood, oo Qur’aan ah: Mid Alle wuxuu inoogu sheegay, in Nabi Aadam uu baray magacyada iyo afafka jira oo dhan dadka, midna wuxuu Alle(s.w.) inoogu sheegay, inuu dadka ka dhigay shucuub iyo qabaa’illo kala duwan, si aynu isu(kala) garanno. Waana xigmad Rabbaani ah in la is kala garto, haddii dadku hal ummad oo isku af, midab iyo qabiil ah innaga dhigana, waa la isku walaaqmi lahaa. Innagu waxaynu ka dhanbalnay(koobiyayanay) farsamadaas Alle, inaynu guryeheenna adressyo u kala samaysanno, xooleheennana summado.

    Nabigu(s.c.w.) wuxuu yidhi: carabnimadu ma aha dhiig(qowm), ee waa afka, ninkii carabiga bartaana waa carab.

    Qof walba oo muslim ah waxaan ku boorrinayaa, inuu barto af carabiga, dadkana baro hadduu awoodo. Waayo fahamka diinta, oo uu laf dhabar u yahay ka sokow, wuxuu ummadda soomaaliyeed u leeyahay faa’iidooyin aan la soo koobi karin. Ha noqoto dhaqan ama dhaqaale intaba.

  4. najma says:

    anigu waxaan arkaa somaalida qaarkood inay carabta ku qarwaan waayo ayagoo madow aan meel carab uga suurad ekayn ayay carab u waasheen allee xaal ha asturo. mida kale ethiopian baynu carabta uga eeknahay ee maxaan uga khashaafna muslim waan nahay laakiin carab farac inooma galin markaa runta halaysku sheego.

  5. daacad says:

    Sheekh waad mahadsan tahay qoraaladada wanaagsan ee aad mar walba soo dirto, laakiin arinkii carabnimada waxna waa kugu raacsanahay waxna kugu raacsane:

    Tan hore waan ku raacsanahay in carabiga uu yahay luqadii diinteena xaniifka, tii nabigeena SCW waana lagama marmaan in aan barano, bal waxaan qabaa ama raacsanahay culimada leh qofka muslimka waa waajib in uu bartaa si uu diintiisa ugu fahmo, oo qof aanan diinta carabi ku baran weli waa ka ooman yahay, luqadana waa liibaanteena aduun iyo aakhiro.

    Tan ah in soomaali carab tahay ma jiro wax daliil cad oo qoran oo la og yahay qofkana waxa uu ku abtirsadaa aabihii, oo aabihiis ayuu ku nasab sheegtaa, qolada aad leeyahay waa qureesh reer haashin inoo sheeg, nin aan saaxiibo nahay ayaa igu yiri waxaan ahay ama ka soo jeedaa [Caqiil bin abiidhaalin] ka dibna waxaan arkay isaga sakadii laga xarimay reer AAL-BEEYD iska qaadanaayo oo labo canleeyaan maxaa ka dhihi lahayd ragaas? ma ku saxan yihiin in AAL-BEYD sakada iska daaqo, maadama ay sheegteen.
    teeda kale abu-jahal waa qureysh lafta geela, waana kaa Jahanamo ku aruuray, Bilaalna RC waa xabashi Ifriiqi waakaa janada ku aruuray.

    mahadsanid

  6. samaale says:

    A/C
    Sheekha waxna waa ku raasanahay,waxna kuma raacsane.
    Tan hore waan ku raacsanahay in carabiga uu yahay luqadii diinteena xaniifka waana laama marmaan in aan barano, waa liibaan aduun iyo aakhiro.
    tan ah in soomaali carab tahay ma jiro wax daliil cad oo qoran oo la og yahay qofkana waxa uu ku abtirsadaa aabihii, qolada uu leeyahay waa qureesh reer haashin ha noo sheego, kuwaasi sakada kuma waajibto wa in ay iska ilaaliyaan qaar baa waxay yiraahdeen caqiil bin abiidhaalin baanu galnaa sakadana waa labo canleeyaan maxaa ka dhihi lahayd ragaas?

  7. Bashir says:

    salaan ka dib.
    sheekh wuxuu dadaal weyn geliyay in uu qeexo in aan carab nahay , sida ka muuqatana carabnimadeena wuxuu daliil igu dhigay in aan islaam nahay , doodaan carabnimadeena waxaa badanaa xoog saara , islaamiyeenta cusub, culumadii suufiyadii hore ma isku mashquulin jirin in aan carab nahay. iskuma xirna in aan nahay islaam aan jecelnahay wax walboo islaamka la xiriira sida afka carabiga iyo dadka carabta iyo in aan nahay soomali oo aan Biologicaly carab xiriir la laheen bal aan nahay qoomiyad geeska africa ku nool oo soomali la yiraah luqadeeda tahay soomali. in aan ku doodno in aan luqada labaad ee rasmiga ah carab ka dhigano kama dhalaneeso in aan carab nahay.
    maxaa inoo diiday in aan ku faano soomali nimadeena iyo luqadeena qaaska ah ee soomaaliga ah, inagoo islaam ah sida Pakistaan , Turkiya , Iiran , Shiishaan, Bosnia. qoomiyadahaas oo dhan waa muslim , iyagoo aan carab sheegan.
    doodaan waxay garab siineysa sida ay Ethopia ku doodeysa oo ah in uusan jirin dhul soomaali ah, markaa hadii aan carab noqono dhulka wuxuu u harayaa Ethopia, waayoo dadka carabta waa dad yimid.
    aan ku faano soomaalinimadda , iyo in aan islaam noqonay xilli ay carabta xittaa madiina ay islaamnimada gaarin.
    waxaan kula talin lahaa agoonyahanadda wax ku bartay carabiga ( oo aan ugu horeeyo anniga), in aan kala saarno abtirsigeena , iyo caqiidadeena , waxa aan rumeysanah oo ah islaamka kama hor imaaneyso soomaali nimadeeda , markaa mushkilad hor leh hanagu furina oo wax sal ah laheen.hadda ayaa haynaa in nagu filan oo ah is af garan waa.
    anigoo soomali dhalad ah oo muslim ah ayaa iigaga qiima badan in aan carab sheegto si aan islaam u ahaado, yeenaan hilmaamin carab badan oo gaalo ah in ay jiraan oo af carabiga iyo dhalashada carbeed la wadaaga carabta muslimka ah .
    iskuma xirna islaam nimada iyo carabnimada.
    Mahadsanidiin

  8. naciimo says:

    aa shiikha suaasha uu na weydiiyay oo ah carab ma ajnabiyaa haa waa sax waa ajnabi mudan in la kontoroolo waliba wadanka laga saaro maxaa yeelay sacuudi waa ogtahay in wadankeeda ee ka soo tarxiisho somalida liibiyana arag wadamaka carabta oo dhanwaaa saas lkn gaaalada ingiriis fiiri yurub sida ee usoo dhaweeyaan somalida timaado wadankooda marka shiiqow al shabaab iska cadeeso ha qarsanin hana ka xishoonw axa aatahay qolada webkaana waa in ee ka qabataa nuucaaga ooo kale si dadka loo mar habaabin

  9. digeed says:

    ASALAAMU CALAYKUM…ALLE haku xafido,sheekhunaa,xaqiiqada ayaad indhaha kariday oo aan ujeedo waad abaartay halkii loo baahnaa oo runtaad ku eedaantay.inkasta oo aanan anigu kamid ahayn dhalinyarada af-carabiga kuhadasha ama jaaniska uheshay in ay barato haddana niyadda ayaan kala socdaa,dee diintana waan kumarsadaa oo marna kama maarmee bal waa in aan gunta dhiisha isaga dhigaa sidaan,waddo usaari lahaa luuqaddan naxariistu kuladhan tahay. tan iyo intaan garaadsaday waxaa idaashatay luuqadda ingiriiska oo aanu dugsiyada sare kudhiganaa. weliba halka ay luuqadda ingiriiska iga heshay waa dalkayga hooyo. dugsiyada sare waaba sharci siday qabaan qolyaha how are you-da nagu dawakhiyey.laakiin labadaba kama maarmee waa in aan isku wadaa. yaa sheekhunaa c.samad maqaaladaadu aadbay umug weyn yihiin waxaana kuladhan falsafad aad usaraysa oo uu xitaa jaahilku kufahmi karaayo. sheekha markuu leeyahay teena alyacni luuqaddeena ama ta abtiyaasheen waxaan xusuustay maalin uu macalinka history-ga dugsiga sare noo dhiga uu sharxaayey asalka soomaalida ayuu kutilmaamay soomaalidu in ay carab yihiin,wuxuuna daliil cad usoo qaatay qaabka soomaalida sinji ahaan ay tahay,oo uu yidhi:”adeer masidaasaad uqor-qornaan lahaydeen,haday daan ahayn carab”wuxuu sii raaciyey “hooyadiin ayaa afrikaan ahayd laakiin aabbihii waa carab”..markaa sheekha yaan laqariibsan, maqaalku waa muhiim loona baahan yahay in la muujiyo wixii madmadow soo galo…sheekhunaa waxaan sugaaba waa qaybteeda labaad.. alle haku xafido aduun iyo aakhiraba..