Home » Warar »

Heshiis Is-Afgarad oo Dhexmaray Maamulka Puntland iyo Xukuumadda DFKMG

Waxaa maanta 12 April.2010 lagu kala saxiixday Hotel Safari Park ee Nairobi, heshiis is afgarad oo dhex maray maamulka Puntland iyo xukuumadda federalka ku meel gaarka ah ee Somaliya, heshiiskaas oo daba socday heshiiskii ay kal hore labada maamul ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacayo, ayaa ujeedadiisu ahayd ;

1- In la xoojiyo sharciga iyo kala dambaynta bad iyo berigaba.

2- In dib loo dhiso lana habeeyo ciidanka aminiga ee dalka. ( ciidamada badda ee la dagaalama burcad badeeda, saldhigna looga dhiga Puntland).

3- In shaqo loo abuuro dadka shaqola’aantu hayso (gaar ahaan dadka xeebaha ku teedsan)

4- In laga sifeeyo xeebaha dalka wasakhda (gaar ahaan xeebaha Puntland.

5- In wacyi gelin loo sameeyo shacabka si loo soo afjaro burcad badeeda iyo arimaha la xiriira.

Kulankaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay, hay’adaha iyo dawladaha daneeya arrimaha Somaliya, oo ay ka mid yihiin ; dawladda Talyaaniga, Swedan, Spain, France, wakiilka EU-da u fadhiya Nairobi iyo waliba wakiilka Jamciyadda quruumaha u dhexaysa u qaabilsan arrimaha Somaliya Mr. Weled Cabdalla.

Dawladda Puntland iyo TFG-da ayaa waxaa u saxiixay heshiiskaan Wasiirka  Arrimaha Gudaha Gen. Cabdulahi Axmed Jamac (Ilka jiir) iyo Wasiirka Gaashaandhiga Cabdalla Boss, waxaana goobjoogayaal ka ahaa Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamud (Farole) iyo Ra’isal wasaare ku xigeenka TFG, Sharif Xasan.

Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay kulankaan ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin kuna bogaadinayaa labada dhinac heshiiskaan is afgarad ee dhaxmay Pl iyo TFG, kaasoo ah talaabo loo qaaday xaga horumarka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Qoraalka heshiiskaan ayaan dib idiinka soo gudbinaynaa haddii alle idmo.

DFKMG iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday, Apr 12, 2010- Nairobi, Kenya.
(waxaa u saxiixay Wasiirka  Arrimaha Gudaha Puntland Gen. Cabdulahi Axmed Jamac (Ilka jiir) iyo Wasiirka Gaashaandhiga DFKMG Cabdalla Boss)

Isha warka: Xafiiska Madaxweynaha Puntland

………….


DGPL iyo DFKMG oo heshiis saxiixanaya August 23, 2009 – Gaalkacyo, Soomaaliya
(Waxaa u saxiixay Ra’iisul wasaaraha DFKMG Cumar C/rashiid iyo madaxweynaha Puntland Dr. C/raxman Faroole)
http://www.somalitalk.com/2009/may/13/badda92.html

Heshiiskii Puntland iyo DFKMG ku dhexmaray gaalkacyo Agoosto 2009
Akhri: http://www.somalitalk.com/2009/may/13/heshiis.html

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Heshiis Is-Afgarad oo Dhexmaray Maamulka Puntland iyo Xukuumadda DFKMG "

  1. Muse says:

    Heshiiska la dagaallanka Burcadeedka waxaa ku lifaaqan heshiisyo kale oo aan loogu talo gelin in bulshada iyo saxaafadda madaxa bannaan lala socodsiiyo.
    Inkastoo Madaxda Puntalnd mowqif adag iska taageen Mashruuca la dagaallanka burcadda in laga hirgeliyo Puntland haddii kale maya, iyadoo koox u oomman in ay dullaalaan dhiigga shacabka Jabuuti heshiis gaar ah kula galeen in ay dhaqaalaha kala tuurtaan waxaa cad in ay Puntland u hiiliyeen wadamada deeqda bixiyey oo go’aansadey in mashruuca laga hirgeliyo Puntland, laakiin saxiixii federalka waxaa lagu xiray shuruud ah in madaxda Puntland dhaqaalaha lala qaybsado iyo in ay aqbalaan hirgelinta lacagta lagu soo daacayo Suudaan oo Puntland laga siiyo xoogaa sandareerto ah oo aan u qalmin. waxaa habboon in aan ogaanno tirada dhabta ah ee lacagta la soo daaabacay, dokumentigii lagu daabacay, iyo in laga wada hadlo culayska dhibta dhaqaale ee ay Puntland u keeni karto haddii ay soo gasho lacagtaasi gobolladeenna, Tani waxay la mid tahay lacagtii 1992 uu soo sameystay Cali Mahdi oo la oran jirey NUURTO !! hase yeeshee aqoonyahannada, odayaasha, ganacsatada, iyo shacabka Puntland oo isku duuban ay iska fogeeyeen oo si cad u diiideen dhibaatadii ay lacagtaasi xanbaarsanayd iyadoo xilligaa Puntland (Waqooyi BarI) loo qoondeeyey 5 billiyan oo keliya, maantana la sheegayo in Puntland-ta cusub la siiyo 5% wax la mid ah oo aan u qalmin, taasi waxay u muuqataa cay.
    Shacabku waxay ku guubaabinayaan Golaha xukuumadda iyo golayaasha kaleba in ay ka fiirsdaaan lacagta Suudaan loogu soo daabacayo maamulka Federalka oo laga yaabo in ay jillaafo hor leh ku noqoto arrintaasi dadweynaha Puntland.
    Towfiiqda Alla hayna waafajiyo

  2. abdi says:

    waa arin lagu farxo in ay heshiyeen labada mamul puntland iyo KMG . lakiin madhabbaa heshishkan ? allowkayeel

  3. Anigu waxaan leeyahay soomaaliyey inta ajnabigu idin heshiisiinayo nadiif maahidin ee intaad alle ka baqdaan guryaha aad degan tihiin isugu imaada oo qalbiga isu xaara oo badbaadiya dalkiina iyo dadkiina iyo diintiina.

    Xalaal uma arko heshiis dowlado kale ama UN dhoodhoobeen

  4. Muxumud says:

    Tolow heshiiskan la faafiyey ma kii Gaalkacayo ayuu lagu daafadeynayaa ee sannadkii hore oo uu ra’iisal wasaarihii dalku qalinka ku duugey? waxaana iga su’aal ah ma la laaalay heshiis Ra’iisal wasaaruhu saxiixay? kee baa ummadda Puntland u faa’iido badnaa haddii wax hirgalaan. ?? qodobadaan iyo kii hore ma isu qalmaan???????????
    Ma dhabbaaa in la hirgelinayo heshiis Kaaliye ra’iisal wasaare saxiixay ? Maxaa dhagar ku dahaaran!!!!!!!!!!!!!
    waxaa la diidey heshiis ka dhacay jamhuuriyadda Somaliya dhexdeeda ah, waxaa la sheegayaa in la hirgelinayo mid ka dhacay Dalka dibeddiisa, oo ay dhex fadhiyaan ajnebi kala duwan?
    Madaxweyne faroole, ma heshiiskii gaalkacayo ma kan ayaa kala miisaan weynaaay? Maxaa heshiis kale isla Gaalkacayo loogu qaban waayey oo lagu cayilinayo kii ka horreeyey mise waxaa laga doorbidey in marwalba laga door bido heshiis Somali dhexdeed gaarto mid ahnebi daadihinayo?
    heshiiskaan waxaan u furi doonaa fayl gaar ah waxaa ka hir gala. Il gaar ahaana ummaddu ku hayn doontaa.
    wallaahi towfiiq.

  5. samatar says:

    heshiiski hore waxa uu ka socon wayaay waa shariif sakiin haddana isaga aya ogolaaday marka sidaas ayuu ku soconayaa hadeeysan sidaas eheyn maxeey labada heshiis kula duwanyihiin , labada nin ee saxiisay uunbaa kala duwan wa shariif sakiin iyo cumar c/rashiid wax kale kuma kala duwana marka khaadimu shariifeen oo ah cumar c/rashiid meesha waa iska joga ma ehee wax aysan labada shariif raali ka eheyn ma sameen karo muxuu magaca abihiis ku cayaaray