Home » Warar »

Warar Goos Goos ah ee Maanta

Shirkadda Dahabshiil oo la gudoonsiiyey Abaalmarinta Adeegga Bulshada iyo  Wasiir Kuxigeenka Amniga Puntland (Xoosh) oo la hadlay reer  Minneapolis iyo Duqayn ka dhacday Muqdisho….

Wararkaas faahfaahsan hoos ka akhri:

………

Khudbadii W/xigeenka Amniga Puntland Cali Yuusuf Xoosh u jeediyey Jaaliyadda Minneapolis HALKAN KA DAAWO..
….

Duqeymo iyo madaafiic oo la isku weydaarsaday qeybo ka mid ah Dagmooyinka Gobolka banadir .

Madaafic dhawaqyo waaweyn ayaa laga maqlayay dhamaan dafaha magaalada Muqdisho iyada oo aan la ogeyn sababaha dhaliyey waxaana uu u dhaxeeyaa iska horimaadkaan dhinacyada dowlada Fadaraalka KMG somaliya iyo ciidamda Midowga Africa oo isku dhinac ah iyo xoogagaga dagaalka hubeysan kala soo horjeedo ee diidan fikirka dowlada iyo weliba joogitaanka ciidamada shisheeye ee gudaha dalka somaliya .

Tan iyo wixii ka danbeeyey imaatinkii ciidamada shisheeye ee gudaha somaliya ayaa waxaa goobo badan caado ka noqotay iska horimaadyada hubeysan iyo gantaalaha la isku liishaamo kuwaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho,dhawac,burbur hantiyaded, barakac , iyo xaafado dhan oo hada u ekaaday dhul lama degaan ah waxaan la isweydiin cidii wax ku noqoto .

Duqeymaha noocaan oo kale ah marka ay socdaan ayaa waxaa caado u noqotay ciidamda AMISOM in ay adeegsadaan madaficda iyo gantaalaha lidka diyaradaha iyo qoriga B_Emka  oo halkii mar ay ka dhacayso sida ay sheegayaan dadka aqoonta durugsan u leh 21 madfac kaas oo logu tala galay in uu burburiyo goobta lagu rido oo aan waxba ka harin dad iyo duunyo wixii aagas ku noolaa .

Arintu si kastaba ha ahaatee lama oga khasaaraha dhabta ah  ee ay geysatay duqeyntaan ugu danbeysay duqeymo is daba jog ahaa oo ku socday waayadaan danbe dadka reer Muqdisho waxaana duqeymihii ugu danbeeyey ee shalay foog ka dhacay Muqdisho ku geriyoday in kabadan 20 qof iyada oo uu dhawacun garayey 43 qof sida ay sheegeen isbitaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa ah maalin uu dagaal ka socdo dagmooyinka qaarkood halka maalinta ku xigtana uu socdo aaska dadkii ku dhintay duqeymaha ay geysanayaan dhinacyada iska soo horjeedo waxaana sidoo kale ah in waqti kasta iyo meelkasta uu ka bilaaban karo dagaal la isu adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiicda goobta .
    
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

…………………………….

    Warsaxaafadeed 

SHIRKADDA DAHABSHIIL OO LA GUDDOONSIIYEY ABAALMARINTA 4O SANNADOOD OO ADEEG BULSHO OO HUFAN AH 

Shirkadda Dahabshiil, oo ah hormuudka  shirkadaha lacagaha u xawilla Geeska Afrika ee London ku yaalla, ayuu Duqa (Mayor) Tower Hamlets guddoonsiiyey abaalmarinta Ka-Dhex Muuqashada Sarraysa ee Bulshada  (Award for Excellence in the Community) 

Abaalmarinta Shirkadda, oo uu guddoonsiiyey Duqa Tower Hamlets (London), Councilor Ahmed Adan Omar, waxay aqoonsi u tahay adeegga aadka u hufan ee shirkadda Dahabshiil u hurtay bulshada Soomaalida ah gudo iyo dibedba afartankii sannadood ee u dambeeyey. 

“Waxan aad ugu diirsanayaa inaan shirkadda Dahabshiil guddoonsiiyo manta Abaalmarinta Duqa  Tower Hamlets oo ay ku mutaysatay sida waxtarkeedu uga dhex muuqday bulshada ay u adeegto shirkaddu,” ayuu yidhi Duqu, Councilor Ahmed Adam Omer. 

 “Shirkadda Dahabshiil waxay tusaale looga dayan karo tahay sida la isugu wadi karo ganacsi iyo adeeg bulsho, iyada oo waxtar muuqda ku celineysa macaamiisheeda, deegaanka iyo hawlwadeenkeedaba,” ayuu yidhi Duqu. 

“Shirkadda Dahabshiil waxay tiir-dhexaad u ahayd bulshadeenna tobanaankii sannadood ee inna soo dhaafay; waana wax lagu diirsadaa in aad aragto shirkad Afrikaan ah oo sida Dahabshiil isu tara oo u hanaqaada, iyada oo uu saamayn togan ku yeeshay dhammaanba waddankan iyo adduunweynaha kale (ee adeegga shirkaddu gaadhoba),” ayuu ku daray Duqa magaaladu. 

Shirkadda Dahabshiil, oo 200 oo xafiis/goobood ku leh waddanka UK oo keli ah, iyada oo adduunweynaha kale ay ku leedahay ama kala xidhiidho ilaa 24 000 oo wakiil oo ku kala baahsan ilaa 144 dal, waxay ku celisaa ugu yaraan 5% faa’iidada ka soo gasha bulshada si loogu abuuro mashaariic horumarineed oo wax-ku-ool ah ayna ka mid yihiin kuwa waxbarashada, cusbataallada, beeraha, fayadhawrka, iwm.   

Waddanka UK , tusaale ahaan, waxa shirkaddu maalgelisaa Toddobaadka Soomaalida (Somali Festival Week) oo bulshada Soomaalidus isku dhex gasho iyada oo dhaqankeeda iyo afka horumaruintiisa lagu soo bandhigo. Sidaa oo kale waxay shirkaddu taageertaa Ururka Dhallinyarada ee Ciyaartoyga oo horumarinta ciyaaraha iyo tartannada la xidhiidha bulshada UK iyo tan Yurub degganba u qabanqaabiya. 

Cabdirashiid Maxamed Siciid, Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil oo abaalmarinta ka hadlay, waxa uu ka yidhi: “Sharaf ayay noo tahay inaanu guddoonno Abaalmarinta Duqa Tower Hamlets ee aqoonsiga u ah adeegga aadka u sarreeya ee shirkaddu bulshada u hayso, oo muujinaya sida ay shirkadda uga go’an tahay sii-adkaynta ammaanada bulshada loo hayo iyo u-dhego-nuglaanta danahooda iyo mas’uuliyadda naga saran bulshada.” 


 

”Aad ayaannu ugu faraxsannahay inaanu falsafad ahaan muwaadin caalami ah noqonno, heer caalamina ku shaqaynno, waxannuna mar walba hiyiga iyo maanka ku haynaa sidii aannu u sii hurumarin lahayn adeegyada aannu bixinno, kuwo cusub oo bulshada waxtar u lehna  u unki  oo ugu soo bandhigi layan,” ayuu yidhi CEO Abdirashid. 

Xafladda Abaalmarinta, oo lagu qabtay Xarunta Tower Hamlets, London, UK, waxa ka qayb galay Duqa Deegaanka, Councilor Ahmed Adam Omer, Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Duale, iyo saraakiil kale oo ka tirsan  shirkadda. 

Shirkadda Dahabshiil waxa ka hawl gala in kabad 2000 oo shaqaale ah, waxayna door weyn ka qaadataa isu-gudbinta lacagaha ee hay’adaha Caalamiga ahi ku agaasimaan mashaariicda horumarineed.

In ka badan 95% hay’adaha caalamiga ah, ee ay ka midka yihiin, kuwa Qaramada Midoobey, sida World Health Organization, World Bank, Oxfam, Save the Children Alliance, waxay u adeegsadaan shirkadda Dahabshiil si adeeg hufan loogu fidiyo hawlwadeenkooda iyo barnaamijyadoodaba, guud ahaan. 
 

“Xawilaadda lacaguhu waxay in badan oo qoysaska Soomaalida ka mid ah u tahay tan lagu tiirsan yihiin ee nolol-maalmeedka laga helo taas oo xubnaha qoysaskooda iyo saaxiibbadooda dibedaha ku nooli si joogto ah lacago ugu soo xawilaan,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Abdirashid Duale. 

– ENDS –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.