Home » Faallo »

Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (1) | W/Q. Muxamad Idris Axmad

((Maaha Riwaayad beena ee waa sheeka dhaba oo dhacday. Qofka ay qisadu ku socoto waa mid ka mida kumanyaal Soomaaliya oo qaarna meelahaas ku dhinteen qaarna ilaahay sabata bixiyey.Waxyaabaha aad ku arki doonto waxaan usoo gudbiyey sida dadkii ay ku dhacday uga warameen..Waxaan ku leeyahay oo keliya waa inaan usoo gudbiyo qaab quruxsan intaan awoodo, laakiin asalkeeda aanan waxba ku kordhin.Waxaan rajaynayaa iney noqoto wax lagu cibra qaato.Laysna weydiiyo: Yaa Masuul ka ah dadkaasu iney dalkoodi ka bara kacaan, oo dariiqa geerida door bidaan?))

Magacaygu waa Cabdi. Waxaan ahay nin Soomaaliya oo dhalinyara ah. Waxaan ku dhashay gobol ka mida gobolada Geyiga Soomaaliyeed ee xorta ah Sanadku markuu ahaa 1987. Waxaad halka ka garan kartaan inaan Adduunyadan indhaha ku kala qaaday iyadoo Qarankii Soomaaliyeed naf yari ku jirto oo uu sakaraatul mawtka laxawgiisi la rafanayo. Markii aan garaadsadeyna waxaan lasoo kulmay Dal burbursan oo aan Dawladi ka jirin. Ilaa waqti dhaw waxaan u haystey – welina in badan u haystaa – in dalka aan la kulmay weligiis sidaa aan ugu imi ahaan jirey, waayo wax ka duwan ma aanan arag, iimana sawirna, wax bandanna kama maqal wixii horay u jiri jirey. Waxaan filayaa Soomaalida maanta joogta ee facayga ahi iney sidaa u badan yihiin.

Baadiyaha Gobolkayaga markaan ku dhashay waxaa lay keenay magaalada degmada ah. Aabahay wuxuu igu daray dugsi Qur’aan. Kadibna Waxaanu nimi Magaalada Muqdishu 1998 anoo toban jirsadey. Magaalada Muqdishu ee dadka waaweyn qaarkood ka sheekayaan anigu ma arag mana suuraysan karo. Wexey ila tahay aniga sidaan ugu imi iney weligeed ahayd. Magaala burbursan, xaafadaha qaarkood aan la gelin, xabbaddu ay joogta tahay, cisbitaalla aan lahayn, wadooyinka bacaad ka buuxo, qashinkuna meel walba taallooyin yahay. Iskuulada ciyaalku tagaanna waa lacag, ma fahmi karo anigu inuu jiri jirey iskuul aan lacag ahayn. Ilaahay mahaddiis iskuulna waa la I geeyey, nasiib wanaagsan ayaan arrinkaa u yeeshay, waayo walaalahay badankood iyagoo 20 ka badan nasiibkaas ma helin. Qur’aankana walaalkay ayaa I baray oo kor ayaan ka qabtay kitaabka Qur’aanka 114 ka Suuradood Ilaahay mahaddiis, sidoo kalena waxaan ku ababay inaan Masaajidka ku xirmo anoo yar.

Dhalinyara badan oo aniga ila mid ah oo xaafadda degganayd wadooyin kala duwan ayey qaadeen, haba ugu badnaadeen iney maleeshiyaad u noqdaan kooxaha dagaalama. Dagaaladii socdey waxaan ka qayb ahaa oo keliya kuwii lagaga hortegayey gumaysigii Itoobiya ee dalka kusoo duuley dabayaaqadii 2006. Waqtiyadaas ayaan aniguna dhameeyey Dugsiga Sare. Waxaan isku deyey inaan helo deeq wax barasho, laakiin iima suurta gelin, ehelkayguna ma bixin Karin mid lacaga.

Bartamihii sanadkii 2007 ayaan usoo bokhoolay dalka Suudaan anigoo wax barasho raadinaya. Haddaan imi Magaalada Khartuum waxaan mudda yar ka dib helay Jaamacad ku taal Magaalada (Qadaarif ) Laakiin waxaa aad iigu adkaatay noloshii meeshaan kasoo saari lahaa. Ehela dibadda ii jirta oo xagga masaariifta nolosha iyo waxbarashada iga soo kaalmaysana ma lahayn. Qoyskayagu wuxuu wada jiraa dalka gudihiisa. Dhawr bilood ayaan la ciirsanaa noloshii anigoo Jaamacadda ku jira, markii dambana waan wadi kari waayey.

DHLINYARADA IYO DHOOFKA

Dhalinyaradu wexey ku sheekaystaan kuna taamaan sidey dibadaha ugu dhoofi lahaayeen, gaar ahaan wadamada yurub oo annagu markaa aan u haysanno Jannadii Adduunka inaad gashay markaad cagaha soo dhigato! Wadooyinka tahriibka oo la marayana waxaa ku hilmaansiinaya markaad ku riyooto iney tahay safar yar oo rafaadba ha ahaatee raaxo ka dambayso. Waxaa kaloo dadka aad u sal kiciya, ninkii shalay meeshan kula joogey, oo gaajada kula qabey, oo bil ka dib Yurub taleefan kaaga soo diraya oo ku leh:

Hullo…Cabdi…weli ma meeshii afrika iyo kulaylkeedi ayaad joogtaa.. waxaan kaala hadlayaa Stockholm…Oslo..Geneva..Amsterdam!! markaa ayaa calooshu ku xanuuneysaa..oo Waxaad leedahay adiguna ka gaar. Midda kale dadka soo hadlayaa kuuma sheegayaan sida badan dhibaatooyinka ay lasoo kulmeen, ama wadada ay soo mareen cadaabkii yaalley..waqti uma hayaan ay kaaga sheekayn karaan si tifa tiran dadkii wadada ku dhintay, badda kuwii ku daatay, bahaluhu kuwey cuneen, iyo sida Ilaahay ku badbaadshey.. Sidaa darteed, wadadii dadku ku le’deen nafteedi ayaa kuwayaga kalena soo daba haynaa.. xitaa dhibtey la kulmeen sideedi ayaan anaguna usoo celineynaa.

Muddo haddaan hurdada ku laba gaddoomayey, talada isu geeynayey, riyada anoo hurda iyo anoo soo jeediba Yurub ku riyoonayey, waxaan go’aansadey inaan Wadada Tahriibka Cagta Saaro, Khartuumta aan joogo markaasna qorshaha ka bilaabo ilaa aan Yurub ku gaaro.

BILAWGII QORSHAHA TAHRIIBKA!

Waxaan bilaabay inaan raadiyo dadka ka shaqeeya tahriibka iyo qaababka aan arrinka ku heli karo. Waxaan soo ogaadey iney jiraan niman (Mukhalisiin) ah oo isku xiran, iyaguna kusii xiran (Maafiyo) Kala duwan oo xiriirsan ilaa iyo Suudaan, Liibiya, Xuduudaha iyo Magaalooyinka kala duwan, oo dadka halkaa ka daad gureeya, Khartuum ka qaada, xuduudaha dhaafiya, saxaaraha marsiiya, kadibna Liibiya magaalooyinkeeda waaweyn sida Bani Qaasi iyo Tripoli geeya, kadibna halkaa doon laga saaro ilaa xeebaha Talyaaniga, haddii Talyaaniga la gaarana Jannadii cagta u horraysa la saarayo! Laakiin Wadadan dheer iyo Saxaarahaan side lagu gooynayaa? Dhib ma leh, dad badan ayaa habeen iyo maalin mara, qofkii Ilaahay u qadarayna waa dhintaa, kii kalena waa gudbaa. Qof walbaana wixii Allah u qoray ayuu la kulmayaa.Dadka qaar ayaa 5 cisho ku gaara xuduuda liibiya, qaarna ilaa 7 cisho ama 10 ugu badnaan. Intaa ayaa laguu akhrinayaa marka ay ugu badantahay.

Laakiin cidina kaaga sheekayn mayso Khartuum ilaa xuduuda maxaa lala kulmaa, xagee la maraa, yaa ku wada, side laguula dhaqmayaa, heshiiska haddii lagaaga boxo ciirsi beel maxaa kuu tala ah, meel ma gaari kartaa, sahaydu hadey kaa dhamaato xagee wax ka heli kartaa, arrin aan la filanayn haddeey dhacdo side wax noqonayaan, haddii Liibya xuduudkeeda la gaaro maxaa lagala kulmaa, maafiyada tahriibku dadka side ula dhaqmaan, guryaha dadka lagu xirtay iyo dadka la kala gatay side ayey ku dhacdaa, qaabkee ku timaadaa, ma dhici kartaa in adigana lagu kala gato, dumarka in la kufsado, in sanada gurya lagu haysto amaba la kaxaysto oo la addoonsado. Waxaas oo dhan wax laga sheekayey si tafaasiil ah maahan. Sidaas darteed qofka wey la fududahay marka la yiraahdo: Waa tahriib, dhibaatooyin ayaa lala kulmaa, qofkii Ilaahay u qoroayna waa ku dhintaa, mar walba naftu mar ayey go’I lahayd, wuxuu is oranayaa: Hade awalba dhib iney tahay waad usoo diyaar garowdey ee ku nasiibso.

Asbuuc walba waxaa baxaya boqollaal, isla wadadii iyo dhibkii ayey marayaan, kan dambena kan hore war kama hayo, xitaa meel heblaaya iska jira, oo maafiyada dadka gadata halkaasey joogaane ka digtoonaada, oo meel heblaaya haddii gaari kaaga jabo, harraad ayaa loogu dhintaaye ogaada, wax haba yaraatee wacyigelin ahi ma jirto.

SHABAKADA LUGTA LA GAL!

Sidaas ayaan aniguna isugu soo tuuray wadada cadaabka iyo geerida ee Saxaaraha liibiya. Shabakada maafiyada tahriibintu waa Soomaali iyo Suudaan iyo Chad/Libyaan, isku xiran. Ragga madaxda ka ah shabakadaha waa badan yihiin. Laakiin qaar waaweyn ayaa ugu caansan, iyaguna wexey leeyihiin (mukhalisiin) (out reach) dadka usoo daba. Waxaa ku jira Soomaali xawaaladaha meelahaas (dadka) laga ganacsado jooga oo lacagaha u qabta maafiyada tahriibka, kuwaas oo macaamilkoodu kala duwan yahay, qaar aad moodeyso inaaney insaanba ahayn, wuxuushtana ka daran yihiin, naxariis darada, cadaabta iyo cadaadiska ay ku hayaan dadka la kala gadanayo.

HESHIISKA HORE

Khartoum 20/5/2008

Mid ka mida raga wax tahriibiya, kuwa ugu waaweyn Khartuum, oo Soomaali ah, oo nin Odaya ah, ayaa la ii geeyey. Wuxuu yiri: Adeer ma waxaad u baahantahay in Liibiya lagu geeyo? Waxaan ugu jawaabay: Haa adeer. Wuxuu yiri: Guri ayaa lagu geenayaa ilaa bixitaanka waqtigiisa. Waa guri u kireysan oo dadka tahriibaya lagu aruursho inta aaney bixin. Waa (Departure Lounge)! Waad cabbeysaa waad cuneysaa inta aad ka bexeyso, asbuuc walbana waxaa baxa koox. Lacagta lagaa qaadayo ilaa xuduuda Libya waa 500$ ilaa 600$. Dadka meeshaan lagu soo ururshey qaar ayaa (Mukhalisku) kasoo daayey xabsiyada Suudaan, si ay usii tahriibaan.

Dadka halkaa ku urursan wexey ka kooban yihiin rag iyo dumarba. Hay ahaanna wexey Wexey kasoo jeedaan Gobolada Waqooyi iyo Koonfur. Bariga shishe cidi kagama jirto. Intii walba oo isku cida ama isku gobola ama beela waa isku jicsin iyo isku fadhi. Waxaa loo sameeyaa, hoggaan qola walba lagala hadlo. Wexey isugu jiraan, mooryaan dagaaladii sokeeyey ama hoggaamiye kooxeedyadii u ahaan jirtey maleeshiyo, dad dhawrsan, dad faalka dhiga, dad tukada ama qur’aanka yaqaan. Luqada carabiga inta taqaan ama tacliinta lihi wey ku yartahay. Waxaan filayaa gruupkayga aniga ayaa Turjumaan u noqon doona.

Khartoom ilaa Baadiyaha – Bilawgii Safarta

Saacaddii la bixi lahaa ayaa soo dhowaatey, dadkuna lacagtii wey baxsheen. Waxaanu nahay 76 qof oo Soomaali ah, 9 ayaa dumara inta kalena (67) waa rag. Dumarka mid keliya ayaa la qabaa oo ninkeedii la socdaa. Caruur kooxda yada lama socoto. Dumarka oo da’doodu wexey u dhexeysaa 20 -30. Waa habla dhalinyara ah. Hal dumara ayaad moodaa iney da’aadda 40ka ku dhex jirto. Raggu waa wada dhalinyaro. Aniga oo hadda 20 jira iyo aynigayga. Wax 30ka gaarey wey ku yar yihiin. Ninka na tahriibinaya waa nin xariifa, Suudaanna ilaa xukuumadda si weyn looga yaqaan. Askarta iyo Saldhigyada dadka jooga oo dhammi wey yaqaananaan. Baabkiisa lama geli karo. Haddaad xisaabto lacagaha tahriibka waxaad ka xisaabisaa tusaale ahaan:  76 qof X 500$ = 38000 $. Asbuuciiba 50 ilaa 100 ayaa sidaa u baxaya. Waxaa ka dhex shaqeeysta sil salad isku xiraan ilaa Tripoli Liibya. Laakiin dhibka aanaan ogeyn markaas oo gadaal nooga soo baxay waxa weeye, MUHARIB KASTA markuu gacanta kugu dhigo lacag cusub ayuu kaa rabaa, haddii kale meel ayuu kugu xiranayaa mana ka bexeysid ilaa aad bixiso! Sida xoolaha oo kale ayaa markaa naloo kala gadanayey sida aad arki doonto.

FUULA GAARIGA!

Habeenkii saq dhexe ayaa nala toosiyey, gaari caasiya ayaa nala kusoo guray ilaa nala keeno magaalada bannaankeeda, halkaas oo nala ku ururshey. Kadibna waxaa nala ku guray Gaari Loori ah oo weyn dhabarkiisa anagoo kaba loodsan. Meel naloo wado iyo dhinac adduun naga jiro ma naqaan. Rag iyo Dumar gaariga ayaa nalagu cayayuubay. Xagee naloo wadaa?

FEKER!

Gaarigu wadaduu cagta saaray, kadib markuu na sagootiyey (Atoorihii) tahriibka, dhinaca Khartuum, dabayla xagaa ayaa na garaacaya gaariga korkiisA, gidaarka dhigaha gaariga ayaan ku tiirsanahay, fekerka ayaa xoogaa I jiitey, waxaan is weydiiyey: Maxaa qadartu kuu qarineysaa oo kaa horreeya? Ilaa yurub side xaal noqon doonaa? Wadankee u gudbi doontaa? Shaqada aan heli doono, iyo reerkayagii oo aan qaarna baadiyi uga soo kacay qaarna Muqdisha oo dagaalla ka socdaan uga imi, sideen wax u tari doonaa..Waxaan xasuustay hooyaday oo aan kasoo dhaqaaqay iyadoo ii baahan, aabahay oo da’ sii noqonayey oo tuuladii mar walba intuu salaadda casar ka istaago dhahaya: Muslimow faataxada iisoo mara wiil aa iga maqane inuu ilaahay nabad ku geeyo.

Waxaan is maskaxdayda soo hormartay ardayda Suudaantaa oo dhulkooda ku nool, Dawladda haysta, Jaamacadda la siinayo, haba dhibbanaadaan laakiin fursooyin aanan haysan heli kara. Waxaan is iri: Adinka yaa dalkiini idiin diidey inaad ku noolaataan, inaad waalidiintiin la joogtaan, eheladiina ku dhex jirtaan. Yaa idin baday inaad qaxooti iyo Tahriib ahaataan, silican iyo saxariirkan martaan? Fekerkaas dheer anoo ku jira, gaariguna hawada cabbaayo, wadooyin qardajeexa oo aan dad iyo duunyo u dhoweyn marayo, ayaan ku soo baraarugay, iyadoo la leeyahay, subaxnimadii, kasoo dega, halkan ayaad degeysaan. Meeshu waa dhul cidla ah, geeda yar oo gaa gaaban ayaa ku yaal, ciid ayey u badantahay. Halkii ayaa la yiri ku data. Gaarigiina waa tegey. Hal nin oo dameer haysta ayaa meesha jooga, oo biyaha kusoo dhaamiya. Wax kale ma yaalaan.

AKHRI Q.2aad: https://somalitalk.com/tag/idris/

W/Q. Muxamad Idris Axmad
hayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Socdaalkii Geerida Soomaaliya ilaa Yurub (1) | W/Q. Muxamad Idris Axmad "

  1. digeed says:

    ASALAAMU CALAYKUM..Runtii waa sheeko naxdin leh,allow sahal umuuraha ,,,tolow qaybaha danbe muxuu sheekhu soo qori,qalbigayga ayaaba lasocday,sheekadan oo anoo faallada akhrinaya ayaanba tegay oo aan gaadhiga inankii lasaarnaa,waxaana kuwarhelay markii aan dhameeyey,.. cajiib!!allow somaaliya usahal iyo dadkeedaba,wadankeenana noo islaaxi,kii sababta unoqon lahaa in dhibaatadan lagabaxana rabbow noo sakhir..sheekhuna wuu mahadsan yahay iyo bahda somalitalk.com

  2. abdiweli says:

    asc
    runtii waa sheeko aad u macaan
    sheekheenana aad ayaan oogu mahadcelinayaa
    runtii waxa uu kamid yahay wadaadada fara ku tiriska eh ee somalida ee wadaadnimada mufakirnimo ku darsaday had jerna u taagan in ay dadkooda dhinackasta ka wacyi galinayaa
    mar labaad ayaan sheekha u mahadcelinayaa

    ogu danbeyn waxaan leeyahay ninkii tahriib ku fakaraya ku waano qaado tan ww