Home » Badda, Warar »

Shirka Istanbul oo Looga Hadli doono in Dhul-Badeedka Soomaaliya uusan lahayn xad cabiran – Arrintaas oo la mid ah tii ay shacabku ka dhiidhiyeen

 … iyo Walad Cabdalla oo si Jees-Jees ah uga Jawaabay eedayntii ay u soo jeediyeen 300 Xildhibaanada Soomaaliya (Video)..

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Axmed Walad Cabdalla, oo dhawaan la cabmaareeyey, islamarkaasna in uu iscasilo ay weydiisteen xildhibaano baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu ka badan tahay 300 xildhibaan, ayaa waxa uu Arbacadii 12 May 2010 ganafka kudhuftay eedaymahaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo ay iska qorteen websiteyo. “Lama tashado websiteyada, marka laga reebo mar-mar website-kaaga,” ayuu u sheegay Matthew Russell Lee oo ka socday InnerCityPress.. (AKHRI)

Inta aynaan u gudbin warbixintaas oo ay qortay InnerCiryPress, waxaa muhiim ah in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan in shirka 21-23 May 2010 lagu qabanayo Istanbuul Turkiga ee looga hadli doona arrimaha Soomaalida in qodobada looga hadli doono ay ka mid tahay “In badda Soomaaliya aysan lahayn aag ganacsi oo calaamadsan.” Sida ku cad qoraal hordhac ah (DRAFT) oo ka mid ah barnaamijyada looga hadli doono shirkaas. WARBIXINADAAS HALKANKA AKHRI

Warbixinta oo dhammaystiran ka akhri Halkan

 https://somalitalk.com/2009/may/13/badda122.html

Akhri: https://somalitalk.com/2009/may/13/badda122.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shirka Istanbul oo Looga Hadli doono in Dhul-Badeedka Soomaaliya uusan lahayn xad cabiran – Arrintaas oo la mid ah tii ay shacabku ka dhiidhiyeen "

  1. A.abanur .hadii aad uu aragto in maalin kasto dadka la laayo oo madaafiic lagu garaaco in ay wanaagtahay oo hadana aadba leedahay waa in ninka saas yeelayo shan sano oo kale haloo kordhiyo waa caqli xumo adiga kuu taalo.

  2. run ahaantii aniga waan ku wareeray soomlidii ila laheeyd wadanka somalia.mida koowaaad war wadankaan waan wada leenahay oo nin nin ka xiga ma jiro mida labaad waa maxay ragaan inta mareeykan iyo westigu mar walba noo soo juujuumaan la leeayahay madaxweeyne kumeel gaar oo hadana wada shilin doonka ah,war xagee shillinka aad somalia ka xado ugu raaxeeysan,ilen dhulkaaga ayaa raaxada dhabta ah iyo xornimada saxda ah yaalaane war wuxu maskax yaraa ma malaay baa?war am sick of this all plz somaliyey america iyo eeygooda AKA ethiopia in ay noo taliyaan ma xakh baaoo maanta uu adis joogo faroole,bari kii waqooyi so called somaliland bari danbe sheekh shariifyo war waxaa nalag xukumaa adisababa ma xqbaa soomaliyeey in wasiiradeena laga soo magacaabo adisabababa,awalba ayagaa soo dhisay plankan sidii ay u soo dhiseen jabhadihii SSDF SNM USC weeyna gaareen meeshii ay nala rabeen oo aheey kala qeeybi una tali, ayagaana isu neceb maanta somali land VS puntland somaliland VS SOMLIYA la isma tusi karo ayaga ,wollaahi waa dauun gadoon war anagaa wallaalo ah soomaali wada ah miyeeydan ogeen in aan dadkaan kale oo aduunka ku nool iska xigno oo wada dhalanay oo aan naloo kala fiirineeyn waa reer hebel oo la leeyahay waa soomali dadkaa,war aan isjeclaano ogaanana in aan nahay familly ama qoys ahl wada ah aana waligeen dhulkaan wada lahaaneeyno aana ku wada noolaan doono marka waxaa nagu qasab muqadas ah in aan heshiinosi aan u wada noolaano oo aabn cadwgeena meel uga soo wada jeesano coz uma jeedno cadowga saxda ah ee anagaa isu cadow ah…proud to b somali,peace

  3. kamaal says:

    A.Abanur….Aduunka waxaan ka codsanayaa in sheekh xaraan tageeraan Adeer ..Wadanka ma unka ayaa leh mise somali?adeer sheekh xaraan wadanka haka saaro nimankaan soo shaqada tagay ee madoow …

    A.abanur.hadaad mooday in wadanka xoog laguugu qaban karo wadamo badan oo xoog lagu haysto waa badan yihiin ruufinaanimadaada qoraalkaga ayaan ka gartay inaad tahya nin isku haysta in somali xoog laguugu qaban karo.

    Munaafuq aan ogolayn inuu somali wax la qaybsado ayaa tahay oo jecel inuu ku dhuunto unka gadaashiisa….somali waxay noqotay states ama gobol gobol hadaad gobolkaaga xaarka ku cunto shaqadeena maha lakiin dowlad fedelral ah oo unka wardiyeeyaan xaaran ayay ka tahay inaad ku qaraabato…

    A.Abanur…somali way kala baxday gobolkaaga ku matag lakiin iska daa magaca somaliyeed eed ku qaraabanayso…maskaxdaada mataga ka sameesan dib ugu noqo somaliland miyuu xukumaa ninkaan afka biijada leh…waa maya …mise punland ayuu xukumaa waa maya…waxa keliya ee uu aduunka kaga tuugsadaa waa gobolada aan maamulka laheen..

    Hadaad aduunka rabtaan inaad magac somaliyeed oo aan jirin aad aduunka kaga tuugsanaysan waxaa halkaa ka cad inaad tahay munaaquf ka faa’idaysanaya civil warka…markaan aqriyo qoraalkaaga matag ayaa i qabtay sababtoo ah waxaad tahay fulay aan somali geed la soo fariisan karin oo munaafuq ah kana faa’idaysta waxa loo yaqaano argagaxiso oo ah magac ay ku qarabtaan munaafiqiinta adiga oo kale ah iyo xaraankaan biijada leh ee diyaarada unka ka dhex cuna caanabooraha ay qaxootiga u kala qaado.

    Diyaardaha unka iska raaca adiga iyo numankaan madmadoow ee calooshood u shaqaystayaalka ah adina waxaad tahay calooshiis u shaqayste somali ah …lakiin wax kale oo aad tahay ma leh…..adna inaad wax tahay ayaad is moodaa….ogow inaad tahay calooshiis u shaqayste somali ah.

  4. yonis says:

    Waxaan qabaa in lagu khasaaray doorashaddii la doortay sheikh shariif . Xag militari iyo xag siyaasadeed labadaba wuu ku fashilmay. wuxuu ku soo koobmay labo kilomitir . wakhti dambe yaan la isaga dhumin .

  5. A. Abanur says:

    ASCWW,

    Salaan ka dib, shirka ka dhici doonna magaalada Istanbuul waa shir go’aanno dhaxalgal ah ee Soomaalida dan u ah ka soo bixi doonna, shacbiga Soomaaliyeed waa in ay ku kalsoonaadaan Hoggaanka dalka ee hadda talada haya, kuna taageeraan dowladdooda dadaalka ay ugu jirto dib u soo celinta Sharaftii iyo karaamadii uu dalka lahaan jiray, waa in Soomaalida waxgaradka ah ku baraarujiyaan Shacabka masaakiinta ah ee muddada dheer Beenta loo soo sheegi jiray sidii ay ugu bixi lahaayeen xalada ay maanta ku sugan yihiin, dowladdan hadda jirta, gaar ahaan Hoggaanka sare ee daowladda Midnimada Qaranka Soomaaliyeed idinma soo mari doonto mar dambe haddii aad Taageeri weysaan, waayo waa tan keliya ee aan aaminsanahay in dhibka ka saari karto Ummadda Soomaaliyeed, taasoo aan filayo kuwa Fidnawadayaasha aysan doonneyn in ay waajibkeeda gudato, iskuna dayaya sidii ay u burburin lahaayeen, ayagoo soo maraya dhinac kasta, sidaa darteed, waa in aanan dheg jalaq loo siin kuwaasi oo aan filayo Ummada Soomaaliyeed ee xalaasha ah in wada garanayaan, beesha caalamka iyo UNka waxaan ku baraarujinayaa in ay Hiil iyo Hooba ay siiyaan hoggaamiyaha Dowladda Soomaaliyeed ee SHEEKH SHARIIF SHEEKH AXMED, kuna dadaalaan sidii dib dambe muddo 5 (shan) sanno kale looga dooran lahaa in uu wado Hoggaanka dalka, ayadoo aan aaminsanahay in uu yahay shakhsi Alle u soo diray Ummaddaan dhibka ku sugan ee Soomaaliyeed ee Guddaha iyo Dibadda dalka ku sugan, haddii taa la waayo ogaada Soomaaliyey iyo Caalamkaba in la waayi doonno Dalka Soomaaliyeed.

    Wabillaahi Towfiiq