Home » Warar »

Xerada Kakuma: Warbixin iyo Soo gaba-gabayn Card badalkii ka soconayey xerada

Raashinka qofku leeyahay waa: Sadex kiilo oo bur ah, kiilo digir ah, kiilo boorash ah,  sedex kiilo oo ugaali ah, saliid rubac ah iyo furka caagada shanta litir ah oo cusbo / milix ah…

Galab nimadii Taladada bishuna ay tahay 20-04-010 waxa soo gaba gaboobay Card badalkii ka soconayey Xerada kaakuma oo bilowday bisha 16 keedii ayaa waxa uu ku dhacay si nabad ah ayadoo ay shaqeynayeen dhamaan shaqaalaha hay’ada cuntada aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabsho looyaqaan WFP, in kastoo ay jireen layman aad u dhaadheer aadna ku dalaysid, taas ay jogeen horjoogayaan ka socda Dowlada kenya lagana baqayey in ay rabshado ka dhashaan dad ka oo ahaa mid aad u tiro badnaa.

Hay’ada Cuntada Aduunka WPF oo gacanta ku haysa Amniga iyo Cunto qaybinta ayaa waxa siwada jir ah u shaqaynayey Security WFP iyo Ciidamada Booliska ee Kenya ayadoo kowdii bishan ay ka dhaceen Xerada Xarar dheer rabshado ka bilowday isku dhac ka yimid Ciidamada Booliska kenya isla markaasna ay dhalisay rabshadahaas qasaaro ay ka mid tahay dhalinyaro badan oo soo garay dhawacyo iyo in la gubay gaari ay lahayeen ciidamada Booliska isla markaasna la bililaqaystay dukaamo dhowr ah taas oo maal mahaan ay dowlada u dirtay ciidamo baara waxa sababay rabshadahaan qasaaraha watay, laakinse tiro koobkaan oo laga foojisanaa in ay ka dhacaan wax rabshado ah ayaa waxa uu ku dhamaaday si dagan.

Sawirka Muuqaalka xerada

Card badalka ayaa waxa uu ahaa mid laymanka safka ay dherayeen, markii aad sii qaadatid xogaa yar oo ah raashinka ay qaybiso hay’ada WFP oo qofka uu leeyahay Sadex kiilo oo bur ah, kiilo digir ah, kiilo boorash ah, sedex kiilo oo ugaali ah, saliid rubax ah iyo Furka cagada shanta litir ah oo cusbo/milix ah, kadib waxad sii galaysa fayl dhib badan oo lagaaqadayo Cardkii hore luguna siinayo Card cusub meesha lugu bixinayo ayaa waxa ay aheyd Teendho laba mitir ah dad kuna waxa ay ahayeen boqolaalo fayl dheer ku jira, ugu yaraan waxa ay kugu qadanaysa in ka badan afar saac in aad kaar kaaga aad ku gulaysatid badaladiisa

xeerada ayaa waxa ay la ciiraysa dad aad u tiro badan oo u yimid card badal balse waxa buux samay Tigid ka loo goosonayo Magalada Nairobi ayadoo lugu balaminayo laba maal mood ka dib, dad kale ayaa waxa ay raacayaan gawari goos goos ah oo sii maraya magalooyin kale, jawiga Xerada ayaa waxaa uu ahaa mid iska qabowba marka laga reebo Maalintii ugu dabaysay ee Card badalka oo ay jirtay Cirid aad u kulul kugu dhib ah in aad istaagtid Banaanka.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee xerada ayaa ah mid aad u xowli badan, waxa ku soo kordhay xerada Kakuma Gawaarida looyaqaan tax kaas oo aysan lahaan jirin balse hada loo ugolaaday, waxad arkaysa Dukaamo waaween markaad gudahooda gashid aad milicsatid aad soo xasuusanaysid kuwii ku yaalay magalada Nairobi qaasatan xaafada Islii, ganacsiga ayaa waxa gacanta ku haya dad Somalida ah, ayadoo ay hada yihiin qoomiyada ugu tirada badan xeradaan.

Xerada waxa ay leedahay adeega caafimaadka ayadoo ku yalaaan isbitaal weyn iyo meelo lugula socda bukaanka waxana ka shaqeya Ambulance gadiid ka dagdaga caafimaadka, waxa ay dadku ka cabanayaan biyo xumo taas oo ay jiraan biyo xumo marar ka qaar kood aad ku arkayso xerada.

Muuqaal ahaan xerada Kakuma dad ka waxa hoy u ah guryo carshaan ah korkana ka saran yihiin teendhada ay bixiso Hay’ada UNHCR kuwa kalana waxa saran Tarniiga ay bixiso hayda NCCK walow aysan u badneen tarniiga taas oo sababtay cimilada oo ah mid aad u kulul.

Dhamaan dadka xeradaaan ayaa waxa ay rajeynayaan in ay mar uun ay oga baqooli doonaan wadamada ay ka mid yihiin Mareykanka, Australia, Canada, ayadoo xerada Kaakuma lasoo dhajiyo dadka maalinta Jimcaha ah,Jimcihii hore ee nasoo dhaafay ayaa waxa lasoo dhajiyey qoysas tiro badan ay na iskugu jiraan kuwa maraya wajiga kowaad, JVA, iyo Caafimaad, iyo kuwa kaloo duulaya dhawaan una duuli doona wadanka Mareykanka

Guud ahaan dhalinyarada Xerada ayaa waxa ay hadal hayaan ayadoo la qabanayo Koob ka kubada cagta ay qabato hay’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR asbuucaan soo socda, ayadoo xerada ay ka dhisan yihiin in kabadan labatan koxood oo markaad magacyadooda dhagaysatid aad soo saxuusanaysid kooxi ka jiray wadan ka Englishka, talyaniga, spain,french, dhalinyaro tiro badan ayaa waxaa ay igaga warameen ciyaarahooda ay ka mid yihiin Hashin, Sharmasheekh, Mistafmiracas, iyo Muqtaryare oo kakala tirsan Kooxo kala duwan ayagoo mid kasta uu rajeynayo In ay qadi doonaan kooxdooda .

Ciyarahaan waxad kala socon koontaan Website ka www.somalitalk.com hadii alle idmo sida ay u bilowdaan

 

Mohamed ALi Maslah
Kakuma Refugee Camp

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.