Home » Announcements »

Casho sharaf loogu sameeyay Waqooyiga magaalada London marti sharaf Isboorti oo booqanaya magaalada London

 London 19/03/2010. Waxaa lagu qabtey maqaayada Ramadda oo ku taal Waqooyiga magaalada London casho sharaf lagu soo dhawaynaayo ciyaaryahanadda kale ah Cumar Calasow Raage ( Kooxda Muqdisho) iyo C/kariim Mohamud ( Kooxda Betroolka), kuwaasoo booqasho ku soo gaarey magaalada London, islamarkaana waxaa laga wada hadlay sidii bahda Isboortiga ee degan magaalada u yeelan lahaayeen iskaashi midaysan, islamarkaana khilaafyada yar yare e jira looga saari lahaa dariishada.

Halkan ka daawo sawirro dheeraad ah

Waxyaabihii laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa xaalada Isboorti ee dalka Soomaaliya iyo kaalinta Qurba joogta isboortiga Soomaaliyeed islamarkaana mowqif wanaagsan looga qaadan lahaa sidii wax looga qaban lahaa, waxaana meesha warbixino kale duwan ka bixiyay ciyaarayahanada ka soo qayb galay cashada kuwaasoo sheegay inay ku howlan yihiin dhisid ururka ciyaartooydii hore ee ku dhaqan magaalada London islamarkaana ay doonayaan inay u gudbaan wadamada kale, si ay wax ugu qabtaan xaalada ciyaartooyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Soomaaliya.

Ciyaaryahanadaan ayaa ka dhawaajiyay sida ay ugu faraxsan yihiin dadaalkii iyo wax qabadkii uu muujiyay Allaha u raxmadee Wasiirkii hore ee Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya marxuum Saleebaan Colaad Rooble, islamarkaana waxay Dowlada Soomaaliya ugu baaqeen inay si degdeg ah booskii iyo shaqadii u baneeyay marxuumka Dowlada Soomaaliya ugu soo magacaawdaa shaqsi kale oo wanaagsan oo wax ka qaban kara howlaha Isboortiga dalka Soomaaliya oo u baahan in isbadal muuqda oo degdeg ah lagu sameeyo.

‘’Waxayna si wadajir ah u codsanayaan Dowlada Soomaaliya in xilkaas loo magacaabo shaqsi isboorti ah oo nadiif ah islamarkaana howlihii wasiirka ka tagay ka sii dhaqaajiya halkiisa’’

Waxay kale sheegeen inay aad u taageersan yihiin fikirka lagu soo celiyay kooxihii hore ee dalka ka jiri jirey ee lahaa taariikhda islamarkaana waxay walaac ka muujiyeen qaabka loo maamulo isboortiga dalka oo ay doonayaan inay faragalin ku sameeyaan mar alle iyo markii ay soo dhamaystiraan dhisida ururkooda Seria A-dii hore.

Waxay kale oo ay sheegeen inay doonayaan inay wax u qabtaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan magaalada London iyagoo aan hoos imaanaynin ururada ku qaraabta Isboortiga ee ka dhisan xaafadaha kale duwan.

Kulanka aad ku dhamaaday jawi aad u wanaagsan islamarkaana waxaa lagu balamay in laga wada shaqeeyo sidii Isboortiga dalka Soomaaliya iyo dhalinyarada Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa islamarkaana indhaha loogu hayn lahaa waxyaabaha ka socda dalka iyo dibadaba, waxayna codsadeen in saxaafada Isboortiga gacan ka siiyo howlaha ka wadaan magaalada London, kana soo qayb galaan shirarkooda soo socda.

Kulankaan ayaa lagu lafa gurey waxyaabo badan oo markii hore aragtiyo kale duwan laga qabay islamarkaana waxaa xaflada lagu soo gabagabeeyay jawi farxadeed iyo mid saaxiibtinimo, docda kale waxaa moodaa in ciyaartooydii hore ay doonayaan inay maamulka XSKC gacantooda ku soo celiyaan kadib markii ay arkeen qaabka loo maamulo ee qaldan, waayo hogaanka isboortiga dalka waxa u ka baxay gacanta dowlada iyo gacanta dadkii isboortiga ehelka u ahaa ayay yiraahdeen dhamaantood, waana sababta habacsanaanta ku keentay heerkii uu taagnaa isboortiga Soomaaliya wixii ka dambeeyay 1991.

Kulanka cashada waxaa ka soo qayb galay islamarkaana ka hadlay:

Mohamed Ismail Ali & Siciid Xuseen Ceyrow Kooxda Horseed & Xulka Qaranka

Bile Ali Omar Kooxda MBC Club

Axmed Baliile ( Abaliisha) Kooxda Gadiidka

Cabdixakiim Dheere, Mohamed Axmed Daysane & C/qaadiir Biriq kooxda Betroolka

Omar Calasow Raage, Zakariye Baliile iyo Cabdiweli kooxda Muqdisho

Cabdi Naasir Ismail’’Sola’’ iyo Yusuf Yusuf

NB: Habeenimada Isniinta soo galayso waxaa barnaamijka cayaaraha ee Universal TV ka daawan kartaan wareysi xiisa badan oo looga hadlaayo qaabka loo maamulo Isboortiga dalka Soomaaliya, waxaa wareysigaasi lala yeelan doonaa Mohamed Ismail ciyaaryahankii Qaranka iyo kooxda Horseed ee daawasho wacan.

W/D:Yusuf Yusuf

Editor of SSPAMEDIA

London

mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.