Home » Warar »

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaaladda Mombasa oo Qalabka wax lagu nadiifo gudoonsiiyay Duqa Magaaladda Mombasa.

(Mombasa):-Magaalada Mombasa ee Caasimada labaad ee dalka Kenya ayaa waxa lagu qabtay mashruuc nadaafadeed isla markaasna lagu moojinayay in ay somalidu kaalin wayn ku lee dahay arimaha bulshada ee dalka Kenya.

Halkan ka daawo sawirada
 
Mashruucaan oo ay fulintiisa fududeeyeen Gudiga Hormaritna Soomaalida ku dhaqan Mombasa isla markaasna ay  soo qaban qaabeeyeen jamciyda Dhalinyarada ee marka magaceedo la soo gaabiyo loo yaqaan YOKESO  ayaa waxaa uu ka dhacay suuqa ugu wayn ee magaalada Mombasa ee loo yaqaan Marketi
Jaaliyada Soomaalida iyo ururka YOKESO ayaa iska gaashaday howshan sidii ay u hir gali laheyd iyadoo ay Suuqa Maarkiiti ee Magaaladda Mombasa ay ka qaadeen Qashin badan .
 
Waxaa ka soo qayb galay howl nadaafadeedkan Duqa magalada Mombasda Axmed Muhdaar iyo waliba dhamaan Masuuliyiinta gudiga Hormarinta Soomaalida ku dhaqan gobolka xeebta iyo sidoo kale masuuliyiinta jamciydaa YOKESO xafiiskeeda magaalada Mombasa.
Duqa magaaladda Mombasa Ahmed Muhdaar oo hadal kooban saxaafada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Soomaalida ay tahay dadkii ugu horeeyay ee howshan bilaaba iyadoo Mombasa ay daganyihiin Qoomiyado kala duwan.


 
Mashruucaan ayaa waxaa laga bilaabay hareereeha suuqa Khutaarta iyo kan hilibka iyadoona sidoo kale  lagu sii faafiyay kan dharka  waxaana ka soo qayb kalay dad wayne aad u fara badan oo isugu jira kuwa ganasada ah iyo dhalinyarada somalida ah ee magaaladda Mombasa
 
Gudoomiyaha ciyaaraha u qaabilsan soomaalida ku dhaqan mombasa Macalim Axmed Qanyare oo ka mid ah dadka gacanta wayn ka gaystay howlgalkana ayaa waxaa uu amaan u jeediyay dhalinyarada ciyaaraha ee magaalada Mombasa oo kaalin wayn ka qaatay howshaan nadaafada .
 
Gudoomiyaha Jicmiyada YOKESO laanteeda Mombasa C./risaaq Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la ogaado mar kasta ahmiyada ay nadaafadu u lee dahay da’d waynaha isla markaasna ay qayb wayn ka tahay diinta islaamku wax yaabaha ay dadka farayso.
 
Gudoomiyaha Gudiga Hormarinta soomalida ku dhaqan Mombasa Mohamed Ibrahim ayaa isaguna waxaa uu ku dhiiri galiyay ganacsada suuqa Marketi ee magaalada Mombadsa in ay ku dadaalaan had iyo goorba in ay ka dhigaan suuqa mid nadiif ah loogana daydo arintaas.
 
Mohamed Ibrahim Gudoomiyaha Gudiga hormarinta somalida ku dhaqan mombasa ayaa waxaa uu ku wareejiyay dowlada Hoose magaalada Mombasa ku dhawaad 20 gaari gacan oo loogu tala galay in lagu nadiifiyo qaybah uu ka kooban yahay suuqa magaalada Mombadsa
Mashruucan Nadaafada ah ayaa imanaya kadib markii ay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sameestay Maamul iyo Gudi ay ku mideesanyihiin iyadoo haatan magaaladda Mombasa uu ka socdo koob ay isku soo duba rideen Soomaalida looguna magac daray Madaxwaynihii Ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya Allaha u naraxariistee Aadan Cadde.
 
Mohamed Abdi Bootaan
Mombasa,Kenya
 
Botaan1@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.