Home » Warar »

Ceelbuh oo ka Tirsan Sanaag ayaa Hay’adda Al-Manhal ka qoday Ceel Biyo Macaan leh

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelbuh oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka socotey ceel qodid ay wadey Shirkada Furaat ee ceelasha qoda isla makaana ay maal gelisey hay’ada kheyriga ah ee Almanhal ayaa waay shegayaan in guul laga gaarey.

Halkan ka daawo sawirada ceelka

Degmada Ceelbuh oo ay hore uga qodnaayeen 2 ceel oo aad u tayo yaraa ayaa waxaa ay dadweynaha ku dhaqan magaalada Sheegeen in ceelkani u daboolo doono baahida loo qabey ceel biyood kale iyadoo ay sanadihii lasoo dhaafey ay biyo yareeyeen ceelashii hore ee magaalada ka cabi jireen.

Ceelkan cusub oo ay qodeyso shirkada ceelal qodista ee Furaat oo masuulkeeda 1aad uu yahay Ganacsade Maxamuud Faarax Bile[Xaaji Cumbul] ayaa sidoo kale kaabin doono xoolaha Degmada iyadoo degmadu ay xarun u tahey xoolo dhaqato aad u tiro badan isla markaana marka la gaaro xiliyada abaaraha xoolohoodu ku le’daan haraad.

Shacabka Magaalada Ceelbuh ayaa soo dhaweeyay dadaalka Ceelka Loogu qoday iyaga oo u Mahad celiyay Hay’adda Al-Manhal, Kumanaan Ruux oo Reer Ceelbuh ayaa u soo baxay Meesha Ceelka Macaan laga qoday kuwaasi oo ay ka Muuqatay Hididiilo Farxadeed.

Dadka Taariikhda Kooba ayaa sheegaya in ilaa sanadkii 1960- ay tahay Markii Kowaad oo Magaalada Ceelbuh Ceel Biyo Macaan leh laga qodo, Horay ayaa Loogu Guulaysan waayay wax badan in Ceel Macaan magaalada laga qodo, Hase ahaatee Hay’adda Al-Manhal oo Ilaahay Kaashanaysay ayaa Guul ka Gaadhay Ceelkaasi.

Waxaa kaloo xusid mudan in bilihii lasoo dhaafey ay degmada ka da’een roobab lixaadleh isla markaana berkadaha magaalada si fiican u buuxshey iyadoo taasina ay dadka deegaanku ka haqab tiri doonto jiilaalka ama kuleylaha fooda inagu soo haya.

Waxaa sidaas oo kale xusid mudan in Hay’ada Almanhal ee fadhigeedu yahay Kuwait ay hawlo biyo qodis ah ka wadey Gobolka iyadoo hore Carmale iyo Hadaaftimo biyo qodis ka sameysey isla markaana ay ku intifaaceen shacabka deegaanadaas iyo kuwa ku dhow dhow ku dhaqan.

Hay’adda Al-Manhal ayaa Horay Horumar Baaxadle Uga Samaysay Degmooyin badan sida Iskuulka ay Badhan ka dhistay, Cisbitaalka Degmada Dhahar iyo waliba Ceelasha.

Al-Manhal Lama soo Koobi karo Horumarka dhanka Bulshada ay u qabtay wayna soo wadidoontaa Dadaalkeeda ay ku doonayso inay Bulshada ku Gaadhsiiso.

Tan markii ay dhacaday Dawladii dhexe ee Somaliya dalka ayaa Noqday mid Kala Guur iyo Bur Bur uu ka dhacay hase ahaatee Hay’addo badan oo Islaami ah ayaa Somaliya Ka wada Dadaal dheeraad ah oo ay dadka wax Ugu qabanayaan sida Hay’adda Al-Manhal ee Fadhigeedu Yahay Dalka Kuwait.

Jaama Feyte
Feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Ceelbuh oo ka Tirsan Sanaag ayaa Hay’adda Al-Manhal ka qoday Ceel Biyo Macaan leh "

  1. Abu Axmed says:

    asw
    aad iyo aad ayay umahad santahay hayada samafalka manhal oo waxqabad balaadhan ka wada somalia waxaa la odhan karaa waa hayada ugu wax qabadka badan waxa somalia jooga alle ha garab galo dedaala umadana waa umadiinii ee meel walba ugu taga

  2. shaafici says:

    Almanhal jazakumu alaah khayr, aad bay ugu mahad san yihiin, i’d like to go ceelbuh in the near future and i’d like see the well insha allaah. some of my extended family still live in ceelbuh. God bless Ceelbuh.

  3. ass wr wb waa hawl kudayasho mudan oo kheyri ah,waxaan ilaahey uga baryaa inta sadaqeysatey hantida lagu qodey ceelka inuu uga dhigo sadaqo jaariya,intii kashaqeyseyna ajar iyo xasanaad uu kasiiyo, ganacsatada soomaaliyeedna kuwii ku daydo dadka ahlu kheyrka ah allaah haka dhigo, allaahumma aamiin aamiin aamiin.

  4. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Asantum SOMALITALK, waakaa maqaalada leydinka doonnayo in aad Ummadda u soo gudbisaan, kaasoo aan filayo in uu yahay mid wax gal ah ee dadka wax u taraya, aad baan idinkuna mahad celinayaa, gaar ahaan goraaga maqaalkan oo leeyahay waxaad tahay qof wadani ah ee dadkiisa u danqanaya, maqaaladaada waa in ay ahaadaan kuwan oo kale oo runtii maanta Ummadda aad ugu oomantahay in wax la tarro, waxaan idin rajeynayaa howl wacan iyo mar kastaba in aad badisaan maqaalada dadka manfaca u ah ee aad yareysaan maqaalada Kariikada ku saleysan noocuu doonno ha ahaadeen, waan idin hambalyeynayaa.

    ALLAA MAHADLEH