Home » Warar »

Lecture ku saabsan xalinta khilaafaadka oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal ee L/caanood

Waxa maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Nugaal University ee Laascaanood lecture ku saabsan habka xalinta khilaafaadka (Conflict resolution) waxana soo jeediyay Dr. Cabdi Axmed Nuur(Cabdi Gurey) oo wax ka dhiga Jaamacadda Hargeysa isla markaana shahaadada labaad ee jaamacadeed (master degree of political science and history) culuumta taariikhda iyo siyaasadda ku soo bartay waddanka Rusia sidoo kalena training officer ka ah hay’adda cilmi baadhidda ee nabadda iyo maamul wanaagga (forum for peace and good governance) oo ka shaqaysa magaalada Hargeysa sidoo kalena ka soo shaqeeyay machadka life and peace oo ka jira magaalada Hargeysa.

Halkan ka daawo sawirada

Ugu horrayn waxa lagu furay aayadaha qur’aanka kariimka ah iyo wacdi kooban, ka dibna waxaa hadalka qaatay G/xigeenka Jaamacadda Dr. C/naasir Maxamed Barre (Abu_Sheybe) oo ka hadlay muhiimadda uu mawduucani u leeyahay caalamka iyo gobolkanba loona baahan yahay in lagu dabakho raadinta xalka deegaankan iyo guud ahaanba caalamka ka dibna wuxuu ku soo dhaweeyay hadalka Dr.Cabdi Axmed Nuur ( Gurey) ayaa guda gulay lecture ka wuxuuna dr. ku sheegay sababta uu keentay inuu ka jeediyo maanta lecture kan ku saabsan habka xalinta khilaafaadka maanta maadaama caalamku intiisa badan uu ka taagan yahay khilaaf wararka warbaahintuna u badan yahay warar ka sheekaynaya khilaaf sidoo kalena dhulkan laftiisa uu ka taagan yahay khilaafyo wuxuuna soo qaatay dhawr qodob oo kala ahaa:

Waxyaabaha sababa khilaafaadka
1. Afkaar kala duwan
2. Dano iska soo hor jeeda
3. Faqri
4. Isgaadhsiin xumo
5. Isfaham la’aan
6. Qabyaalad, eex
7. Cadaawad iyo isu awood sheegasho
8. Kala shaki
9. Kal telisnimo
10. Cuqdad
11. Fara gelin
12. Maarayn xumo
13. Xisaabtan la,aan oo banyaal ah (lack of transparency and accountability)
14. Xalaalnimo la’aan iyo cadaalad la’aan

Astaamaha lagu garto inuu khilaaf jiro

1. Deganaan la’aan
2. Is aaminid la’aan
3. Baqdin
4. Farxad la’aan
5. Iska hor imaad
6. Qoysaska oo kala luma
7. Nacayb iyo cadho

Waa maxay khilaaf

Khilaaf waa xaalad aan caadi ahayn halkaasoo qayb ama ka badan arkaan inay leeyihiin dano iska hor imanaya.

Hadaba, lecture ka oo dheeraa oo aanu ka soo qaadanay nuxurkii lecture ka ayaa lecturer Dr. Cabdi Guray ku guubaabiyay ardaydii qaadatay inay ka faa’idaystaan casharkan isla markaana ku dabakhaan khilaafaadka had iyo goor ku yimaaddo mujtamaca. Iyadoo lecure ku quseeyay mandiqaddan haatan la joogo oo khilaafkeedu badan yahay taasna ay dalbayso in si dhug leh loo fahmo habkee ugu habboon ee loo xalin karo khilaafaadka isla markaana la fahmo xididada dhibta iyo waxa keenay ka dibna la keeno taladii xalka.

Si kastaba ha ahaatee, lecture kii ayaa ahaa mid ay dhamaan ardaydii iyo ka soo qayb galayaashuba u riyaaqeen kuna farxeen wuxuuna ku dhamaatay lecture kii si habsami iyo hanaan wanaagsan ku salaysnaa.

Fiiro gaar ah: Sawirada dib ayaan idiin ka soo gudbin doonaa inshaa allaah.

Subeyr Cismaan Idiris
Laascaanood
Subeyr1425@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Lecture ku saabsan xalinta khilaafaadka oo lagu qabtay Jaamacadda Nugaal ee L/caanood "

  1. mohamed says:

    Dear Nugal Senate,

    I am happy to hear this excellent lecture presented by the famous somali scholar Dr. Abdi-guray who gave his expensive time in presenting this lecture to nugal university students especially this lecture he choose is realy touching at the heart of the current situation in the area.

    Thank you, let us go ahead.

    Viva Nugal university