Home » Warar »

ONLF oo warsaxaafadeed ka soo saartay Bishaaro Wacdi Shaqlane oo loo dhiibey Itoobiya

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa si adag u cambaareynaysa sida sharcidarada ah ee loo qabtay looguna dhiibay nidaamka Itobiya ka taliya Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ka ah xubin sare Ururka Haweenka Ogadenya ee loo yaqaano – Ogaden Womens Democratic Alliance (OWDA). Gabadhan ayaa ahayd ganacsato laga qadariyo Hargaysa oy daganayd, sidaas waxaa ku bilowday warsaxaafadeed ka soo baxay ONLF oo u qornaa sidan:

WARSAXAAFADEED

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO)

Ogaden National Liberation Front (ONLF)

15 Feb. 2010

Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa si adag u cambaareynaysa sida sharcidarada ah ee loo qabtay looguna dhiibay nidaamka Itobiya ka taliya Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ka ah xubin sare Ururka Haweenka Ogadenya ee loo yaqaano – Ogaden Womens Democratic Alliance (OWDA). Gabadhan ayaa ahayd ganacsato laga qadariyo Hargaysa oy daganayd.

Bishaaro ayaa waxaa qabtay maamulka la magac baxay SomaliLand bishan 10keedii una dhiibay saraakiil ka socotay Sirdoonka Itobiya waqti yar ka dib. Bishaaro ayaa ka soo carartay Ogadenya ka dib markii si isdaba joog ah ay u cadaadiyeen Sirdoonka Itobiya sababa la xidhiidha dhaq-dhaqaaqeeda ay ku doonaysay xuquuqda Haweenka Ogadenya. Waxaa hadda ka hor xidhay 3ex jeer nidaamka Itobiya oo jidh-dil xoog leh u gaystay.

Waxaa markii ugu horeysay la xidhay Luulyo 2005tii arima la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa OWDA iyadoo xabsiga lagu jidh dilay oo labada gacmood ay ka jabiyeen ciidanka sirdoonka Itobiya intaan laga sii daynin xabsiga markii sadexaad 31kii January 2007. bishaaro ayaa u soo carartay Waqooyiga Somaliya waxayna si nabadgalya ah iyada iyo caruurteedii Hargaysa inta aanay ka qabanin gurigeeda mamulka Somaliland 10kii February 2010 oo aanay si dhaqsa leh ugu gacan galinin sirdoonka Itobiya.

Bishaaro ayaa ka soo carartay Ogadenya cadaadiskii lagu hayay dartii, waxayna iskaga diiwaan galisay hay’adda Qaxootiga ee UNHCR magaca ah (Shamsa Cabdulaahi Xirsi) si ay isaga qariso sirdoonka Itobiya oo xiriir la leh maamulka Somaliland.

Qabashada iyo gudbinta sharcidarada ah ee Bishaaro Wacdi Shaqlane waxay la xiriirtaa heshiiska wadashaqaynta ee dhex maray maamulka Somaliland iyo nidaamka Itobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirkii ka dhacay Hoteelka Semrat ee magaalada Dirdhabe Nofember 2009. Heshiiskaa ayaa lagu amray maamulka Hargaysa inay soo qabqabtaan oo si dhaqsa leh ugu soo gudbiyaan Itobiya dadka ka soo horjeeda xukuumada Zinawi. Waxaa hogaaminayay shirkaa dhanka Itobiya Generaal Abraham Woldhe Maryam, dhanka maamulka Somaliland waxaa ka socday Nuur Ismaaciil Taani oo madax ka ah ciidanka iyo Maxamad Saqadhi Dubad oo booliska xukuma iyo Xassan cabdi Yuusuf oo matalayay sirdoonka maamul ku sheega Somaliland.

Talaabadan lagu qabtay gabadhan u ololaysa xuquuqda haweenka Ogadenya ayaa ahayd midii ugu horeysay ay fuliyaan ka dib heshiiskii laba geesoodka ahaa. Wuxuu falkan xadgudub ku yahay qawaaniinta dawliga ah, wuxuuna ka marag kacayaa xadgudubka xuquuqul insaanka ee maamul ku sheega Somaliland.

JWXO waxaa hubaal ah in aanay u dulqaadan doonin xadgudubka lagu hayo shacabka Ogadenya ee sida sharcidarada ah loogu gacan galinayo cadawgooda. Maamul-ku-sheega Somaliland ayaan xambaaran doona dhibaatada ka dhalataa xadgudubyada badheedhka ah ee gumaysiga loogu adeegayo.

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya (JWXO) Ogaden National Liberation Front (ONLF) – 15, February 2010

Warbixinta VOA ee arintan ku saabsan halkan ka dhageyso – mp3

Sawirka Bisaaro Wacdi Shaqlane waxaad ka heli halkan

Date: 17th February 2010 Ref: OHRC/PR1/0210 

PRESS RELEASE 

SOMALILAND: ILLEGALLY ARRESTS AND RENDERS BISHARO WA’DI SHAQLANE TO ETHIOPIAN SECURITY FORCES 

On February 10th 2010, family members and relatives of Ms. Bisharo Wa’di Shaqlane informed Ogaden Human Rights Committee about her arrest by members of Somaliland Police and Ethiopian Security Forces. Since then her fate and whereabouts are unknown to her family.

Ms. Bisharo is a prominent feminist who was detained several times under different pretexts by the Ethiopian government.  The Ogaden Human Rights Committee has extensively documented her ordeal from 1996 to 2007 and all details about her past detention dates can be found in OHRC’s reports. See www.ogadenrights.org. During her detention periods she has undergone physical and psychological torture and she bears physical and psychological scars of the torture. Each time after long months of incommunicado detention without charges or trial she was released on bail, and was restricted to her detention location. In 2007, she escaped from her torturers and fled to Hargeisa seeking safety for her children and herself, where she registered herself as a refugee under another name.

Contrary to the letter and spirit of all human rights instruments which provide protection against refoulement, such as; The UN Convention against Torture, the Universal Declaration of Human Rights (UDHR) and  International Covenant on Civil and Political Rights (ICCPR), Somaliland administration handed over an innocent asylum seeker to the Ethiopian government, which systematically tortures detainees, including prisoners of conscience to extract confessions or information under duress.

In Somaliland, for the last 14 years, many Somalis from the Ogaden were detained, tortured, their private properties confiscated and then forcibly handed over to the Ethiopian government against their will, in exchange for political favours. Most of them were traders, residents, asylum seeker and visitors, who were not involved in any illegal activities and have no political affiliations whatsoever. 

Many of those who were forcibly returned to Ethiopia have since disappeared in the notorious military detention camps throughout Ethiopia and were never seen again by their loved ones while others were tortured to death.

To the best of the Ogaden Human Rights Committee’s knowledge, Ms. Bisharo was not involved in any illegal activity. She was only an ardent feminist who spoke out against rape of women, domestic violence and genital mutilation.

The Ogaden Human Rights Committee calls for her to be either charged with recognizable criminal offence and be given fair trial or immediately and unconditionally released. The OHRC also fears for her safety and well-being, particularly in view of constant reports about confessions made under duress. This fear is heightened by the baseless assertions of Mr. Abdi Mohamoud Omar, the head of the Somali Regional State Security and Justice Bureau, who falsely claimed, during an interview with VOA Somali Section that Ms. Bisharo was detained while she was in the area between Dhagaxbuur and Xarshin. Mr. Omar also verbally attacked and accused her of masterminding of a mine (hand grenade) attack which took place in Jigjiga, on May 28th 2007.

The Ogaden Human Rights Committee condemns all acts of killing, torture, arbitrary arrests, dispossession and forcible repatriation of refugees from the Ogaden from the neighbouring Somali administrations.

The Ogaden Human Rights Committee requests the international community, human rights and humanitarian organisations’ immediate intervention on behalf of Ms. Bisharo’s family to secure her immediate and unconditional release.

The OHRC calls upon the Ethiopian government to respect Ms. Bisharo’s basic human rights, including informing her family and relatives about her whereabouts, and granting unrestricted and regular access to them and to representatives of the International Committee of the Red Cross. 

Ogaden Human Rights Committee 
www.ogadenrights.org 
E-mail: ohrc@ogadenrights.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " ONLF oo warsaxaafadeed ka soo saartay Bishaaro Wacdi Shaqlane oo loo dhiibey Itoobiya "

  1. SAABIR says:

    ASC. WB

    Bacada salanta islamka waa wax laga wada naxo inta damiirka leh lakin waxaa loo bahan yahey jabhada ku sheegten qarmada ka arurusato masakin aan xaqiiqda aan ogen waxey sabatey inmagac ogaden lagu dhibo ee fadaln dadkiina uu naxa warqada aad qortan ama tv aad ka hadashaan waxey soo kordhineyso majirtohaduu media wax dad uu qabanyo waxuu wax uu qabani lahaa reer falistiin iyo inta dulman oo dhan hargeysa iyo ,bosaaso .jijiga halmeel baa laga maamulaa.

  2. Karaabe says:

    acw
    walaalaha website ku way mahadsan yihiin .
    walaalkay abdi isaguna wuu mahadsanyahay.
    runtii waa wax laga xumaado udhiibida Bishaaro wacdi ee cadowga loo dhiibay, iyad aiyo dad badan oo kal eoo reer Ogaadeeniya ahaba oon wax dambi ah galabsanin, waxayse taasi ku tusaysaa inayna jirin Soomaalinimo iyo islaamnimo midna.
    waxaan Eebbe ka rajayn hayaa in lagaadho xili dadka soomaaliyeeed e kunool Ogaadeeniya ee cadowgu haysto ay xor noqon doonaan ooy la xisaabtami doonaan idilba Soomaali ninkii abaal ugalay iyo kii Cadow u dhiiibay.
    waad mahadsantihiin mar labaad

  3. abdi says:

    walalayaal wan idin salaamay . salaan gadib waa qalad in qof islama loo dhiibo cadowka somaliyeed allah wuu ina waydiindoonaa xataa qof gal ah haduu islamka waydiisto nabadgalyo dadkii raadinayay oo uu ka soo cararay in loo dhiibo ma aha boonaa ka waran qof islama