Home » Warar »

Dr. Raabeh: Nimanka Soomaaliya madaxda ka noqonaya, Geeska waxa ka dhacaya war kama hayaan, marka lagu daro Shariif

WARAYSI: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo waraysi siiyey SomaliTalk uu kaga hadlay madaxda Soomaalida, taariikhda geeska, Muqdisho iyo Alshabaab.

Dhegeyso Dr. Raabeh(mp3) ama Halkan ka dhegeyso

“Soomaaliya xal waa leedahay, xalkeeduna waa in aan oday la caabudin ee loo laabto Allah oo la iska daayo shirkiga,” ayuu yiri Dr. Cumar Cusmaan Raabehoo waraysiga siiyey SomaliTalk.com isagoo ku sugan caasumadda Jabuti ee dalka Jabuuti.

“Intaa waxbaa la qabanayaa ayaa la leeyahay, wax la qabanayo lama arko, balse xaaladdu waa sii xumaanaysaa, dad iyo duunyona waa la sii hoobanayaa, ummadda Soomaaliyeed wixii ay qaniimo lahayna dad iyo duunyoba waa la sii bililiqaysanayaa, oo waa la quranayaa”

“Ninku haddii uu qabiili yahay da’da uu doono ha ahaato, wuxuu doono ha haysto, jaamacadda uu doono haka soo baxa, waxaan xisaabiyey in uu la caqli lahay inan yar oo 12 jir ah,” ayuu yiri.

“Shirkii ugu wanaagsanaa oo soomaali loo qabto waxa uu haa kii jabuuti (2000), kaasin awaa socon waayey, waayo C/qaasim waxa uu u haytey xabashida oo waxaan oo dhan ka dambaysay in laga soo ducaysto iyagii ayuu u tegey, nimanka Soomaaliya madaxda ka noqonaya, geeska waxa ka dhacaya war kama hayaan, including marka lagu daro Shariif, wax Allaha iyo wax ay war uga hayaan waxa dhulkan ka dhacay war uma hayaan oo weli socda oo xabashi weli daba socoto,” ayuu yiri Dr. Raabeh

Halkaan ka dhegeyso Waraysiga (q.1aad).

Sidoo kale halkan ka dhegeyso Q.2aad

“Dadka Soomaaliyeed wixii wanaagooda ahaa ayey naceen oo waxay jeclaadeen wixii xumaantooda ahaa. Marka ay toobad keenaan waxaa u soo noqonaya nuurkii” ayuu u sheegay Maxamed Allman oo waraysiga qaaday.

Halkan ka dhegeyso Hordhaca Allman.

Waxa kale oo uu aad uga hadlay taariikhda lala damacsanaa Soomaaliya iyo sida uu muddo dheer uga hadlayey oo uu mar hore buug ka qoray.

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh waxa uu ku xeel dheeraaday Qabyaaladda iyo khasaaraha ay u keentay Soomaaliya, waxa kale uu ka hadlay qabqalayaasha dagaalku sida aysan marnaba dawlad u dhisi karin. Isagoo si gaar ah uga hadlay Qabqalayaasha, Muqdisho iyo Alshabaab oo uu yiri “Kuwa Xamar joogana caqli darradooda waxay moodeen dawlad oo dhan inta la iska celiyo in ay lacaag weligoodba haysanayaa oo millioneer noqonayaan oo aanay cashuur bixinayn oo aan waxba la weydiinayn, oo ay sidaas ku noolaan doonaan. Habaarkii C/qaasim ayaa ku dhacay, C/qaasim waxa uu yiri dawlad Soomaaliyeed oo fiican baad diideen tu ka naanaasidaan ayaa idiin imaan doonta , waa tii Allah Xabashida u keenay, imminkana Shabaab. Shabaabkuna waa ganaax Soomaalida. Waa Ganaax. Sow Kitaabku ma yiraahdo waxaan idinku cadaabaynaa gacmahiina, waad arki doontaan wey tigi doonaan markay Soomaali dhameeyaan, iyagun ama joogi doonaan way tegayaan, laakiin Ilaahay wuu ku salliday, waa caro Allah oo ku dhacday Soomaali.”

Halkaan ka dhegeyso Waraysiga Dr. Raabeh.(1aad)

Qaybta 2aad Halkan ka dhegeyso

Dr. Raabeh oo ah Madaxa Culuunta iyo Istaatiijiyada dalka Jabuuti waxa uu ka afeeftay in uusan ku hadlayn Positionkiisa balse uu soo bandhigayo aragtidiisa gaarka, waxana uu yiri: “Halkan waxaan ku cabirayaa fikirkayga gaarka ah iyo waayo araagayga arrimaha Soomaaliyeed intii aan kusoo dhexjirey soddomeeyo (30 sano) oo cilmi baaris iyo u kuurgal dhacdooyinka Soomaaliya ka socda, sidaas ayaan u sheegayaa mowqifkaayga gaarka ah, waa mowqifkayga shakhsiga ah, baare iyoo nin waddani ah oo Soomaaliyeed, sida ay ila tahay iyo sidaan u arko aragtidayda, taas ayaan ka hadlayaa, MA CABBIRAYO POSTION-KAYGA maanta Waxaan cabbirayaa ARAGTIDAYDA GAARKA ah ee anigu aan u arko.”

Waxaa waraysiga qaaday Maxamed Allman, SomaliTalk.com Jabuuti


April 2005: Waraysigii Dr. Cumar Cusmaan Raabeh ay SomaliTalk la yeelatay sannadkii 2005 ka dhagayso halkan  http://www.somaliatalk.com/raabeh/raabeh.html

Soomaalay, ma laga yaabaa in sidan laynala damacsanyahay? Akhri http://www.somalitalk.com/2007/abdullahi/spanish.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dr. Raabeh: Nimanka Soomaaliya madaxda ka noqonaya, Geeska waxa ka dhacaya war kama hayaan, marka lagu daro Shariif "

  1. Wiilmudug says:

    Dhibanow horta cadaaladu waxey kaso fusha ilahay iyo cidi ku xiran aniga ila 1969 xiligan konfurta dulmi aya igu haystay shaqsi ahaantayda waxa laga yaaba in kacanki ad jano u aragtay lakin family gaygi aabahay bu ka rebay inti kale asaga laayay marka waligeda la isdulminahayay xalna majiro ila ebe lo noqdo runti

  2. alaso says:

    waa runtiis raabi meesha wax xalaal ah iskuguma imaan

  3. asc

    Waxaan eheen dadka laga badnaa ee degan somaliya,20 sano baan kujirnay maquunis iyo baad iyo bililiqo.Wixii aan leheen waxaa nagu gumeysan jiray somali kale.

    Mark hada laga joogo sanad(2008-03-01) waxaa nalagu wareejiyay hantideeni oo naga maqneed 20 sano kudhawaad.hantidaas oo dad aan maalin kasta arki jirnay haysteen.

    Waxaa noo soo celiyay dadkaan(SHABAAB) uu DR.RAABAH uu leeyahay waa GANAAX loosoo diray somalia.Dabcan waa fikirkiisa,laakiin ani waxaan leeyahay waa CADAALAD uu ilaahey usoo diray somalia.Maxaa yeelay wax aan filineynin oo aan ka sabarnay ayaa nalasiiyay.

    Aniga waxaan cabbiraayaa oo kaliya wax qabadkoodi,damacooda iyo siyaasaddooda ilaah ayaan udaayay.laakiin annaga iyo dad badan oo nala mid ah waan ku liibaannay.

    Marka,waxaan jeclaan lahaa Dr.RAABEH in uu dhinaca wanaagane sheega,insha allah.Dr.Raabeh waan jeclahay,waa oday wax badan dhibka somalida ku habsaday ka dhiidhiyay,sida soo galitaankii ethiopia.

    Dariskeenii sh/hoose (Buulo mareer)ee aan dariska eheen oo faqiirka ahaa hada ayigaa dad wax bixiya,alxamdulillah.

    Marka,Dr:ka wax yar xaqiiqda hataabta oo wanaagane hasheega.

    mahadsanidiin
    asc
    maxamud