Home » Warar »

Somalida Minnesota oo taageertay Musharax-nimada Prof-Faarax Daahir Sheikh Noor ee jagada State Superintendent of California

Jaaliayadda Soomaaliyeed ee Minnesota oo si wacan usoo dhawaysay Musharaxa.

Maalintii axada oo ay taariikhduna ahayd 02/May/2010 ayaa waxaa boqolaal dad ah oo ka mida Soomalida gobolka Minnesota ku nooli ay isugu yimaadeen siaan horey loo arag xarunta Braint Colle Community Center, si ay utaageeraan musharaxan oo isagu u sharaxan jagada State Superintendent of California oo u dhiganta wasiirka waxbarshada ee gobalka California. Musharaxa oo imanka ah Board member of Panorama City oo ku taal Loss Angeles County, California ayaa isagu horay ugu guuleystay sadex doorasho oo ay tii ugu danbeysay dhacaday sanadkii 2007 bishii Sagaalaad ayaa xiligan usharaxan doorashada jagada Satate Superintendent of California oo dhici doonta bisha June/2010.

Halkan ka daawo sawiradii soo dhaweyntii Minneapolis

Musharaxa ayaa soo dhaweyn iyo waliba taageero aan horey loo arag kala kulmay Soomalida reer Minnesota waxayna u agaasimeen maalintii axada aheyd xaflad funreesin ama ah taageero dhaqaalo ah. Xafladan oo ay kasoo qeyb galeen kana hadleen dad iyagu magac kuleh bulshada dhexdeed qaas ahaan dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo howl wadeeno qeybo kale oo bulshada ka mida ah ayaa waxaa ka mid ahaa:Porf Siciid Saalax, Dr Cismaan Xaraare, Mudane A abgaaloow, Mudane Saleebaan Dhoodi, Culumo iyo Waliba Haween fara badan oo iyagu dhamaantood qudbooyin ku aadan munaasabadan ka jeediyey intee ay socotay munaasabadan oo qaadatay mudo ilaa shan saacadood ah.

Musharaxa Pro, Faarax Daahir Sh Noor aya isagu halkaa ka jeediyey qudbad aad qiima badan kuna muujieye musharaxnimadiisa isagoo waliba ka hadlay taariikhdiisa aqooneed, waxbarasho iyo waliba wax qabad intuu uu ahaa board memberka Panorama City LA county iyo ka horba. Waxa aad ugu nuux nuux saday waxqbadka uu damacsanyahay iyo qorshihiisa kobcinta waxbarashada gobalka California hadii ku guulaysto doorashada. Ugu danbeyntii waxa uu umahad celiyey dhamaan dadkii kasoo qeybgalay madasha

Xafladan ayaa aheyd oo mid si aad ah loo soo agaasimay, dadkii boqolaalka ahaa ee ka soo qeyb galay oo isugu rag, haween iyo waliba qoysas caruurahooda wata ayaa marka laga yimaado taageerada musharaxa, noqotay mid taariiqi ah oo ay isugu yimaadaan dad iyaga ubadan Somali Americans iyo waliba shaqsiga kaliya ee ku fadhiya kursi loo dooratay dalkan Mareykanka oo ay dhalashadiisu ay ka soo jeedo dalka soomaliya. Munaasbadan ayaa sidoo kale waxay dhalinyaro farabadan oo kamida ah ardayda wax ka barata dalkan min heer hoose ama aasaasiga ilaa heer jamaacadeed unoqotay cashar lama ilaawaan ah tusaalaysayna ama ku dhiiri galaysay jiilkan inay dalkan wax ku leeyhihiin ayna beri toole xaq uleeyihiin inay ku hamiyaan oo ay u istaagaan una tartamaan doorashooyinka dalkan mustaqbalka.

Waxaa mahadi haka gaartee agaasimka iyo qaban qaabada xafladan ka qeyb qaatay dad iyagu aad ufarabadan oo magacyadooda aan lasoo koobi waxaase xusid mudan ashaqaastan oo iyagu dadaal dheeri ah muujiyey.

1-Luul Maxmud falaago 2- Nadiifo sh-aadan Faarax 3- Xaawo Digriyow 4-Aniso Xirsi Carab 5- Timiro Warsame Saalax 6- Hindo Cuamr Jirac 7- Xaliimo sh-faarax aadan 8- Guleed Bashiir Xabiib Sh Nuur 9-Cabdulqaadir Warsame Diyo-miyo 10- Nabadoon Axamed sh aadan 11-Mudane Yuusuf Axmad Beyle 12-Ismaciil Jamhuriya 13-Mudane Axmed Xaaji Maxmuud [gaa gaale]
14-Maxamed Qani 15-Abdiraxman Qalif Saciid 16-Beyle Xasan Awsaciid 17- Cabdulkarim Xirsi Carab 18-Nasro Maxamed Xarare 19-Xasan dayuur 20- Qalid Maxamed Aydiid oo isagu amniga meesha gacanta ku hayey iyo waliba dadkale aan lasoo koobi karin.

Halkan ka daawo sawiradii soo dhaweyntii Minneapolis

WQ: Abdulkarim Xirsi Warsame
Minneapolis, Minnesota.
AbdulkarimWarsame@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Somalida Minnesota oo taageertay Musharax-nimada Prof-Faarax Daahir Sheikh Noor ee jagada State Superintendent of California "

  1. ASC

    Anigo kuhadlaayo magaca dadka kunool magaalada marka ee gabalak shabeelaha hoose waxaan aad ugu faraxa sanahay ninkaan soomaalida waxaan kurajaynayaa guul