Home » Warar, Waraysi »

Ismaaciil Hurre Buubaa: Dowladda Norway aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ayay iga codsatay in aan kala hadlo Badda Soomaaliya

Waxana uu sheegay in Norway warqad u soo dirtay, laakiin uusan warqaddii uga jawaabin. Arrinta lagala hadlayey oo ahayd heshiis (is-afgarad) ee badda Soomaaliya….

Waraysi dhinacyo badan oo Ibraahim Da’ud  uu Nairobi kula yeeshay Ibraahim Buubaa, kana hadlaya siyaasadda Soomaya, aragtidiisa ku aadan Somaliland, aragtidiisa DFKMG & ASWJ, doonyaha sida sharci darrada uga kalluumaysta badda Soomaaliya iyo in lala xisaabtamo cidda ka dambaysay qorshahii heshiiskii Is-fahamka ee badda Soomaaliya:

Halkan ka soo rogo (mp3) ama halkan ka dhegeyso

………..

April 7, 2009 oo hadda laga joogo Mudo sanad ah ayay Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya ku kalla sixiixdeen magaaladda Nairobi heshiis loogu Magac daray “heshiiska is-afgarad”.

Haddaba, SomaliTalk.com si ay arrintaas wax uga ogaato waxaan waraysi Magaaladda Nairobi kula yeelatay Ismaciil Moxamuud Hure “Buubaa” oo Soomaaliya ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda sanadihii 2000-2002 xilligii Dowladii Carta oo uu Madadxwayne C/qasim Salaad Hassan sidoo kalle waxa uu Xilka Wasiirka Arrimaha Dibada sanadkii 2006-2007 xilligii uu Madaxwayne C/laahi Yusuf dalka Soomaaliya uu ka ahaa Madaxwaynaha DFKMG.

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Somalia.

Somalitalk.com ayaa ugu horeentii Mudane Ismaaciil Hure Buubaa wax ka waydiisay sida uu u arkayay Heshiiska is afgarad ay Dowladda KMG laga gashay Dowladda Kenya Mudane Ismaaciil Hure oo arrintaas ka jawaabnaya waxa uu yiri:- “Is Afgaradlkas looma baahneen, markii aan wasiirka ahaane waa la igu soo qaaday waxaan ku iri wax dhibaato ah oo Kenya na dhaxyaal ma jiraan, waana la garanayaa xuduudka iyo sida caalamiyan loo jeexo, dhibaatada waxa ay tahay Is afgarad ayaan heshiis ka galeeynaa, haddi aad aqbashana heshiis is garad ah meesha waxaa imanaya Khilaaf”

Heshiis in Dowladda Kenya lala saxiixdo maloo baahnaa?!

Dr. C/casiis Sheikh Yuusuf oo ahaa Wasiirkii Caafimaadka dowladii TFG-da ee uu Madaxwaynaha ka ahaa C/laahi Yusuf Axmed ayaa waraysi ay la yeelatay somalitalk.com uu ku sheegay in “(2005) waxay dawladdaasi (Kenya) isku dayday in ay wada hadal furaan ku saabsan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Soomaaliya oo ah xagga badda, markaa iyada si “hints” ah (guud-mar) ama wax xoogaa weydiin ah ayaa markii hore hadalku nagu soo gaaray, kabacdina si rasmi ah.”

Somalitalk.com ayaa mar kalle waydiisay Mudane Ismaaciil in loo baahnaa heshiiskan in lala galo dowladda Kenya iyo in khilaaf weyn oo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya oo dhanka Badda ah waxa uuna ku jawaabay sidan

“Wax khilaaf dhul ah oo Kenya iyo Somalia u dhaxeeya ma jirin, labada dowlad waa in la isku soo dhaweyaa, wixii dhacay waa la ogyahay, labado wadan oo daris ah ayanu nahay, meshii haddii tuhun la soo galiyay arritnaasna dhibaato ayay keeneysaa, Somalida Geeska Africa ku nool dadka ugu horeeya waa Somalida reer Kenya taasi waxa keenaya habdhaqanka wanagsan ee Kenya ka jira, in la soo celiyo dhibaatadii hore arrin fiican maahan, is afgaradkana waxa uu keenaya is afgaran waaa.”

Xiriirka Dowladda Norway ay la yeelatay Mudane Ismaaciil Hure.!

Dowladda Norway ayaa in mudo ah dadaal ugu jirtay sidii heshiis looga heli lahaa xukuumad Soomaaliyeed, Norway waxay riyadaas u rumoowday April,2009 markii Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaaladda Nairobi,Kenya.

Hadda si arrimahan aan wax ooga ogaano ayuu Mudane Ismaaciil Hure Somalitalk.com u xaqiijiyay in Dowladda Norway ay la soo xariirtay waxa uuna yiri sedan.

“waxa la ii soo diray warqad Norway ka timid, waan la yaabay, xilliga shir Midowga Africa ooga socday Magaaladda Adis Ababa ayaan ka qeeb galayay, kama jawaabin waxana u arkayay in meesha wax laga heshiiyo aysanba meesha oolin, runtii aad ayaan ula yabay Norway iyo Doorka uu walad cabdalaha dadaalka ay bixinayan, marka dhibaatada ay dhamaato arrintaan waa in baaritaan lagu sameeyo iyadoo waliba ninka UN-ka u fadhiya oo hadana dadaal ku bixinaya waa arrin la yaab leh”

Sababta heshiiska loogu dag-dagay maxay tahay, Maxaa qaldan.?

Kahor inta aysan Dowladda Soomaaliya heshiiska Is afgaradka ah la saxiixan Dowladda Kenya ayay Somalitalk.com waxa ay dowladda Soomaaliya u gubdisay cilbaaris ay somalitalk.com sameeysay iyadoo xukuumada Shariif ooga digtay in aysan waxba saxiisin balse Dowladda Soomaaliya arrintaas way iska dhaga tirtay.

Ismaaciil hure ayay Somalitalk.com wax ka waydiisay arrimahan waxa uuna ku jawaabay sedan.

“Aragti daro iyo aqoon la’aan ayaa jirta, waxaan la yaabahay in qof Somali ah uu dhulka Somalia bixin karo ama shaki galiyo, waxaana arrinta ka danbeeya dad caqlikooda hadlayo”

Dowladda shariif.. iyo sida uu Buubaa u arko.

“waxaa jira Xadiis Nabawi ah, walaalkaa u gargaar haduu la dulmiyo iyo hadii kalaba, Dowladda sharif wax badan ayay ku gafeeysaa, isku gafeeysa dhaxdeeda, arrinta xuduudaha, badeena iyo barigeenaba Dowlad Somaliyeed oo ku dhisan rabitaanka shacabka ayaa ka hadli karta balse dowlad Kumel gaar ah waa googol xaar leeeee, jiklaafka jaarka waa in laga dheeraadaa.”

Waraysigii Ay somalitalk.com la yeelatay Mudane Ismaaciil Hure hoos ka dhegeyso:

Halkan ka soo rogo (mp3) ama halkan ka dhegeyso

Waxaa waraysiga qaaday

Ibraahim Da’ud Abdalle “Gentleman”

sayfudiin@gmail.com

Nairobi,Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Ismaaciil Hurre Buubaa: Dowladda Norway aniga oo Wasiirka Arrimaha Dibadda ah ayay iga codsatay in aan kala hadlo Badda Soomaaliya "

  1. asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabaraaktu

    aad iyo aad ayaan u farxay maalinkii aad soo qorteen in un ay ka laabatay heshiiskii badda taasna waa fadliga alle iyo websiteka somalitalk oo aan maalin ka istaagin inay si sharci ah u sawiraan oo uga hadlaan badda iyo barrigaba ayagoon cid iyo dowlad iyo qof khaas ah ijaafaynayn
    taas waa dhaxal gal badashay SYL u soo halgantay xornimada inuu Websitka somalitalk u guntado soo dhicinta badeena

    ilaah ha idinka abaal mariyo

    shiinadheere (saudi arbia khamis amshait )

  2. Amy says:

    Somalitalk waxay baal Dahab ah ka galeen , Taariikhda Halgamayaasha soomaaliya waliba kuwooda ugu qaalisan.
    Iyadoo ay soomaali kal daadsan tahay wax u hadlana aysan jirin ayaa waxaa qalinka ku duugay inay Baddii soomaaliya siiyaan wadan kale Dad isku sheegtay Ku meelgaar ,laakiin Alxamdulilaah ilaah mahadi ha gaartee Qalinka ku soo dhiciyay Somali talk ,waa kuwo aanan iloobi doonin qof kasta oo soomali ahna u qirsan yahay.

  3. Yusuf says:

    Horta Somaliyey ma ogtihiin dadkaan lagu leeyahay waa mas’uuliyiin iyo waa barlamaan iyo waa magaciisii in ay kala bar ka tirsan yihiin hay’ado ajaanib ah oo u adeegaan sidii xog lagu waxyeelleeyo uga keeni lahaayeen shacabka Somaliyeed ee ay mas’uuliyadda u hayaan, hana la yaabin warka Buubaa, wuxuu khibrad wanaagsan u leeyahay dallaalnimada iyo inta qiimaha ugu danbeeya uu ka ogaanayo oo ka soo go’ayo dhinaca kale, middaas waxaa kaloo u dheer shaqo muddo dheer uu ka hayey Sacuudi careebiya oo ah in uu xubin ka ahaa Taliska Mukhaabaraadka Sacuudiga qaybta dabagalka Ajaanibta, marka wuxuu leeyahay tababar gaar ah oo ku saabsan sida wararka loola socdo inta ay iska soo tarayaan oo la helayo biyo dhacooda kama danbeysta ah, laakiin waxaa uga sharaf badneyd in uu warka daaha ka qaado, oo uu warqad kulul ugaga jawaabo Mukhalasiinta ku dhiirraday in ay bogcaddiisa sidii falastiin ka gataan, waxaad dareemeysaa in mas’uulku ka xishoodey nimankii malaha xog hore ayey ka hayeen sida ka muuqata hab-dhaqankiisa, haseyeeshee dadku ku barte, intii aan horey kuu aqoon, waxaan kaloo dareemaynaa in uu farta ugu tilmaamay halka taladu ka go’do oo ah shariif sakiin iyo raggiisii malabsiga madnaa. !!!!!!!!!!!!!

  4. ali says:

    asc Run ahaantii Waxaan shaki ku Jiin Sida xilkaska aa ee Bahada somalitalk had iyo jeer u difaacayaan dadka iyo dalka somaliyeed inta karaankoo da ah mana aha mid amaan u baahan, waana waajib mu waadinkasta saaran oo soomaaliya aadna waa u mahad san yihiin
    hadii aan waxyar ka dhiibto fikrad, buubaa waa aadan madoobe ama shiikh shariif ama ina jengali oo kale inta meesha lajoogo waxay doonaan ayey saxeehaan waxay doonaana way dhiibaan waana waxa mesha lookeen saday sidaa darteed somalay dal dhulkiisii aad ku heshiin waydeen umalyn maayo inaad bad iyo cir badbaadin doontaan,,,

  5. daa3i says:

    Aasc wr wb … Buubaa waxa aamusiyey baa fiicnaan lahayd in la waydiiyo, iimaankana waxaa ugu daciifasan aamusnaan,

    Bahda Somalitalk aad bay ugu mahad san yihiin dadaalka ay ku jiraan

  6. Abdihakim Weehaan says:

    Somalitalk waxay baal Dahab ah ka galeen , Taariikhda Halgamayaasha soomaaliya waliba kuwooda ugu qaalisan.
    Iyadoo ay soomaali kal daadsan tahay wax u hadlana aysan jirin ayaa waxaa qalinka ku duugay inay Baddii soomaaliya siiyaan wadan kale Dad isku sheegtay Ku meelgaar ,laakiin Alxamdulilaah ilaah mahadi ha gaartee Qalinka ku soo dhiciyay Somali talk ,waa kuwo aanan iloobi doonin qof kasta oo soomali ahna u qirsan yahay.

  7. Xassan Yare says:

    Haddi aan ku billaabo warkii uu sheegay Ibrahim Buubaa oo ah:-
    Warqad baa la iisoo dirayoo Norwey ka timi oo aan la yaabay…..
    ………..warqaddii waan akhriyay kamana aanan jawaabin…………..
    Haddaba waxaa la yaab leh in Ibrahim Buubaa asagoo Wasiirkii arrimaha Dibadda ah in uu ka aamuso warqaddaas ku saabsaneyd arrinta Badda Soomaaliya oo si toos ah loogu soo hadal qaaday. Waxaanu hadda ognahay in dad badan oo Soomaaliyeed markii aay maqleen arrintaan aay waday dowladda Keenya iyo Norwey aay qeylo dhaan galeen sida
    Somalitalk iyo Ururroo badan oo Soomaaliyeed oo xattaa qarkood soo jeediyeen in lagu mudaharaado Dowladda Keenya iyo Norwey sida uu qoray Xoghayihii Safaaradda Swidhen …fiiri boggan -
    http://www.qaranka.com/dbwar/17d.html
    Haddaba Ibrahim Buubaa aragtidiisa siyaasadeed waa gaarsiinweysay in uu arrintan ishortaago.
    waxuu doorbiday in uu ka aamuso.
    Haddaba ma qumana in uu dowladda Shariifka wax ka sheego
    illan labadooduba aragtidooda siyaasadeed waxba isma dhamaane.

  8. Arintan badda somaliyeed waxay ahayd,arin ka turjumaysa dhibaatadda aqoon laantu dhibka ay keento ama leedahay. Nimanka fadaraalka sheegta waxay baylihiyeen dalka iyo dadka somaliyeed, waxa ayna inna tuseen garashadooda. Waxa ummaddda u hiiliyey ilaahay,marlabaad dadkiisa aqoonta leh oo dunidda daafeheeda jooga ooo cidiyaha ku dagaalamay, waxanna arintaa kallin libaax ka qaatay webka somalitalk oo u heelan in somali danteeda isha ku hayo inta dawlad somaliyed oo aan 4.5 iyo qabiil
    aan kudhisnayni dalka ka hir gelayso.Taariikhda ayaa qori raggi haddalka badan aan macnaha lahan isku deyey in ay heshiiskaas ku difaacan oo uu ninka ibbi layidhaa horwadeenka ka ahaa. oo horena u ahaa xili aan lafoole ku jiray macalin ardaydda u qaabilsan sawiradda iyo ciyaaraha fudud.