Home » Warar »

Walad Cabdalla: Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa. (war. Number 24)

United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)

Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimmaha Siyaasada Soomaaliya (UNPOS)

Nairobi, 19 April 2010

Asalamu calykumIgagudoma Salan diran

1. Intabadan xiliga guga oo aan filayo in uu ka dhacaayo inta badan dalaka aaddegan-tihiin, ayaa la imaanaaya inta badan rejo ku saabsan mustaqbalka. Waxaan rajeynayaa in warbixinteydan joogtada ah ee aan siinayo qurba joogta soomaliyeed in ay dhamaantiin idiin xasuusin doonto aayaha wadankiina iyo halka uu ku socdo maadaama ay jirto xooga hormar ah.

2. Hirgelinta heshiiska dowlada ay lagashay Ahlu suna waljameca, 15 Marso ayaa weli socda. Kulamo ay wada leeyihiin dhamaan dhinacyada arrintu ay khuseyso ayaa kasocda Muqdisho ayado oo doodu kusaleysantahay sidii arrimmaha nabadgelyada horay loogu dhaqaajin lahaa iyo sidii la isug dhafi lahaa ciidamada Ahlusuna waljameca {Qiyaas laba kun 2000} iyo kuwas TFG iyo sidii layskagakaashan lahaa dhinaca dowladnimada.

3. Sidaan idiin shegay bishii hore, arrintani waa talaabo aad uwanagsan oo horay loogu qaaday, dadka Soomaaliyeedna waa in ay codsadaan in hirgelinteeda sida oogu dhakhso badan. Heshiiskani waa talaabo looga soo guuraayo sideey arrimuhu horay u ahaan jireen taasooy kamid tahay {in qolo guuleysato qolane lajabiyo} hada arintu sidaa ma ahan. Go’anka Ahlu sunna waljameca ay ugu soobiirtay Dowladdakumelgarka ahi waa talabo kudhisan wadaninimo huwana sharaf waana talaabo rajagalineysa dadweynaha caadiga ah. Arrimuhu way isbedelayaan waxaana muuqdaan. Kuwa donaya in ay sii wadaan qaska ma helidoonan cudur daar kumana gabankaraan dagalka iyo qaska ay qadaan.

4. Marlabad waxaan rajeynayaa in heshiiska Ahlu suna uu yahay tusalo dhab ah oo laraaci karo dadka somaliyeedna loogabaa hanyahay in eey soo raacaan geedi socodka nabadda. Arintani waxa ay gacan kageysaneysaa wax kaqabashadaarrimaha aasaasiga ee jira sida walalaha Putland iyo Somaliland ay hada sameynayaan. Labadaas meel waxaa kajira hormar muuqda oo aygaareen ayaga uun kaligood. Dowlada fedaralka kumelgaar ka ah iyo mamulka Putland waxa ay saxiixdeen heshiis 12,April si ay isuwaa fajiyaan heshiis ay horay uguwada gareen labada dhinac Magalada Galkacyo 23.Agusto. Nuxur ahan heshiisku wuxuu kuwaa- jibinayaa labada dhinac in ay ladagalaman burcad badeeda kuna soo celiyaan sharcigga iyo kala dambeenta bariga iyo badaba arintaasoo wax tar weyn uleh dhinaca bulshada, dhaqaalaha, iyo deegaanka, wax tarkaas oo ay kamidtahay sugusti amniga iyo aburitanka shaqo

5. Somaliland, gudomiyaasha axsabta halkaasi kajira waxeey wada saxiixdeen habka ay uwada shaqeyn lahaayeen, dhaman axsaabta jirtana waxeey balan qaadeen in ay u Hogan sanaan doonaa heshiiskaasi ay wada saxiixdeen, waxaa isbuuca labaad ee May,2010 bilaaban donta bixinta kaararkii lagu codeyn lahaa. Reer Soomalilad waxa ay wali mudnaan siinayaan wadaxaajood iyo wadahadal waxana ka fogaanayaan qas iyo xasilooni darro.

6. Dhinaca amniga, waxaa la rajeynayaa in kun askari tababarkodu uu kabilawdo Ugandha bisha May, waxaana Kharashka bixinayo Uruka Midawga Yurub. Tababarkana waxa uu fursad uyahay isku dhafista qaarkamid ah ciidamada Ahllu suna waljameca iyo kuwa Dowladda. Waxa kale ee deeganada qaar u ogalaanaya in ay ciidamadooda ku dhinac tababartaan kuwa dowladda. Tababarida ciidamada nabad sugida marhore ayaa lagu qabtay wadamada dariska ah ee IGAD.Ciidamada aminiga Soomaliyeed tiradooda ilaa iyo hada wax ay gaareysaa toban kun, 10,000. Boliskuna waxa ay tiradooda gaaridoonta ilaa iyo bisha 1 July 7000 todobokun. Dhab ahaantii arimahaan waa tilabo wanagsan dowladuna waa in si dhab ah oo deg deg ay kaalmo ooga heshaa bulshada calamka si gacan loga geysto qalabaynta ciidamadaan, mushaarkoodana loo bixiyo xiliga kummel gaarka ah.

7. Habkii qoritanka dasturkuna wuxuu marayaa heer wanaagsan. Tababar aqoon kororsi ah ayaa loo furay gudigii madaxa banaanaa ee qoritaanka Dasturka, wuxuuna tababarka kadhacay Jabuti inta udhaxeysay 4 ilaa iyo 23 Marso 2010. Waxeeyna kaqeeb galayaashii ku heshiiyeen arrimo lataban karo oo horay logu dhigayo qoritanka Dasturka. Tiradda Gudigga arrimaha Dasturka waxaa laga dhigay 30, horayna waxay u aheed 15 xibnood. Wuxuuna ku heshiiyay sida uu noqonayo qaab dhismeedka Gudiga Madaxa banan ee Arrimaha Faderalka Somaliya. Xubno kamid ah Gudiga Barlamaka uqaabilsan arrimaha Dasturka iyo Gudiga madaxa banan ee qoritanka dasturka ayaa wada dhisay gudi wada jir ah ee dabagal kusameya habkii labada dhinac u wada shaqeyn lahaayeen. Waxeeyna kuwada heshiiyeey qorsho howled mideysan sida xeeladii arimohooda ugu gudbin lahaayeen warbaahinta dadweynahana latashi ula sameyn lahaayeen. Qoralka hordhaca ah ee dasturka waxaa la rajaynayaa in uu diyaar noqdo 1 July 2010 malintaas oo kubeegan naandonto kontan guuradii madax banaanida ummadda Soomaliyeed!. Dhab ahaantii, sannada 2010 waxa Uruka Midawga Africa u aqonsaday sannadii Nabdda, waana sannadii qaaradaAfrica, maadaama labatan 20 wadan oo kamid ah Africa ay udabaal dagaayaansannad guuradoodii kontonaad ee madax banaanidooda. Waxaana kamid ah wadamadaasi Beniin,Burkinafaso,Kamaroon, Ivory Cost, Madakskar,Mali, Nayjeriya, Senegal,Iyo Suddan. Inta badan wadamadani wali halgan ayeey kujiraan waana wadamo hormar sameynayo.Soomaliyana sidoo kale ayeey noqon kartaa. Waana sidaas sida aan marwalbo aan bulshada caalamku oogu celcelinayo in ayna arrimahaSoomaliya ay gacmaha kalaabanin in kastoo hadalkani uu noqday mid soo noqnoqday.

8. Dhab ahaantii waxaa la qaban doonaa Shirka kooxda laxariirka caalamigaah ee Somaliya, wuxuuna ka dhici doonaa Qahira inta udhaxeysa 21 illa iyo 22April 2010. Bulshada calamka waxaa halkaas ka joogi doona afartan dal taas oo mujinaysa taageerada ay bulshada caalamku uhayso Somaliya. Shirka waxaa marti galiyay uruka Jamacada Carabta waana fursad labad oo lagu eegayo waxii hormar ah ee Soomaliya laga sameyay waxeeyna ku heshiin doonaa sidii horay loogu sii durjin lahaa geedi socodka nabada ee Soomaliya. Aniga, dabcan, waxaan idiinka siin doonaa warbixin tafaf tiran shirkaan markuu dhamaado.

9. Waxaan kaloo jeclahay in aan wax kasheego “weerarkii” sida guud loo hadal haayay. Dowladu in muda ahba diyaar garoow weerar ayeey kujirtay si wax looga qabto arrimaha amniga ee caasimada. Weerarkani wuxuu ka koobnaa seddax arimood: dhinaca siyaasada, Aminiga, Dhaqalaha ama Shaqa abuurista. Sidaasi dartedweerarkii marhore ayuu bilaawday si is ku mar ah ayadoo tilaabo laga qaadayosadaxda waji ee aan soo shegnay. Heshiiska lala-galay Ahllu sunna Waljameca wuxuubalaarinayaa salka Dowladda: wuxuuna xambaarsanyahy iskudhafis iyo tababarid ciidamo Soomaliyeed waxaana kaalin weeyn kaciyaarayo Uruka Midawga Yurub, Qaramada Midobay iyo Uruka Midawga Africa waana uu socdaa. Igu danbeyntii arrinta laxariirta shaqa abuurista, dibu dhiska kaabayasha dhaqaalaha iyo horomarintashirkadaha gaarka, waa arrimo kamid abuurayo shaqo waana qayb ka mid ahweerarkii dowladdu ay mudoyinkaan ba shegeysay.

10. Ilaa iyo hadda, waxaan idiin soo koobay dhowr arrimood oo wax tar amawax dhisid leh. Lakiinse talaabadii ugu dambeysay ee ay qaadeen kooxa xag jirka ah ee ay ku amreen 14 Raadiyo ee ka jira Miqdisho in ay joojiyeen ciyaarta muusikada ama ay la kulmayaa ciqaab , ma aha arrin la yaraysan karo. In loo caga jugleeyo lana handado dadweynaha iyo warbaahuntu iyo hayadaha kaalmada bixiyo waa meelka dhac aan waafaqsaneen dhaqnaka Soomaaliyeed waana gef loo geysanayo xuquuqda aasaasiga ah ee bini adamka Soomaali waxaa lagu yaqaanaa laguna amaanaa in ay yihiin dad ay kuweyn tahay muusikada gabayada iyo riwaayadahaba. Intaas waxaa dheer majaajilooyinka laga baahiyo raadiyaha ayaa ah hab loogu sheego ummada Soomaaliyeed waxyaabaha kadhacaayo wadankooda. Waa cadaadiskale in ummadaSoomaaliyeed lo diido ogaansha wax yaabaha kadhacaayo hareerahooda.

11. Waxxan doonayaa in aan wax ka iraahdo dooda aan loo baahneen ee ka socota barlamaanka dhexdiisa.Doodaasi waxa ay ka leexinaysaa Dowladda, Barlamanka, iyo madaxduba in ay wax ka qabtaan arrimaha muhiimka ah iyo masuuliyada saaranba. Haddaba, waa in wakhtiga qaaliga ah ee madaxda lagu khasaarinin wax aan waxtar laheen. Waxaan rajeynaya in arirmahaan wax tarka lehee socdo ay baabi in doonaan kuwa sida xun udhaqma ee doonaya in ummada Soomaliyeed dhibaatada ku sii jirto. Waxaan dhamaanteen wada ogsoonahay in ay wado dheer nasugeyso lakiinse aan ku heeyno qalbiga arrimaha sidii aan horay ugu riixi laheeyn.

Walaalkina Ahmedou Ould- Abdalla

Xafiiska:
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office- 254 20 762 6869
Mobile – 254 737 400133

La xiriir:
Email: Donna.Cusumano@unon.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

7 Jawaabood " Walad Cabdalla: Warqad ku socota Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee u nool Dalka Dibaddisa. (war. Number 24) "

  1. kamaal says:

    Wallad cabdala waa madaxwaynaha somaliya hadaad rumaysan laheed iyo hadii kale wadamada dagaalada sokeeye ka dhacaan unite nationka waxay u soo magacabaan nin ka noqda madaxwayne inta wadankaas xaladiisa meel u dhacayso.
    wallad cabdala wuxuu u shaqeeyaa unka 20 sano ayay unka somaliya ka warqabeen in warlord iyo rag qabiiliistayaal ah ay somali ka dhigeen mid dhintay mid bada orod ku galay mid kenya orod ku soo galay markii dhalinyaradii hoyadood lagu hor kufsaday walaashiisna lagu hor xoogay ay qoryaha qateen.
    Inuu wallad cabdala warqad noo soo qoro bil walba asagoo leh waxaan ahay madaxwaynaha somaliya wallad cabdala wuu ogyahay inanaan ugandhees rabin inaanan ethopia rabin, wuu ogyahay inaan rabno in wadanka dhexdiisa shir somali la iskugu keeno, intaas oo dhan ma rabo.

    wuxuu rabaa dowlad diyarada unka lagu soo qaado sida canabooraha oo aan la aqoon cid soo dooratay inuu warqado enternetka bishiiba mar noogu soo qoro.adeer warqadaha ha iska dhameen dhalinta somaliyeed waytashteen ninkii qaranimadeenii godka ku riday inaan shaqo ka qabano ayaan go’aan ku gaaray.

    Wallad cabdala Oday danbe oo qabiiliista ah oo aad somali ku kala dirto si ay reer reer isku layaan waa kaga dhamaatay ilaah ayaana mahadaas leh madaxwayne danbe oo danbiil ku jira oo aad mogadisho ka soo dajiso waa kaaga dhamaatay somali waxay rabto ayaa socanaya caruurtaada meel kale ka biilo caruurta somaliyeed dhiigooda intaad dhuuqi kartay dhuuqdaye.

  2. Dr Yusuf says:

    Asalaama caleykum ww,
    Walad cabdalla waa nin Muslim ah hadana Aminsan in Alqacida tahay argagixiso aminsana in Alshabaab yahiin Argagixiso ninkaas oo kalena hadafkiisu waa raali gelinta Gaalada waana tacab khasaar ama munaafiq og xaqa balse aan dan kalahayn iguna ogaada waxba kasoo bixi mayaan waxuu ninkaan wado Dawlad ka kooban laba sheriif iyo Adan madoobe ma filayo in la dhoobdhoobi karayo.
    waxuu hada noo soo qorayna wax micna ku fadhiya maaha,waayo wadankan xisbul islaam iyo alshabaab baa haysta xal ragaas lagula heshiisiyona mahayo waxuna noo sheegay iney Argagixiso yahiin,Ugandana ay xaq noo soo celineyso.
    Mogadishu wey dhowdahay waayo Qabuurahii la caabudi jirey waa ladundumiyey,Dulmigii kale ee ka dhacay sida deriskii la dhacay,Dilkii muslimiinta xaqdarada ahaa,Kufsigii,Afduubkii,kaganacsigii culimada,isbaradii,Qabiilkii arimahaas waa gebagebao hadii lala shaqeeyo labadaas kooxod ee xisbul islaam iyo Alshabaab ,Uganda iyo Brundi na Wadanka laga saaro ,laba sheriif magangelyo USA siiso,waayo Ayada quraanka waxey aheyd ” idaa jaa’a xaq wazahaqa badila ina badaila ka zahuuqa” Mogadishu waxii ka dhacay maaha wax ay dimoqradiyad wax ka qabankarto xaqna uma laha dimoqradiyad lagu daaweeyo waa in Alle swt loo noqdaa sidaas baana xal ku imaan karaa.
    Mahadsanidin

  3. maxammad says:

    waxaan idinka codsanayaa in la kaydiyo qoraaladda cabdalla waayo waa taariikh, waaxana taageersnahay in la daabaco waayo wax aan la daabicin taariikhda ma galaan, waana u mahad celinaynaa somalitalk in ay daabacaan waayo ma ha keliy ain la daabaco waxaan jecelnahay, sidoo kale waa in la ogaado cidda ina hagardaamisa oo loogu qoro buugaagta taariikhda.

  4. Aslam.caleykum dhamaan ayaan leyahay gaar ahaan bahda wepkan .marka xiga anigu uma arko walad cabdala iyo shaqiif yaal eey yihiin dad wax kaqaban kara xalada soomaaliya ee waa shirkad isku xirin looguna talagay un in eey dhibaa tada horiyaan by abdirizak hassan

  5. Ceeyroow says:

    Ku: Walad Abdalla & Somalitalk
    waxaan idin leeyahay bahda somalitalk waxaa tihiin shabakada kaliya ee dhaxal galka ka ah shabakadaha somalida maxaa ku kasbateen?? waxaa ku kasbateen arima aad ka hadashin ee wax tarka u leh ummada somaliyed sida barnaamijkii bada iyo sidaa u soo bandhigteen iyo sunta badeena ama xeebaheena lagu shubo halka shabakadaah kale kaga mashquulsanyihin qolo hebel aa saas ah iyo dicaayad aan wax tar lahayn intaa kedib maxaa ninkaan dayooskaa ee GUBAY somalia hadalkiisa u fasirteen ama u soo gudbiseen waa danbiilaha somalia ka degi la,adahay ee warkiisa dooni mayno waana nin danbiile ah una baahan maxkamad caalami ah awal aysan gaalo maxkamad saarayn e alle ayaa saaraa malin insha allaah

  6. magacaygu waa Abdiaziz deggen Danmark hadaan comment kabixiyo waraaqda Ahmed walad Abdalla, waxaan leeyahay soomaaliya horta ilaahay haysusoo celiyo,waxaan dhihi karaa walad Abdalla waa nin shaqaysanaya, dentiisu wataa laga yeebeen in uu islaam fiicanyahay oo ka naxaya xaaladda maanta dalkeenu ku jiro laakiin waxaa ayaan daro ah in maanta la inoo sheego denteen oo layiraahdo war sas yeela oo dalkiina u fakara, waxaan ku soo koobayaa ilaahow soomaali danteeda garansii Aamiin Aamiin Aamiin. Abdiaziz

  7. Farah says:

    Haddaan madaxweynaha Somaliya ahaan lahaa, Md. Walad Cabdalla waxaan ka codsan lahaa in uu ii noqdo Wakiilka Jaaliyadaha Somaliyeed, waayo wuxuu kaga wanaagsan yahay midka loo magacaabay Jaaliyadaha dibedda oo aan xattaa magaciisaba la aqoon iska daa in uu cid la xiriiro,
    laakiin waxaan ku nacay, waa dullaaal weyn waana ninkii ka dhaadhiciyey KOOXDA ISMA DHAANTO (Shariif Sakiin iyo Shariif Suufi) in ay badda Somaliya u saxiixaan Kenya, waxaan u malaynayaa in uu xoogaa sixirka ka yaqaan, sidee niman waaweyn oo mas’uuliyiin ah ugu shukaamiyey in ay baddii ummadda ay mas’uul ka yihiin una dhaarteen kitaab Alle inkastoo aan daacadi jirin ugu saxiixeen Kenya ¿